quuddarrayn
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Quuddarrayn
(Quuddarrayn-ta)
Filasho; rajeyn; sugid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
quuddarrayn
m.f.dh eeg quuddarree.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
quuddarrayn
-ta: (magac, dhedig, keli) wax incid ku siiso filasho. Dh: filasho, quuddarrays.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
quuddarray
(fal) wax in lagu siiyo filo. Dh: quudarree, filo, rajee, sug.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
quuddarrays
-ka: (magac, lab, keli) eeg quuddarrayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Filasho
(Filasha-da)
Sugid; dhawrid; rajeyn; malaysasho; quuddarrayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhabiil
dhabiil¹: m.dh 1. Dhaqaaleynta iyo tashiilidda hantida. 2. Quuddarraynta. la-mid: dhabiilid.
dhabiil²: f.g1 (-iilay, -iishay) 1. Wax tashiilid. 2. Wax quuddarrayn.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
dhabiil
dhabiil¹: m.dh 1. Dhaqaaleynta iyo tashiilidda hantida. 2. Quuddarraynta.
dhabiil²: f.g1 (-iilay, -iishay) 1. Wax tashiilid. 2. Wax quuddarrayn. m.f.dh, dhabiilid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
filad
-ka: (magac, lab, keli) wax ay suurgal tahay inuu dhaco, sugid. Dh: dhawrid, malaysasho, rajay, quuddarrayn. Dh: filasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qurreec
(fal) wax loo baahan yahay sug oo naawil.
qurreec-a: (magac, lab, keli) rajo ay baryo ku jirto ama quuddarrayn.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
quudid
-da: (magac, dhedig, keli) si baahiyi ku jirto cid wax ad ka naawilayso u eegid. Dh: quudis, quuddarrayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Quuddarro
(Quuddarra-da)
Wax la fisho; rajo; yididdiilo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
quuddarro
m.dh Rajo; yididdiilo.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
quuddarro
m.dh Rajo; yididdiilo.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
quuddarro
f. n. expectation, anguish (such as that involved with vain hope)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
quuddarro
-da: (magac, dhedig, keli) sugid cid wax laga sugo oo la naawilo in wax laga helayo. Waryaa aqalkii qiiqaba quudarro la horjoog. Dh: filsho, rajo, naawilid.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
quuddarro
de: expectation, anguish (such as that involved with vain hope)
lx: quuddarro
pd: (/da)
ps: n6-f
key: quuddarro
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
quuddarree
f.mg2 (-reeyay, -raysay) Wax helitaankooda rajo ka qabid.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
quuddarree
f.mg2 (-reeyay, -raysay) Wax helitaankooda rajo ka qabid. m.f.dh, quuddarrayn.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
quuddarree
v. expect (against the odds), desire, hope (against hope)
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
quuddarree
-yey: (v) [with u] cause someone to lower his or her expectations
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
quuddarree
(fal) eeg quuddarray.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
quuddarree
de: expect s.t. (against all of the odds), desire, hope (against hope) With preposition ka 'from s.o.'
lx: quuddarree
pd: (quuddarreeyey)
ps: v2b=tr
key: quuddarree
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Guuldarraysi
(Guuldarraysi-ga)
Guuldarraysasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
guuldarraysi
m.l la-mid: guuldarraysasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
guuldarraysi
-ga: (magac, lab, keli) eeg guuldarraysad.
guuldarraysi -ga: (magac, lab, keli) ku guulaysan waayid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
guuldarrayso
f.mg3 (-stay, -satay) Guuldarro la kulmid.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
guuldarrayso
f.mg3 (-stay, -satay) Guuldarro la kulmid. m.f.dh, guuldarraysasho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
guuldarrayso
v.auto: be defeated, suffer a loss, failure ~ lack of success
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
guuldarrayso
-guuldarraystay: (v) be unsuccessful, fail to win; fail (feeyl); lose (luuz)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
guuldarrayso
(fal) dagaalkii ama tartankii aad gashay wax lib ah haka gaadhin. Li: guulayso.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
guuldarrayso
de: be defeated, suffer a loss, failure ~ lack of success
lx: guuldarrayso
pd: (guuldarraystay)
ps: v3b=auto
key: guuldarrayso
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Muurrayn
(Muurrayn-ta)
Wax tiro badan oo wada dhaqdhaqaaqa haya; miririgleyn; guurreyn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
muurrayn
m.f.dh eeg muurree.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
muurrayn
-ta: (magac, dhedig, keli) is dabawareegid; xuuraamid. Dh: agaguug, miririglayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qaddaran
f.mg4 (-rnaa, -rnayd) Wax Eebbe qaddarey ahaansho.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
qaddaran
f.mg4 (-rnaa, -rnayd) Wax Eebbe qaddarey ahaansho. m.f.dh, qaddarnaan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qaddaran
(tilmaame) xukuman oo ilaahay horay u gaddaray ah. Wax adi kuu qaddaran cidi kaama qadiso.
qaddaran: (tilmaame) wax qiyaasan ama xadaysan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
afdarrayn
-ta: (magac, dhedig, keli) afbeelidda bir wax lagu jaran jiray; waxgoyn la'aanta bir af ay wax ku goyso lahaan jirtay. Afdarrayn bay gudumadu wax la goyn la'dahaye, waa in la liso. Dh: afdarrays, afbeelid, saawiroobid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Faddarayn
(Faddarayn-ta)
Wax faddaraysan ka dhigid; najaasayn; wasakhayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
faddarayn
m.f.dh eeg faddaree.
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
faddarayn
-ta: (n) contamination (kon taam e neey shin); foulness
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
faddarayn
-ta: (magac, dhedig, keli) wasakh ama nijaas gaadhsiin. Dh: faddaaddayn. Li: nadiifin.
faddarayn -ta: (magac, dhedig, keli) dhaqan xun barid. Dh: aafayn. Li: tarbiyadayn, edbib.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qudbadayn
-ta: (magac, dhedig, keli) khudbad jeedin. Dh: khudbadayn.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
quuddaree
(fal) filo wax in aad hesho ama aad gaadhid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Dacdarrayn
(Dacdarrayn-ta)
Rafaad ka yimid hagar iyo isku ladid ku jirrabid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dacdarrayn
m.f.dh eeg dacdarree.
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
dacdarrayn
-ta: (n) lack of caring; neglect (nig-lekf); mistreatment (mistiriitment)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dacdarrayn
-ta: (magac, dhedig, keli) wax aad gacanta ku hayso daryeella'aan kula kicid. Dh: rafaadin, dhibaatayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dandarrayn
m.f.dh eeg dandarree.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dandarrayn
-ta: (magac, dhedig, keli) hanti uu lahaa baabi'id; qof bartiisu yaraatay ahaan. Dh: danyaraan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qaddarnaan
m.f.dh eeg qaddaran. la-mid: qaddarnaansho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qaddarnaan
-ta: (magac, dhedig, keli) xadays- naanta; wax qiimo go'an loo yeelay ahaan.
qaddarnaan -ta: (magac, dhedig, keli) wax xagga Ilaahay horey uga xukuman ahaan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qarqarrayn
-ta: (magac, dhedig, keli) qarba dhan u xidhid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
suuldaaran
f.mg1 (-rmay, -rantay; -rmi) Hal suuldaar lagu sameeyey ahaansho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Guuldarraysad
(Guuldarraysad-ka)
Guuldarraysasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
guuldarraysad
m.l la-mid: guuldarraysasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
guuldarraysad
-ka: (magac, lab, keli) dagaal ama tartan ku jabid; guuldarraysasho.
guuldarraysad -ka: (magac, lab, keli) tartan ama dagaal ku guulaysan waayid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
budaddarnaan
m.f.dh eeg budaddaran. la-mid: budaddarnaansho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhurdarraysi
m.l la-mid: dhurdarraysasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhurdarrayso
f.mg3 (-stay, -satay) Aayaxumo la kulmid.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
dhurdarrayso
f.mg3 (-stay, -satay) Aayaxumo la kulmid. m.f.dh, dhurdarraysasho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
dhurdarrayso
v. fall into disgrace; become unhappy
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
dhurdarrayso
de: fall into disgrace; become unhappy
lx: dhurdarrayso
pd: (dhurdarraystay)
ps: v3b=intr
key: dhurdarrayso
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
guruddambays
m.l (-syo, m.dh) Wiil ama gabar hooyo ku dhalmaddeysay oo wax ay dhasho ugu dambaysa. la-mid: garuddambays.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
guruddambays
m.l (-syo, m.dh) Wiil ama gabar hooyo ku dhalmaddeysay oo wax ay dhasho ugu dambaysa. la-mid: garuddambays.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
guruddambays
m. n. last ~ youngest child of the family
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
guruddambays
-ka / ta: (n) youngest child in the family
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
guruddambays
a: garuddambays
de: last ~ youngest child of the family
lx: guruddambays
pd: (-ka ~ -ta)
ps: n2a-m/f
key: guruddambays
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Guruddanbays
(Guruddanbays-ka)
Carruurta kan ugu dhalasho danbeeya, oo aan aabbihi iyo hooyadi cid ka danbaysa dhalin; (ama garuddanbays).
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
guruddanbays
m. n. last child of a family
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
guruddanbays
a: garuddanbays
de: last child of a family
lx: guruddanbays
pd: (-ka)
ps: n2a-m
key: guruddanbays
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
itaaldarrayn
-ta: (magac, dhedig, keli) mid aad u tamar daran noqosho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
tabardarrayn
m.f.dh eeg tabardarree.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
tabardarrayn
-ta: (magac, dhedig, keli) tabardarro ku dhicid; awooddarrayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Turunturrayn
(Turunturrayn-ta)
Horay u harbin, takhantakhayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
turunturrayn
m.f.dh eeg turunturree. la-mid: turaanturrayn, turaanturro, turaanturyayn.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
turunturrayn
-ta: (magac, dhedig, keli) horay u harbin oo takhantakhayn.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
afdarray
(fal) afbeel oo waxba ha goyn, saawir noqo. Dh: afbeel, afdarree, saawirow
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Dharkayn
(Dharkayn-ka)
Geed aad u dheeraada oo caano leh; alwaax wanaagsan oo jilicsan buu lee yahay.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dharkayn
m.l (dharkayn/-nno, m.dh) Geed dheer, cananna kulul leh, loox wanaagsan laga samayn karo.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
dharkayn
m.l (-nno, m.dh) Geed dheer, cananna kulul leh, loox wanaagsan laga samayn karo.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
dharkayn
m. n. tall tree species, good for pliable timber
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dharkayn
-ka: (magac, lab, keli) geed qodxeed jirdawaynta ka mid ah oo leh caano kulul oo lagu tariibo, caleen gu' iyo jilaal doog iska ah iyo hadh qabaw.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
dharkayn
de: tall tree sp., good for pliable timber
lx: dharkayn
pd: (-ka)
ps: n2-m
key: dharkayn
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
dharraan
f. n. nudity, state of being naked
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
dharraan
de: nudity, state of being naked {UJ}
lx: dharraan
pd: (-ta)
ps: n0-f
key: dharraan
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
faddaray
(fal) eeg faddaadday.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
guurreyn
m.f.dh eeg guurree.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
isudaran
m.l (naxwe) Labo curiye oo aan is qaban karin oo midba midka kale aan u oggolaanayn in ay iskula jiraan hal meel.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
isudaran
m.l (naxwe) Labo curiye oo aan is qaban karin oo midba midka kale aan u oggolaanayn in ay iskula jiraan hal meel.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
jiddaran
f.mg4 (-rnaa, -rnayd) Qof aan gar lahayn ahaansho.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
jiddaran
f.mg4 (-rnaa, -rnayd) Qof aan gar lahayn ahaansho. m.f.dh, jiddarnaan.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
jiddaran
der. [adjective] wrong, mistaken
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
jiddaran
-aa: (adj) meriting reproof or punishment; unjust (anjasf); blameworthy (baleem weer thi); guilty (gil ti) ~ gardaran
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
jiddaran
(tilmaame) mid gardaran oo qaldan.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
jiddaran
de: wrong, mistaken
lx: jiddaran
pd: (jiddarnaa)
ps: adj-der
key: jiddaran
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
ku daran
inch. v. join (together), get joined; be added to
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
ku_daran
de: join (together), get joined; be added to
lx: ku daran
pd: (darmay)
ps: v1=inch
key: ku_daran
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qaddacan
f.mg4 (-cnaa, -cnayd) 1. Wax la gooyay ahaansho. 2. Ka q.: wax la' ahaansho; qof saad lagala gooyay ahaansho.