ra'is
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
ra'is
-ka: (magac, lab, keli) madaxweyne; qof meel u sarreeya.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Ra'iis
(Ra'iis-ka)
1. Nin madax ah; duq.
2. Ninka xirfadiisu tahay inuu dadka timaha u jaro ama u hagaajiyo; xiire.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
ra'iis
-ka: (magac, lab, keli) ninka xirfadiisu tahay inuu dadka timaha u jaro ama u hagaajiyo. Dh: xiire, timajare. Dh: rayiis.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
ra'iis
bw: Arabic
cf: duq, madax
de: chief, head, leader, chairman
lx: ra'iis
pd: (-ka)
ps: n2a-m
key: ra'iis
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
aa'is
-ta: (magac, dhedig, keli) eeg aa'id.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
ba'is
-ta: (magac, dhedig, keli) ba'iyo jab qabid. Dh: ba'id.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
rabis
-ta: (magac, dhedig, keli) eeg rabid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
radis
-ta: (magac, dhedig, keli) jilicid oo aad u qoyid.
radis -ta: (magac, dhedig, keli) eeg radin.
Qaamuus Faransiis-Soomaali - Maxamed Cabdi Maxamed [1985]
radis
radis, n.m. - bagal
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Raris
(Raris-ta)
Rarid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
raris
m.dh la-mid: rarid.
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
gratis
/graatis/ (adj) bilaash ah (lacag-la'aan ah).
Qaamuus Talyaani-Soomaali - Cabdalla Cumar Mansuur, Axmed Cabdullaahi A. [1985]
gratis
avv. - lacag la'aan, bilaash.
Qaamuus Faransiis-Soomaali - Maxamed Cabdi Maxamed [1985]
gratis
gratis, adj. - lacag la'aan ah.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
raacis
m.l la-mid: raacin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
raacis
-ka: (magac, lab, keli) sharaab iyo wixii la mid ah oo marka la dhergo dabadeed la cuno. Raggu intaanay kicin raaciskiina soo sii.
raacis-ta: (magac, dhedig, keli) eeg raacid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
raadis
m.l la-mid: raadin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
raadis
-ka: (magac, lab, keli) wax lumay ama hallaabay raadintii
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
raafis
-ta: (magac, dhedig, keli) eeg raafid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Raagis
(Raagis-ta)
Raagid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
raagis
m.dh la-mid: raagid.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
raagis
f. n. act of living long, enduring; being late
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
raagis
-ta: (magac, dhedig, keli) eeg raagid.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
raagis
de: act of living long, enduring; being late Also: raagid (da)
lx: raagis
pd: (-ta)
ps: n-f
key: raagis
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
raajis
m.l la-mid: raajin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
raajis
-ta: (magac, dhedig, keli) eeg raajin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
raaris
-ta: (magac, dhedig, keli) eeg raarid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Raawis
(Raawis-ka)
1. Doonni ama markab oo majare lagu wado (inta lagu wado aan laga leexineyn).
2. Birta la tumayo, gargaraaciddeeda iyo dubbe ku qurxinteeda danbe.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
raawis
raawis¹: m.l la-mid: raawin; la-mid: raawisid(2).
raawis²: m.l Mindi iyo wixi lamida gabowday oo aan wax goyn karin. la-mid: saawir.
raawis³: f.g1 (-say, -stay) Gaadiid-badeed majare u toosin.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
raawis
v. steer (a ship), put on course
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
raawis
(fal) ciyaar tun oo jiib iyo sacab isla hel Kolkaad gegada joogto si wanaagsan u raawis.
raawis: (fal) doon, markab, iyo wixii la mid ah majaraha uu haysto ku wad.
raawis -ka: (magac, lab, keli) raawin ciyaareed Raawiska ciyaarta is la hela rag iyo dumarow.
raawis -ta: (magac, dhedig, keli) qurxinta iyo s simidda bir la tumayo. Tumaalladu way kala qaanniin raawista billaawaha. Dh: raawin.
raawis-ta: (magac, dhedig, keli) muddada dooni ama markab majaraha uu haysta lagu wade aan laga leexin. Raawis buu weli ku jiraa markabku.
raawis -ta: (magac, dhedig, keli) middi afdaran aan wax ba jari karin. Madax muuqda iyo raam midna lagama quusto. Dh: saawir.
Ereybixinta Qalabka Farsamada Gacanta - Maxamuud Iimaan Aadan [1975]
Raawis
Nooc ka tirsan dubbeyaasha farsamada birta.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
raawis
de: steer (a ship), put on course
lx: raawis
nt: raawis (ka) [vn-m], raawisid (da) [vn-f]
pd: (raawisay)
ps: v1=tr
key: raawis
Qaamuus Faransiis-Soomaali - Maxamed Cabdi Maxamed [1985]
rabais
rabais, n.m. - sicirka ama qiimaha oo hoos loo dhigo
Qaamuus-Yare Caafimaad: Ingiriis-Soomaali - Deeqa Cali [1999]
rabies
(n) an acute, infectious, often fatal viral disease of most warm-blooded animals, esp. wolves, cats, and dogs, that attacks the central nervous system and is transmitted by the bite of the infected animal.
cudurka uu keeno qaniinyada xawayaanka qaarkood gaar ahaan yeyda, bisadaha iyo eeyda
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
rabies
/raabiiz/ (n) cudur xayawaanka ku dhaca oo waala, siiba eyda.
Eraybixinta Af Soomaaliga ee Hawlaha Wasaaradaha (Soomaali-Ingiriis-Talyaani) - Guddiga Af Soomaaliga [1972]
Rabies
Cadhow; waalo
Qaamuus Faransiis-Soomaali - Maxamed Cabdi Maxamed [1985]
rachis
rachis, n.m. - xangulaha lafdhabarta
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
racism
/reysisam/ racialism/ (n) midab-kala sooc (midab takoor, in qofka jinsigiisa lagu faquuqo).
Eraybixinta Af Soomaaliga ee Hawlaha Wasaaradaha (Soomaali-Ingiriis-Talyaani) - Guddiga Af Soomaaliga [1972]
Racism
Qoloqolayow
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
racist
/reysist/ racialist;(n) midab-kala Sooce (qof midab-takoorka aaminsan ama ku dhaqma).
Qaamuus Ingiriis-Soomaali - Baadari Larajaasi [1897]
radish
n., baqal, -ki.
Qaamuuska Ereybixinta: Xisaab (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Radius
Gacan
Qaamuuska Ereybixinta: Bayoolaji (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Radius
Mataanta weyn
Qaamuus-Yare Caafimaad: Ingiriis-Soomaali - Deeqa Cali [1999]
radius
(n) the outer, shorter bone of the forearm.
lafta debedda xigta ee gaabana kuna taal dhudhunka
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
radius
/ reydhiyas/ (n) 1. gacan (dhex-roorka goobada) 2. wareegga goobo (qiyaas wareeg ah oo go'an).
Qaamuus Faransiis-Soomaali - Maxamed Cabdi Maxamed [1985]
radius
radius, n.m. - lafta gacanta (adin)
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Rafiso
(Rafisa-da)
Xoolaha magta ah, qaybta ugu horraysa oo la bixiyo; jifo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
rafiso
m.dh Hanti horumarin ahaan looga qaato cid diyo lagu yeeshay.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
rafiso
f. n. first installment of a blood-money payment
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
rafiso
-rafisada: (n) partial payment of a blood money
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
rafiso
-da: (magac, dhedig, keli) xoolo la raaciyo qof dhinta oo loogu duceeyo; xoolaha qofka geeriyooday aaskiisa lagu dul cuno. Dh: axan, fidde, xabaalqod.
rafiso -da: (magac, dhedig, keli) xoolaha la soo hor marsho ee dhagarta laga bixiyo; xoolo mag ah qaybta u horraysa ee la bixiyo. Afar halaad oo rafiso ah bay bixisay qoladii ninka dishay. Dh: jifo.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
rafiso
cf: mag
de: first installment of a blood-money payment (in traditional law)
lx: rafiso
pd: (/da)
ps: n6-f
key: rafiso
Qaamuuska Ereybixinta: Juqraafi (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Rapids
Daadaga
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
rapist
/reypist/ (n) kufsade (ninka naag xooga, khasab ku fuula).
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Raqiis
(Raqiis-ka)
(ganacsi) aan qaali ahayn; jaban; (ama rakhiis).
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
raqiis
raqiis¹: m.l.kh 1. R. ah: wax qiimaha lagu gadayo yar yahay. 2. R. ah: hadal murti iyo macno yar.
raqiis²: f.mg1 (-say, -stay) Wax qiimaha lagu gado hoos u dhicid.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
raqiis
raqiis¹: m.l.kh 1. R. ah: wax qiimaha lagu gadayo yar yahay. 2. R. ah: hadal murti iyo macno yar.
raqiis²: f.mg1 (-say, -stay) Wax qiimaha lagu gado hoos u dhicid. m.f.dh, raqiisid.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
raqiis
m. n., [abstract] (adj.): cheapness; cheap (inexpensive ~ no good)
raqiis: [inchoative] v. be ~ become cheap
Qaamuus-Yare Soomaali-Faransiis - Kiristoofe Filibeerti [1976]
Raqiis
bon marché.
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
raqiis
-ah: (n) ah: (adj) cheap (jiip)-, inexpensive (in-ikis-peen-siv); economical; uncostly ~ rakhiis
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
raqiis
(tilmaame) jaban oon qaali ahayn ah. Xooluhu maanta waa raqiis. Dh: rakhiis.
raqiis -ka: (magac, lab, keli) jabni; qiimo hoosayn. Dh: rakhiis.
Qaamuus Soomaali-Carabi oo Kooban - Cabdirisaaq Maxamed Cilmi Ina-Warfaa [2007]
raqiis
رخيص
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Rarmis
(Rarmis-ka)
Rarmin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
rarmis
m.dh la-mid: rarmin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
rarmis
-ta: (magac, dhedig, keli) eeg rarmin.
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
ravish
/raavish/ (v) 1. xoogid (siiba qof dumar ah oo la kufsado) 2. farxad-galin (badanaa wax indhaha-u roon oo aad u riyaaqdo).
Qaamuus Ingiriis-Soomaali - Baadari Larajaasi [1897]
ravish
v.tr., (take away) kufso.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
rayiis
m.l (-syo, m.dh) Meel u furan in timaha lagu jaro ama lagu habeeyo; baarbiyeeri. la-mid: rayiisle (2).
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
rayiis
m.l (-syo, m.dh) Meel u furan in timaha lagu jaro ama lagu habeeyo; baarbiyeeri. la-mid: rayiisle.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
rayiis
-ka: (magac, lab, keli) meesha timaha lagu jaro. Dh: rayiisle, barbayeeri, timajare.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
ra'iisle
m.l Ninka timaha madaxa dadka gaagaabiya ama qurxiya. la-mid: rayiisle.
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
ra'iisle
-ra'iislaha: (n) barber (baar'ber); barber shop ~timajare, baarbayeeri
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
ra'iisle
-ha: (magac, lab, keli) qofka ama meesha timaha xiirta.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
ra'iisle
a: rayiisle
cf: xiir {N > Arb}
de: barber, hairdresser
lx: ra'iisle
pd: (/ha)
ps: n7-m
key: ra'iisle
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
warra'is
m.l la-mid: warra'in.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
ra'
de: R [letter of the Somali alphabet] Voiced alveolar roll or trill; can be double
lx: ra'
pd: (-da)
ps: n-f
key: ra'
Qaamuus Faransiis-Soomaali - Maxamed Cabdi Maxamed [1985]
ras
ras, adj. - xiran; magac loo yagaanay boqoradii itoobiya
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Ris
(Ris-ka, Ris-ta)
Caws adag oo gaaban oo dhulka bannaan daboola; daris; guxud.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
ris
ris¹: m.l Caws gaaggaaban oo iduhu aad u jecel yihiin oo ka baxa meelaha biyo qabatinka leh.
ris²: m.dh Geed laamo dhaadheer, dhuudhuuban oo guryaha carshaanta ah lagu dhisto.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
ris
m. n. grass species
Magacyada Dhirta Ceel-Dheere iyo Buula-Burte (Soomaali-Laatiin) - D. Herloker, B. Kujar [1985]
RIS
Boerhavia sp 01
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
ris
-ta: (magac, dhedig, keli) meel doog wanaagsan oo iswada haysta leh oo meelaha kale ka qoyaan dambaysa. Dh: guxud.
ris-ta: (magac, dhedig, keli) bur doog ah oo meel biyo mareen ah ka baxa oo dhulka badanaa wada qariya.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
ris
de: grass sp.
lx: ris
pd: (-ka ~ -ta)
ps: n2a-m/f
key: ris
Qaamuus Faransiis-Soomaali - Maxamed Cabdi Maxamed [1985]
avis
avis, n.m. - Talo; sidey ilaa tahay; Talo ahaan; Ra'yi,
Qaamuuska Ereybixinta: Fisikis (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Axis
Dhidib
Qaamuuska Ereybixinta: Xisaab (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Axis
Dhidib
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
axis
/aaksis/ (n) 1. xarriiq dhexda marta (xuddun ah) 2. xarriiqaha joqoraafiga lugu muujiyo.
Eraybixinta Af Soomaaliga ee Hawlaha Wasaaradaha (Soomaali-Ingiriis-Talyaani) - Guddiga Af Soomaaliga [1972]
Axis
Sabarad Tiir gudban
Qaamuus Ingiriis-Soomaali (Maay) - Maxamed Xaaji Mukhtaar, Cumar Macalin Axmed [2007]
axis
/aaksis/ (n) uthub (jiiting shey dhattis maraasy).
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
dais
/dheyis/ (n) taag yar oo laga dhiso masraxa gadaashiisa, oo qofka khudbaynayaa istaago.
Eraybixinta Af Soomaaliga ee Hawlaha Wasaaradaha (Soomaali-Ingiriis-Talyaani) - Guddiga Af Soomaaliga [1972]
Dais
Goob, Rako
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
la'i
m.dh la-mid: la'aan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
la'i
-da: (magac, dhedig, keli) wax la'aan.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
la'i
a: la'aan, li'i
de: lack (of), deprivation
lx: la'i
pd: (-da)
ps: n0-f-abs
key: la'i
Qaamuus Faransiis-Soomaali - Maxamed Cabdi Maxamed [1985]
maïs
maïs, n.m. - Hadhuudh; Masaggo; Badar; Galley; Arabikhi.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Raas
(Raas-ka)
1. Aqal; qoys; reer; cid.
2. Rug; berrin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
raas
m.l (-sas, m.l) 1. Qoys. 2. Meel qoys degi karo. 3. la-mid: raasi.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
raas
m.l (-sas, m.l) 1. Qoys. 2. Meel qoys degi karo. 3. la-mid: raasi.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
raas
m. n. dwelling; household, family
raas m. n. cape, promontory