qursi
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Qursi
(Qursi-ga)
Weel yar oo cabbir ku yaal oo badanaa qori ah, oo badarka iyo wixii la mid ah, lagu beego.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qursi
m.l 1. Weel yar oo qori ka samaysan oo badarka iyo wixi lamida lagu cabbiro. 2. la-mid: qurus. In cunto ah oo qof hal mar la siiyo.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
qursi
m. n. measure for grain
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qursi
-ga: (magac, lab, keli) weel yar oo cabbir ku yaal oo badanaa qori ah oo badarka iyo wixii la mid ah lagu beego.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
qursi
de: measure for grain
lx: qursi
pd: (-ga)
ps: n2a-m
key: qursi
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Quursi
(Quursi-ga)
Wax quursasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
quursi
m.l la-mid: quursasho.
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
quursi
-ga: (n) underestimation (an-dhar-esta-meey-shin) ~ yasid
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
quri
f.g2 (-iyay, -isay) 1. Awr qooqan, mid kale guulguul iyo cabsi ku samayn isaga oo guux iyo micilis isugu daraya. 2. Cid u duurxulid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
ursi
m.l la-mid: ursasho.
Qaamuuska Magacyada Soomaalida: Soomaali-Ingiriis - Anwar Maxamed Diiriye [2006]
Ursi
name-f to smell or sniff. Lit: first born-girl after a long period of time without having a child. Syn: Ursad
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
Ursi
magac loo baxsho ilmo dhalashadiisa muddo la sugay guurkii ka dib oo jacayle awgeed loo ursaday.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
ursi
-ga: (magac, lab, keli) sanka wax u dhowayn si loo dareemo ur. Dh: ursasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
bursi
m.l la-mid: bursasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
bursi
-ga: (magac, lab, keli) biirsi; wixii aad xaq u lahayn ka kordhisasho. Bursigu waa qaybiyaa qaata. Dh: korodhsi, siyaadsasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Kursi
(Kursi-ga)
Qalab qaabab badan loo yeelo, oo lagu fariisto.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
kursi
m.l (-iyo/kuraas, m.dh) 1. Qalab qaabab badan loo yeelo oo lagu fariisto, lana dhigto guryaha, xafiisyada iyo wixi lamida. 2. Goob loogu talaggalay in ay fariistaan mudanayaal la soo doortay.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
kursi
m.l (-iyo/kuraas, m.dh) 1. Qalab qaabab badan loo yeelo oo lagu fariisto, lana dhigto guryaha, xafiisyada iyo wixi lamida. 2. Goob loogu talaggalay in ay fariistaan mudanayaal la soo doortay. m.dh.w, kuraas.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
kursi
m. n. chair; elected seat (in congress ~ an assembly)
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
kursi
-ga: (n) 1. chair (jeery seat (silt). 2. membership in an organization, such as parliament seat
Hal-Ururka Erayada Maamulka Xafiisyada, Xisaabaadka Ganacsiga iyo Dhaqaalaha (Soomaali-Talyaani-Ingiriis) - Warshadaha Saabuunta Bayl, Qubeyska iyo Mariska [1979]
Kursi
Sedia
Chair
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
kursi
-ga: (magac, lab, keli) qalab qaabab badan leh oo lagu fadhiisto.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
kursi
bw: Arabic
cf: gambar
de: chair; elected seat (in congress ~ an assembly)
lx: kursi
pd: (-ga Pl: kuraasi (da) ~ kuraas (ta))
ps: n8-m, n2a-m
key: kursi
Qaamuus Soomaali-Carabi oo Kooban - Cabdirisaaq Maxamed Cilmi Ina-Warfaa [2007]
kursi
كُرْسِيِّ
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Qarsi
(Qarsi-ga)
Qarsasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qarsi
m.l la-mid: qarsasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qarsi
-ga: (magac, lab, keli) eeg qarsad.
Qaamuus Talyaani-Soomaali - Cabdalla Cumar Mansuur, Axmed Cabdullaahi A. [1985]
quasi
avv. - qiyaas, ugu dhowaan.
Qaamuus Faransiis-Soomaali - Maxamed Cabdi Maxamed [1985]
quasi
quasi, adj. - ku sigtay.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qurdi
(fal) eeg qordi.
qurdi-da: (magac, dhedig, keli) buurbuurka ay budadu yeelato kolka biyo lagu dhex shubo een si wanaagsan loo laaqin. Dh: buurbuur.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qurji
-da: (magac, dhedig, keli ) madaxa hore ee xubinta taranka ee laboodka. Dh: barjo, buuryo.
qurji -ga: ( magac, lab, keli ) xubinta taranka ee laboodka. Dh: gus, caadh, qoodho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qurmi
f.g2 (-iyay, -isay) Wax qurun ka dhigid.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
qurmi
f.g2 (-iyay, -isay) Wax qurun ka dhigid. m.f.dh, qurmin.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
qurmi
v. cause to go bad, decompose, stink ~ rot
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
qurmi
-yey / say: (v) cause to decay and smell bad or become stinky ~ qudhmi
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
qurmi
a: qudhmi
de: cause to go bad, decompose, stink ~ rot
lx: qurmi
pd: (qurmiyey)
ps: v2a=tr
key: qurmi
Magacyada Dhirta Ceel-Dheere iyo Buula-Burte (Soomaali-Laatiin) - D. Herloker, B. Kujar [1985]
QURRI
Parkinsonia scioana (?) 10
Qaamuuska Magacyada Dhirta Soomaaliyeed (Soomaali-Laatiin) - Axmed M. I. Barkhadle [1990]
QURRI
(Gurri) C Parkinsonia scioana (Chiov.) Brenan. Caesalpinaceae.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qurxi
f.g2 (-iyay, -isay) Wax qurux u yeelid.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
qurxi
f.g2 (-iyay, -isay) Wax qurux u yeelid. m.f.dh, qurxin.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
qurxi
v. beautify, decorate
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
qurxi
-yey / say: (v) beautify (biyuu-ti-faay); neaten (niiten); decorate (da-kareeyt)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qurxi
(fal) wax qurux leh ka dhig, qurux u yeel. Dh: qurxoonee. Li: foolxumee.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
qurxi
de: beautify, decorate
lx: qurxi
pd: (qurxiyey)
ps: v2a=tr
key: qurxi
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
quusi
f.g2 (-iyay, -isay) 1. Nafley biyo hoos u gelin. 2. Cid rajo la'aan dhigid.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
quusi
f.g2 (-iyay, -isay) 1. Nafley biyo hoos u gelin. 2. Cid rajo la'aan dhigid. m,f,dh,quusin.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
quusi
v. immerse, plunge in ~ into water
quusi v. cause to despair, make someone lose all hope
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
quusi
-yey / say: (v) 1. submerge (sab-meerj); dip (dip); immerse (i-meersi). 2. make every effort to satisfy or make someone give up something
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
quusi
(fal) cid kale biyo hoos u geli; biyo ku muquur.
quusi: (fal) cid kale, rajo la'aan ka dhig
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Xur
(Xur-ka)
Weel wax lagu beego oo afar-qursi-qaad ah; suus.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qurus
m.l la-mid: qursi.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
xur
m.l Weel yar oo wax lagu beego oo afar qursi qaada; suus; madaal.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xur
-ka: (magac, lab, keli) weel wax lagu beego oo afar qursi qaada. Xur bariis ah qaado. Dh: suus, madaal.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qurunsi
-ga: (magac, lab, keli) eeg qudhunsasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
arursi
-ga: (magac, lab, keli) wax kala baahsanaa, meel ku urusad. Dh: urursi.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
guursi
m.l la-mid: guursasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
guursi
-ga: (magac, lab, keli) xaas yeelasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
huursi
m.l la-mid: huursasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
huursi
-ga: (magac, lab, keli) eeg huursad.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
muursi
-ga: (magac, lab, keli) muur ahaan u kaxaysasho; muur ka dhigasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Qarshi
(Qarshi-ga)
Jaad lacag ah.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qarshi
m.l (quruush, m.dh) Lacag jajab ah oo u dhiganta hal shilin oo waayihii hore la isticmaali jirey.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
Qarshi
pr. n., [feminine] Crystal, Qarshee
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
qarshi
m. n. thaler, Maria Theresa dollar
qarshi m. n., [collective] crystal
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qarshi
-ga: (magac, lab, keli) lacagta la isticmaal dalka Itoobiya. Buskudka waxan siinayaa laba qarshi.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Qarsin
(Qarsin-ka)
Fandhaal weyn; qudde; dhure.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qarsin
m.l (-nno/-immo, m.dh) Fandhaal weyn; qudde.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
qarsin
m.l (-nno/-immo, m.dh) Fandhaal weyn; qudde.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
qarsin
Common N. large hand-carved wooden ladle
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qarsin
-ka: (magac, lab, keli) fandhaal weyn co cuntada lagu guro. Qarsinka qaado oo beriiska ka gur. Dh: qunde.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
qarsin
bw: qudde
de: large hand-carved wooden ladle
lx: qarsin
pd: (-ka)
ps: n2(c)-m
syn: kaal, qaaddo
key: qarsin
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qoorsi
m.l la-mid: qoorsasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qubsii
f.mg2 (-iiyay, -iisay) Ka q.: hoore hal mar si aayar ah u kabbasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qubsii
(fal) (ka ~) hoore hal mar si aayar ah u kabbo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Qurbid
(Qurbid-da)
Jarjar yaryar jarjarid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qurbid
m.f.dh eeg qurub².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qurbid
-da: (magac, dhedig, keli) qurubqurub u jarid, googoyn oo gabalgabal ka dhigid. Dh: jarjarid yaryarayn, qurbis.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qurbis
-ta: (magac, dhedig, keli) eeg qurbid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Qurcis
(Qurcis-ta)
Geedka tiinka jaadadkiisa jaad kamid ah.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qurcis
m.dh Jaad ka mid ah noocyada geed hindiga.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
qurcis
f. n. cactus plant species
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qurcis
-ta: (magac, dhedig, keli) nooc noocyada geedka tiinka ka mid ah. Tiin qurcis ah ayaa duleedka ka baxay.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
qurcis
cf: tiin
de: cactus plant sp.
lx: qurcis
pd: (-ta)
ps: n-f
key: qurcis
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Qurdid
(Qurdid-da)
Wax qurdan ka dhigid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qurdid
m.f.dh eeg qurud.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qurdin
-ta: (magac, dhedig, keli) eeg qordin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qurdis
-ta: (magac, dhedig, keli) eeg qordin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Qurmid
(Qurmid-da)
Qurun noqosho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qurmid
m.f.dh eeg qurun².
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
qurmid
vl. n. decomposition, rotting
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
qurmid
-da: (n) rotting (rooting); spoiling (ispooyl-ing)
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
qurmid
de: decomposition, rotting rw: qurun
lx: qurmid
pd: (-da)
ps: vn-f
key: qurmid
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Qurmin
(Qurmin-ta)
Wax qurmuun ka dhigid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qurmin
m.f.dh eeg qurmi.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Qurxin
(Qurxin-ta)
Qurux u yeelid; wax qurxoon ka dhigid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qurxin
m.f.dh eeg qurxi.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
qurxin
vl. n. decoration, beautification
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
qurxin
-ta: (n) beautification (biyuu-ti-fikeey-shin); beautifying (biyuu-ti-faaying); decoration (da-kareey-shin)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qurxin
-ta: (magac, dhedig, keli) farshaxan wanaagsan u yeelid oo wax qurux badan ka dhigid, qurux u yeelid, bilic u samayn. Dumarku qurxinta aqallada way yaqaaniin. Dh: qurxis. Li: foolxumayn
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
qurxin
de: decoration, beauti-fication
lx: qurxin
pd: (-ta)
ps: vn-f
key: qurxin