qurji
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qurji
-da: (magac, dhedig, keli ) madaxa hore ee xubinta taranka ee laboodka. Dh: barjo, buuryo.
qurji -ga: ( magac, lab, keli ) xubinta taranka ee laboodka. Dh: gus, caadh, qoodho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
quri
f.g2 (-iyay, -isay) 1. Awr qooqan, mid kale guulguul iyo cabsi ku samayn isaga oo guux iyo micilis isugu daraya. 2. Cid u duurxulid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Burji
(Burji-ga)
Xiddig wanaagsan ku dhashay; buruud lahaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
burji
m.l Heybad cidi leedahay oo dadka qaarkiis kaga baqaan ama ku xurmeeyaan. la-mid: buruud.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]

Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
burji
m. n. luck, good fortune; person born under a lucky star
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
burji
-ga: (n) charisma (karizma); natural power necessary for achieving success ~ burhaan, buruud, haybad
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
burji
cf: buruud
de: luck, good fortune; person born under a lucky star
lx: burji
pd: (-ga)
ps: n2-m
key: burji
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
curji
(fal) wax labada dhinac xoog uga soo cadaadi.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
durji
f.g2 (-iyay, -isay) la-mid: durki.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
murji
f.g2 (-iyay, -isay) 1. Xarig iyo wixi lamida si xun isugu marid. 2. Arrin iyo wixi lamida waxaan la xallin karin ka dhigid. 3. Cid murugo gelin. la-mid: murgi.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
murji
f.g2 (-iyay, -isay) 1. Xarig iyo wixi lamida si xun isugu marid. 2. Arrin iyo wixi lamida waxaan la xallin karin ka dhigid. 3. Cid murugo gelin. m.f.dh, murjin. la-mid: murgi.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
murji
v. worry, cause worry
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
murji
de: worry, cause worry rw: murug
lx: murji
pd: (murjiyey)
ps: v2a=tr
key: murji
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qurdi
(fal) eeg qordi.
qurdi-da: (magac, dhedig, keli) buurbuurka ay budadu yeelato kolka biyo lagu dhex shubo een si wanaagsan loo laaqin. Dh: buurbuur.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qurmi
f.g2 (-iyay, -isay) Wax qurun ka dhigid.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
qurmi
f.g2 (-iyay, -isay) Wax qurun ka dhigid. m.f.dh, qurmin.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
qurmi
v. cause to go bad, decompose, stink ~ rot
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
qurmi
-yey / say: (v) cause to decay and smell bad or become stinky ~ qudhmi
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
qurmi
a: qudhmi
de: cause to go bad, decompose, stink ~ rot
lx: qurmi
pd: (qurmiyey)
ps: v2a=tr
key: qurmi
Magacyada Dhirta Ceel-Dheere iyo Buula-Burte (Soomaali-Laatiin) - D. Herloker, B. Kujar [1985]
QURRI
Parkinsonia scioana (?) 10
Qaamuuska Magacyada Dhirta Soomaaliyeed (Soomaali-Laatiin) - Axmed M. I. Barkhadle [1990]
QURRI
(Gurri) C Parkinsonia scioana (Chiov.) Brenan. Caesalpinaceae.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Qursi
(Qursi-ga)
Weel yar oo cabbir ku yaal oo badanaa qori ah, oo badarka iyo wixii la mid ah, lagu beego.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qursi
m.l 1. Weel yar oo qori ka samaysan oo badarka iyo wixi lamida lagu cabbiro. 2. la-mid: qurus. In cunto ah oo qof hal mar la siiyo.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
qursi
m. n. measure for grain
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qursi
-ga: (magac, lab, keli) weel yar oo cabbir ku yaal oo badanaa qori ah oo badarka iyo wixii la mid ah lagu beego.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
qursi
de: measure for grain
lx: qursi
pd: (-ga)
ps: n2a-m
key: qursi
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qurxi
f.g2 (-iyay, -isay) Wax qurux u yeelid.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
qurxi
f.g2 (-iyay, -isay) Wax qurux u yeelid. m.f.dh, qurxin.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
qurxi
v. beautify, decorate
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
qurxi
-yey / say: (v) beautify (biyuu-ti-faay); neaten (niiten); decorate (da-kareeyt)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qurxi
(fal) wax qurux leh ka dhig, qurux u yeel. Dh: qurxoonee. Li: foolxumee.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
qurxi
de: beautify, decorate
lx: qurxi
pd: (qurxiyey)
ps: v2a=tr
key: qurxi
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dincad
-da: (magac, dhedig, keli) laan qurji ah oo maydhaxda laga diirto oo shawdhadh toostoosan oo jilicsan leh. Dh: dimcad.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qodaxcambuuleed
-da: (magac, dhedig, keli) guntin kuusan oo qodaxda galoolku ay dhexda ku yeelato oo kolka ay qurjida tahay la cuno. Aabbahayba qaad iyo ma cunin qodaxcanbuuleede. Dh: canbuul, cambuul.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qurub
(fal) googoo, oo inyar inyar u jarjar. Dh: googgoo.
qurub-ka: (magac, lab, keli) inyar ama qayb shey kale oo weyn laga gooyo. Dh: in, gayb.
qurub -ka: (magac, lab, keli) eeg qurji.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
wade
-ha: (magac, lab, keli) laamaha baxaya afkooda koraya ee hadba dheeraada ee ay wax ku darmaan. Kolka roobku aad u da'o geeduhu wade jilicsan bay bixiyaan. Dh: curub, qurji.
wade -ha: (magac, lab, keli) darawal gaadiid kaxeeya. Wadaha baabuurka u yeedh. Dh: dirawal, shoofeer.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
yurub
-ka: (magac, lab, keli) laamaha qajida ah ee dhirtu bixiso xilli barwaaqeedka. Yurub buu geelu soo daaqay. Dh: faraq, curub, qurji.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
curjin
-ka: (magac, lab, keli) eeg curdin.
curjin -ta: (magac, dhedig, keli) hareeraha ka cadaadin.
Qaamuuska Ereybixinta: Juqraafi (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Curjis
Compression
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
curjis
-ka: (magac, lab, keli) walax, labada dhinac xoog kaga keenid oo isku soo cadaadin.
Ereybixinta Qalabka Farsamada Gacanta - Maxamuud Iimaan Aadan [1975]
Curjis
Wax badan oo wadajir meel ku diiq ah ama ku ciriiri ah isku mar soo caabiya.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
durjid
m.dh la-mid: durkid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
durjin
m.dh la-mid: durkin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
durjis
m.l la-mid: durkin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
murjin
m.f.dh eeg murji. la-mid: murgin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
murjin
-ka: (magac, lab, keli) waran yar oo can fiiqan oo daab gaaban leh oo ul ahaan ay ina badan culimada iyo dadka suufiyadu u qatan. Dh: eebo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Murjis
(Murjis-ka)
1. Waran yar oo af dhuuban leh; (ama murgin).
2. (Murjis-ta) Geed-abaareed buuraha ka baxa oo xoolaha lagu dhacariyo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
murjis
murjis¹: m.l (-syo/murjis, m.dh) Waran yar oo af dhuuban leh.
murjis²: m.dh Geed-abaareed buuraha korkooda ka baxa oo xoolaha lagu dhacariyo.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
murjis
m. n. small spear
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
murjis
-ka: (n) javelin (jaavalin); a light spear
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
murjis
-ka: (magac, lab, keli) eeg murjin.
murjis -ta: (magac, dhedig, keli) geed abaareed buuraha ka baxa oo xoolaha lagu dhacariye Xoolaha meel murjis leh u soofi.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
murjis
de: small spear
lx: murjis
pd: (-ka)
ps: n2a-m
key: murjis
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Qurbid
(Qurbid-da)
Jarjar yaryar jarjarid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qurbid
m.f.dh eeg qurub².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qurbid
-da: (magac, dhedig, keli) qurubqurub u jarid, googoyn oo gabalgabal ka dhigid. Dh: jarjarid yaryarayn, qurbis.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qurbis
-ta: (magac, dhedig, keli) eeg qurbid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Qurcis
(Qurcis-ta)
Geedka tiinka jaadadkiisa jaad kamid ah.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qurcis
m.dh Jaad ka mid ah noocyada geed hindiga.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
qurcis
f. n. cactus plant species
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qurcis
-ta: (magac, dhedig, keli) nooc noocyada geedka tiinka ka mid ah. Tiin qurcis ah ayaa duleedka ka baxay.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
qurcis
cf: tiin
de: cactus plant sp.
lx: qurcis
pd: (-ta)
ps: n-f
key: qurcis
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Qurdid
(Qurdid-da)
Wax qurdan ka dhigid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qurdid
m.f.dh eeg qurud.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qurdin
-ta: (magac, dhedig, keli) eeg qordin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qurdis
-ta: (magac, dhedig, keli) eeg qordin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Qurjad
(Qurjad-da)
Baxaalliga oogada; abuur.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qurjad
m.dh Koritaanka jirku sameeyo.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
qurjad
f. n. physical appearance ~ growth
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qurjad
-da: (magac, dhedig, keli) baxaalliga oogada. Dh: abuur.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
qurjad
de: physical appearance ~ growth Used in a negative sense
lx: qurjad
pd: (-da)
ps: n1-f
xe: physically underdeveloped
xv: baxaalli, abuur
key: qurjad
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qurjum
(ereycodeed) lagu tilmaansado sangadha wax ilkaha lahu jajebiyay.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Qurmid
(Qurmid-da)
Qurun noqosho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qurmid
m.f.dh eeg qurun².
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
qurmid
vl. n. decomposition, rotting
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
qurmid
-da: (n) rotting (rooting); spoiling (ispooyl-ing)
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
qurmid
de: decomposition, rotting rw: qurun
lx: qurmid
pd: (-da)
ps: vn-f
key: qurmid
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Qurmin
(Qurmin-ta)
Wax qurmuun ka dhigid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qurmin
m.f.dh eeg qurmi.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Qurxin
(Qurxin-ta)
Qurux u yeelid; wax qurxoon ka dhigid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qurxin
m.f.dh eeg qurxi.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
qurxin
vl. n. decoration, beautification
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
qurxin
-ta: (n) beautification (biyuu-ti-fikeey-shin); beautifying (biyuu-ti-faaying); decoration (da-kareey-shin)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qurxin
-ta: (magac, dhedig, keli) farshaxan wanaagsan u yeelid oo wax qurux badan ka dhigid, qurux u yeelid, bilic u samayn. Dumarku qurxinta aqallada way yaqaaniin. Dh: qurxis. Li: foolxumayn
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
qurxin
de: decoration, beauti-fication
lx: qurxin
pd: (-ta)
ps: vn-f
key: qurxin
Qaamuus Soomaali-Carabi oo Kooban - Cabdirisaaq Maxamed Cilmi Ina-Warfaa [2007]
qurxin
تَجْمِيل، تزيين
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qurxis
-ta: (magac, dhedig, keli) eeg qurxin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Quursi
(Quursi-ga)
Wax quursasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
quursi
m.l la-mid: quursasho.
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
quursi
-ga: (n) underestimation (an-dhar-esta-meey-shin) ~ yasid
Qaamuus Talyaani-Soomaali - Cabdalla Cumar Mansuur, Axmed Cabdullaahi A. [1985]
qui
avv. - halkaan.
Qaamuus Faransiis-Soomaali - Maxamed Cabdi Maxamed [1985]
qui
qui, pron.rel. - kee; kuwa; kii; kaas; qofkii
qui est-ce? - waa ayo?
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Qur
(Qur-ta)
1. (qudha) naf; laf; (qudhiisa — naftiisa; laftiisa).
2. Aan la wehelin; keli.
3. Madax; unuun; kur.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qur
m.dh 1. Naf; ruux. 2. Q. ah: tiro go'an oo aan wax kale kordhin. Tusaale: “Laba wiil oo q. ah ayaa xafiiska jooga.”
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
qur
m.dh 1. Naf; ruux. 2. Q. ah: tiro go'an oo aan wax kale kordhin. Tusaale: Laba wiil oo q. ah ayaa xafiiska jooga.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
qur
f. n. head; chief
qur [feminine] n. (adj.): life; self; alone, only, single
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
qur
-ta: (n) 1. head (heedh)-, self (salaj). Ex: qurtaa laga qooyey; he was beheaded. 2. life (laayf) ~ naf
qur -ah: (adj) only (oonli). Ex: aniga oo qur ah baa qabtay; I did it alone
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qur
-ka: ( magac, lab, keli ) qayb iyo saami. Xoolaha nin walba qurkiisa ha qaato.
qur-ta: (magac, dhedig, keli) inta garbaha ka sarraysa. Dh: unuun, kur.
qur -ta: (magac, dhedig, keli) eeg qudh.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
uri
f.g2 (-iyay, -isay) 1. Wax urkooda dareemid. 2. Wax qurmin. Tusaale: “Kalluunkii bakhtiyey baddii buu uriyey”.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
uri
f.g2 (-iyay, -isay) 1. Wax urkooda dareemid. 2. Wax qurmin. Tusaale: Kalluunkii bakhtiyey baddii buu uriyey. m.f.dh, urin.