quun-saneed
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
quun-saneed
m.l (-dyo, m.dh) (cilmiga naflayda) Qanjirro linfo sooheed ah qaybta sare ee dhuunta oo marka ay bukoodaan sanka xira.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]

SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
quunsaneed
-ka: (magac, lab, keli) qanjirro linfo sooheed ah oo ku yaal gaybta sare ee dhuunta oo marka ay bukoodaan sanka xira.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
nuun-carbeed
-ha: (magac, lab, keli) jaad ka mid ah kalluunka badda laga soo saaro.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
xuub-wadneed
m.l (-dyo, m.dh) (cilmiga naflayda) Dhinaca lafdhabarleyda, xuub qoyan oo sameeya gidaarka moqorka kalka wadnaha.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
xuub-xabeed
m.l (-dyo, m.dh) (baayoloji) Lakab nudo ah oo ka kooban ibitiiliyam ay tiiriyaan nudo isku-xidhayaal. Ibtiiliyamka dhexdiisa waxa laga heelaa unugyo goblet oo gaar ah, kaas oo guudka kaga dhiijiya xab, ibitiiliyamkuna badanaa waxaa uu leeyahay gan. Xuub xabeebku wuxuu ku dhereereranyahay moqorrada jidhka ee xidhiidhka la leh dibadda sida mariinka cuntada iyo mariinka hawada.
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
xuur-badeed
-ka: (n) cormorant (koor-ma-ranf)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
huud-carbeed
-ka: (magac, lab, keli) jaad kaluunka ka mid ah.
Qaamuuska Ereybixinta: Fisikis (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Duub saaqineed
Induction, coil
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
xuub-maskaxeed
m.l (-bab.../-dyo, m.dh) (cilmiga naflayda) Saddexda xuub ee ka sameeysan sooh xiriiriye oo hoos kaga dahaaran lafta madaxa iyo godka laf-dhabarta, waxayna daboolaan maskaxda iyo xangullada.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
xuub-maskaxeed
m.l (-bab.../-dyo, m.dh) (cilmiga naflayda) Saddexda xuub ee ka sameeysan sooh xiriiriye oo hoos kaga dahaaran lafta madaxa iyo godka laf-dhabarta, waxayna daboolaan maskaxda iyo xangullada.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
musareed
m.l Xerada ariga aaggeeda.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
muunadee
f.g2 (-deeyay, -daysay) 1. Cid sharfid ama xurmayn. 2. Wax qeymo u yeelid. la-mid: muunee.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
muunadee
f.g2 (-deeyay, -daysay) 1. Cid sharfid ama xurmayn. 2. Wax qeymo u yeelid. m.f.dh, muunadayn. la-mid: muunee.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
muunadee
v. honor ~ dignify someone; raise something in value; beautify, decorate
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
muunadee
(fal) midabyo qurxoon u samee. Dermada muunadee. Dh: muunaday, naqshadee.
muunadee: (fal) cid kale si sharaf iyo qaddarin ah u soo dhawee. Waalidku kolkuu kuu yimaad muunadee. Dh: muunaday, xurmee.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
muunadee
de: honor ~ dignify s.o.; raise s.t. in value; beautify, decorate
lx: muunadee
pd: (muunadeeyey)
ps: v2b=tr
key: muunadee
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qurunsan
f.mg4 (-naa, -nayd) Wax qurmay ahaansho.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
qurunsan
f.mg4 (-naa, -nayd) Wax qurmay ahaansho. m.f.dh, qurunsanaan.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
qurunsan
der. [adjective] putrid, rotten, spoiled; decomposed
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
qurunsan
a: qudhunsan
de: putrid, rotten, spoiled; decomposed
lx: qurunsan
pd: (qurunsanaa)
ps: adj-der
key: qurunsan
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
quudhsad
-ka: (magac, lab, keli) yaraysad, Dh: yasid, quudhsad, quursad.. Li: qaddarin.
Qaamuus-Yare Caafimaad: Ingiriis-Soomaali - Deeqa Cali [1999]
unwanted
(adj) something that is not wanted, required, or needed.
lama rabo ama looma baahna
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
unwanted
/anwantdh/ (adj) aan la- rabin (aan loo-baahnayn).
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
uunbatee
(fal) eeg uubatay.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
muunabeel
(fal) foolxumaw oo buusbuus yeelo. Muunabeel hadday ku tidhaa magacaa ha jiro dheh. Dh: qiimabeel, muunajab.
muunabeel -ka: (magac, lab, keli) qiima dhac shayga midabkiisa ku dhaca oo uu isbeddelo. Dh: muunajab. Li: muunad.
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
quicksand
/ (n) dhooqo (dhoobada qoyan).
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
quuddaree
(fal) filo wax in aad hesho ama aad gaadhid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
tuunsamid
m.f.dh eeg tuunsan¹.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
tuunsamid
-da: (magac, dhedig, keli) wax tuunsan noqosho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
uunsanaan
m.f.dh eeg uunsan. la-mid: unsanaansho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
nuun-cadde
-ha: (magac, lab, keli) jaad ka mid ah kalluunka badda laga soo saaro.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Tuunsanaan
(Tuunsanaan-ta)
Wax tuunsan ahaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
tuunsanaan
m.f.dh eeg tuunsan². la-mid: tuunsanaansho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
tuunsanaan
f. n., [abstract] accumulation, state of piling up
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
tuunsanaan
-ta: (magac, dhedig, keli) wax isku urursan ahaan.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
tuunsanaan
de: accumulation, state of piling up
initial: t
lx: tuunsanaan
pd: (-ta)
ps: n0-f-abs
key: tuunsanaan
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
xuubxabeed
m.l (-dyo, m.dh) (baay.) Lakab nudo ah oo ka kooban ibitiiliyam ay tiiriyaan nudo isku-xidhayaal. Ibtiiliyamka dhexdiisa waxa laga heelaa unugyo goblet oo gaar ah, kaas oo guudka kaga dhiijiya xab, ibitiiliyamkuna badanaa waxaa uu leeyahay gan. Xuub xabeebku wuxuu ku dhereereranyahay moqorrada jidhka ee xidhiidhka la leh dibadda sida mariinka cuntada iyo mariinka hawada.
Qaamuuska Ereybixinta: Juqraafi (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Buur badeed
Seamount
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
buur-sameyn
m.dh (jooloji) Buur dhisid: isbeddel ku dhaca heerka sinnaanta qolofta dhullka, isbeddelkaas oo dhadhaabo kor loogu soo tuuro si ay u sameeyaan silsillado buuro laalaab ama dhul go'.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
duud-oogeed
m.l (jooloji) Oogo dhadhaab shiileed ah, inta badan ufuq ahaan, wuxuu samaysmaa marka magma soo herdiyo laba lakab oo dhadhaab lakabeed dhexdood oo halkaa ku qaboobo kuna adkaado; qaradiidu waxay gaadhi kartaa xoogaa sentimitirro ah ama dhowr boqol mitir, laakiin ufuqiisu inta badan wuu ka weynyahay marka la barbardhigo qaradiisa.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
duud-oogeed
m.l (jool.) Oogo dhadhaab shiileed ah, inta badan ufuq ahaan, wuxuu samaysmaa marka magma soo herdiyo laba lakab oo dhadhaab lakabeed dhexdood oo halkaa ku qaboobo kuna adkaado; qaradiidu waxay gaadhi kartaa xoogaa sentimitirro ah ama dhowr boqol mitir, laakiin ufuqiisu inta badan wuu ka weynyahay marka la barbardhigo qaradiisa.
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
open-handed
/owpen-haandhid/ (adj) gacan furan (deeqsi ah).
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qudbasireed
-da: (magac, dhedig, keli) guur qarsoodi ah oo laba qof sharci isku guursadaan. Dh: meherxad.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qurunsanaan
m.f.dh eeg qurunsan. la-mid: qurunsanaansho.
Qaamuuska Magacyada Dhirta Soomaaliyeed (Soomaali-Laatiin) - Axmed M. I. Barkhadle [1990]
SUUF-JAREER
(Suf.gerer) S Ipomoea paolii Chiov. Convolvulaceae.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
xuubwadneed
m.l (-dyo, m.dh) (cilmiga naflayda) Dhinaca lafdhabarleyda, xuub qoyan oo sameeya gidaarka moqorka kalka wadnaha.
Qaamuuska Ereybixinta: Fisikis (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Buuq danabeed
Electrical Noise
Hal-Ururka Erayada Maamulka Xafiisyada, Xisaabaadka Ganacsiga iyo Dhaqaalaha (Soomaali-Talyaani-Ingiriis) - Warshadaha Saabuunta Bayl, Qubeyska iyo Mariska [1979]
GUNNO-HAWLEED
Compenso di funzione
Office allowance