quwadjab
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
quwadjab
-ka: (magac, lab, keli) baabuur ama wax kale oo xoog u dhaqaaqay, si kedis ah u joogsasho; naaqusmidda tayada orodkiisa.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
quwadjabid
-da: (magac, dhedig, keli) eeg quwadjab.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dacas
dacas¹: m.l (-syo, m.dh) 1. Kabo jilicsan, badanaa guriga lagu joogo oo balaastiig ka sameysan. 2. Diif; rafaad; dhibaato.
dacas²: f.g/mg1 (-say, -stay) 1. (f.g) Cid kabo dacas ah la dhicid. 2. (f.mg) Baabuur quwadjabid.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
dacas
dacas¹: m.l (-syo, m.dh) 1. Kabo jilicsan, badanaa guriga lagu joogo oo balaastiig ka sameysan. 2. Diif; rafaad; dhibaato.
dacas²: f.g/mg1 (-say, -stay) 1. (f.g) Cid kabo dacas ah la dhicid. 2. (f.mg) Baabuur quwadjabid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
balbaalyow
(fal) nabar, shiddadaa ha quwad jabto; xoogdhantaalan oo taakaleelan. Dh: dhicisow, shiiq, quwadjab.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dacas
(fal) baabuur, quwadjab.
dacas-ka: (magac, lab, keli) dhib iyo rafaad ay danyari keento. Laga durug durraad galab kuwuu dacasku saaraaye. Dh: rafaad, dhibaato, bisaarad, balanbal, bayhoof.
dacas-ka: (magac, lab, keli) jaad kabaha ka mid ah oo kor ka furan oo caag ka samaysan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
karaarjab
-ka: (magac, lab, keli) xawaaraha uu gaadiid ku socday oo si lama filaan ah u joogsada ama hoos u dhaca. Dh: quwadjab. Li: karaarid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
quwaday
(fal) xoog u yeel; taageero sii. Dh: quwee, xooji.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
quwadjebin
-ta: (magac, dhedig, keli) karaarkii uu ku socday, si kedis ah u naaqusid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
quwad
m.dh (-do, m.l) la-mid: quwo.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
quwad
m.dh la-mid: quwo.
Qaamuuska Ereybixinta: Fisikis (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Quwad
Strength
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
quwad
f. n. power, strength, physical energy
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
quwad
-da: (n) force (foorsi); strength (istareengkath); power (paawar); ability (a-biliti) ~ xoog
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
quwad
-da: (magac, dhedig, keli) awood iyo itaal cidi leedahay. Dh: itaal, xoog, quwo.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
quwad
a: quwo
de: power, strength, physical energy
lx: quwad
pd: (-da)
ps: n1-f
key: quwad
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Quwaax
(Quwaax-a)
Geedo yaryar oo jaadad badan ah oo salkooda hoose oo aasan ama laamohoodu, dhacaan sonkoraysan lee yihiin, oo la ruugo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
quwaax
m.l Laan, xidid ama jirrid jilicsan oo leh dhacaan macaan oo la mashiiqsan karo.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
quwaax
m.l Laan, xidid ama jirrid jilicsan oo leh dhacaan macaan oo la mashiiqsan karo.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
quwaax
m. n., [collective] sugar beet ~ sugarcane
Qaamuuska Magacyada Dhirta Soomaaliyeed (Soomaali-Laatiin) - Axmed M. I. Barkhadle [1990]
QUWAAX
(Kua) All. Som. Commiphora kua (J.F.Royle) Vollesen. Burseraceae.
C Commiphora truncata Engl. Burseraceae.
S Commiphora tubuk Sprague. Burseraceae.
C,S Commiphora gowlello Sprague. Burseraceae.
S,C Commiphora horrida Chiov. Burseraceae.
N Commiphora incisa Chiov. Burseraceae.
N Commiphora bruceae Chiov. Burseraceae.
N Commiphora africana (A. Rich.)Engl. Burseraceae.
S, C Capparis cartilaginea Decne Capparidaceae.
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
quwaax
-ka: (n) fleshy root of certain plants; root vegetable; sugar cane; edible tuber
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
quwaax
(magac, lab, keli) eeg qasab.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
quwaax
bw: coodin
de: sugar beet ~ sugarcane
lx: quwaax
pd: (-a)
ps: n2a-m-col
syn: khasab ~ qasab
key: quwaax
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
niyadjab
niyadjab¹: m.l la-mid: niyajab¹.
niyadjab²: f.mg1 (-bay, -btay) la-mid: niyajab².
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
niyadjab
m. n., [compound] depression, demoralization, frustration; disappointment
niyadjab: [inchoative] v. be depressed, get demoralized ~ frustrated
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
niyadjab
-ka: (n) disappointment (disa-pooynt-ment); demoralization (dimoor 'ala-zeey-shiri), depression (di-pareeshin); unhappiness ~ niyajab, niyadxumo, qalbijab
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
niyadjab
-ka: (magac, lab, keli) quus iyo qaadanwaa ka yimaad rajo wanaagsan oo lagu hongoobo. Dh: quus.
Qaamuus Soomaali-Carabi oo Kooban - Cabdirisaaq Maxamed Cilmi Ina-Warfaa [2007]
niyadjab
تَثْبيط الْهِمَّة، تَثْبيط
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Qawadsan
Wax la siiyey la yaraadeen; wax saluugsan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qawadsan
f.mg4 (-naa, -nayd) Qof wax saluugay ahaansho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
qawadsan
der. [adjective] not satisfied with a gift
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
qawadsan
-aa / nay: (adj) 1. unhappy with the result or the outcome. 2. unsatisfied, especially with what is given
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qawadsan
(tilmaame) isla weyn; qof qawadaya ah.
qawadsan: (tilmaame) saluugsan.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
qawadsan
de: not satisfied with a gift
lx: qawadsan
ps: adj-der
key: qawadsan
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
quwadayn
-ta: (magac, dhedig, keli) quwad u yeelid, taageero siin. Dh: xoojin, quwadayn. Li: daciifin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
quwadays
-ta: (magac, dhedig, keli) eeg quwadayn.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
quwadaysan
(tilmaame) quwaysan; xoogan; xoogaysan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
himmadjab
himmadjab¹: m.l la-mid: himmajab.
himmadjab²: f.mg1 (-bay, -btay) la-mid: himmajab².
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
ku waajib
v. become a duty, be an obligation for someone
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
ku_waajib
bw: Arabic
de: become a duty, be an obligation for s.o.
lx: ku waajib
pd: (waajibey)
ps: v1=expr
key: ku_waajib
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
nafsadjab
nafsadjab¹: m.l la-mid: niyajab¹.
nafsadjab²: f.mg1 (-bay, -btay) la-mid: niyajab².
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
nafsadjab
m. n., [compound] disappointment, delusion, loss of desire ~ appetite
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
nafsadjab
-ka: (magac, lab, keli) ka quusasho; niyadjab.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
nafsadjab
de: disappointment, delusion, loss of desire ~ appetite
lx: nafsadjab
pd: (-ka)
ps: n-m-cmp
key: nafsadjab
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
niyadjabi
-yey / say: (v) disappoint (disa-pooynt); demoralize (di moor 'a-laayz), discourage (dis-koor-eeyj); dispirit (dis-piirit); dishearten ~ niyadjebi, qalbijabi
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qaddarjab
qaddarjab¹: m.l la-mid: maskarjab¹.
qaddarjab²: f.mg1 (-bay, -btay) la-mid: maskarjab².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qaddarjab
(fal) dhimo adoon guursan; dhallinyar adoo ah ku dhimo. Wilka ha ku odhan qaddarjab.
qaddarjab -ka: (magac, lab, keli) dhimashada yaraan lagu dhinto.
Qaamuus-Yare Soomaali-Faransiis - Kiristoofe Filibeerti [1976]
Quwwad-da
pouvoir.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
uurwadaag
-ta: (magac, dhedig, keli) labo hooyo wada dhashay oo kala tol ah. Dh: uurhooyo. Li: uuraabbo.