qurumo
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qurumo
m.dh Gudin yar oo weelasha lagu qoro. la-mid: qorimo.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]

SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qurumo
-da: (magac, lab, keli) gudin yar oo weelasha lagu qoro. Dh :qorimo.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
qurtumo
m. n. corn, callus
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
qurtumo
de: corn, callus
lx: qurtumo
pd: (/ha)
ps: n6-m
key: qurtumo
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
quruumo
-ha: (magacwadareed) ummado hore oo tegey. Dh: dadyaw, qoomiyado.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
gurumo
m.dh.kh G. ah: ri' geeso gaagaaban.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qurumohuluko
m.dh Qurumo masaarta u eg.
Qaamuus Talyaani-Soomaali - Cabdalla Cumar Mansuur, Axmed Cabdullaahi A. [1985]
federazióne
s.f. - qurumo midoobay, kooxo midoobay.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qurumohuluko
-da: (magac, dhedig, keli) qurumo masaarta u eg.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
durqumo
-da: (magac, dhedig, keli) hadhaaga mooyaha gunta kaga dhegta marka lagu budlinayo raashinka.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Hurgumo
(Hurguma-da)
Hurgun.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
hurgumo
hurgumo¹: m.dh la-mid: hurgun¹.
hurgumo²: f.mg3 (-untay, -umatay) Aroor hore socod gelid.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
hurgumo
f. n. infection
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hurgumo
-da: (magac, dhedig, keli) dheecaan iyo yacarun nabarradu yeeshaan. Nabarkii hurgomo badan ayaa ka dillaacday. Dh: hurgun, calladh.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
hurgumo
de: infection
lx: hurgumo
pd: (/da)
ps: n6-f
key: hurgumo
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Qurquro
(Qurqura-da)
Liqid badan oo isdabajoog ah, oo aan afka weelka laga qaadin, oo wax loo cabbo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qurquro
m.dh 1. Laf jilicsan oo shafka geelu ka samaysan yahay. 2. Qolob-dhabashada awr qooqani sameeyo. 3. la-mid: qurqurin.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
qurquro
f. n. one gulp ~ single draught
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
qurquro
-qurqurada: (n) swig (isweeg); draft (dharaaft); deep draft, especially of liquid swallowing
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qurquro
-da: (magac, dhedig, keli) in yar oo dareere ah oo la qurquriyo.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
qurquro
de: one gulp ~ single draught
lx: qurquro
pd: (/da)
ps: n6-f
key: qurquro
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qurunso
f.g3 (-saday, -satay) 1. Dugaagga qaar ka mid ah hilib qurun ka dhigasho. 2. Wax qarsasho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
qurunso
v. decompose, make something stink, cause to rot
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qurunso
(fal) deyso ilaa uu xumaanayo oo uu qudhmayo. Dh: qudhmiso, madhaxso.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
qurunso
de: decompose, make s.t. stink, cause to rot
lx: qurunso
nt: qurunsasho (/da) [vn-f]
pd: (qurunsaday)
ps: v3a=tr
key: qurunso
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
quruxso
f.g3 (-saday, -satay) Wax qurux u yeelasho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
quruxso
v. embellish, adorn for one's own benefit
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
quruxso
de: embellish, adorn for one's own benefit
lx: quruxso
pd: (quruxsaday)
ps: v3a=tr
key: quruxso
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
turjumo
m.dh la-mid: tarjumo.
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
turjumo
-turjumada: (n) inter pretation (in-ter-pa-teey-shin); translation (taraanis-leey-shin); explanation (ikis-pala-neey-shin) ~ tarjumaad
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
turjumo
-ha: (magac, lab, keli) tarjumo; tarjumaad.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
turumbo
m.dh (-ooyin, m.l) (muus.) Bigil.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
turumbo
m.dh (-ooyin, m.l) (muus.) Qalab muusig hawada ku shaqeeya, labada dacal ka furan, leh daloolo sawdkeeda lagu codeeyo oo sida badan ay ciidammadu isticmaalaan; Bigil.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
turumbo
-da: (magac, dhedig, keli) eeg turunbo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Uurxumo
(Uurxuma-da)
Caloolxumo; ciilqab.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
uurxumo
m.dh Dabci aan wanaagsanayn oo qof leeyahay oo u diida in uu illaabo waxa loo geysto. la-mid: uurxumi.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
uurxumo
m.dh Dabci aan wanaagsanayn oo qof leeyahay oo u diida in uu illaabo waxa loo geysto. la-mid: uurxumi.
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
uurxumo
-uurxumada: (n) indignation (in-dig-neey-shin); resentment (ri-zant-ment); rage (reeyj); anger (aang-ger) ~ urug, urugo, caro, umal, uurkutaallo
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
uurxumo
-da: (magac, dhedig, keli) cuqdad iyo colaad cid u qabid. Dh: caloolxumo, ciilqab.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
uurxumo
de: grievance, grudge
initial: u
lx: uurxumo
pd: (/da)
ps: n6-f-cmp
key: uurxumo
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
uumo
f.g3 (uuntay, uumatay) Ilaah wax abuurasho.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
uumo
f.g3 (uuntay, uumatay) Ilaah wax abuurasho. m.f.dh, uumasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
uumo
(fal) 'Eebbe' wax aan hore u jirin abuuro.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
uumo
de: create for oneself
initial: u
lx: uumo
pd: (uuntay)
ps: v3b=tr
key: uumo
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
burmo
(fal) cid dhib haysato u ciidami. Geelii la dhacay baannu u burmannay. Dh: gurmo, birmo.
burmo-da: (magac, dhedig, keli) qunbulad ama bam gacanta laga tuuro oo hub ah. Burmo baa ku qaraxday kuwii, belada miisaayey. Dh: bambo, burmad.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Duumo
(Duuma-da)
Cudur qandho daran leh oo badanaa soo labakacleeya: Kaneecadaa dawisa oo dadka isaga qaadda; dhaxan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
duumo
m.dh (daawo) Cudur qandho qabow iyo kulayl isugu jirta leh oo dadku ka qaadaan kaneecada nooceeda dheddig.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
duumo
m.dh (daaw.) Cudur qandho qabow iyo kulayl isugu jirta leh oo dadku ka qaadaan kaneecada nooceeda dheddig.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
duumo
f. n. malaria; plague, epidemic; disaster, catastrophe
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
duumo
-duumada: (n) malaria (maleeriya); paludism (paal-ya-diizim); swamp fever ~ malaariya
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
duumo
-da: (magac, dhedig, keli) xanuunka laga qaado qaniiyada kaneecada.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
duumo
de: malaria; [ext.] plague, epidemic; [fig.] disaster, catastrophe
lx: duumo
pd: (/da)
ps: n6-f
key: duumo
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
furmo
furmo¹: m.dh Meel geeddi ku nasto.
furmo²: f.mg3 (-maday, -matay) Wax furan noqosho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
furmo
v. become open, get opened, be loosened
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
furmo
(fal) wax xidhnaa, furan.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
furmo
de: become open, get opened, be loosened
lx: furmo
pd: (furmaday)
ps: v3a=intr
key: furmo
Qaamuus Talyaani-Soomaali - Cabdalla Cumar Mansuur, Axmed Cabdullaahi A. [1985]
grumo
s.m. - xinjir.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
gurmo
f.mg3 (-maday, -matay) Cid gargaar degdeg ah u fidin.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
gurmo
f.mg3 (-maday, -matay) Cid gargaar degdeg ah u fidin. m.f.dh, gurmasho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
gurmo
v. send forces to cope with an emergency
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
gurmo
(fal) cid kale, u hiili. Dh: taakulay, xooji, caawi, birmo.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
gurmo
de: send forces to cope with an emergency
lx: gurmo
pd: (gurmaday)
ps: v3a=
key: gurmo
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
huumo
-da: (magac, dhedig, keli) jaad haadda waaweyn ka mid ah oo aad u wada madaw luqunta xaggeeda hoosana cas. Waxay isku bah yihiin salamadhlaha. Dh: huumohuumo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qormo
m.dh 1. Habka geedaha, dhagxaanta iyo wixi lamida looga qoro qalab la isticmaalo. 2. (- ooyin, m.l) Qoraal yar oo koobaya ujeeddo gaar ah. 3. Habka loo dejiyo qoysaska reerka.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
qormo
m.dh 1. Habka geedaha, dhagxaanta iyo wixi lamida looga qoro qalab la isticmaalo. 2. (-ooyin, m.l) Qoraal yar oo koobaya ujeeddo gaar ah. 3. Habka loo dejiyo qoysaska reerka.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qormo
-da: (magac, dhedig, keli) meel cidi deggan tahay ama u calaamadaysan. Dh: jago, booto.
qormo -da: (magac, dhedig, keli) qoraal aan badnayn. Qormada saddexaad ee bogga hore akhri. Dh: qayb.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Qurbo
(Qurba-da)
Qurbe.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qurbo
m.dh la-mid: qurbe.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
qurbo
f. n. foreign land
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qurbo
-ha: (magac, lab, keli) eeg qurbe.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
qurbo
a: qurbe
de: foreign land
lx: qurbo
pd: (/da)
ps: n6-f
key: qurbo
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Qurdo
(Qurda-da)
Gabar qurdan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qurdo
qurdo¹: m.l Xaniinyo.
qurdo²: m.dh 1. Gabadh madaxa ka xiiran oo yuul ah. 2. Q. ah: ri' dhego yaryar oo foolxun.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
qurdo
f. n. short-haired girl
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qurdo
-da: (magac, dhedig, keli) buurbuurka ay budadu yeelato kolka biyo lagu dhex shubo een si wanaagsan loo laaqin. Dh: qurdi.
qurdo -da: (magac, dhedig, keli) xiiridda madaxa oo timaha laga wado xiiro. Dh: moolo, dhakacambe.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
qurdo
de: short-haired girl
lx: qurdo
pd: (/da)
ps: n6-f
key: qurdo
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qurmi
f.g2 (-iyay, -isay) Wax qurun ka dhigid.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
qurmi
f.g2 (-iyay, -isay) Wax qurun ka dhigid. m.f.dh, qurmin.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
qurmi
v. cause to go bad, decompose, stink ~ rot
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
qurmi
-yey / say: (v) cause to decay and smell bad or become stinky ~ qudhmi
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
qurmi
a: qudhmi
de: cause to go bad, decompose, stink ~ rot
lx: qurmi
pd: (qurmiyey)
ps: v2a=tr
key: qurmi
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Qurub
(Qurub-ka)
Wax si yaryar loo jarjaray, mid kamid ah.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qurub
qurub¹: m.l (-byo, m.dh) Gabal yar.
qurub²: m.l (-byo, m.dh) (naxwe) Macag caam ah oo tilmaama curiyeyaal aan lahayn micno u gaar ah marka ay keligoodu yihiin, waxayse qayb weyn ka qaataan xagga dhismaha weerta, waxaana ka mid ah: “ma” oo ah q. diidmo; “baa”/”ayaa”, “aa” oo ah q. diiradeed magac; “waa” oo ah q. diiradeed fal; “ma”, “miyaa” oo ah q. weyddiimeed.
qurub³: f.g1 (-rbay, -rubtay; -rbi) Wax cadcad yaryar ka dhigid.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
qurub
qurub¹: m.l (-byo, m.dh) Gabal yar.
qurub²: m.l (-byo, m.dh) (naxwe) Macag caam ah oo tilmaama curiyeyaal aan lahayn micno u gaar ah marka ay keligoodu yihiin, waxayse qayb weyn ka qaataan xagga dhismaha weerta, waxaana ka mid ah: 'ma' oo ah q. diidmo; 'baa'/'ayaa', 'aa' oo ah q. diiradeed magac; 'waa' oo ah q. diiradeed fal; 'ma', 'miyaa' oo ah q. weyddiimeed. m.f.dh, qurbid.
Qaamuuska Ereybixinta: Xisaab (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Qurub
Mantissa
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
qurub
m. n. bit, fragment, piece
qurub v. chop up, break to bits
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
qurub
-ka: (n) small piece; tiny particle
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qurub
(fal) googoo, oo inyar inyar u jarjar. Dh: googgoo.
qurub-ka: (magac, lab, keli) inyar ama qayb shey kale oo weyn laga gooyo. Dh: in, gayb.
qurub -ka: (magac, lab, keli) eeg qurji.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
qurub
de: piece by piece; in pieces
lx: qurub
pd: \pd-qurub
ps: adv-expr
key: qurub
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qurud
qurud¹: m.l Cudur geela dheddig sabiisha wareeggeeda uga dhaca oo badanaa keena dhalmo la'aan, haddaan laga daaweyn.
qurud²: f.g1 (-rday, -rudday; -rdi) Harag timo ka wada hoolid.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
qurud
v. shave ~ crop someone's head
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qurud
(fal) timaha goy oo moolee.
qurud -ka: (magac, lab, keli) qudur geela dhedig sabiisha wareeggeeda uga dhaca oo badanaal keena dhalmo la'aan, haddaan laga daaweyn.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
qurud
de: shave ~ crop s.o.'s head
lx: qurud
pd: (qurday)
ps: v1=tr
key: qurud
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Qurun
(Qurun-ka)
1. Ur xun oo naftu kahato.
2. Wax xumaaday ama tortoray oo urkaas leh.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qurun
qurun¹: m.l la-mid: qurmuun¹.
qurun²: f.mg1 (-rmay, -runtay; -rmi) Wax in muddo ah meel yaalay ur xun yeelasho.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
qurun
f.mg1 (-rmay, -runtay; -rmi) Wax in muddo ah meel yaalay ur xun yeelasho. m.f.dh, qurmid.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
qurun
m. n., [abstract] stink, bad smell; rottenness
qurun [inchoative] v. stink, smell, go bad, decompose, rot
Qaamuuska Magacyada Dhirta Soomaaliyeed (Soomaali-Laatiin) - Axmed M. I. Barkhadle [1990]
QURUN
(Gurun) N Erythrochlamys nummularia (S. Moore) Hedge. Labiatae.
Erythrochlamys leucosphaeria Brig. Labiatae.
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
qurun
-ka: (n) bad smell; foul odor also [odour]; stink (istink); stench (isteenj); fetor (feey-tar); mustiness (masti-nes) ~ qarmuun, qadhmuun, qurmuun
qurun -qurmay / quruntay: (v) become stale (isteel) or moldy (mooldhi) in odor or taste