raabakhid
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
raabakhid
m.f.dh eeg raabakh².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
raabakhid
-da: (magac, dhedig, keli) xamil gabid: gabaw darteed asaasigid. Dh: khalkhalid.
raabakhid-da: (magac, dhedig, keli) duug noqosho. Dh: duugoobid, baaliyoobid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
raabakh
raabakh¹: m.l (-khyo, m.dh) Qalab aad u gaboobay.
raabakh²: f.mg1 (-khay, -khday) Qalab, wax aad u gaboobay noqosho.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
raabakh
f.mg1 (-khay, -khday) Qalab, wax aad u gaboobay noqosho. m.f.dh, raabakhid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
raabakh
(fal) xamilgab; duug nogo. Dh: duugow, gabow.
raabakh: (tilmaame) wax gaboobay oo aad u baaliyoobay. Aqalka uu libsaday waa mid raabakh ah. Dh: duug, baali, raabukh, raabuq.
raabakh-a: (magac, lab, keli) khalal maskaxda ku dhaca oo kala garashada wax u dhima. Gabawgu raabakh ayuu keenaa. Dh: khalkhal.
raabakh-a: (magac, lab, keli) burbur iyo kala daadasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
raabacid
m.f.dh eeg raabac².
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
sabbakhid
m.f.dh eeg sabbakh².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
sabbakhid
-da: (magac, dhedig, keli) ranji ama asal marin. Dh: ranjiyid, aslid.
sabbakhid-da: (magac, dhedig, keli) ranji ama asal marin. Dh: ranjiyayn, aslid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
salbabakhid
-da: (magac, dhedig, keli) baqbaqid: kalabbadbadasho; bashbashlayn: cabsad; cabsood.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
daabakhaad
m.dh 1. la-mid: daabaqaad. Calaamad, summad, lagu dhigo neef iib u jooga. 2. Tartamidda cayaar turub laba dhinac oo iska soo horjeedaa ay u tartamaan foorooyin ay kala qabaan, in ay qolo keliya wareegto.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
kalabadhid
-da: (magac, dhedig, keli) wax is haystay, labo u kala badhid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
raabakhsan
f.mg4 (-naa, -nayd) Wax raabakhay ahaansho (qalab).
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
raabukh
(tilmaame) eeg raabakh.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
rabshid
m.f.dh eeg rabash².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
rabshid
-da: (magac, dhedig, keli) buuq gelin, rabshad ku samayn. Dh: rabshadayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
caabaqid
m.dh la-mid: caabuqid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
caabaqid
-da: (magac, dhedig, keli) barar oo hoosta ka bukid. Caabuqid badan ayuu yeeshay nabarku. Dh: millil, caabuqid. Li: bogsi.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
daabacid
-da: (magac, dhedig, keli) dhar iyo wixii la mid ah, daabacaad u yeelid oo dun ku xardhid.
daabacid: -da: (magac, dhedig, keli) buug iyo wixii la mid ah madbacad ku daabicis.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
daabaxid
m.f.dh la-mid: daabax¹ (3), daabixid, dabaax¹, dabaaxid, dabxid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dawakhid
m.f.dh eeg dawakh². la-mid: dawakh¹, dawikhid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dawakhid
-da: (magac, dhedig, keli) wareerid oo maanka iyo miyirka iskaga biirid. Dh: wareerid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Fasakhid
(Fasakhid-da)
1. Furriin fasakh ah.
2. (midab) wax fasakhan ka dhigid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
fasakhid
m.f.dh eeg fasakh². la-mid: fasakh¹, fasaq¹, fasaqid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
fasakhid
-da: (magac, dhedig, keli) wax midab lahaa oo dareere ah, midab kale oo beddela ku dar.
fasakhid -da: (magac, dhedig, keli) xukun dhacay ama xeer jiray, burin.
fasakhid -da: (magac, dhedig, keli) guur sharci ahaa, haweenayda nikeegii iska furid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Nasakhid
(Nasakhid-da)
Burin; tirtirid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
nasakhid
m.f.dh eeg nasakh². la-mid: nasakh¹ (3).
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
nasakhid
-da: (magac, dhedig, keli) xukun hore dhacay, mid kale ku beddelid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
raabacad
m.dh Cayaar turub (dabaka-eri) marka saddex raani baxdo tan afaraad ee harta.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
taabacid
-da: (magac, dhedig, keli) dad aragtida ay qabaan ku raacid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
baalashid
m.f.dh eeg baalash². la-mid: baalasheyn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dabaakhid
m.f.dh eeg dabaakh². la-mid: dabaaqid, dibaakhid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Malaakhid
(Malaakhid-da)
Malaakh ka dhigid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
malaakhid
m.f.dh eeg malaakh².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
raabacaad
-da: (magac, dhedig, keli) afar ka dhigid. Dh: raabacayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
raaracmid
m.dh la-mid: raaracsamid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Rabbaasid
(Rabbaasid-da)
Boodboodid; faclayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
rabbaasid
m.f.dh eeg rabbaas². la-mid: rabbaas¹.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
rabbaasid
-da: (magac, dhedig, keli) boodboodid oo farxad la rablayn. Rabbaasid bay ku jiraan siday guushu u raacday ba. Dh: faclayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Sabbikhid
(Sabbikhid-da)
Sabbakh u yeelid, gelin; aslid; renjiyid; midabayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
taarashid
m.f.dh eeg taarash². la-mid: tarashid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
taarashid
-da: (magac, dhedig, keli) dhar shulshul u samayn oo taarash u yeelid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
kalabaydhid
-da: (magac, dhedig, keli) wax isla socday, kala weecasho: kala leexasho. Dh: kalabayrid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
laablakicid
m.dh Fal ka fiirsi la'aan iyo caadifadi hoggaamiso dareemid.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
laablakicid
m.dh Fal ka fiirsi la'aan iyo caadifadi hoggaamiso dareemid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
laablakicid
-da: (magac, dhedig, keli) si farxad iyo rajo ku jiraan, xabbadka la soo kacid. Dh: hiyikac.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Qaraabakiil
(Qaraabakiil-ka)
Qaraabannimo darteed cid wax ugu burin, ugu eexasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qaraabakiil
qaraabakiil¹: m.l Eexasho qaraabannimo awgeed loo sameeyo. la-mid: karaabakiil¹, qaraabakiilid.
qaraabakiil²: f.g1 (-iilay, -iishay) Cid qaraabannimo awgeed ugu eexasho.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
qaraabakiil
qaraabakiil¹: m.l Eexasho qaraabannimo awgeed loo sameeyo. la-mid: karaabakiil.
qaraabakiil²: f.g1 (-iilay, -iishay) Cid qaraabannimo awgeed ugu eexasho. m.f.dh, qaraabakiilid.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
qaraabakiil
v. show nepotism ~ favoritism to a relative ~ friend
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
qaraabakiil
-ka: (n) nepotism (nepa-tiizim); favouritism (fey-faratiisim) preferential treatment ~qaraabokiil
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qaraabakiil
-ka: (magac, lab, keli) siin iyo waxqabad ku socda wejigarasho oon daacad ahayn. Qaraabakiilka iska daa. Dh: eex.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
qaraabakiil
de: show nepotism ~ favoritism to a relative ~ friend (of a person in a higher position)
lx: qaraabakiil
nt: qaraabakiil (ka) [vn2-m]
pd: (qaraabakiilay)
ps: v1=tr
key: qaraabakiil
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
baaqbaaqid
m.f.dh eeg baaqbaaq.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
baaqbaaqid
-da: (magac, dhedig, keli) baaqbaaq ku samayn. Baagbaaqidda beerta, Beylow dibigiiyow, berri baa lagaa sugi. Dh: baaqbaaqis.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
cawabaryid
-da: (magac, dhedig, keli) wanaag iyo nabadqab ku waabariisasho.
cawabaryid -da: (magac, dhedig, keli) cawabari helid; nabadgelyo helid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
daabraacid
-da: (magac, dhedig, keli) marka uu qof ka daba qaato hadalkii ugu dambeeyey ee qof kale waday. Daabraacidda hadalkayga iska dayoo wax kale u leexo.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
dabbaakhad
f. n. cook (female)
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
dabbaakhad
-da: (n) cook (kook)-, female cook ~ kariso
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
dabbaakhad
de: cook (female)
lx: dabbaakhad
pd: (-da)
ps: n1-f
key: dabbaakhad
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
faanbakhle
-ha: (magac, lab, keli) nin faan badan oo faataadhugle ah.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
kalabadhis
-ta: (magac, dhedig, keli) wax is haystay ama isku yaallay, labo u kala badhid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
kalabayrid
-da: (magac, dhedig, keli) wax isla socday, kala weecasho; kala leexasho. Dh: kalabaydhid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
kalamadhid
-da: (magac, dhedig, keli) wax isku jira oo kala jaad ahaa, is u kala saarid. Dh: kalasaarid, kalasoocid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
karbaashid
m.f.dh eeg karbaash².
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
karbaashid
-da: (n) whipping (wipping) ~ jeedlid
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
karbaashid
-da: (magac, dhedig, keli) cid kale, karbaash la dhicid. Dh: jeedalayn, shaabuugayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Laablaabid
(Laablaabid-da)
Dhawr jeer isku laabid; duudduubid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
laablaabid
m.f.dh eeg laablaab². la-mid: laallaabid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
laablaabid
-da: (magac, dhedig, keli) mar wax ka badan isku duuduubid; dhawr jeer isku celcelin. Dh: laablaabis, laalaabid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
laabqaadid
-da: (magac, dhedig, keli) laablakicid; laabkicid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Laabraacid
(Laabraacid-da)
Wax maqalkooda ama araggooda loo bogey, laabta ka raacid, ka jeclaysasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
laabraacid
m.f.dh eeg laabraac².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
laabraacid
-da: (magac, dhedig, keli) cid kaa dheer, xiiso iyo boholyow u qabid. Dh: laabraacis, laablaraacid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Maahmaahid
(Maahmaahid-da)
Maahmaah ku hadlid, sheegid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
maahmaahid
m.f.dh eeg maahmaah².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
maahmaahid
-da: (magac, dhedig, keli) weedh maahmaah ah soo qaadasho oo daliilsasho. Xeer yaqaanka maahmaahid baa lagu yagaan. Dh: maahmaahis.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
naabnaabid
m.f.dh eeg naabnaab². la-mid: naabnaab¹, naannaab¹, naannaabid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
naabnaabid
-da: (magac, dhedig, keli) mid shiddo iyo fagri haleeleen noqosho. Dh: naannaabid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Raadqaadid
(Raadqaadid-da)
Falid; sixrid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
raadqaadid
m.f.dh eeg raadqaad. la-mid: raad-gamid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
raadqaadid
-da: (magac, dhedig, keli) raad hore daba socosho.
raadqaadid -da: (magac, dhedig, keli) cid kale falid ama baabid. Dh: falid, sixrid.
raadqaadid -da: (magac, dhedig, keli) socodbarasho bilaabid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Raadraacid
(Raadraacid-da)
1. Raadin.
2. Ku dayasho, dabasocosho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
raadraacid
m.f.dh eeg raadraac². la-mid: raad-raac¹.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
raadraacid
-da: (magac, dhedig, keli) wax la raadinayo raadkiisa raacid oo dabasocosho. Dh: raadgurid.
raadraacid -da: (magac, dhedig, keli) dhacdo taariikheed dabagelid oo cilmibaadhid ku samayn.
raadraacid -da: (magac, dhedig, keli) macluumad meel ay ku qoran yihiin, ka soo xigasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
raaqraaqid
m.f.dh eeg raaqraaq.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
rabbaysmid
m.f.dh eeg rabbaysan¹.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
rabbaysmid
-da: (magac, dhedig, keli) mid carbisan ama la edbiyay noqosho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
shaabbihid
m.f.dh eeg shaabbah². la-mid: shabbihid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
shaabbihid
-da: (magac, dhedig, keli) isu ekaansho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xaabxaabid
-da: (magac, dhedig, keli) wax laga. tegey qaadqaadasho oo urursasho. Dh: xaabxaabis, urursad.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xabbaadhid
-da: (magac, dhedig, keli) xoolo aad lahayn xoog ku kaxaysasho. Xabbaadhiddu waax xaaraan. Dh: dhicid, qaadidi, boojin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Guraabbaasid
(Guraabbaasid-da)
Hadal guraabbas ah, ku hadlid; guryamid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
guraabbaasid
m.f.dh eeg guraabbaas². la-mid: guraabbaas¹ (2).
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Aakhir
(Aakhir-ka)
Kan danbe.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
aakhir
m.l 1. Kan dambe. 2. Quraanka qaybtiisa damba. la-mid: aakhiritaan.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
aakhir
m.l Kan dambe. la-mid: aakhiritaan.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
aakhir
m. n. end, conclusion
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
aakhir
-ka: (n) end (endi); conclusion (kon kuluu shin); completion (kom plit shin); Ex: aakhirka sheekada; the conclusion of the story
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
aakhir
-ka: (magac, lab, keli) gebagabada ugu dambaysa ee wax ku dhammaado. Dh: dabayood, gebagebo, dhammaad. Li: bilaw.
aakhir -ka: (magac, lab, keli) Quraanka qaybtiisa danbe.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
aakhir
bw: Arabic
de: end, conclusion
lx: aakhir
pd: (-ka)
ps: n2-m
syn: dambeys
key: aakhir