quuruwaalle
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Quuruwaalle
(Quuruwaalla-ha)
Xasharaad calaanberiga u eg.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
quuruwaalle
m. n. insect species
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
quuruwaalle
-ha: (magac, lab, keli) xasharaad calaamberiga u eg oo midab cascas leh oo waxyaabaha macmacaan soo raaca. Dh: calaanberi quuruwalle-ha: (magac, lab, keli) eeg quuruwaalle.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
quuruwaalle
de: insect sp.
lx: quuruwaalle
pd: (/ha)
ps: n7-m
key: quuruwaalle
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
quuruwalle
m.l (-layaal, m.l/dh) Xasharaad calaamberiga u eg oo midab cascas leh oo waxyaabaha macmacaan soo raaca.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
uurkubaalle
m.l.kh (-layaal, m.l/dh) 1. Qof hibo loo siyey in uu ogaado waxa dhici doona. 2. Faras ama nin aad u dheereeya.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
uurkubaalle
m.l.kh (-layaal, m.l/dh) 1. Qof hibo loo siyey in uu ogaado waxa dhici doona. 2. Faras ama nin aad u dheereeya.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
uurkubaalle
-ha: (magac, lab, keli) qof la rumaysan yahay in xagga Eebbe wax laga ogaysiiyo oo qalbiga ku leh caqli iyo aragti uu mustaqbalka wax kaga sheego ama oddoroso, Dh: weli.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
huuraale
-ha: (magac, lab, keli) qof aan ilkaha cadayan oo afka huuro ku leh.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
quuriwaa
f.g/mg1 (-aayay, -aayday; -aayi) 1. (f.g) Wax bixintooda niyadda ka soo goyn waayid. 2. (f.mg) U q.: Xaasidnimo awgeed qof wax fiican oo ay haysato la nacbeysasho.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
quuriwaa
f.g/mg1 (-aayay, -aayday; -aayi) 1. (f.g) Wax bixintooda niyadda ka soo goyn waayid. 2. (f.mg) U q.: Xaasidnimo awgeed qof wax fiican oo ay haysato la nacbeysasho. m.f.dh, quuriwaayid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
quuriwaa
(fal) wax bixintooda niyadda ka soo goyn waayid.
quuriwaa: (fal) (u ~) xaasidnimo awgeed, qof kale wax fiican oo ad haysato la necbayso
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
quuriwaayid
m.f.dh eeg quuriwaa.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
quuriwaayid
-da: (magac, dhedig, keli) cid ama wax kale, huriwaayid
Hal-Ururka Erayada Maamulka Xafiisyada, Xisaabaadka Ganacsiga iyo Dhaqaalaha (Soomaali-Talyaani-Ingiriis) - Warshadaha Saabuunta Bayl, Qubeyska iyo Mariska [1979]
Uurkumaanle
Psicologo
Psychologist
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Uurkutaallo
(Uurkutaalla-da)
Utun iyo ciil sidii nabar uurka ugu yaal oo ku raaga oo aan la ilaawi karin; xumaan lays gaarsiiyey oo hadba la soo gocdo; uurkusiddo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
uurkutaallo
m.dh Dareen iyo uurxumo gocasho ku dheehan tahay leh.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
uurkutaallo
m.dh Dareen iyo uurxumo gocasho ku dheehan tahay leh.
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
uurkutaallo
-uurkutaallada: (n) resentment (ri-zant-ment); rage (reeyj); anger (aang-ger); exasperation (ig-zaas-pa-reey-shin) ~ urug, urugo, caro, umal, xanaaq
Hal-Ururka Erayada Maamulka Xafiisyada, Xisaabaadka Ganacsiga iyo Dhaqaalaha (Soomaali-Talyaani-Ingiriis) - Warshadaha Saabuunta Bayl, Qubeyska iyo Mariska [1979]
Uurkutaallo
Rancore
Acrimony; spleen
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
uurkutaallo
-da: (magac, dhedig, keli) utun iyo ciil reeba nabar dareen ah oo kol ba soo kacdooma murugo iyo tiiraanyo awgood. Dh: urugo, murugo.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
uurkutaallo
de: worry, anxiety
initial: u
lx: uurkutaallo
pd: (/da)
ps: n6-f-cmp
syn: hammi, murug
key: uurkutaallo
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
quutulqaalib
-ka: (magac, lab, keli) quudka ugu caansan ee dad meel wada degaa ay cunaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Uurkummaanle
(Uurkummaanla-ha)
Qofka garan og waxa aan afka laga orane dadka uurkiisa ku jira; kasmo u leh sida lagu maleeyo waxa dadku iskula hadla hayo; maangarato ah.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
uurkummaanle
m.l (-layaal, m.l/dh) Qof waxgaradnimo iyo caqli badan leh oo la moodo in uu la socdo waxa qofka la hadlayaa ku fekerayo.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
uurkummaanle
-ha: (magac, lab, keli) qof karti u leh in uu garto waxa aan afka laga odhane dadka uurkiisa ku jira. Dh: maangarato.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
uurkummaanle
de: clairvoyant, person with power of mind-reading
initial: u
lx: uurkummaanle
pd: (/ha)
ps: n7-m-cmp
key: uurkummaanle
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
uurkutaalloo
f.mg3 (-ooday, -ootay) Uurkutaallo dareemid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
uurkutaalloo
(fal) urugoo oo uurxumo dareen. Dh: murugoo.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
uurkutaallow
de: worry, grieve, become sad
initial: u
lx: uurkutaallow
pd: (uurkutaallooday)
ps: v3a=intr
key: uurkutaallow
Qaamuuska Magacyada Dhirta Soomaaliyeed (Soomaali-Laatiin) - Axmed M. I. Barkhadle [1990]
BURQAALE
(Burgale) S Pyrenacantha kaurabassana Baill. Icacinaceae.
Qaamuuska Magacyada Soomaalida: Soomaali-Ingiriis - Anwar Maxamed Diiriye [2006]
Buulalle
nickname-m anthill; lit: one who is afflicted with a skin disease or pustules; hence the nickname
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
duumaale
-ha: (magac, lab, keli) milay ama meel ay duumo dad badan ku laysay.
Qaamuuska Magacyada Soomaalida: Soomaali-Ingiriis - Anwar Maxamed Diiriye [2006]
Guutaale
name-m leader of armies; squad, brigade; mature. Lit: he who was born while some warriors of his kinsmen were in attendance
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
Guutaale
magac loo baxsho wiil dhashay xilli ay ciidammo joogeen reerka ama dad badan reerka iskugu yimaaddeen. Waxa kale oo loo baxshaa wiil la rajaynayo in uu noqdo hoggaamiye ummadeed.
Qaamuus Faransiis-Soomaali - Maxamed Cabdi Maxamed [1985]
querelle
querelle, n.f. - murmidda: dagaalidda.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
guur kale
n. phr. remarriage
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
guur_kale
de: remarriage
lx: guur kale
ps: np
key: guur_kale
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
humbaalle
m.l 1. Qaab orod ama socod ah oo qof wax cabsiinaya sameeyo. 2. la-mid: humbaalleyn.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
humbaalle
m. n. stealth walk (with camouflage), move about on tip toe
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
humbaalle
-ha: (magac, lab, keli) socod wax dusha la iskaga dedo oo hambulhambul loo socdo dadkana lagaga cabdsiiyo.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
humbaalle
de: stealth walk (with camouflage), move about on tip toe
lx: humbaalle
pd: (/ha)
ps: n7-m
key: humbaalle
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Hunbaalle
(Hunbaalla-ha)
Hab loo ordo ama loo socdo.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hunbaalle
-ha: (magac, lab, keli) hab loo ordo ama loo socdo iyada oo dhar badan la huwan yahay oo marba dhinac la isku tuurayo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qurwaayid
m.f.dh eeg qurwaa.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
afarbaalle
-ha: (magac, lab, keli) qof aan cilmi badan lahayn oo dhawr kitaab uun dhigtay; qof an aqoon badan lahayn oo isagu sidaa aan isku haysan. Dh: baalgaab, kitaabgaab.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
gardhaalle
-ha: (magac, lab, keli) xubinta taranka ee dhediga. Kurtimadoo ku gaamura iyo ha ku gudho gardhaallehu. Dh: siil, dhashi, gawr.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
quudutaabac
-a: (magac, lab, keli) qof hankiisa iyo dadnimadiisa ku xidha raadinta soorta. Quudutaabucu, qurdub meel leh ba wax qubnaan jirey.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Uurkubbaale
(Uurkubbaala-ha)
1. Qof xag Ilaah wax laga ogeysiiyo; weli.
2. (sheekaxariiro) qof ama neef adduunyo ah oo duula oo wax walba oo dhici doona ogaada.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
uurkubbaale
de: Islamic saint; folklore being who flies and has prophetic powers; [atr.] clairvoyant (man who receives from God the ability to see the future)
initial: u
lx: uurkubbaale
pd: (/ha)
ps: n7-m
key: uurkubbaale
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qullufqaalluf
-ka: (magac, lab, keli) qof jacjacoor ah oo aad u adadag oo waji xun.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
uurkutaallood
m.f.l eeg uurkutaalloo.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
uurkutaallood
-ka: (magac, lab, keli) in badan ciil iyo murug qabid.