quwo
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Quwo
(Quwa-da)
Xoog; itaal; karti; tabar; awood (ama quwad).
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
quwo
m.dh Xoog; itaal; tabar. la-mid: quwad.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
quwo
m.dh Xoog; itaal; tabar. la-mid: quwad.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
quwo
f. n. strength, power, physical force
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
quwo
-quwada: (n) force (foorsi); strength (istareen-gath); power (paawar); ability (a-biliti) ~ xoog
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
quwo
-da: (magac, dhedig, keli) eeg quwad.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
quwo
de: strength, power, physical force
lx: quwo
pd: (/da)
ps: n6-f
see: quwad
key: quwo
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
quwow
f.mg1 (-oobay, -owday; -oobi) Quwo helid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
quwow
(fal) eeg quweyso.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Quweyn
(Quweyn-ta)
Quwo u yeelid; xoojin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Quwoobid
(Quwoobid-da)
Quwo yeelasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
quwoobid
m.f.dh eeg quwow.
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
superhuman
/suupar hyuuman/ (adj) insaanka (dadka) caadiga ah ka sarreeya ama ka quwo weyn.
Qaamuus Talyaani-Soomaali - Cabdalla Cumar Mansuur, Axmed Cabdullaahi A. [1985]
forza
s.f. - xoog, quwo.
Qaamuus Talyaani-Soomaali - Cabdalla Cumar Mansuur, Axmed Cabdullaahi A. [1985]
potènte
agg. quwo leh, awood leh.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
quwad
-da: (magac, dhedig, keli) awood iyo itaal cidi leedahay. Dh: itaal, xoog, quwo.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
quwad
a: quwo
de: power, strength, physical energy
lx: quwad
pd: (-da)
ps: n1-f
key: quwad
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
duwo
f.g3 (-uday/-uwaday, -uwatay) Wax leexsasho (cid).
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
duwo
v. bypass something for oneself; divert, displace, move
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
duwo
(fal) xaggaagga u wada leexso. Dh: leexso.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
duwo
de: bypass s.t. for oneself; divert, displace, move
lx: duwo
pd: (duwaday / duwatay)
ps: v3a=tr
key: duwo
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Fuwo
(Fuwa-ha)
1. Geed wax lagu midabeeyo.
2. Wixii aan sida xariirta u jilicsanayn; aan taabashadooda loo bogin; (xariir iyo fuwo - gob iyo gun.).
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
fuwo
m.l 1. Xidid asalkiisa lagu rinjiyo cawda. 2. Dhar aan xariir iyo suuf midna ahayn oo tayadiisu xuntahay. 3. la-mid: fawo.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
fuwo
m. n., [collective] plant species, used as a dye; coarse ~ rough cloth
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
fuwo
-da: (magac, dhedig, keli) wax aan jilicsanayn sida xariirta xagga taabashada. Dh: adayg, qallaf.
fuwo -ha: (magac, lab, keli) geed wax lagu midabeeyo.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
fuwo
de: plant sp., used as a dye; [ext.] coarse ~ rough cloth
lx: fuwo
pd: (/ha)
ps: n-m-col
key: fuwo
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
huwo
f.g3 (-waday, -watay) Wax dusha isaga daboolid (maro, buste iyo wixi lamida.).
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
huwo
f.g3 (-waday, -watay) Wax dusha isaga daboolid (maro, buste iyo wixi lamida). m.f.dh, huwasho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
huwo
v. wrap (a cloth) round oneself; cover oneself with cloth ~ blanket
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
huwo
(fal) wax dusha iska saar oo isku duuduub. Bustaha dhaxanta ka huwo.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
huwo
de: wrap (a cloth) round oneself; cover oneself with cloth ~ blanket
lx: huwo
pd: (huwaday)
ps: v3a=
key: huwo
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
kuwo
mu.ac.w eeg ku².
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
kuwo
mu.ac.w eeg ku².
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
kuwo
m. n., pl. some people ~ things
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
kuwo
(pronoun) another (a-nather); other ones-kuwa. Ex: kuwo cusub; new ones
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
kuwo
(magacuyaal) aan cayinayn; ku.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
kuwo
de: some people ~ things
lx: kuwo
ps: n1-m-pl
see: ku (4)
key: kuwo
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Qubo
(Quba-da)
Bahal dhiig qabow oo lafdhabar leh oo halaqa iyo qallajisaha iyo yaxaaska la bah ah; waa jaadad badan, waxayna ku nooshahay badaha kulkulul, teeda birriga ku noolna waxaa la yiraahdaa diin; waxay leedahay gafuur aan ilko lahayn iyo oogo gaashaan adag oo gees ahi ku rogan yahay oo afarta addin iyo madaxa iyo dabadu dibadda uga soo bixi karaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qubo
qubo¹: m.dh Xamaarato badda ku nool oo diinka la bah ah.
qubo²: f.mg3 (-btay, -batay) Wax daadasho.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
qubo
qubo¹: m.dh Xamaarato badda ku nool oo diinka la bah ah.
qubo²: f.mg3 (-btay, -batay) Wax daadasho. m.f.dh, qubasho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
qubo
f. n. tortoise, turtle
qubo v. spill, be spilt; fall (of leaves ~ fruit)
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
qubo
-tay / qubatay: (v) spill out of a container; become spilled
qubo -qubada: (n) sea turtle (toor'tel); tortoise (toor'tes); freshwater turtle
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qubo
(fal) daado oo firidh. Dh: saydhan.
qubo-da: (magac, dhedig, keli) nafley dhiig qabow oo lafdhabar leh oo ku nool badaha kulkulul iyo berriga waxay leedahay gafuur aan ilko lahayn iyo oogo gaashaan adag oo gees ah oo ay afarta addin iyo madaxa ku qariso kolkay halis dareento. Dh: diin, diinceelaad.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qufo
f.g3 (-ftay, -fatay) Wax meel ay ka buuxeen koox koox uga soo saarasho.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
qufo
f.g3 (-ftay, -fatay) Wax meel ay ka buuxeen koox koox uga soo saarasho. m.f.dh, qufasho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
qufo
v. empty out for oneself; dig for oneself
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
qufo
de: empty out for oneself; dig for oneself
lx: qufo
nt: qufasho (/da) [vn-f]
pd: (quftay)
ps: v3b=tr
key: qufo
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qujo
-da: (magac, dhedig, keli) garaad wax lagu garto. Nin qujo leh weeyaan. Dh: caqli, garaad.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
quwoob
inch. v. become strong
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
quwoob
de: become strong
lx: quwoob
pd: (quwoobay)
ps: v1=inch
key: quwoob
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Kuwoo
Kuwaas; kuweer.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
kuwoo
kuwoo¹: mu.ac.w eeg koo 2 (1).
kuwoo²: mu.ti.w la-mid: eeg koo¹/too¹
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
kuwoo
kuwoo: mu.ac.w eeg koo 2 (1).
kuwoo: mu.ti.w eeg koo¹/too¹
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
kuwoo
deictic, pl. those ones (far away)
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
kuwoo
(pronoun) those (thawz) ~ kuweer
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
kuwoo
-(magacuyaal) aan cayinayn; koo.
kuwoo: (magacuyaal) tilmaame; koo; too.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
kuwoo
de: those ones (far away) Plural of -koo ~ -too
lx: kuwoo
pd: (kuwooyi)
ps: deic-pl
key: kuwoo
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Murwo
(Murwa-da)
Dhalan-wanaag; xilkasnimo; xishood; sarriig; anshax.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
murwo
m.dh 1. Sharaf; maamuus. 2. la-mid: marwo. Haweeney gaarinnimo karti, dabeecad iyo akhlaaq isku darsatay.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
murwo
m.dh 1. Sharaf; maamuus. 2. la-mid: marwo. Haweeney gaarinnimo karti, dabeecad iyo akhlaaq isku darsatay.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
murwo
f. n. lady; good wife
Qaamuuska Magacyada Soomaalida: Soomaali-Ingiriis - Anwar Maxamed Diiriye [2006]
Murwo
name-f lady, honorable woman; Mrs.; respectful term for women. Syn: Marwo
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
murwo
-murwada: (n) a well-mannered and considerate wife or lady (leeydhi)-, madam (maadham) ~ marwo
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
Murwo
magac loo bixiyo gabadh la filayo in ay noqoto gaari lagu reeyo.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
murwo
-da: (magac, dhedig, keli) gabadh la qabo. Murwo iyo gabadhba shirka waa loo dhannaa. Dh: xaas, islaan, afo.
murwo-da: (magac, dhedig, keli) gabadh gaari ah xishood iyo dadnimaba leh. Dh: gaari. Li: kabacad, fudud.
murwo-da: (magac, dhedig, keli) naanays martabeed dumarka gaar u ah oo u dhiganta mudane oo ta ragga ah. Wa: marwooyin.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
murwo
bw: Arabic
de: lady; good wife (term of praise)
lx: murwo
pd: (/da)
ps: n6-f
see: marwo
key: murwo
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Qalwo
(Qalwa-da)
1. Derbi ka samaysan dhagxan dusha iska saarsaaran keliya oo guryaha lagu wareejiyo.
2. Aqal yar oo dhoobo ka samaysan oo miyiga laga dhiso.
3. Dhis waxaraha la geliyo.
4. Meesha dugaagga la dabayo, loo galo; cimil.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qalwo
m.dh (-ooyin, m.l) 1. God ciriiri ah oo buuraha iyo qararka dhexdooda ku samaysma. 2. la-mid: qalawo. Edeg yar. 3. Dhismo yaroo wax lagu dabo. 4. la-mid: khilaawo.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
qalwo
f. n. small hut; hermitage; dry stone enclosure
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qalwo
-da: (magac, dhedig, keli) dhis ka samaysan dhagax la is dul dhigdhigo oon siibidh iyo dhoobo midna la isticmaalin oo iyaga uun la is dul ligeeyo. Dh: ligo.
qalwo-da: (magac, dhedig, keli) xerada maqasha lagu xereeyo. Qalwadii mas baa galay, qodaxdiina hoos taal. Dh: edeg.
qalwo-da: (magac, dhedig, keli) meel dugaagga la dabayo ama bahal la dilayo loo galo. Qalwo ugu dhuumo libaaxa oo dil. Dh: cimil.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
qalwo
de: small hut; hermitage; dry stone enclosure
lx: qalwo
pd: (/da)
ps: n6-f
key: qalwo
Qaamuuska Magacyada Dhirta Soomaaliyeed (Soomaali-Laatiin) - Axmed M. I. Barkhadle [1990]
QAWLO
(Kaulo) S Maerua angolensis DC. Capparidaceae.
S Maerua triphylla A. Rich. Capparidaceae.
S Nymphaea caerulea Savigny. Nymphaeaceae.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qawso
f.mg3 (-saday, -satay) Dab kulaalid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qawso
-da: (magac, lab, keli) dab kulaalid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qaxwo
m.dh la-mid: qaxwe.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
qaxwo
m. n., (mass n.): coffee (drink)
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
qaxwo
-qaxwaha: (n) coffee (koo-fi) ~ kafee, bun
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
qaxwo
de: coffee (drink)
lx: qaxwo
pd: (/ha)
ps: n6-m-mass
xe: What do you want, coffee or tea?
xv: Maxaad jeceshahay, qaxwo mise shaah?
key: qaxwo
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
qowso
v. be destitute
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
qowso
de: be destitute
lx: qowso
pd: (qowsaday)
ps: v3a=intr
key: qowso
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qubbo
m.dh la-mid: qubbad.
Qaamuuska Magacyada Dhirta Soomaaliyeed (Soomaali-Laatiin) - Axmed M. I. Barkhadle [1990]
QUNJO
(Gunje) S, May Cyperus compressus L. Cyperaceae.
S Cyperus zollingeri Steud. Cyperaceae.
S Cyperus alopecuroides Rottb. Cyperaceae.
S Mariscus hemisphaericus (Boech.) C.B.Cl. Cyperaceae.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qunso
f.g3 (-saday, -satay) 1. Xoolo iyo wixi lamida meel u kaxaysasho. 2. Dan, arrin iyo wixi lamida meel marsasho.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
qunso
f.g3 (-saday, -satay) 1. Xoolo iyo wixi lamida meel u kaxaysasho. 2. Dan, arrin iyo wixi lamida meel marsasho. m.f.dh, qunsasho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
qunso
v. get exactly as one wants, attain, achieve
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
qunso
-qunsaday / qunsatay: (v) help oneself to; help yourself to; take advantage of
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qunso
(fal) muraad aad leedahay qabso. Dh: fusho.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
qunso
de: get exactly as one wants, attain, achieve
lx: qunso
nt: qunsad (ka) [vn-m], qunsasho (/da) [vn-f]
pd: (qunsaday)
ps: v3a=tr
key: qunso
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Qurbo
(Qurba-da)
Qurbe.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qurbo
m.dh la-mid: qurbe.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
qurbo
f. n. foreign land
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qurbo
-ha: (magac, lab, keli) eeg qurbe.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
qurbo
a: qurbe
de: foreign land
lx: qurbo
pd: (/da)
ps: n6-f
key: qurbo
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Qurdo
(Qurda-da)
Gabar qurdan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qurdo
qurdo¹: m.l Xaniinyo.
qurdo²: m.dh 1. Gabadh madaxa ka xiiran oo yuul ah. 2. Q. ah: ri' dhego yaryar oo foolxun.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
qurdo
f. n. short-haired girl
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qurdo
-da: (magac, dhedig, keli) buurbuurka ay budadu yeelato kolka biyo lagu dhex shubo een si wanaagsan loo laaqin. Dh: qurdi.
qurdo -da: (magac, dhedig, keli) xiiridda madaxa oo timaha laga wado xiiro. Dh: moolo, dhakacambe.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
qurdo
de: short-haired girl
lx: qurdo
pd: (/da)
ps: n6-f
key: qurdo
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
quudo
f.g3 (-uutay, -uudatay) Nafley cunto cunid.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
quudo
f.g3 (-uutay, -uudatay) Nafley cunto cunid. m.f.dh, quudasho.