qushi
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qushi
-da: (magac, dhedig, keli) eray la macno ah waa yeelkiiye siduu doonaba ha yeelo. Dh: yeelko, qushigii, yeelkii.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Qush
(Qush-ka)
1. Dacar; qaras.
2. Xumaan uurka ku jirta; uurkusiddo, arami.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qush
m.l 1. Dacar; qaras. 2. Uurxumo iyo ciilqab cid ku jirta.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
qush
m. n. bile; anger, resentment, ill-will
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qush
-ka: (magac, lab, keli) shuban caloosha ka yimaad oo dacar ama qaras ah. Ninkii wuu shubmay oo qush badan ayaa ka yimid. Dh: dacar, qaras.
qush -ka: (magac, lab, keli) xumaan uurka la iskugu hayo. Dh: arami, xumaan, uurkusiddo.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
qush
cf: dacar, qaras
de: bile; [ext.] anger, resentment, ill-will
lx: qush
pd: (-ka Pl: qushash (ka))
ps: n4-m
key: qush
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Bushi
(Bushi-ga)
Fayoobi-darro; cudur; jirro; bugto; xanuun.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
bushi
bushi¹: m.l Cudur.
bushi²: f.g2 (-iyay, -isay) 1. Cid shaki ku beerid. 2. Cid cudur ku ridid.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
bushi
bushi¹: m.l Cudur.
bushi²: f.g2 (-iyay, -isay) 1. Cid shaki ku beerid. 2. Cid cudur ku ridid. m.f.dh, bushin.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
bushi
m. n. sickness, ailment, loss of health
bushi v. cause someone to become sick; make someone sad
bushi v. throw doubt on something; doubt something
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
bushi
(fal) talo la soo jeediyey ama laguu keenay garab mar oo gaashaankaa ku dhufo. Gurayoow garta waa la gooyeye maxaad ku bushiday?
bushi -ga: (magac, lab, keli) xanuun ama jirro; bugtaanta ama cudurka.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
taxtaxaashid
-da: (magac, dhedig, keli) si xarrago iyo qushisocod ah iskaga meeraysi. Dh: faajafaajoodid, tamashleynta.
Qaamuus Ingiriis-Soomaali - Baadari Larajaasi [1897]
free-will
n., qushi, -gi.
Qaamuus Ingiriis-Soomaali - Baadari Larajaasi [1897]
purpose
n., damac, -i; purposely, baga, qushi; v.tr., damac, doon.
Qaamuus Ingiriis-Soomaali - Baadari Larajaasi [1897]
will
n., qushi, -gi, ogaan, -ti, qawl, -ki, umuur, -ti, oggolaan, -ti; it is my will, baga! qushigay.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Bushin
(Bushin-ta)
1. Labada cad oo hilibka ah oo afka ku qaraysan middood; dibin; faruur.
2. Bushi gelin; durid; burin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
bushin
m.dh eeg bushi². la-mid: burshin.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
bushin
f. n. lip
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
bushin
-ta: (n) [plural bushimo / bushimaha] lip (lip) ~ dibin, faruur
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
bushin
-ka: (magac, lab, keli) dad ama xoolo bushi ku ridid; cudur u keenid.
bushin -ta: (magac, dhedig, keli) cudur xoolaha ku dhaca oo wax soo saarkooda hoos'udhac ku keena. Bushi baa ishkin iyo laba raaflaba ku dhacay. Dh: caal.
bushin-ta: (magac, dhedig, keli) eeg bishin.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
bushin
de: lip
lx: bushin
pd: (-ta)
ps: n1-f
syn: dibin, faruur
key: bushin
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Fuxshi
(Fuxshi-ga)
Ceebaal.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
fuxshi
m.l Fal xun oo aan diinta iyo dhaqankuba oggolayn.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
fuxshi
m.l Fal xun oo aan diinta iyo dhaqankuba oggolayn.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
fuxshi
m. n. bad habit(s); scandal; insult
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
fuxshi
-ga: (n) obscenity (obsiniti); indecency (in dii sansi); lewdness (luudhnes) ~ fisqi
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
fuxshi
-ga: (magac, lab, keli) wixii aan wanaagsanayn. Dh: xumaan. Li: wanaag.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
fuxshi
cf: ceebaal
de: bad habit(s); scandal; insult
lx: fuxshi
pd: (-ga)
ps: n2a-m
key: fuxshi
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Khushi
(Khushi-ga)
Ikhtiyaar.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
khushi
m.l Kh.gay, kh.gaa iyo wixi lamida: bareer; ulakac; ogaan; ikhtiyaar.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
khushi
m.l Kh.gay, kh.gaa iyo wixi lamida: bareer; ulakac; ogaan; ikhtiyaar.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
khushi
m. n. act, choice, option
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
khushi
-ga: (magac, lab, keli) ikhtiyaar; khiyaar; qushi.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
khushi
de: act, choice, option With possessive pronouns
lx: khushi
pd: (-ga)
ps: n2-m
xe: its up to you' [expr] {N}
xv: khushigaa
key: khushi
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Qarshi
(Qarshi-ga)
Jaad lacag ah.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qarshi
m.l (quruush, m.dh) Lacag jajab ah oo u dhiganta hal shilin oo waayihii hore la isticmaali jirey.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
Qarshi
pr. n., [feminine] Crystal, Qarshee
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
qarshi
m. n. thaler, Maria Theresa dollar
qarshi m. n., [collective] crystal
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qarshi
-ga: (magac, lab, keli) lacagta la isticmaal dalka Itoobiya. Buskudka waxan siinayaa laba qarshi.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Qashin
(Qashin-ka)
Waxa guryaha laga xaaqo oo dibadda iyo kuddaafadaha lagu soo daadsho; fiiq (ama khashin).
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
qashin
m. n. debris, rubbish, trash
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
qashin
-ka: (n) garbage (gaarbaj)-, trash (taraash); rubbish (rab bish), refuse (refyuus), waste (weeyst), litter (lit'ar) ~khashin
qashin-saarka jirka: excretion (ekis-kiriishin)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qashin
-ka: (magac, lab, keli) qushaashka la iska xaadho. Daaradda qashin badan baa yaalla. Dh: guddaafad, khashin.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
qashin
a: khashin
de: debris, rubbish, trash
lx: qashin
pd: (-ka)
ps: n2-m
key: qashin
Qaamuus Soomaali-Carabi oo Kooban - Cabdirisaaq Maxamed Cilmi Ina-Warfaa [2007]
qashin
زبَالَة، قُمَامَة
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Qashir
(Qashir-ka)
1. Fuuqa xabbadda.
2. Qolofta bunka; (ama qashar).
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qashir
m.l 1. Qayb ka mid ah qaybaha xabbadda badanaa ka samaysan maar, leh qaabka dhululubada, oo ay ku dhex jirto baaruud, afka horena ku wadata sulub. 2. Gufarka caleenta shaaha ama bunka oo weelka salkiisa ku hara. la-mid: gashir, qashar.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
qashir
m.l 1. Qayb ka mid ah qaybaha xabbadda badanaa ka samaysan maar, leh qaabka dhululubada, oo ay ku dhex jirto baaruud, afka horena ku wadata sulub. 2. Gufarka caleenta shaaha ama bunka oo weelka salkiisa ku hara. la-mid: gashir, qashar.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
qashir
m. n. husk, peel, pod, shell; cartridge-case
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
qashir
-ka: (n) 1. sediment (sada-ment), lees (liiz); remainder (ri-meeyn-dher), residue (reza-dhuu) ~ qashar. 2. ammunition shell (sheet) ~ fuuq
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qashir
(fal) qalin rasaas qor oo afkiisa fiiq. Qalin rasaaska wiilka yar u qashir. Dh: qor.
qashir: (fal) diirka ka qaad. Muuska aabbo u qashir. Dh: diir.
qashir-ka: (magac, lab, keli) qolofta bunka. Bunka dhan u xaadh qashirkana joonyad ku gur. Dh: xanshar.
qashir -ka: (magac, lab, keli) qaxwe laga sameeyo qolofta bunka oo inta badan ramadaankii lagu aftiro. Dh: xawso, xanshar.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
qashir
bw: Arabic
de: husk, peel, pod, shell; cartridge-case
lx: qashir
pd: (-ka)
ps: n2-m
key: qashir
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qishid
m.f.dh eeg qish². la-mid: qish¹.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qubsii
f.mg2 (-iiyay, -iisay) Ka q.: hoore hal mar si aayar ah u kabbasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qubsii
(fal) (ka ~) hoore hal mar si aayar ah u kabbo.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
qudhmi
v. cause to rot ~ go bad
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
qudhmi
-yey / say: (v) cause to decay and smell bad ~ qurmi
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qudhmi
(fal) wax qudhmay ka dhig. Dh: qurmi.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
qudhmi
de: cause to rot ~ go bad
lx: qudhmi
pd: (qudhmiyey)
ps: v2a=tr
see: qurmi
key: qudhmi
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qundhi
-da: (magac, dhedig, keli) jaad tigaadda ka mid ah oo xididkiisa carruurta dhalatay loo shido dumarkuna uunsi ka dhigtaan.
qundhi-da: (magac, dhedig, keli) xididka tigaadda goonka.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qushee
f.g2 (-sheeyay, -shaysay) Wax wasakh u yeelid.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
qushee
v. cause ill-will, make bad-tempered, spoil
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
qushee
de: cause ill-will, make bad-tempered, spoil
lx: qushee
pd: (qusheeyey)
ps: v2b=tr
key: qushee
Qaamuuska Magacyada Soomaalida: Soomaali-Ingiriis - Anwar Maxamed Diiriye [2006]
Rushdi
name-m mature, wise
Qaamuus Talyaani-Soomaali - Cabdalla Cumar Mansuur, Axmed Cabdullaahi A. [1985]
qui
avv. - halkaan.
Qaamuus Faransiis-Soomaali - Maxamed Cabdi Maxamed [1985]
qui
qui, pron.rel. - kee; kuwa; kii; kaas; qofkii
qui est-ce? - waa ayo?
Qaamuuska Ereybixinta: Juqraafi (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Bush
Ay
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
bush
/bush/ (n) duur; kayn (baaddiye)
Eraybixinta Af Soomaaliga ee Hawlaha Wasaaradaha (Soomaali-Ingiriis-Talyaani) - Guddiga Af Soomaaliga [1972]
Bush
Hawd
Qaamuus Ingiriis-Soomaali (Maay) - Maxamed Xaaji Mukhtaar, Cumar Macalin Axmed [2007]
bush
/bush/ (n) duur (baadiyi).
Qaamuus Ingiriis-Soomaali - Baadari Larajaasi [1897]
bush
n., (thick shrub) xanan, -ki; a sour bush, daraan, -ti; a kind of bush with a milky sap, dibow, -gi.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
cush
(fal) hagaaji ama cul ku shid. Cush dhiisha, caanaha berri ha lagu shubtee. Dh: cug, cul.
cush -ka: (magac, lab, keli) cufka ay shinbiruhu samaystaan ee ay ku dhalaan. Dh: coosh, cuf, cooshad. Wa: cushash.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dusi
f.mg2 (-iyay, -isay) Ka d.: wax, wax kale dhex tararsiin.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
dusi
f.mg2 (-iyay, -isay) Ka d.: wax, wax kale dhex tararsiin. m.f.dh, dusin.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
dusi
v. cause to pass through, pierce with
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
dusi
-yey / say: (v) [with preposition ka] slip through (islip thuruu); move smoothly and easily mrough. Ex: wuu ka dusiyey; he slipped through
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dusi
(fal) si qarsoodi ah, wax meel uga saar.
dusi: (fal) meel cidhiidhi ah, wax hoosta ka mari.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
dusi
de: cause to pass through, pierce with
lx: dusi
pd: (dusiyey)
ps: v2a=
key: dusi
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
gush
/gash/ (v) bur-qasho, butaacid. e.g. Blood gushed out from his mouth.
Qaamuus Ingiriis-Soomaali - Baadari Larajaasi [1897]
gush
gushing, n., hawtan, -ki.
gush, v., (flow out) hawtan; the blood gushed from my wound, dhiiggii nabarki ka hawtamay.
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
hush
/hash/ (n) 1. aamus-naan (v) 2. aamusin. e.g. Hush! Don't wake up the baby.
Qaamuus Ingiriis-Soomaali - Baadari Larajaasi [1897]
hush
int., (silence!) aamus! aamusa!
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
kush
m.l Dhir badan oo aan la dhex mari karin; juq; kayn.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
kush
m.l Dhir badan oo aan la dhex mari karin; juq; kayn.
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
lush
/lash/ (adj) 1. caws iyo cagaar aad u baxay (aad u faalalay) 2. raaxo leh oo qani ah 3. qofka markasta cabsan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
muhi
f.g2 (-iyay, -isay) la-mid: mihi.
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
mush
/mash/ (n) mushaalli biyo ama caano lagu kariyey.
Qaamuus-Yare Caafimaad: Ingiriis-Soomaali - Deeqa Cali [1999]
push
(v) to exert force against an object to move it away; to move an object by exerting force against it; thrust; shove; to bear hard upon; press.
riixis
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
push
/push/ (v) 1. riixid 2. durkid (sikasho) 3. ku dhibid (ku cadaadin in qof wax sameeyo); kadeedid.
Qaamuus Ingiriis-Soomaali - Baadari Larajaasi [1897]
push
n., riix, -i; v.tr., riix; push back, dib u riix; push hard, diis.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qash
m.l 1. Geedo yar oo isku baxay; fuur. 2. Q. ah: cunto si xun loo karshay.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
qash
m.l 1. Geedo yar oo isku baxay; fuur. 2. Q. ah: cunto si xun loo karshay.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
qash
m. n., [collective] badly cooked ~ tasteless food
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qash
-ka: (magac, lab, keli) cunto si aan wanaagsanayn loo kariyo.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
qash
de: badly cooked ~ tasteless food
lx: qash
pd: (-ka)
ps: n0-m-col
key: qash
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qish
qish¹: m.l Si tuugannimo ah oo imtixaan looga shaqeeyo. la-mid: qishid.
qish²: f.g1 (-shay, -shtay) Imtixaan si tuugannimo ah uga shaqayn.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
qish
qish¹: m.l Si tuugannimo ah oo imtixaan looga shaqeeyo.
qish²: f.g1 (-shay, -shtay) Imtixaan si tuugannimo ah uga shaqayn. m.f.dh, qishid.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
qish
v. copy, cheat (in class); break copyright
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
qish
-ay / tay: (v) cheat (jiit); deceive, especially at examination
qish -ka: (n) cheating (jiiting)
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
qish
de: copy, cheat (in class); break copyright
lx: qish
pd: (qishay)
ps: v1=tr
key: qish