raadiyeytar
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
raadiyeytar
-ka: (n) radiator (reey-di-yeeyter); car radiator
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
radiyeytar
m. n. radiator (of vehicle)
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
radiyeytar
cf: jalxad {Eng}
de: radiator (of vehicle)
lx: radiyeytar
pd: (-ka)
ps: n2-m
key: radiyeytar
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
baadiyeysan
(ilmanme) eeg baaliyaysan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
baadiyeyn
-ta: (magac, dhedig, keli) dariiqa xaqa ah ka leexin.
Qaamuuska Ereybixinta: Juqraafi (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Raasi yar
Beach cusp
Qaamuus-Yare Soomaali-Faransiis - Kiristoofe Filibeerti [1976]
Raadinayya
chercher.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
baadiyaysan
f.mg4 (-snaa, -snayd) 1. Wax la baadiyeeyey ahaansho (xoolo). 2. Wax dariiqa toosan ka leexday ahaansho (qof).
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
baadiyaysan
f.mg4 (-snaa, -snayd) 1. Wax la baadiyeeyey ahaansho (xoolo). 2. Wax dariiqa toosan ka leexday ahaansho (qof). m.f.dh, baadiyaysnaan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
baadiyaysan
(tilmaame) mid hallawsan oo baadi ah. Dh: lunsan, hallawsan.
baadiyaysan: (tilmaame) jidka hanuunka ka leexsan oo jid shaydaan haysta. Ninka aan salad tukanin waa nin baadaiyaysan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
caariyeysad
m.l la-mid: caariyeysasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
caariyeysad
-ka: (magac, lab, keli) amaah ama caariyo ahaan u soo qaadasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
raadiyografi
m.l (-iyo, m.dh) (daawo) Raajada cuduraqoonsiga. Farsamada baari-taanka jirka ayadoo la dhexmarsiinayo fallaraha ekis (x-rays), waxay soo saartaa sawirro (raadiyograafis) ku yaal beniikol loogu talaggalay ama iskriin fallooroshidan leh. Raadiyograafka waxaa loo adeegsadaa cudur aqoonsiga: lafaha jaba, boogcaloo-leed, iyo dhagax gala xameeytihaysta ama kelyaha, marka baaritaanka dibedda uu ku fillaan waayo cudur aqoonsiga.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
raadiyografi
m.l (-iyo, m.dh) (daaw.) Raajada cuduraqoonsiga. Farsamada baaritaanka jirka ayadoo la dhexmarsiinayo fallaraha ekis (x-rays), waxay soo saartaa sawirro (raadiyograafis) ku yaal beniikol loogu talaggalay ama iskriin fallooroshidan leh. Raadiyograafka waxaa loo adeegsadaa cudur aqoonsiga: lafaha jaba, boogcalooleed, iyo dhagax gala xameeytihaysta ama kelyaha, marka baaritaanka dibedda uu ku fillaan waayo cudur aqoonsiga.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
raadiyografi
-ga: (magac, lab, keli) raajada cuduragoonsiga. Farsamada baari-taanka jirka ayadoo la dhexmarsiinayo falladhaha ekis (x-rays) waxay soo saartaa sawirro (raadiyograafis) ku yaal beniikol loogu talaggalay ama iskriin fallooroshidan leh. Raadiyograafka waxaa loo adeegsadaa cudur aqoonsiga: lafaha jaba, boogcaloo-leed, iyo dhagax gala xameeytihaysta ama kelyaha, marka baaritaanka dibedda uu ku fillaan waayo cudur aqoonsiga.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
baadiyee
f.g2 (-yeeyay, -yaysay) Dad ama xoolo baadi ka dhigid.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
baadiyee
f.g2 (-yeeyay, -yaysay) Dad ama xoolo baadi ka dhigid. Tusaale: Saaxiibkaa yuusan ku baadiyeynin. m.f.dh, baadiyayn.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
baadiyee
v. cause someone to lose something; disorient
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
baadiyee
(fal) xoolo cad ilaalinaysay lumi; wax aad baysay bacdi ka chig. Dh: baadiyec, lumi, faki, dayac, hallee.
baadiyee: (fal) qof, reer baadiye ka dhig. S wiilku soo adkaado baadiyee.
baadiyee: (fal) lumi oo daw qaldan mari baadi ha noqdee. Dh: baadihaller
baadiyee: (fal) dawga hanuunka ka leexi oo jidka shaydaanka mari.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
baadiyee
cf: lun ~ lumi
de: cause s.o. to lose s.t.; disorient
lx: baadiyee
pd: (baadiyeeyey)
ps: v2b=
key: baadiyee
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
caadiyay
(fal) joogtee; wax aad fasho, samayntiisa joogtee oo ha ka tegin. Caadiyay si aad u dhamayso hawsha. Dh: joogtee, caadiyee.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
caadiyee
(fal) eeg caadiyay.
Qaamuus-Yare Soomaali-Faransiis - Kiristoofe Filibeerti [1976]
Qaadayya
prendre.
Qaamuus-Yare Soomaali-Faransiis - Kiristoofe Filibeerti [1976]
Raacayya
accompagner, voyager.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
raaciyad
m.dh la-mid: raaciye.
Qaamuus-Yare Soomaali-Faransiis - Kiristoofe Filibeerti [1976]
Raaciyad
civil.
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
raaciyad
-da: (n) civilian (si-viil-yan); citizen (si-tizen); follower (faloowar); members of subject population ~ raaciye, taabici
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
raaciyad
-da: (magac, dhedig, keli) bulsho maamul hoos tegta. Dh: dadweyne, raciyad.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
raadceyn
-ta: (magac, dhedig, keli) eeg raacdayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
raadiyow
m.l la-mid: raadiye.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
raadiyow
m. n. radio
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
raadiyow
-ga: (n) radio (reed-yoo) ~ raadye
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
raadiyow
-ga: (magac, lab, keli) eeg raadiye.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
raadiyow
de: radio Alt sp: raadiyo (/ha), raadyo (/ha) {N < Eng}
lx: raadiyow
pd: (-ga)
ps: n2a-m
key: raadiyow
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
raaniyad
m.dh la-mid: raani.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
raaniyad
-da: (magac, dhedig, keli) eeg raani.
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
radiator
/reydhi eytar/ (n) 1. taangiga baabuurka ee biyaha matoorka qaboojiya lugu shubo. 2. qalabka kul siinta guryaha (wuxuu ka samaysan-yahay biro shabaq u eg, oo wuxuu soo daayaa kul diirran).
Eraybixinta Af Soomaaliga ee Hawlaha Wasaaradaha (Soomaali-Ingiriis-Talyaani) - Guddiga Af Soomaaliga [1972]
Radiator
Raadiyeetar
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Baadiyayn
(Baadiyayn-ta)
Baadi ka dhigid; lumin; habaabin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
baadiyayn
m.f.dh eeg baadiyee.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
baadiyayn
-ta: (magac, dhedig, keli) luminta xoolo qof ilaalinayay. Sahal waa nin baadiyayn badan. Dh: lumin, fakin, hallayn, dayacid.
baadiyayn -ta: (magac, dhedig, keli) qof reer magaal ahaa, baadiye ka dhigid; dhaqanka baadiyaha u yeelis. Dh: miyiyeyn.
baadiyayn -ta: (magac, dhedig, keli) cid kale qaldid oo khatalid. Dh: lumin.
baadiyayn -ta: (magac, dhedig, keli) jidka hagaagsan ee diintu tilmaantay ka leexin oo gaalnimo u horseedid. Li: hanuunin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
caadiyaal
m.l.kh la-mid: caadyaal.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
caadiyayn
-ta: (magac, dhedig, keli) joogtaynta wax aad samayn jirtay. Caadiyayn ayuu ku dhameeyay hawsha. Dh: joogtayn.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
caadiyays
-ka: (magac, lab, dhedig) eeg caadiyayn.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
kaadiyaro
m.dh (daaw.) Sameynta kaadida oo si aan caadi ahayn u yaraata.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
kaadiyaro
-da: (magac, dhedig, keli) sameynta kaadida oo si aan caadi ahayn u yaraata.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
maadeysad
m.l la-mid: maadeysasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
maadeysad
-ka: (magac, lab, keli) cid ka tooxsasho oo ku qosqoslid. Wilku maadaysadka wuu nacaaye ka aamusa. Dh: maadaysasho, ruwaayadays, maadaysi.
Qaamuus-Yare Soomaali-Faransiis - Kiristoofe Filibeerti [1976]
Maadin-ta
minéraux.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Qaaliyeyn
(Qaaliyeyn-ta)
Qaali ka dhigid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qaaliyeyn
m.f.dh eeg qaaliyee. la-mid: qaaleyn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
raadiyoom
m.l (-mmo, m.dh) (kiimika) Curiye bir ifta ah oo ah kaahfale cad, kana tirsan ururka alkalayn-dhuleed. Waxa ay leedahay dhawr iskugod oo cimri gaaban iyo hal iskugod oo cimri dheer kaas oo ah raadiyam- 226 (cimri-badheedkeeduna ya-hay 1602 sano).
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
raadiyoom
m.l (-mmo, m.dh) (kiim.) Curiye bir ifta ah oo ah kaahfale cad, kana tirsan ururka alkalayn-dhuleed. Waxa ay leedahay dhawr iskugod oo cimri gaaban iyo hal iskugod oo cimri dheer kaas oo ah raadiyam-226 (cimri-badheedkeeduna yahay 1602 sano).
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
raadiyoom
-ka: (magac, lab, keli) curiye bir ifta ah oo ah kaahfale cad, kana tirsan ururka alkalayn-dhuleed. Waxa ay leedahay dhawr iskugod oo cimri gaaban iyo hal iskugod oo cimri dheer kaas oo ah raadiyam-226 (cimribadheedkeeduna yahay 1602 sano).
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
rasmiyeyn
m.f.dh eeg rasmiyee.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
aabiweyrax
m.l Sabab la'aan cid dagaal ku qaadid, weyrax kulul.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
aariyaysan
(tilmaame) walax neef ka buuxdo. Kubbad aariyaysan ayuu soo iibsaday. Dh: neefsan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
baadicarar
m.l Neef baadi ah oo reerihii uu la joogay ka carara.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
baadicarar
-ka: (magac, lab, keli) baydadka iyo qaloodka neefka baadida ah oo cidda uu soo raacay la qabsan waaya.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Caariyeysi
(Caariyeysi-ga)
Caariyeysasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
caariyeysi
m.l la-mid: caariyeysasho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
caariyeysi
vl. n. borrowing
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
caariyeysi
-ga: (magac, lab, keli) amaahaysi.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
caariyeysi
de: borrowing
lx: caariyeysi
pd: (-ga)
ps: vn-m
key: caariyeysi
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
caariyeyso
f.g3 (-stay, -satay) Wax caariyo ahaan u qaadasho.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
caariyeyso
f.g3 (-stay, -satay) Wax caariyo ahaan u qaadasho. m.f.dh, caariyeysasho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
caariyeyso
v.auto: borrow, get something for oneself on loan
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
caariyeyso
-caariyaystay: (v) borrow or receive something on loan ~ toobol caareyso
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
caariyeyso
(fal) wax aanad haysan, amaah ahaan u soo qaado.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
caariyeyso
de: borrow, get s.t. for oneself on loan
lx: caariyeyso
pd: (caariyeystay)
ps: v3b=auto
key: caariyeyso
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
kaadi-yaro
m.dh (daawo) Sameynta kaadida oo si aan caadi ahayn u yaraata.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
waardiyeyn
-ta: (magac, dhedig, keli) ilaalin; waardiyeys.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
waardiyeys
-ka: (magac, lab, keli) eeg waardiyeyn.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
baadiyaysni
-da: (magac, dhedig, keli) eeg baadiyaystaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
faa'ideysad
m.l la-mid: faa'iidaysasho.
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
gaangeystar
-ka: (n) gangster (gaan-gestar); racketeer (raaki-tiir) ~ burcad
Qaamuuska Ereybixinta: Juqraafi (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Kaallyeyaal
Aids
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
kalkuleytar
-ka: (magac, lab, keli) qalab yar oo farsamaysan oo jeebka lagu qaadan karo oo wax lagu xisaabiyo; agab fudaydiya xisaabta. Dh: xissaabiye.
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
kambiyuutar
-ka: (n) computer (kom piyuutar) ~kombiyuutar
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
rinjiyeysan
der. [adjective] painted, tinted
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
rinjiyeysan
-rinjiyeysnaa: (n) painted (peeyntidh)
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
rinjiyeysan
de: painted, tinted
lx: rinjiyeysan
pd: (rinjiyeysnaa)
ps: adj-der
key: rinjiyeysan
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
rudimentary
/ruudhaimentari/ (adj) aqoonta biloowga ah (cilmi bilow ah).
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
baadiyaysnaan
m.f.dh eeg baadiyaysan. la-mid: baadiyaysnaansho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
baadiyaysnaan
-ta: (magac, dhedig, keli) mid lumay ahaan. Dh: hallawsanaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Caariyeysasho
(Caariyeysasha-da)
Caariyo ahaan u soo qaadasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
caariyeysasho
m.f.dh eeg caariyeyso. la-mid: caariyeysad, caariyeysi.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
caariyeysasho
vl. n. borrowing something for oneself
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
caariyeysasho
-da: (magac, dhedig, keli) qalab, kolka lagu intifaacsado la celin doono, qof ka soo qaadasho; ammanaysasho, ergisasho.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
caariyeysasho
de: borrowing s.t. for oneself
lx: caariyeysasho
pd: (/da)
ps: vn6-f
key: caariyeysasho
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
kaawiyadeysan
f.mg4 (-snaa, -snayd) Wax la kaawiyadeeyay ahaansho
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
labadibleysan
(tilmaame) wax labadible loo xidhay ama loo qabtay ahaansho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
marashiyeysan
f.mg4 (-naa, -nayd) Qof haween ah wax arratiran ahaansho. la-mid: marashaysan.
Hal-Ururka Erayada Maamulka Xafiisyada, Xisaabaadka Ganacsiga iyo Dhaqaalaha (Soomaali-Talyaani-Ingiriis) - Warshadaha Saabuunta Bayl, Qubeyska iyo Mariska [1979]
Raadiyo (It.)
Radio
Radio