r
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
R
(ra')
Xarafka 17d. oo Alifka Soomaalida. Waa shibbane.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
r
m.dh (ra') Xarafka toban iyo toddobaad ee xuruufta af Soomaaliga, waana shibbane.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
r
(ra') m.dh Xarafka toban iyo toddobaad ee xuruufta af Soomaaliga, waana shibbane.
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
r
(n) seventeenth [17th ] letter of the Somali alphabet, according the to style used by this dictionary, it is a consonant, pronounced as [ra'] like road
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
r
(ra): xarafka toddoba iyo tobnaad ee xarfaha Far-Soomaalida ahna shibbane u qorma: R. r.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
A
a: (a')
Xarafka koowaad oo Alifka Soomaalida. Waa shaqal.
-a: (naxwe) qodob raaca ereyada lab oo kelida ah oo 6 shibbane ku dhammaada (c, h, kh, q, x iyo hamsa, sida: magac-a, daah-a, jookh-a, maraq-a, madax-a iyo go'-a).
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Aameel
(Aameel-ka)
1. Harrub.
2. Wixii waxay arkaan iska raaca.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Aamminid
(Aamminid-da)
Kalsooni u qabid; rumaysasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Aanayn
(Aanayn-ta)
Aano ku raadin ama darteed wax ku yeelid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Aanaysi
(Aanaysi-ga)
Godob u raadsi; xigtaysi.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Aasid
(Aasid-da)
Xabaal ku ridid; duugid; xabaalid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Aayatiin
(Aayatiin-ka)
Waxtar aan durba dhalane, waa danbe, oo iyadana loo baahan yahay, la filana hayo oo loogu talaggalo; waxtar raaga; cirib-danbeed; meecaad.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Aayid
(Aayid-da)
Wax raagey ama dib loo dhigay, waa danbe oo loo baahan yahay, waxtarkooda helid, ku tabkicid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Abaar
(Abaar-ta)
Roob la'aan; doog la'aan; jiilaal dheeraaday.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Abaqaal
(Abaqaal-ka)
(geed, dad) meel laga rujiyo oo meel kale lagu abuuro; meel kale lagu koriyo: tallaal.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Abaqaalid
(Abaqaalid-da)
(geed, dad) meel ka rujin oo meel kale ku abuurid; meel ka wadid oo meel kale ku korin; tallaalid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Abeeso-lugaley
(Abeeso-lugaley-da)
Jaad halaqa ka mid ah oo qallajisaha waaweyn lagu tirsho oo afar addin iyo dabo dheer iyo harag adag leh; masolugaley, riyannuug.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Abley
(Abley-da)
Qalab bir ka samaysan oo raggu dhexda ku xirto oo ku dagaallamo; toorrey; billaawe; (ama amley).
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Abuur
1. (Abuur-ka) a) Wax aan hor u jirin uumis; alkun. b) Geed ubxa haya, docda uu lafta ama iniinta ku lee yahay, oo kolkii la beero korta oo geed hor leh oo cusub noqota; laf ama iniin ama cad kasta oo geed hor leh noqon karta; firi. c) Hawsha la qabto kolka beerta abuurka lagu rida hayo.
2. (Abuur-ta) Sida loo uumay (farsamo, hab, qaab); baxaalli.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Afaggaal
(Afaggaal-ka, Afaggaa-sha)
Toddobada xiddigood oo raqaha, tan ugu danbaysa; waxay u dhexaysaa nuguushi-cad tyo naafcadde.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Afarsuulle
(Afarsuulla-ha)
Muruq afar suul ama afar madax leh, siiba muruqa weyn oo ku yaal bowdada docdeeda kore, oo kolka uu isku soo rooro lugtu kala baxdo oo fidsanto.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Afartamaad
(Afartamaad-ka)
1. Tirada heerka afartanka ku abbaaran; 40d. (ama afartanaad).
2. Xilli roob oo toban beri ah oo ka bilawda afartamaadka dabshidka.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Afgenbi
(Afgenbi-ga)
Taliskii hore oo xoog lagu rido oo mid kale oo cusub la curiyo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Afweyn
(Afweyn-ta)
Riciraha tunka tan ugu korraysa oo afka weyn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Agas
(Agas-ka)
Cunno la raacsho qofka dhinta oo xabaasha agteeda lagu cuno; qoriqaad.