qusay
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qusay
(fal) timo iyo wixii la mid ah, ha moolayne gaabi. Timaha iga qusee. Dh: yaree.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qusayn
-ta: (magac, dhedig, keli) timo iyo wixii la mid ah, gaabin. Dh: yaryarayn, qusays.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qusays
-ka: (magac, lab, keli) eeg qusayn.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qisay
(fal) qiso ka sheegkee; dhacdo taariikh ah ka qisoo; sheeko dhacday ama khiyaali ah si qiso ah uga sheekee. Carruurta qisadii beder uga qisay Dh: qisoo.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qubay
(fal) (u ~) cid u maydh jidhka. Dhulku waa kulayle carruurta u qubay: Dh: qubee, maydh.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qujay
(fal) xasarad iyo aflagaaddo u geyso. Qujay bal inuu xanaaqo. Dh: qujee, daandaanso.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qumay
m.l.kh Q. ah: nin la aaminsanyahay in uu isha wax ku dhibaataysan karo.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
qumay
m.l.kh Q. ah: nin la aaminsanyahay in uu isha wax ku dhibaataysan karo.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qumay
-ga: (magac, lab, keli) nin wax cawrya oo il xun. Odayga cidlada deggani waa qumay. Dh: bidaw, gabraw.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qusey
(fal) timo iyo wax la mid ah, gaabi.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
jaasuus
jaasuus¹: m.l (-siin/-syo, m.dh) 1. Qof si qarsoodi ah xog u uruuriya una gudbiya meelaha ay qusayso (qaran, urur, qof iyo wixi lamida); basaas. 2. Qof dadka hadalka isaga qaada oo isku dira; warxungee. la-mid: jaajuus¹.
jaasuus²: f.g1 (-say, -stay) Cid si qarsoodi ah sir uga bixin. la-mid: jaajuus².
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
su'aal
su'aal¹: m.dh (-lo, m.l) Hadal cid loo jeediyo si jawaab qusaysa wayddiinta looga helo.
su'aal²: lg1 (-aalay, -aashay) Si jawaab looga helo cid weyddiin u jeedin.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
jaasuus
jaasuus¹: m.l (-siin/-syo, m.dh) 1. Qof si qarsoodi ah xog u uruuriya una gudbiya meelaha ay qusayso (qaran, urur, qof iyo wixi lamida); basaas. 2. Qof dadka hadalka isaga qaada oo isku dira; warxungee. la-mid: jaajuus.
jaasuus²: f.g1 (-say, -stay) Cid si qarsoodi ah sir uga bixin. m.f.dh, jaasuusid. la-mid: jaajuus.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
su'aal
su'aal¹: m.dh (-lo, m.l) Hadal cid loo jeediyo si jawaab qusaysa wayddiinta looga helo.
su'aal²: f.lg1 (-aalay, -aashay) Si jawaab looga helo cid weyddiin u jeedin. m.f.dh, su'aalid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Qushayn
(Qushayn-ta)
Qush gelin; xumaato ku abuurid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qushayn
m.f.dh eeg qushee.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
busayl
(fal): u wax in badan kaa raagay ama kaa maqnaa helitaankiisa ama arkitaankiisa hammad weyn u qab. Dhanka bari magaalada, sow bogorad joogtoo, biya dahab la moodoo, u busaylay maan baran. Dh: hilow, xiisoo, buseel, bisayl, teb.
busayl -ka: (magac, lab, keli) wax in badan kaa raagay ama kaa maqnaa helitaankiisa ama arkitaankiisa hammad weyn u qabis. Busayl baan u qabay yartaan barada ku soo hooystay, oo baahibaan ku tiray bogga kaga jiifsadaye. Dh: hilow, xiiso, buseel, bisayl, tebid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Cusayb
(Cusayb-ka)
Wax cusub ahaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
cusayb
m.l 1. Wax jiritaankiisu markaa ugu horreyso. 2. Waxaan weli la isticmaalin. 3. la-mid: cusbaan.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
cusayb
m.l 1. Wax jiritaankiisu markaa ugu horreyso. 2. Waxaan weli la isticmaalin. 3. la-mid: cusbaan.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
cusayb
m. n. new ~ fresh item, freshness
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
cusayb
-ah: (adj) new (nuu or niyuu) Ex: guri cusub; new house —Syn: fresh, novel, newfangled, original
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
cusayb
-ka: (magac, lab, keli) muuqaalka saansaanta di'itaanka roobka. Dh: tus.
cusayb: (tilmaame) wax aan hore loo isticmaalin; wax aan hore u jirin oo hadda yimid.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
cusayb
de: new ~ fresh item, freshness
lx: cusayb
pd: (-ka)
ps: n2-m
key: cusayb
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
cusbay
(fal) dhallaan, cusbo geli; cusbo ku daawee.
cusbay: (fal) soor iyo wixii la mid ah, milix ku dar.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
cuslay
(fal) culays ku kordhi; wax culus ka dhig. Dh: cuslee. Li: fududay, fududee.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Qisayn
(Qisayn-ta)
Qiso sheegid; sheekayn; qisood.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qisayn
m.f.dh eeg qisee. la-mid: qisood.
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
qisayn
-ta: (v) narration (naarey-shin) ~ sheekayn
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qisayn
-ta: (magac, dhedig, keli) qiso ka sheegkayn: dhacdo qiso ka samayn. Dadkii hore ayaa qisaynta ku fiicnaa. Dh: qisood.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qubayn
-ta: (magac, dhedig, keli) (ka ~) u maydhid. Dh: maydhid, u qubays.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qubays
-ta: (magac, dhedig, keli) eeg u qubayn.
Qaamuus-Yare Caafimaad: Ingiriis-Soomaali - Deeqa Cali [1999]
queasy
(adj) uneasiness; upset stomach; nauseated; sickening.
caloosha qasan
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
queasy
/kwiisi/ (adj) xanuunsan (qandhan).
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Qujayn
(Qujayn-ta)
Wax ku mudmudid, si cid looga caraysiiyo; daandaansasho; qodqodid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qujayn
m.f.dh eeg qujee. la-mid: qujays.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qujayn
-ta: (magac, dhedig, keli) xasarad iyo aflagaaddo u geysasho. Dh: daandaansi.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Qujays
(Qujays-ka)
Qujayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qujays
m.l la-mid: qujayn.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qujays
-ka: (magac, dhedig, keli) cid kale, xasarad iyo aflagaado u geyso. Dh: qujayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qumayo
m.dh (-ooyin, m.l) la-mid: qumanyo.
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
qumayo
-qumayada: 1. she-devil; bitch (biij). 2. witch (wij) ~ qumanyo
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Qunsad
(Qunsad-ka)
Qunsasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qunsad
m.l la-mid: qunsasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qunsad
-ka: (magac, lab, keli) eeg qunsasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qusley
m.dh Nooc ka mid ah sagaarada oo ku nool dhulalka buuraleyda ah.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qusley
-da: (magac, dhedig, keli) nooc ka mid ah sagaarada oo ku nool dhulalka buuraleyda ah.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Quusad
(Quusad-ka)
Quusasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
quusad
m.l la-mid: quusasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
quusad
-ka: (magac, lab, keli) waayid; quusasho. Dh: rajabeelid
Qaamuuska Ereybixinta: Xisaab (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Tusayn
Tabular
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
uuslay
-da: (magac, dhedig, keli) waa inta ku jirta caloosha iyo xiidmaha uusku maro.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xusbay
(fal) tixgelintiisa ku tala gal oo isku diyaari. Go'aanka cusub ee shaqaalaha xusbay. Dh: xusbee, xushmee.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qusaysan
(tilmaame) timo iyo wixii la mid ah, kuwo la gaagaabiyay. Dh: gaagaaban.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Qay
(Qay-ga)
Biyo dhoobo leh, oo yar; dac.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qay
qay¹: m.l Biyo yar oo wasakh leh oo wadaanta ama darka ka daata oo ceelka agagaarkiisa jiifa.
qay²: f.g1 (-yay, -yday; -yi) 1. Weel, wax yar oo hoore ah daadin. 2. Uunsi shidid.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
qay
m. n., (mass n.): leftover ~ contaminated liquid
qay v. throw away ~ out (liquid), pour out
qay v. burn incense
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qay
(fal) biyo meel ka dhur. Dadka reer miyigu biyaha way gayaan si maaxda ay u dhaansadaan. Dh: dhur.
qay: (fal) cid si xawli ah oo aan loo kala eegid wax ugu qaybi. Dadka raashinka ku qay.
qay: (fal) uunsi ku shid. Aqalka uunsi ku qay. Dh: shid.
Qaamuus Talyaani-Soomaali - Cabdalla Cumar Mansuur, Axmed Cabdullaahi A. [1985]
qua
avv. - halkan, meeshaan, inta.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Say
(Say-ga)
Waxa afada ninkeedu ugu aaddan yahay ama u yahay; nin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
say
say¹: m.l (-yo, m.dh) Wax naag ninka qabaa u yahay.
say²: f.g1 (-yay, -yday) Wax isku garab safid.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
say
m.l (-yo, m.dh) Wax naag ninka qabaa u yahay.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
say
m. n. husband
say v. put into rows; spin (thread ~ yarn)
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
say
/sey/ (v) 1. dhihid (dheh, la dheho) (v) 2. ka soo qaad (kaba dhig) 3. hadal (sida cod ama kalmad aad shir ka tiraahdid).
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
say
-ga: (n) husband (haas-bandh) ~ nin
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
say
-ga: (magac, lab, keli) ninka qaba haweenay: waxa afada ninkeedu ugu aaddan yahay ama uu u yahay. Dh: abbaanwarre.
say-da: (magac, dhedig, keli) hadal carruurtu is ku tidhaahdo marka ay ciyaarayaan. Dh: diyaar.
Qaamuus Ingiriis-Soomaali - Baadari Larajaasi [1897]
say
v.i. and v.tr., odho (commonly) dheh, sheeg, u sheeg.
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
USA
/yuu-es ey/ (abbr) Maraykanka United States of America oo lasoo gaabiyey
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Asay
(Asay-da)
Dhar cad ama madow oo afadu qaadato kolka saygu ka dhinto; hangal; weer.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
asay
m.dh la-mid: asaay.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
asay
f. n. mourning dress (white)
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
asay
-da: (n) the clothes put on by a woman whose husband passed away; mourner's clothes (moorneris kaloowth)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
asay
-da: (magac, dhedig, keli) gambada cad ee afadu xidhato kolka seygeedu dhinto. Asaydii bay weli Farduus siddaa. Dh: agal, hengel, hangal, weer.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
asay
cf: hangal
de: mourning dress (white)
lx: asay
pd: (-da)
ps: n1-f
key: asay
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
busy
/biisi/ (adj) mashquul (hawl badan)
Qaamuus Ingiriis-Soomaali (Maay) - Maxamed Xaaji Mukhtaar, Cumar Macalin Axmed [2007]
busy
/bisi/ (adj) 1. mashquul (hool bathyty). 2. shiimy eh.
Qaamuus Ingiriis-Soomaali - Baadari Larajaasi [1897]
busy
a., hawl badan, hawlaysan, hawshoodaa.
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
quad
/kuwodh/quadrangle; (n) dayr afar-gees ah (dhismo wareeg ah, siiba saro ku wareegsan yihiin, sida barxadda iskuulka iwm).
Qaamuus Faransiis-Soomaali - Maxamed Cabdi Maxamed [1985]
quai
quai, n.m. - furdad.
Magacyada Dhirta Ceel-Dheere iyo Buula-Burte (Soomaali-Laatiin) - D. Herloker, B. Kujar [1985]
QURA
[GURA, KURA] Acacia tortilis 01
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
quse
m.l (-sayaal, m.l/dh) Caleen la shiidey oo maydka lagu dhaqo.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
quse
m.l (-sayaal, m.l/dh) Caleen la shiidey oo maydka lagu dhaqo.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
quse
-ha: (magac, lab, keli) caleen la shiiday oo maydka lagu dhaqo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Qush
(Qush-ka)
1. Dacar; qaras.
2. Xumaan uurka ku jirta; uurkusiddo, arami.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qush
m.l 1. Dacar; qaras. 2. Uurxumo iyo ciilqab cid ku jirta.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
qush
m. n. bile; anger, resentment, ill-will
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qush
-ka: (magac, lab, keli) shuban caloosha ka yimaad oo dacar ama qaras ah. Ninkii wuu shubmay oo qush badan ayaa ka yimid. Dh: dacar, qaras.
qush -ka: (magac, lab, keli) xumaan uurka la iskugu hayo. Dh: arami, xumaan, uurkusiddo.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
qush
cf: dacar, qaras
de: bile; [ext.] anger, resentment, ill-will
lx: qush
pd: (-ka Pl: qushash (ka))
ps: n4-m
key: qush
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
ufay
(fal) wax qadhmuun ka dhig si loo naco. Maxaad horta u ufaysaa dadka!
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
ugay
-ga: (magac, lab, keli) qori wax lagu cugo. Dh: culay.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
ulay
(fal) qof ul la dhac ama ku garaac. Ulay inanka edeb ha yeeshee. Dh: dhengeday.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
usar
m.l la-mid: unsar.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
usar
-ka: (magac, lab, keli) gufurta ka hadha maraqqa la cabbo.
usar -ka: (magac, lab, keli) uskagga ka baxa dharka la dhaqayo. Usar ha ku daadin geedka xididkiisa.
usar -ka: (magac, lab, keli) carrada iyo huubaha dareeraha dhex kaca.
usar -ka: (magac, lab, keli) qushk aiyo gufurta ka hadha maraq la cabbay.
Qaamuus-Yare Caafimaad: Ingiriis-Soomaali - Deeqa Cali [1999]
assay
(n) a procedure to study a substance, esp. of a drug; a substance to be studied; the result of such study.
warbixin
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
bulay
m.l Mayrax feeran oo haamaha bul lagu catireeyo.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
bulay
(fal) bul iyo shaash u yeel. Googoradda inanta yar bulay. Dh: bulee.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
buray
buray¹: m.dh la-mid: buro¹.
buray²: m.dh la-mid: buro².
Qaamuus Ingiriis-Soomaali (Maay) - Maxamed Xaaji Mukhtaar, Cumar Macalin Axmed [2007]
bushy
/bushi/ (adj) geed bathyng.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
casay
(fal) wax midabkiisu cas yahay ka dhig.
casay: (fal) kabo, baalashee; dhalaali oo baalash mari. Dh: baalashee, casee.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
cisay
(fal) cid kale, qaddari; sharfi oo karaamee. Waalidkaaga cisay. Dh: cisee.