raabsi
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
raabsi
m.l la-mid: raabsasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
raabsi
-ga: (magac, lab, keli) calalin wakhti siyaado ah ilkaha wax lagu calaliyo. Raabsiga geela meel dheer ayaa laga maglaa.
Qaamuuska Magacyada Soomaalida: Soomaali-Ingiriis - Anwar Maxamed Diiriye [2006]
Raabi
name-m spring; pleasant
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Raasi
(Raasi-ga)
Madax dhul ah oo badda dhex gala.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
raasi
m.l (-iyo, m.dh) 1. Dhul dhuuban oo badda aad u dhex gala. 2. la-mid: raas (3).
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
raasi
m.l (-iyo, m.dh) 1. Dhul dhuuban oo badda aad u dhex gala. 2. la-mid: raas.
Qaamuuska Ereybixinta: Juqraafi (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Raasi
Cape
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
raasi
m. n., loc. peninsula, cape, isthmus
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
raasi
-ga: (magac, lab, keli) dhul engegsan oo balladh yuuban oo saddex dhinac ay biyo ka marsan yihiin. Dh: madax.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
raasi
bw: Arabic
cf: raas
de: peninsula, cape, isthmus
lx: raasi
pd: (-ga)
ps: n-m-loc
key: raasi
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Baabsi
(Baabsi-ga)
Baadi cid kale leedahay oo, xadid darteed, loo suntado, loo summadrogo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
baabsi
m.l la-mid: baabsasho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
baabsi
m. n. stray animal belonging to someone else that is stolen and rebranded; bad example (leading someone astray)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
baabsi
-ga: (magac, lab, keli) xoolo cid kale oo aanad lahayn oo aad kas ugu darsato kuwaaga. Baabsiga iyo boolida joojiya. Dh: boob, dhac.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
baabsi
de: stray animal belonging to s.o. else that is stolen and rebranded; [fig.] bad example (leading s.o. astray)
lx: baabsi
pd: (-ga)
ps: n2-m
key: baabsi
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Gaabsi
(Gaabsi-ga)
Guur kummeelgaar ah, aan sharci ku dhisnayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
gaabsi
m.l Galmo aan xalaal ahayn.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
gaabsi
vl. n. love affair, adultery, living together, temporary marriage
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
gaabsi
-ga: (n) affair (affeer), love affair; preposition (propasishin), adultery (a dhal teri). Ex: ma guur baa rabtaa mase gaabsi? do you want a marriage or an affair [love affair]
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
gaabsi
-ga: (magac, lab, keli) xidhiidh xodxodasho oo nin iyo naag aanan isguursan dhexmara. Gaabsi guur baa ka roon. Dh: sino, qaraaf.
gaabsi -ga: (magac, lab, keli) hadal ka yaraysi; xidhiidh u jaris. Caasha ka gaabsiga wax ay ku dhaanti ma jiro.
gaabsi -ga: (magac, lab, keli) hu' kaa dheer in ka jarid oo isle'ekaysiin. Guntiga gaabsiga ka daa oo dheerayso.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
gaabsi
de: love affair, adultery, living together, temporary marriage
lx: gaabsi
pd: (-ga)
ps: vn7-m, vn2a-m
key: gaabsi
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
raabso
f.mg3 (-saday, -satay) 1. Xoolo wax calalin; baryaqaadid. 2. Dad wax calalin. la-mid: raamso.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
raabso
f.mg3 (-saday, -satay) 1. Xoolo wax calalin; baryaqaadid. 2. Dad wax calalin. m.f.dh, raabsasho. la-mid: raamso.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
raabso
(fal) wax afka ku jira muddo ilkaha ku axadh oo in badan calali. Dh: raamso, calalsho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
raacsi
-ga: (magac, lab, keli) hadal ama wax kale intii uu ahaa wax ku darsasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
raadsi
m.l la-mid: raadsasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
raadsi
-ga: (magac, lab, keli) eeg raadsasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Raagsi
(Raagsi-ga)
Raagsasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
raagsi
m.l la-mid: raagsasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
raagsi
-ga: (magac, lab, keli) dheeraysi in badan la sugo wax maqan oo la naawwilayo. Dh: daahsi.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
raamsi
m.l la-mid: raabsasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
raamsi
-ga: (magac, lab, keli) eeg raamsad.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Xaabsi
(Xaabsi-ga)
Xaabsasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
xaabsi
m.l la-mid: xaabsasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xaabsi
-ga: (magac, lab, keli) wax dhulka ku filiqsan urursasho oo wada xaabid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
yaabsi
-ga: (magac, lab, keli) (ka ~) ka yaabsasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Baryaqaad
(Baryaqaad-ka)
Raabsi; calalis.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
raabsasho
m.f.dh eeg raabso. la-mid: raabsi, raamsasho, raamsi.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
baryaqaad
(fal) gawska wax u dhig oo ku burburi ama ku budli. Baarqabka qooqane gacanta bidix buu i baryaqaaday. Dh: calali, raamso, raabso.
baryaqaad -ka: (magac, lab, keli) wax gawska loo dhigo oo lagu budliyo ama lagu jilciyo. Dh: raabsi, raamsi, calalis.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
raabsasho
-da: (magac, dhedig, keli) wax afka ku jira calalsasho. Dh: raamsasho, raabsi.
Qaamuus Ingiriis-Soomaali - Baadari Larajaasi [1897]
chewing
n., calal, -ki, calalis, -ki, raabsi, -gi; chew cud, calalnaqsi, -gi.
Qaamuus Ingiriis-Soomaali - Baadari Larajaasi [1897]
manducation
n., calal, -ki, raabsi, -gi.
Qaamuus Ingiriis-Soomaali - Baadari Larajaasi [1897]
mastication
n., calal, -ki, calalis, -ki, raabsi, -gi.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
rakaabsi
m.l la-mid: rakaabsasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
rakaabsi
-ga: (magac, lab, keli) rakaab gaadiid raaca ururso. Dh: rakaabsasho,
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Dadabsi
(Dadabsi-ga)
1. Leexsasho; duufsasho.
2. Xumaan ugu soo bixid; isku taagid; daandaansi; doolaalo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dadabsi
m.l la-mid: dadabsasho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
dadabsi
vl. n. act of swaying, influencing
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dadabsi
-ga: (magac, lab, keli) leexsadka ruux la leexsado. Dadabsi iyo sasabasho ayuu ku kaxaystay ninku gabadha. Dh: duufsasho.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
dadabsi
de: act of swaying, influencing
lx: dadabsi
pd: (-ga)
ps: vn2a-m
key: dadabsi
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Galabsi
(Galabsi-ga)
Galabsasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
galabsi
m.l la-mid: galabsasho.
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
galabsi
-ga: (n) the effect, consequence, result or outcome of a bad action
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
galabsi
-ga: (magac, lab, keli) milay galab ah gaadhis.
galabsi -ga: (magac, lab, keli) ciqaab mudasho. Abaaraha dhacay waa galabsigii dadka.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
garabsi
m.l la-mid: garabsasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
garabsi
-ga: (magac, lab, keli) eeg garabsad.
garabsi -ga: (magac, lab, keli) (is ~) is taageersi; is kaalmayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Hagabsi
(Hagabsi-ga)
1. (wax) aan dhab loo aqoon; diriqsi.
2. Aan dhab wax u arag; aragtiyari.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
hagabsi
m.l la-mid: hagabsasho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
hagabsi
m. n., [abstract] dimness, vagueness
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hagabsi
-ga: (magac, lab, keli) iyada oo aan wax dhab loo aqoon ama loo arkayn, socod. Dh: handalafsi.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
hagabsi
de: dimness, vagueness
lx: hagabsi
pd: (-ga)
ps: n7-m, n2a-m-abs
key: hagabsi
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
hakabsi
m.l la-mid: hagabsasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Halabsi
(Halabsi-ga)
Halabsasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
halabsi
m.l la-mid: halabsasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
halabsi
-ga: (magac, lab, keli) faras iyo wixii la mid ah, rakaab la'aan fuul.
halabsi-ga: (magac, lab, keli) wax kaa cararaya tiigsi oo gaadhitaankiisa isku dayid. Safarka halabsi ku gaadhi maysid. Dh: tiigsi.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Malabsi
(Malabsi-ga)
Malabsasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
malabsi
m.l la-mid: malafsasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
malabsi
-ga: (magac, lab, keli) eeg malabsasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
raacsii
f.g2 (-iiyay, -iisay) la-mid: raaci.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
taabsii
f.g2 (-iiyay, -iisay) Gacan aayar wax u saarid.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
taabsii
f.g2 (-iiyay, -iisay) Gacan aayar wax u saarid. m.f.dh, taabsiin.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
taabsii
v.caus: cause to touch; (cause to) realize
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
taabsii
-yey / say: (v) cause to come into contact or to touch. Ex: i taabsii; let me feel it or touch it
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
taabsii
(fal) cid kale, gacanta wax u saar si uu u garto wuxuu yahay. Indhoolaha usha taabsii.
taabsii: (fal) «is labo shay isa saar, oo istus ha is gaadhaane. Is taabsii labo xadhig ha shidaan aqalkee.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
taabsii
de: cause to touch; (cause to) realize
initial: t
lx: taabsii
nt: taabsiin (ta) [vn-f], taabsiis (ka) [vn-m]
pd: (taabsiiyey)
ps: v2a=caus
key: taabsii
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
taabsin
-ta: (magac, dhedig, keli) meel aan dhawayn aadna u fogayn. Taabsin ayuu jiraa ceelku.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
yaabsii
v., [compound] surprise, amaze
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
yaabsii
de: surprise, amaze
initial: y
lx: yaabsii
pd: (yaabsiiyey)
ps: v2a=cmp
key: yaabsii
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Aabi
(Aabi-ga)
Arrin aan jid ahayn oo cid lagula kaco; gardarro; maag; daandaansi.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
aabi
m.l Gardarro isla weyni iyo kibir ku jiro oo cid lagula muujiyo.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
aabi
m. n. provocation, offense, insult
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
aabi
-ga: (magac, lab, keli) arrin aan bannaanayn oo qof lagula kaco. Ma la eeday waatii Afyare aabi loo dilay e. Nimankii ikhwaankii jaree aabiga u laayey. Dh: adyad, daandaansi, gardarrado, maagid.
aabi: (tilmaame) nin karmeed geesi ah. Waxaan aabiyoow, ku oonbixi lahaa, anoo ooridaada noqdoo ubad dhala. Dh: geesi, xariif.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
aabi
de: provocation, offense, insult
lx: aabi
pd: (-ga)
ps: n2-m, n7-m
syn: gardarro, maag
key: aabi
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
raab
m.l.fk Qayb.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Raas
(Raas-ka)
1. Aqal; qoys; reer; cid.
2. Rug; berrin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
raas
m.l (-sas, m.l) 1. Qoys. 2. Meel qoys degi karo. 3. la-mid: raasi.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
raas
m.l (-sas, m.l) 1. Qoys. 2. Meel qoys degi karo. 3. la-mid: raasi.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
raas
m. n. dwelling; household, family
raas m. n. cape, promontory
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
raas
-ka: (magac, lab, keli) qoys u dhisan lammaane is qaba. Dh: aqal, qoys, reer, cid.
raas -ka: (magac, lab, keli) meel hore aqal uga dhisnaa oo uu raadkiisii muuqdo. Dh: ruun, jabad.
raas -ka: (magac, lab, keli) meel reero deggaanaayeen ama haddaba deggan yihiin. Dh: rug, berrin, ruun, jabad.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
rabi
f.g2 (-iyay, -isay) Bir la tumay soofeyn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Rasi
(Rasi-da)
Nadaafo yari; kala daadsanaan foolxun.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
rasi
m.dh Nadaafaddarro iyo kala daad-sanaan.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
rasi
f. n. untidiness, mess
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
rasi
-da: (magac, dhedig, keli) nadaafad yari.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
rasi
de: untidiness, mess
lx: rasi
pd: (-da)
ps: n2a-f
key: rasi
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Aarsi
(Aarsi-ga)
Aargudad; aarsad.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
aarsi
m.l la-mid: aarsasho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
aarsi
m. n. revenge
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
aarsi
-ga: (n) retaliation {ritaali-yeeyshin); revenge (ri veenji) ~ aargudasho
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
aarsi
-ga: (magac, lab, keli) «ka~ eeg aargoosad.