raadiyografi
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
raadiyografi
m.l (-iyo, m.dh) (daawo) Raajada cuduraqoonsiga. Farsamada baari-taanka jirka ayadoo la dhexmarsiinayo fallaraha ekis (x-rays), waxay soo saartaa sawirro (raadiyograafis) ku yaal beniikol loogu talaggalay ama iskriin fallooroshidan leh. Raadiyograafka waxaa loo adeegsadaa cudur aqoonsiga: lafaha jaba, boogcaloo-leed, iyo dhagax gala xameeytihaysta ama kelyaha, marka baaritaanka dibedda uu ku fillaan waayo cudur aqoonsiga.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
raadiyografi
m.l (-iyo, m.dh) (daaw.) Raajada cuduraqoonsiga. Farsamada baaritaanka jirka ayadoo la dhexmarsiinayo fallaraha ekis (x-rays), waxay soo saartaa sawirro (raadiyograafis) ku yaal beniikol loogu talaggalay ama iskriin fallooroshidan leh. Raadiyograafka waxaa loo adeegsadaa cudur aqoonsiga: lafaha jaba, boogcalooleed, iyo dhagax gala xameeytihaysta ama kelyaha, marka baaritaanka dibedda uu ku fillaan waayo cudur aqoonsiga.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
raadiyografi
-ga: (magac, lab, keli) raajada cuduragoonsiga. Farsamada baari-taanka jirka ayadoo la dhexmarsiinayo falladhaha ekis (x-rays) waxay soo saartaa sawirro (raadiyograafis) ku yaal beniikol loogu talaggalay ama iskriin fallooroshidan leh. Raadiyograafka waxaa loo adeegsadaa cudur aqoonsiga: lafaha jaba, boogcaloo-leed, iyo dhagax gala xameeytihaysta ama kelyaha, marka baaritaanka dibedda uu ku fillaan waayo cudur aqoonsiga.
Qaamuus Talyaani-Soomaali - Cabdalla Cumar Mansuur, Axmed Cabdullaahi A. [1985]
radiografia
s.f. - raajo, fallaar.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
haydroograafi
m.l (juqraafi) Maaddada la xiriirta barashada biyaha ee dunida dusheeda ah, gaar ahaan marka la fiirinayo muuqaallada dabiiciga ah, rugaha, mugga, iyo wixi lamida.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
haydroograafi
m.l (juqraafi) Maaddada la xiriirta barashada biyaha ee dunida dusheeda ah, gaar ahaan marka la fiirinayo muuqaallada dabiiciga ah, rugaha, mugga, iyo wixi lamida.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
haydroograafi
-ga: (magac, lab, keli) maaddada la xiriirta barashada biyaha ee dunida dusheeda ah, gaar ahaan marka la fiirinayo muuqaallada dabiiciga ah, rugaha, mugga iyo wixii la mid ah.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
raadiyoom
m.l (-mmo, m.dh) (kiimika) Curiye bir ifta ah oo ah kaahfale cad, kana tirsan ururka alkalayn-dhuleed. Waxa ay leedahay dhawr iskugod oo cimri gaaban iyo hal iskugod oo cimri dheer kaas oo ah raadiyam- 226 (cimri-badheedkeeduna ya-hay 1602 sano).
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
raadiyoom
m.l (-mmo, m.dh) (kiim.) Curiye bir ifta ah oo ah kaahfale cad, kana tirsan ururka alkalayn-dhuleed. Waxa ay leedahay dhawr iskugod oo cimri gaaban iyo hal iskugod oo cimri dheer kaas oo ah raadiyam-226 (cimri-badheedkeeduna yahay 1602 sano).
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
raadiyoom
-ka: (magac, lab, keli) curiye bir ifta ah oo ah kaahfale cad, kana tirsan ururka alkalayn-dhuleed. Waxa ay leedahay dhawr iskugod oo cimri gaaban iyo hal iskugod oo cimri dheer kaas oo ah raadiyam-226 (cimribadheedkeeduna yahay 1602 sano).
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
raadiyeytar
-ka: (n) radiator (reey-di-yeeyter); car radiator
Qaamuus Faransiis-Soomaali - Maxamed Cabdi Maxamed [1985]
radiographe
radiographe, n.m. - yaqaan sida dadka raajiga loo saaro
Qaamuus-Yare Caafimaad: Ingiriis-Soomaali - Deeqa Cali [1999]
radiography
(n) an image produced on surface, as a photographic film, by radiation other than visible light, esp. x-rays passed through an human.
sawirka raajada
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
radiography
/reydiyo-graaf (n) qalabka lagu sawiro raajada.
Eraybixinta Af Soomaaliga ee Hawlaha Wasaaradaha (Soomaali-Ingiriis-Talyaani) - Guddiga Af Soomaaliga [1972]
Radiography
Raajisaar
Qaamuuska Ereybixinta: Juqraafi (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Waadi bcraf
Coombe
Qaamuus Talyaani-Soomaali - Cabdalla Cumar Mansuur, Axmed Cabdullaahi A. [1985]
dattilografo
s.m. - makiinadgaraace.
Qaamuus Faransiis-Soomaali - Maxamed Cabdi Maxamed [1985]
radiographie
radiographie, n.f. - sawirka raajiga kasoo baxa
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
kaartoogaraafi
-da: (magac, dheddig, keli) farshaxanka ama sayniska samaynta khariidadaha iyo kaartooyinka.
Hal-Ururka Erayada Maamulka Xafiisyada, Xisaabaadka Ganacsiga iyo Dhaqaalaha (Soomaali-Talyaani-Ingiriis) - Warshadaha Saabuunta Bayl, Qubeyska iyo Mariska [1979]
Raadiyo (It.)
Radio
Radio