raagsiimo
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
raagsiimo
-da: (magac, dhedig, keli) daahis iyo dib u dhicid wax la sugayo ama la filayo. Raagsiimo iska ilaali markaad shaqo ku jirto.
raagsiimo-da: (magac, dhedig, keli) in badan jirid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
raagsiino
m.l/dh la-mid: raagsasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Raagsiinyo
(Raagsiinya-ha)
Raagista wax lala raago; daahis; (ama raagsiino).
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
raagsiinyo
m.l/dh 1. la-mid: raagsasho. 2. Daahid badan.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
raagsiinyo
m. n. delay, tardiness, lateness
Ereybixinta Qalabka Farsamada Gacanta - Maxamuud Iimaan Aadan [1975]
Raagsiinyo
Adkaysimo, cimri dheeri.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
raagsiinyo
de: delay, tardiness, lateness
lx: raagsiinyo
pd: (/ha)
ps: n6-m
key: raagsiinyo
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
kaadsiimo
-da: (magac, dhedig, keli) degdeg la'aan, muddo hawl qabashadeeda la sugo. Dh: hubsasho. Li: degdegsiimo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
raallinimo
m.dh Qof wax ka raalli ah ahaansho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
raallinimo
-da: (magac, dhedig, keli) niyadsami iyo oggolaansho kal iyo laab ah.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
raawisnimo
m.dh Mindi raawis ahaansho. la-mid: saawirnimo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Raagsi
(Raagsi-ga)
Raagsasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
raagsi
m.l la-mid: raagsasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
raagsi
-ga: (magac, lab, keli) dheeraysi in badan la sugo wax maqan oo la naawwilayo. Dh: daahsi.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
raagso
f.g3 (-saday, -satay) Wax imaatinkoodu dib u dhacay daahsasho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
raagso
v. be impatient
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
raagso
-raagsaday / raagsatay: (v) feel something has taken longer than expected; feel unable to wait ~ daahso
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
raagso
(fal) dhererso wakhtiga qof ama wax aad sugayso. Dh: daahso.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
raagso
de: be impatient
lx: raagso
nt: raagsad (ka) [vn-m], raagsasho (/da) [vn-f], raagsi (ga) [vn-m] 'being impatient'
pd: (raagsaday)
ps: v3a=
key: raagso
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
casiimo
m.dh Qoraallo iyo akhrisyo diini oo loola jeedo in cid lagu waxyeelleeyo; asmo. la-mid: casiimad.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]

gasiimo
f.g3 (-iintay, -iimatay) la-mid: gesiimo.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
gasiimo
(fal) quudo oo ku noolow; dheefso oo cun.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
laasimo
f.g3 (-intay, -imatay) 1. Wax caadaysasho. 2. Meel ku raagid.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
laasimo
f.g3 (-intay, -imatay) 1. Wax caadaysasho. 2. Meel ku raagid. m.f.dh, laasimasho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
laasimo
v. be accustomed ~ habituated to something; reside permanently in a place
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
laasimo
-laasimay / laasintay: (v) accustom oneself; get used to; accustom (akastam). Ex: waxaan laasimay inaan saacado badan shaqeeyo; I have accustomed myself to working long hours
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
laasimo
de: be accustomed ~ habituated to s.t.; reside permanently in a place
lx: laasimo
pd: (laasintay)
ps: v3b=intr
key: laasimo
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
raacsii
f.g2 (-iiyay, -iisay) la-mid: raaci.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
Raxiimo
pr. n., [feminine] Rahima
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
Raxiimo
bw: Arabic
de: Rahima
lx: Raxiimo
ps: name-f
key: Raxiimo
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
baasiino
m.dh la-mid: baasiin.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
baasiino
m. n., (mass n.): gas, petrol
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
baasiino
de: gas, petrol
lx: baasiino
pd: (-ka)
ps: n6-m-mass
see: bansiin {It}
key: baasiino
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
bogsiimo
-ha: (magac, lab, keli) caafimaadid; bogsasho. Nabarkii wiilka lagu dhiftay haddeed waa bogsiimo. Dh: caafimaad.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
daaqsimo
-da: (magac, dhedig, keli) dhulka xooluhu daaqaan. Daaqsimo ayaa dhulkan loogu tala galay. Dh: daaqsin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Degsiimo
(Degsiima-da)
Degmo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
degsiimo
m.dh Meel la degganyahay. la-mid: degmo (3).
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
degsiimo
f. n. settlement; camp; community
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
degsiimo
-da: (magac, dhedig, keli) meel laga helayo baahida aasaasiga u ah dadka.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
degsiimo
de: settlement; camp; community
lx: degsiimo
pd: (/da)
ps: n6-f
key: degsiimo
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
harsiimo
m.dh la-mid: harsimo.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
harsiimo
-da: (magac, dhedig, keli) cuntada maalinta badhtamaheega la cuno. Dh: hadhimo, qado.
harsiimo -da: (magac, dhedig, keli) maalinta inteeda kulul. Dh: yoomeyoome, baaxadsoore.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Naagnimo
(Naagnima-da)
Naag ahaansho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
naagnimo
m.dh Naag ahaansho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
naagnimo
f. n., [abstract] womanhood, wifehood
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
naagnimo
-naagnimada: (n) womanhood (woman huudh); femininity (fami niiniti); femaleness (fii-meel-nes)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
naagnimo
-da: (magac, dhedig, keli) karti dumar oo fiican lahaan. Li: ninimo.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
naagnimo
de: womanhood, wifehood
lx: naagnimo
pd: (/da)
ps: n0-f-abs
key: naagnimo
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Naarsimo
(Naarsima-da)
Qalabka birtumaha guud ahaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
naarsimo
m.dh.u Magaca guud ee qalabka birtumuhu adeegsado oo dhan leeyihiin.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
naarsimo
f. n., [collective] blacksmith's tool
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
naarsimo
-da: (magac, dhedig, keli) qalabka birr tumaha oo dhan. Tumaal naarsimo lagama waayo.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
naarsimo
de: blacksmith's tool
lx: naarsimo
pd: \pd(/da)
ps: n6-f-col
key: naarsimo
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
raacsiin
m.dh la-mid: raacin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
raacsiin
-ta: (magac, dhedig, keli) wax kale wax ku darid ama ka dabageyn.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
raganimo
-da: (magac, dhedig, keli) rag ahaan qof jira oo waxtar leh ahaan. Raganimada sooceeda, adigoo sagaal buuxshay; hal ku seegay baa yaalla. Dh: fariidnimo, dadnimo. Li: nacasnimo.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
taysiimo
-da: (magac, dhedig, keli) marka geela la soo dhaco neefka ciidanku qashaan. Dh: halabo.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
yaasiimi
(fal) 'qof sakaraad ah' Yaasiinka ku akhri, Yaasiimi inta ayna naftu ka boodin. Dh: gunaanad.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
baansiino
m.dh la-mid: baansiin.
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
caasinimo
-caasinimada: (n) 1. not taking care of one's parents. 2. the act of failing to fulfil Islamic duties
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hadhsiimo
-da: (magac, dhedig, keli) maalinta badhtankeeda ee kulaylka ah. Dh: harsiimo.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
kaadsiino
-da: (magac, dhedig, keli) eeg kaadsiimo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Raagsasho
(Raagsasha-da)
Wax raagey la noqosho; daahsasho; dhererid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
raagsasho
m.f.dh eeg raagso. la-mid: raagsad, raagsi, raagsiino, raagsiinyo.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
raagsasho
vl. n. impatience
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
raagsasho
-da: (magac, dhedig, keli) wax dherersasho oo sugiddiisa ka daalid. Wax gacan la hubo ku jiraa raagsasho ma leh. Dh: daahsasho.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
raagsasho
de: impatience
lx: raagsasho
pd: (/da)
ps: vn6-f
see: raagso
key: raagsasho
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Raallinnimo
(Raallinnima-da)
Raalli ahaansho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
raallinnimo
f. n. obedience, tolerance
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
raallinnimo
-raallinnimada: (n) satisfaction (satis-fak-shin)-, contentment; appeasement
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
raallinnimo
de: obedience, tolerance
lx: raallinnimo
pd: (/da)
ps: n6-f
key: raallinnimo
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
adkaysiimo
-da: (magac, dhedig, keli) dhibaatooyinka, samir iyo dulqaad u yeelasho.
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
baarrinimo
-baarrinimada: (n) kindness, especially to parents; obedience to parents
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
baarrinimo
-da: (magac, dhedig, keli) baarri ahaan: waalid'addeec ahaan. Baarrinimada jannadaa lagu galaa.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Basaasnimo
(Basaasnima-da)
Jaasuusnimo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
basaasnimo
m.dh Basaas ahaansho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
basaasnimo
f. n., [collective] espionage, reconnaissance
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
basaasnimo
basaasnimada: (n) espionage (espiye naaj); an act of spying; intelligence ~ jaajuusnimo
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
basaasnimo
-da: (magac, dhedig, keli) mid sirdoon ku shaqaysta ahaan. Dh: jaajuusnimo.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
basaasnimo
de: espionage, reconnaissance
lx: basaasnimo
pd: (/da)
ps: n0-f-abs; n6-f
key: basaasnimo
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Caajisnimo
(Caajisnima-da)
Caajis ahaansho; wahsad.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
caajisnimo
m.dh Caajis ahaansho. la-mid: cajisnimo.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
caajisnimo
f. n., [abstract] laziness
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
caajisnimo
-caajisnimada: (n) laziness (ley-sines); idleness, passiveness
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
caajisnimo
-da: (magac, dhedig, keli) wahsi badnaan, wahsasho.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
caajisnimo
de: laziness
lx: caajisnimo
pd: (/da)
ps: n0-f-abs
key: caajisnimo
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
caasinnimo
m.dh Caasi ahaansho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
caasinnimo
f. n., [abstract] disobedience, insubordination, unfiliality
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
caasinnimo
-da: (magac, dhedig, keli) caasi ahaansho.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
caasinnimo
de: disobedience, insubordination, unfiliality
lx: caasinnimo
pd: (/da)
ps: n0-f-abs
key: caasinnimo
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
daallinimo
(magac, dhedig, keli) qof daallin ah ahaan, dulminimo ku dhaqmid. Daallinimada dadka iska ilaali.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
faasidnimo
-da: (magac, dhedig, keli) faasid ahaan wax xumaaday ahaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Faasiqnimo
(Faasiqnima-da)
Faasiq ahaansho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
faasiqnimo
m.dh Faasiq ahaansho. la-mid: faasuqnimo.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
faasiqnimo
f. n., [abstract] heresy
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
faasiqnimo
-faasiqnimada: (n) an immoral act or practice: heresy (herasi);
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
faasiqnimo
-da: (magac, dhedig, keli) faasiq ahaansho.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
faasiqnimo
de: heresy
lx: faasiqnimo
pd: (/da)
ps: n0-f-abs
key: faasiqnimo
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
gaawisnimo
-da: (magac, dhedig, keli) mid tamar daran oo aan dhaqaaq lahayn ahaan.