qusunqus
Qaamuuska Magacyada Dhirta Soomaaliyeed (Soomaali-Laatiin) - Axmed M. I. Barkhadle [1990]
QUSUNQUS
(Gusungus) N Aizoon canariense L. Aizoaceae.
Qaamuuska Magacyada Dhirta Soomaaliyeed (Soomaali-Laatiin) - Axmed M. I. Barkhadle [1990]
BUSUNBUS
(Busunbus) C Kleinialunulata (Chiov.) Jeffrey. Compositae.
Qaamuus Talyaani-Soomaali - Cabdalla Cumar Mansuur, Axmed Cabdullaahi A. [1985]
qualùnque
agg. qof kasta, mid kasta.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
quduus
m. n. holy person, sacred object
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
quduus
de: holy person, sacred object
lx: quduus
pd: (-ka)
ps: n2-m
key: quduus
Qaamuuska Magacyada Soomaalida: Soomaali-Ingiriis - Anwar Maxamed Diiriye [2006]
Sundus
name-f silk brocade
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Xusuus
(Xusuus-ta)
Kartida wax lagu soo garwaaqsado, aan wax lala illaawin; garwaaqsi.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
xusuus
m.dh 1. Awoodda maskaxda ee kaydinta dhacdooyinka. 2. Gocashada dhacdo qof raad ku reebtay.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]

Qaamuuska Ereybixinta: Xisaab (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Xusuus
Memory
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
xusuus
f. n. memory, recollection; commemorative (stamp); souvenir
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
xusuus
-ta: (n) memory (me-mari)-, remembrance (ri-mem-baransi)-, recollection (reka-lek-shin)
xusuus -tay / atay: (v) remember (ri-mem-ber); recognize (rekeg-naays); recollect (reka-lekt) ~ xasuus
Hal-Ururka Erayada Maamulka Xafiisyada, Xisaabaadka Ganacsiga iyo Dhaqaalaha (Soomaali-Talyaani-Ingiriis) - Warshadaha Saabuunta Bayl, Qubeyska iyo Mariska [1979]
Xusuus
Ricordo
Remembrance
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xusuus
-ta: (magac, dhedig, keli) karti ay maskaxdu ku kaydiso wixii dhacdo soo maray oo aanay illaabin. Xoorkii laga dhamay xagaagii iyo xasuus baa geela lagu xergeeyaa. Dh: xus, illoobidla'aan. Li: illow.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
xusuus
de: memory, recollection; commemorative (stamp); souvenir
initial: x
lx: xusuus
pd: (-ta)
ps: n1-f
key: xusuus
Qaamuus Soomaali-Carabi oo Kooban - Cabdirisaaq Maxamed Cilmi Ina-Warfaa [2007]
xusuus
ذكر
Qaamuus Faransiis-Soomaali - Maxamed Cabdi Maxamed [1985]
quonque
quonque, n.f. - buun
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Qusuusi
(Qusuusi-ga)
Madax gaar ah oo boqorka ama waayeelka u dhow ama xigta.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qusuusi
m.l.u Lataliyayaal. la-mid: khuususi.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
qusuusi
m. n., [collective] chief advisor to a leader; counsellors, aides
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
qusuusi
-da: (n) advisers (adh-vaayseris), also advisors
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qusuusi
-ga: (magac, lab, keli) wax cid u gaar ah. Dh: khusuusi.
qusuusi -ga: (magac, lab, keli) qof nin madax ah aad u dhow oo la taliya.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
qusuusi
de: chief advisor to a leader; counsellors, aides
lx: qusuusi
pd: (-ga)
ps: n-m-col
key: qusuusi
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qushqush
qushqush¹: m.l.u Calool xanuun ka dhasha cunto kala jaadjaad ah oo la cunay.
qushqush²: f.mg1 (-shay, -shtay) Cunto kala jaadjaad ah calool xanuun ka qaadid.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
qushqush
m. n., [collective] bad feeling in one's stomach
qushqush [inchoative] v. have a bad feeling (butterflies, anger); get an upset stomach
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Dhusundhus
(Dhusundhus-ka)
Geedquwaaxa geed kamid ah oo leh dhacaan iyo ur aad u lifaaqoon oo kan gaaska (la shito) u eg.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhusundhus
m.l (dhusundhus, m.dh) Geed-quwaax leh dheecaan dufan leh oo urtiisu sida gaaska tahay. la-mid: dhudhus.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
dhusundhus
m. n. incense-bearing tree species
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dhusundhus
-ka: (magac, lab, keli) geed weyn oo leh dheecaan sida gaaska u ura.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
dhusundhus
de: incense-bearing tree sp.
lx: dhusundhus
pd: (-ka)
ps: n2a-m
key: dhusundhus
Qaamuus Talyaani-Soomaali - Cabdalla Cumar Mansuur, Axmed Cabdullaahi A. [1985]
quantunque
cong. - inkasta.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qudunquute
m.l (-tayaal, m.l/dh) la-mid: qudunquuto.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Qudunquuto
(Qudunquuta-da)
Shinbir, midab badan iyo af dheer oo guduudan leh; (ama quudquuto).
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qudunquuto
m.dh Shimbir qooleyda xoogaa ka weyn, leh midabbo kala duwan, gafuur dheer oo soo yara godan oo guduudan. la-mid: qudunquute, quudquuto, quutaquute, quutaquuto.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
qudunquuto
f. n. hornbill bird
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qudunquuto
-da: (magac, dhedig, keli) shimbir dabo dheer leh oo af yuuban oo cas leh oo geedaha waawayn godad ka samaysata. Dh: quutoquuto, quuto, qayaaquuto.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
qudunquuto
de: hornbill bird
lx: qudunquuto
pd: (/da)
ps: n6-f
key: qudunquuto
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
busaanbus
-ka: (magac, lab, keli) wax aad loo jecelyahay oo heliddooda ama gaadhid-dooda la sugi karin, u fikasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
gungunuus
-ka: (magac, lab, keli) yuus iyo oohin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Qasaanqas
(Qasaanqas-ta)
Nafley yar oo badda ku jirta oo sida xabagta qoyan ama quraaradda u cad oo jiljilicsan oo badda kor sabbaysa; waxaa ku wareegsan oo ka lusha raamo badan, xajiin daranna waa leedahay.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qasaanqas
m.dh (cilmiga naflayda) Nafley yar badda ku jirta leh midabka quraaradda, oogo jilicsan oo dhegdheg leh oo biyaha dul sabbeysa.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
qasaanqas
m.dh (cilmiga naflayda) Nafley yar badda ku jirta leh midabka quraaradda, oogo jilicsan oo dhegdheg leh oo biyaha dul sabbeysa.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
qasaanqas
f. n., [collective] jelly-fish, Medusa species
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qasaanqas
-ka (magac, lab, keli) wareer iyo degid la'aan.
qasaanqas -ta: (magac, dhedig, keli) nafley yar oo badda ku jirta oo kor sabbaysa oo sida xabagta qoyan ama quraaradda u cad oo u jilicsan waxaa ku wareegsan oo ka lusha raamo badan waana lagu xajiimoodaa. Qasaanqas ayaa i taabtay oon ku xajiimooday.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
qasaanqas
bw: sp.
de: jelly-fish,
lx: qasaanqas
pd: (-ta)
ps: n-f-col
sc: Medusa
key: qasaanqas
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Qashinqub
(Qashinqub-ka)
Meesha fiiqa iyo qashinka lagu daadsho; kuddaafad.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qashinqub
m.l (-byo, m.dh) Meel qashinka lagu daadsho.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
qashinqub
m.l (-byo, m.dh) Meel qashinka lagu daadsho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
qashinqub
m. n., [compound] garbage ~ trash dump
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
qashinqub
-ka: (n) garbage dump; dump (dhamp) ~ dukaafad
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qashinqub
-ka: (magac, lab, keli) weel qashinka lagu ururiyo ama meesha qushaashka iyo fiiqa lagu daadiyo. Dh: guddaafad, tukaafad, buubeel, qashinxoor.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
qashinqub
de: garbage ~ trash dump
lx: qashinqub
pd: (-ka)
ps: n2a-m-cmp
key: qashinqub
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
querulous
/kweryulas/ (adj) cabasho badni (cabasho badan).
Qaamuus Faransiis-Soomaali - Maxamed Cabdi Maxamed [1985]
quiconque
quiconque, pron.rel. - qof kasta.
Magacyada Dhirta Ceel-Dheere iyo Buula-Burte (Soomaali-Laatiin) - D. Herloker, B. Kujar [1985]
BUSUN BUSAY
Notonia lunulata 10
Qaamuuska Magacyada Dhirta Soomaaliyeed (Soomaali-Laatiin) - Axmed M. I. Barkhadle [1990]
DHUSUN-DHUS
(Dusundus) C Commiphora albiflora Engl. Burseraceae.
C Commiphora ancistrophora Chiov. Burseraceae.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qulaanqulis
-ta: (magac, dhedig, keli) cid aad u liidata, qulaamin.
qulaanqulis-ta: (magac, dhedig, keli) qulaanqusha goyn; gawricis