quruuruxiye
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
quruuruxiye
-ha: (magac, lab, keli) qalab wax lagu xisaabiyo oo mararka qaarkood xusuus leh oo waxa lagu xisaabiyo kaydsha. Dh: kalkuleytar
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
quruuruxi
f.mg2 (-iyay, -isay) 1. Si isdabajoog ah u hadlid. 2. Quruurux wax ku xisaabid.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
quruuruxi
v. crush stone to make gravel
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
quruuruxi
de: crush stone to make gravel
lx: quruuruxi
nt: quruuruxin (ta) [vn-f], quruuruxis (ka) [vn-m]
pd: (quruuruxiyey)
ps: v2a=tr
key: quruuruxi
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Quruuruxin
(Quruuruxin-ta)
1. (waagii hore, dadka aan farta aqoon) waxa la iibinayo ama la gadayo, qiimohooda tiro le'eg oo quruurux ah, inta la qaato, ku xisaabtamid, ku dhabiltamid.
2. Tirin; xisaabin.
3. (isugu quruuruxin) Xisaab isu saarid, isugu godlid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
quruuruxin
m.f.dh eeg quruuruxi. la-mid: quruuruxis.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
quruuruxin
-ta: (magac, dhedig, keli) af si fiican u garasho oo cabsi iyo gabbasha la'aan si xawli ah ugu hadlid. Quruurixinta af Ingiriisiga cidi kama badiso.
quruuruxin -ta: (magac, dhedig, keli) xisaab jilbaha u aasasho. Quruuruxinta xisaabaadka ayuu waagu ugu beryey: Dh: tafaqtirid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Quruuruxis
(Quruuruxis-ka)
1. Quruuruxa oo lagu xisaabtamo.
2. Dhabiiltan; xisaabtan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
quruuruxis
m.l la-mid: quruuruxin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Quruurux
(Quruurux-a)
(keli iyo kooxba) Dhagax yar oo suubaan ah oo kulucsan; dhagax-dixeed sulub ah oo yaryar.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
quruurux
m.l.u Dhagax yaryar.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
quruurux
m.l.u Dhagax yaryar.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
quruurux
m. n., [collective] pebble ~ pebbles; gravel; shards of glass
quruurux v. keep accounts with pebbles; give change in small coins
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
quruurux
-a: (n) gravel (garaavel); rubble (rabal); scree (iskirii) ~ jay
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
quruurux
-a: (magac, lab, keli) dhagax aad u yaryar. Dh: quruurax.
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
uruuriye
-uruuriyaha: (n) collector (ko-le-ktar)
Hal-Ururka Erayada Maamulka Xafiisyada, Xisaabaadka Ganacsiga iyo Dhaqaalaha (Soomaali-Talyaani-Ingiriis) - Warshadaha Saabuunta Bayl, Qubeyska iyo Mariska [1979]
URUURIYE
Riscuotitore
Collector
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
quruurux_1
de: pebble ~ pebbles; gravel; shards of glass
hm: 1
lx: quruurux
pd: (-a)
ps: n2a-m-col
key: quruurux_1
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
quruurux_2
de: keep accounts with pebbles; [fig.] give change in small coins
hm: 2
lx: quruurux
pd: (quruuruxay)
ps: v1=
key: quruurux_2
Qaamuuska Ereybixinta: Juqraafi (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Quruuruxley
Desert pavement
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
quruuruxsooc
m. n., [compound] soil classification
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
quruuruxsooc
de: soil classification
lx: quruuruxsooc
pd: (-a)
ps: n2a-m-cmp
key: quruuruxsooc
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
aruuriye
m. n. collector
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
aruuriye
a: ururiye
de: collector
lx: aruuriye
pd: (/ha)
ps: n7-m
key: aruuriye
Qaamuuska Ereybixinta: Fisikis (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Quruurax
Granules
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
quruuruf
-ta: (magac, dhedig, keli) codka ka soo baxa bacaraarka xidhan.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
burburiye
m. n. destroyer; bulldozer
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
burburiye
-burburiyaha: (n) one who destroys; destroyer (dis tarooy er); crusher (karaasher); smasher (ismaasher)
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
burburiye
de: destroyer; bulldozer
lx: burburiye
pd: (/ha)
ps: n7-m
syn: baldoos, cirfiidad
key: burburiye
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
furuuruc
m.l la-mid: firiiric.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
furuuruc
m. n., [collective] rash,prickly heat, pimples ~ blisters that form on the skin
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
furuuruc
-a: (n) rash (raash); a skin eruption, skin rash ~ firiiric
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
furuuruc
-a: (magac, lab, keli) nabarro ama finan aad u yaryar oo badan oo dadka korkiisa ka soo yaaca. Dh: huruurac, ciir, firiiric.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
furuuruc
a: firiiric
de: rash, prickly heat, pimples ~ blisters that form on the skin (especially in hot weather)
lx: furuuruc
pd: (-a)
ps: n-m-col
key: furuuruc
Qaamuuska Magacyada Dhirta Soomaaliyeed (Soomaali-Laatiin) - Axmed M. I. Barkhadle [1990]
QURMUUNE
(Gurmune) N Boscia minimifolia Chiov. Capparidaceae.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Qurqurin
(Qurqurin-ta)
Si qurquro ah, wax u cabbid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qurqurin
m.f.dh eeg qurquri. la-mid: qurquris, qurquro (3).
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qurqurin
-ta: (magac, dhedig, keli) si degdeg ah oo aan neefsasho lahayn u cabid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qurquris
m.l la-mid: qurqurin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qurquris
-ta: (magac, dhedig, keli) eeg qurqurin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Ruxruxid
(Ruxruxid-da)
In badan ruxid; gilgilid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
ruxruxid
-da: (magac, dhedig, keli) si is dabajoog ah u dhaqdhaqaajin. Dh: Lullulid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
ruxruxis
-ta: (magac, dhedig, keli) eeg ruxruxid.
Qaamuuska Magacyada Soomaalida: Soomaali-Ingiriis - Anwar Maxamed Diiriye [2006]
Shuuriye
nickname-m haughtiness, obstinate; silent
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
Shuuriye
magac loo baxsho wiil deggan oo aan buuq lahayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
suruciye
m.dh la-mid: suruciyo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Yuruuruc
(Yuruuruc-a)
Dhallaan yaryar; gurbood; carruur.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
yuruuruc
m.l Koox ubad ah oo yaryar; carruur; gurbood.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
yuruuruc
m.l Koox ubad ah oo yaryar; carruur; gurbood.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
yuruuruc
m. n., [collective] children
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
yuruuruc
-a: (magac, lab, keli) finan yaryar oo jidhka ka soo daata. Jadeecada yuruuruc baa lagu gartaa. Dh: huruuruc.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
yuruuruc
de: children
initial: y
lx: yuruuruc
pd: (-a)
ps: n0-m-col
syn: carruur
key: yuruuruc
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
faruurxir
faruurxir¹: m.l 1. Xarig yar oo layskula xiro faruurta awrta iyo hoggaanka. 2. la-mid: faruurxirid.
faruurxir²: f.g1 (-ray, -rtay) Awr xarig faruur kaga xirid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
faruurxir
(fal) awr iyo wixii la mid ah, faruuryaha ka xir oo hoggaami.
faruurxir-ka: (magac, lab, keli) awr iyo wixii la mid ah, faruurta ka xidhid oo hoggaamin.
Qaamuuska Magacyada Dhirta Soomaaliyeed (Soomaali-Laatiin) - Axmed M. I. Barkhadle [1990]
KURAARIYE
(Kurare) May Coccinia grandis (L) Voigt. Cucurbitaceae.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
kuududiye
m.l la-mid: kuududshe.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
kuududiye
-ha: (magac, lab, keli) cudur ku dhaca dadka iyo duunyadaba oo lala kici waayo; kuduudiye.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qarqariye
m.l 1. Dhaxan weyn oo lala gariiro; diilalyo. 2. (-yayaal, m.l./dh) Mid kasta oo ka mid ah qoorta labadeeda muruq. la-mid: qarqariyo.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
qarqariye
m. n. disease which causes shivering spasms
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
qarqariye
de: disease which causes shivering spasms
lx: qarqariye
pd: (/ha)
ps: n-m
key: qarqariye
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qurjujumi
(fal) ilkaha wax ku jejebi.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qururumsi
m.l la-mid: qurdudumsasho, qurjujubsad.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qururumso
f.g3 (-saday, -satay) la-mid: qurdudumso.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
suluuluxi
(fal) tuur oo si aayar ah dhulka u dulmari.
Qaamuus Talyaani-Soomaali - Cabdalla Cumar Mansuur, Axmed Cabdullaahi A. [1985]
usufruire
v.intr. - shafeecasho.
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
xusuusiye
-xusuusiyaha: (n) reminder (ri-maay-dhar)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dururuqlee
(fal) si macnodarro ah iskaga hadal Dururuqlee sidii qof aan fayoobayn. Dh: tororoglee.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
faruurxidh
-ka: (magac, lab, keli) xadhig dhuuban oo awrka faruurta lagaga xidho marka la hoggaaminayo. Dh: faruurxir.
faruurxidh-ka: (magac, lab, keli) habka awrta loo hogaamiyo oo faruurta xadhig loogu xidho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qurjujumin
-ta: (magac, dhedig, keli) ilkaha wax ku jejebin.
Qaamuuska Magacyada Dhirta Soomaaliyeed (Soomaali-Laatiin) - Axmed M. I. Barkhadle [1990]
QURUN-DOYE
(Kurun-doie) May Gardenia volkensii K.Schum. Rubiaceae.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qururumsad
m.l la-mid: qurdudumsasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
suluuluxin
-ta: (magac, dhedig, keli) tuurid oo si aayar ah dhulka u dulmari.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
suluuluxis
-ka: (magac, lab, keli) suluuluxin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
guruuructan
f.mg1 (-amay, -antay; -ami) Gunuunuc is waydaarasho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
guruuructan
v. mumble, grumble
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
guruuructan
de: mumble, grumble
lx: guruuructan
pd: (guruuructamay)
ps: v1=intr
key: guruuructan