qurraac
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qurraac
-a: (magac, lab, keli) eeg quraac.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Quraac
(Quraac-da)
Cunnada hore oo maalinta bilawgeeda la cuno; hamuuntir; afbilaw.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
quraac
m.dh Cunnada ugu horreysa ee subaxnimada la cuno; af-bilaw.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
quraac
m.dh Cunnada ugu horreysa ee subaxnimada la cuno; afbilaw.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
quraac
f. n. breakfast
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
quraac
-da: (n) breakfast (bareek-fast)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
quraac
-da: (magac, dhedig, keli) cunnada hore oo maalinta bilawgeeda la cuno. Dh: afur, qureec.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
quraac
bw: qado, casho
de: breakfast
lx: quraac
pd: (-da)
ps: n2a-f
syn: afbilaw
key: quraac
Qaamuus Soomaali-Carabi oo Kooban - Cabdirisaaq Maxamed Cilmi Ina-Warfaa [2007]
quraac
فَطُورِ، طَعَامُ الصَّبَاحِ
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Qarraac
(Qarraac-a)
Sida la yahay kolka la cuno ama la cabbo wax aan laga dhergin; kellibalow.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qarraac
qarraac¹: m.l Q. ah: nafley cabtey biyo aan bi'in karin oonkii hayey.
qarraac²: f.mg1 (-cay, -cday) Nafley biyo aan oonka bi'in karin cabbid.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
qarraac
m. n., [abstract] residual hunger, feeling of not having eaten enough
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qarraac
-a: (magac, lab, keli) sida la noqdo marka wax la cabbo ama la cuno ee aan laga dhergin. Dh: keliballow yaraysi Li: dhereg, bokhokh.
qarraac-da: (magac, dhedig, keli) wax yar oo lagu sugo waxa weyn ee asaasiga ah.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
qarraac
de: residual hunger, feeling of not having eaten enough
lx: qarraac
pd: (-a)
ps: n2a-m-abs
key: qarraac
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Qurac
(Qurac-a)
Geed aad u weynaada oo badanaa dallad furan qaabkeed yeesha; aqab.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qurac
m.l Geed abaareed weyn oo leh qodax, mayrax, xabag wanaagsan iyo abqo.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
qurac
m.l Geed abaareed weyn oo leh qodax, mayrax, xabag wanaagsan iyo abqo.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
qurac
m. n., [collective] acacia tree
Magacyada Dhirta Ceel-Dheere iyo Buula-Burte (Soomaali-Laatiin) - D. Herloker, B. Kujar [1985]
QURAC
[QURA] Acacia tortilis 04
Qaamuuska Magacyada Dhirta Soomaaliyeed (Soomaali-Laatiin) - Axmed M. I. Barkhadle [1990]
QURAC
(Gurah) All.Som. Acacia tortilis (Forsk) Hayne. Mimosaceae.
Qaamuuska Magacyada Soomaalida: Soomaali-Ingiriis - Anwar Maxamed Diiriye [2006]
Qurac
name-m acacia tree. Lit: born under an acacia tree.
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
qurac
-a: (n) name of a plant; acacia tree ~ qudhac
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qurac
-a: (magac, lab, keli) eeg qudhac.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
qurac
a: qudhac
cf: abqo, aqab
de: acacia tree
lx: qurac
pd: (-a)
ps: n2a-m-col
key: qurac
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Gurrac
(Gurrac-a)
Qallooc; sirgax.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
gurrac
gurrac¹: m.l Qallooc; dabcixumo.
gurrac²: f.g1 (-cay, -cday) Wax qalloocin.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
gurrac
f.g1 (-cay, -cday) Wax qalloocin. m.f.dh, gurricid.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
gurrac
m. n. bentness, crookedness; stubbornness
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
gurrac
-a: (magac, lab, keli) si qallooc ah; six un. Dh: maroor, sirgax.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
gurrac
de: bentness, crookedness; stubbornness
lx: gurrac
pd: (-a)
ps: n2a-m
key: gurrac
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qarrac
(fal) wax aad cabtey ama aad cuntay ha ka dhergin. Dh: keliballoow.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
Quraan
m.l Kitaab Ilaahay Nabi Maxamed (S.C.W.) u waxyooday si uu ummaddiisa u gaarsiiyo. la-mid: Qur'aan.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
quraan
m.l Kitaab Ilaahay Nabi Maxamed (S.C.W.) u waxyooday si uu ummaddiisa u gaarsiiyo. la-mid: Qur'aan.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
Quraan
m. n. Koran
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
Quraan
-ka: (n) Koran (ko-raan) Qur'an; Alcoran (al-ko-raan) ~ Qur'aan
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
Quraan
-ka: (magac, lab, keli) eeg Qur'aan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
quraan
-ta: (magac, dhedig, keli) eeg qudhaanjo.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
Quraan
bw: Qur'aan
cf: Xaddiis, Ijmaac, Qiyaas
de: Koran
lx: Quraan
pd: (-ka)
ps: n0-m
xv: Arabic
key: Quraan
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Quraar
(Quraar-ta)
Godin yar.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
quraar
m.dh (-rro, m.l) Godin yar oo weelasha lagu qoro. la-mid: quraarqor.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
quraar
f. n. small axe
Magacyada Dhirta Ceel-Dheere iyo Buula-Burte (Soomaali-Laatiin) - D. Herloker, B. Kujar [1985]
QURAAR
[URAR] Commiphora samharensis 01
Qaamuuska Magacyada Dhirta Soomaaliyeed (Soomaali-Laatiin) - Axmed M. I. Barkhadle [1990]
QURAAR
(Gurar) C Commiphora campestris Engl. Burseraceae.
C Commiphora samharensis Schweinf. Burseraceae.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
quraar
-ta: (magac, dhedig, keli) eeg qooraar.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
quraar
cf: godin
de: small axe
lx: quraar
pd: (-ta)
ps: n-f
key: quraar
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Qurbac
(Qurbac-a)
Qaalin lab oo geel ah.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qurbac
m.l Awr yar oo da'diisu u dhexeyso nirig iyo qaalin.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
qurbac
m.l Awr yar oo da'diisu u dhexeyso nirig iyo qaalin.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
qurbac
m. n. young male camel
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
qurbac
-a: (n) young male camel
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qurbac
-a: (magac, lab, keli) awr yar oo dhal ah Dh: nirig.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
qurbac
cf: qaalin
de: young male camel
lx: qurbac
pd: (-a Pl: qurbac (da))
ps: n2a-m, n5-m
key: qurbac
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qurwaa
f.mg1 (-aayay, -aayday; -aayi) Nafley naf bixid.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
qurwaa
v. lose one's life, die
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
qurwaa
de: lose one's life, die
lx: qurwaa
pd: (qurwaayay / qurwayday)
ps: v1=intr
key: qurwaa
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Curraaf
(Curraaf-ka)
Xiddigaha ka faaliya; xiddigasheeg; xiddigiye; faaliye, faalallow.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
curraaf
curraaf¹: m.l (-fyo, m.dh) 1. Xiddigaha ka faalliga; xiddigiye. 2. Qof faalka yaqaan. la-mid: curraf, curraafiye.
curraaf²: m.dh (-fo, m.l) Neef ido ah dheddig oo laf yar.
curraaf³: f.g1 (-fay, -ftay) Cid sixrid.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
curraaf
m.l (-fyo, m.dh) 1. Xiddigaha ka faalliga; xiddigiye. 2. Qof faalka yaqaan. la-mid: curraf, curraafiye.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
curraaf
m. n. astrologer, fortune-teller
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
curraaf
-ka: (magac, lab, keli) nin faaliya, ama falallow ah. Dh: xiddigiye, faaliye.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
curraaf
de: astrologer, fortune-teller
lx: curraaf
pd: (-ka)
ps: n2-m
key: curraaf
Qaamuuska Magacyada Soomaalida: Soomaali-Ingiriis - Anwar Maxamed Diiriye [2006]
Durraan
name-m to pray or call upon (a saint); to pray to a saint, usually with gifts of money or a feast by the one who prays. Lit: he who was born after a religious man read the Qur'an over his mother
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
qarraab
-ay / tay: (adj) 1. fit for nothing; useless (yuuslis). 2. not working; out of order; broken down ~ kharaab
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qarraaf
qarraaf¹: m.l 1. Macsi raadinta ay ragga iyo haweenku sameeyaan. 2. Warwareeg aan dan gaar ah lahayn. 3. la-mid: qarraafid.
qarraaf²: f.mg1 (-fay, -ftay) 1. Galmo aan xalaal ahayn raadin. 2. Risiq raadin.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
qarraaf
v. wander around surreptitiously at night in search of a sexual partner
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qarraaf
-ka: (magac, lab, keli) qof xumo raadsi ah qof macna la'aan habeenkii warwareega. Dh: ciyaalasuuq.
qarraaf -ka: (magac, lab, keli) raadsiga falal xunxun. Dh: xumoraadsi.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
qarraaf
de: wander around surreptitiously at night in search of a sexual partner
lx: qarraaf
pd: (qarraafay)
ps: v1=intr
key: qarraaf
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qarraar
-ka (magac, lab, keli) kalajeex dhulka, dushiisa ku dhaca kolka uu sigibtirmo ama uu curjismo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Qufraan
(Qufraan-ta)
Denbidhaaf; cafi,
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qufraan
m.dh Dembi dhaaf Ilaah bixiyo.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
qufraan
m.dh Dembi dhaaf Ilaah bixiyo.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
qufraan
f. n. pardon
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qufraan
-ka: (magac, lab, keli) denbidhaaf, cafis. Ilaahay qufraan weydiiso.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
qufraan
de: pardon
lx: qufraan
pd: (-ta)
ps: n-f
key: qufraan
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Qur'aan
(Qur'aan-ka)
Kitaabka Ilaah soo dejiyey oo Muslinku haysto oo ku dhaqmo; waa 114 suuradood oo Maka iyo Madiina ku soo kala degey oo u qaybsama 30 jus ama 60 xisbi; Masxaf; Jaamac; (ama Quraan).
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
Qur'aan
m.l la-mid: Quraan.
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
Qur'aan
-ka: (n) Koran (ko-raan) Qur'an; Alcoran (al-ko-raan) ~ Quraan
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
Qur'aan
-ka: (magac, lab, keli) hadal Ilaahay oo muqadas ah oo uu Malakul Jibriil samada ka soo dejiyay oo uu Nebigeennii Muxamed ahaa ku soo dejiyay. Qur'aanka barashadiisu wa waajib. Dh: Quraan, Kitaab.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
Qur'aan
bw: Arabic
de: Koran
lx: Qur'aan
pd: (-ka)
ps: n0-m
see: Quraan
key: Qur'aan
Qaamuus Soomaali-Carabi oo Kooban - Cabdirisaaq Maxamed Cilmi Ina-Warfaa [2007]
Qur'aan
الْقُرْآنُ الْكَرِيمِ
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
quraaco
f.mg3 (-cday, -catay) Quraac cunid.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
quraaco
f.mg3 (-cday, -catay) Quraac cunid. m.f.dh, quraacasho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
quraaco
v. breakfast, eat breakfast
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
quraaco
-quraacday / quraacatay: (v) eat breakfast; have a breakfast. Ex: waxaan ka quraacday Baar Tanaad; I breakfasted at the Tanad Restaurant
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
quraaco
(fal) quraac cun. Dh: afur.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
quraaco
de: breakfast, eat breakfast
lx: quraaco
nt: quraacasho (/da) [vn-f]
pd: (quraacday)
ps: v3b=intr
key: quraaco
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Qurbaan
(Qurbaan-ka)
Cunno lagu Allabbaryo, lagu duceysto.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qurbaan
m.l (-nno, m.dh) 1. Cunto loo sameeyo allabari. 2. Allabari yar.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
qurbaan
m.l (-nno, m.dh) 1. Cunto loo sameeyo allabari. 2. Allabari yar.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
qurbaan
m. n., (mass n.): food eaten at a religious ceremony
Magacyada Dhirta Ceel-Dheere iyo Buula-Burte (Soomaali-Laatiin) - D. Herloker, B. Kujar [1985]
QURBAAN
[URBAN] Indigofera ruspolii 05.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qurbaan
-ka: (magac, lab, keli) cunno iyo hilib lagu Alla baryo oo lagu ducaysto. Dh: Alla bari, duco, daraaro.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
qurbaan
de: food eaten at a religious ceremony
lx: qurbaan
pd: (-ka)
ps: n2-m-mass
key: qurbaan
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qurreec
(fal) wax loo baahan yahay sug oo naawil.
qurreec-a: (magac, lab, keli) rajo ay baryo ku jirto ama quuddarrayn.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qarraacad
-da: (magac, dhedig, keli) eeg qaraaxad. qarraacan: (fal) cunto ama cabbitaan ha ka dhergin. Dh: qalbiqaatan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Qarraacan
Waxaan laga dhergin cabbey ama cunay; kellibalow ah.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qarraacan
f.mg4 (-cnaa, -cnayd) Qarraac ahaansho (xoolo).
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
qarraacan
der. [adjective] still feeling hungry ~ unsatisfied after eating
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
qarraacan
de: still feeling hungry ~ unsatisfied after eating
lx: qarraacan
pd: (qarraacnaa)
ps: adj-der
key: qarraacan
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qarraacid
m.f.dh eeg qarraac².