ereyga

r,r

Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]

R,r

DHAN

/ar/ xarafka siddeed iyo tobnaad ee alifbeetada ingiriisiga.

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]

racayn

DHAABAN
1

racayn¹: m.dh Kooxayn ama xulid tiro waxyaaleed iyada oo aan loo eegin orsa-naan.

2

racayn²: m.dh Hormo urur kasta ee uu urur walxood iyada oo aan la tixgelin horsanaanta sida loo kala xushay. Haddii 'r' walxood laga xushay urur 'n' kutirsane leh oo weliba walax kastana la xulan karo mar keliya. Tirada racaymaha kaladuwan waa: n!/[r!(n-r)!] loona qoro nCr ama C(n,r)[r!(n-r)!]Tusaale ahaan, haddi fasal ay ku jiraan 15 arday ay ka dhexeeyaan 5 buug oo keliya, marka buug kasta waa in ay saddex arday wadagaan, inta siyaalo ee loo ratibi karo waa: 15!/[3!(15-3)!] ama 455.

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]

ragrago

DHAABAN
1

ragrago¹: m.dh Digasho ismuujin iyo faan ku jiro.

2

ragrago²: f.mg3 (-gtay, -gatay) Ku r.: ragannimo iyo awood dheeraad ah cid ugu faanid iyada oo lagu diganayo.

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]

rubi

DHAABAN

m.l.t Wax afar meelood oo is le'eg loo qaybshay meeshood; rubuc; waax. Tusaale: “Waa sagaalkii iyo r.”; “R. kiilo bariis ah”. la-mid: rubac, rubuc.

waa la naqliyay ✓

SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]

r

DHAABAN

(ra): xarafka toddoba iyo tobnaad ee xarfaha Far-Soomaalida ahna shibbane u qorma: R. r.

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]

Rar

DHAFANDHAAF
1

(Rar-ka)

2

Waxa rati ama baabuur ama gaadiid kale la saaro oo lagu qaado.

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]

rar

DHAFANDHAAF
1

rar¹: m.l 1. Culaabta gaadiidka la saaro; xamuul. 2. Hannaanka gaadiid culaab loo saaro. 3. Qaadka ama mugga gaadiid yeelan karo.

2

rar²: f.g1 (-ray, -rtay) Gaadiid culaab saarid.

waa la naqliyay ✓

Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]

rar

DHAFANDHAAF
1

rar¹: m.l 1. Culaabta gaadiidka la saaro; xamuul. 2. Hannaanka gaadiid culaab loo saaro. 3. Qaadka ama mugga gaadiid yeelan karo.

2

rar²: f.g1 (-ray, -rtay) Gaadiid culaab saarid. m.f.dh, rarid.

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Ereybixinta: Fisikis (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]

Rar

DHAFANDHAAF

Load

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]

rar

DHAFANDHAAF
1

m. n. burden, load, cargo, freight

2

rar: v. load, pack (up); move

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]

rar

DHAFANDHAAF
1

-ka: (n) shipment (shiip-mant); load (loowdh); freight (fareeyt); cargo (kaar-goow) ~ xammuul

2

rar -ay / tay: (v) load (loowdh); lade (leeydh), especially a vehicle or other means of transportation

waa la naqliyay ✓

SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]

rar

DHAFANDHAAF
1

(fal) gadiid rakaabi oo alaab iyo dad intaba saar. Gaadhiga caawa rar subaxan aan soconno.

2

rar: (fal) muur raxan dusha ka saar. Lafta rif oo rid, dameer rimman rar oo wad.

3

rar: (fal) reer iyo wixii la mid ah, meeshii uu degganaa ka guuri. Reerka rar oo meel risle deji.

4

rar -ka: (magac, lab, keli) waxa rati ama baabuur ama gaadiid kale la saaro oo uu qaadi karo; alaabta la saaro gaadiidka. Rar culus buu sidaa awrku.

waa la naqliyay ✓