qurgoyn
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qurgoyn
m.f.dh eeg qurgoo.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qurgoyn
-ta: (magac, dhedig, keli) cid kale, dil oo qudha ka goo.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qurgoy
(fal) eeg qudhgoo.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
kurgoyn
-ta: (magac, dhedig, keli) qof ama wax kale surka ka goyn.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qurgoys
-ta: (magac, dhedig, keli) eeg qudhgoyn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
surgoyn
m.f.dh eeg surgoo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhuungoo
f.g2 (-ooyay, -oysay) 1. Nafley dilid; qurgoyn. 2. Cunaqabatayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dil
dil¹: m.l 1. Qurgoynta nafley qurta laga gooyo. 2. Garaacid nafley la garaaco.
dil²: f.g1 (-ilay, -ishay) 1. Nafley qurgoyn. 2. Nafley garaacid.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
dhuungoo
f.g2 (-ooyay, -oysay) 1. Nafley dilid; qurgoyn. 2. Cunaqabatayn. m.f.dh, dhuungoyn.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
dil
dil¹: m.l 1. Qurgoynta nafley qurta laga gooyo. 2. Garaacid nafley la garaaco.
dil²: f.g1 (-ilay, -ishay) 1. Nafley qurgoyn. 2. Nafley garaacid. m.f.dh, dilid.
Qaamuus Talyaani-Soomaali - Cabdalla Cumar Mansuur, Axmed Cabdullaahi A. [1985]
decapitare
v. tr. - qurgoyn.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qudhgoyn
-ta: (magac, dhedig, keli) naf ka saarid; qudha ka jarid. Dh: dil.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qurgooyo
m.dh Naf ka goynta cid nafta laga gooyo.
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
qurgooyo
-qurgooyada: (n) beheading; decapitating
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qurgo'
f.mg1 (-'ay, -'day) Cid dhimasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qurgoo
f.g2 (-gooyay, -goysay) Nafley nafta ka qaadid.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
qurgoo
f.g2 (-gooyay, -goysay) Nafley nafta ka qaadid. m.f.dh, qurgoyn.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
qurgoo
v. behead, decapitate
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
qurgoo
-yey / say: (v) behead (bi-heedh); slay (isleey); murder (maar-der); kill (kil); decapitate (dhi-kaapi-teeyt) ~ qudhgoo, dil, gawrac
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
qurgoo
de: behead, decapitate
lx: qurgoo
pd: (qurgooyey)
ps: v2a=tr
key: qurgoo
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
gargoyn
m.f.dh eeg gargoo.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
gargoyn
-ta: (magac, dhedig, keli) garnaqid oo dad kala dhexdhexaadin. Dh: xeerin.
Qaamuuska Ereybixinta: Barbaarinta Jirka (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1984]
horgoyn
screening
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Luggoyn
(Luggoyn-ta)
Luggooyo badid; dhibid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
luggoyn
m.f.dh eeg luggoo. la-mid: luggooyo.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
luggoyn
-ta: (magac, dhedig, keli) luggooyo cid ku samayn oo dhibaatayn. Dh: hantaaqid, dhibid, badid, luggoys.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qasgoyn
m.f.dh eeg qasgoo.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qasgoyn
-ta: (magac, dhedig, keli) eeg qasgo'.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qurmoon
qurmoon¹: m.l la-mid: qurmuun¹.
qurmoon²: f.mg4 (-naa, -nayd) la-mid: qurmuun².
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Qurxoon
Quruxsan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qurxoon
f.mg4 (-naa, -nayd) la-mid: quruxsan.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
qurxoon
der. [adjective] beautiful, pretty, comely
Qaamuus-Yare Soomaali-Faransiis - Kiristoofe Filibeerti [1976]
Qurxoon
beau.
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
qurxoon
-aa / ayd: (adj) beautiful (bi-yuuti-fuul); lovely (laav-li); pretty (piriti); handsome (haan-sam); cute (kiyuut); gorgeous (goor-jas)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qurxoon
(tilmaame) eeg quruxsan.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
qurxoon
a: quruxsan
de: beautiful, pretty, comely
lx: qurxoon
pd: (qurxoonaa)
ps: adj-der
key: qurxoon
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
sargoyn
m.f.dh eeg sargoo. la-mid: sargoys.
Qaamuuska Ereybixinta: Fisikis (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Sargoyn
Calibration
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
sargoyn
-ta: (magac, dhedig, keli) «kuku jaangoyn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qoorgooyn
m.f.dh eeg qoorgoo.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
barigoyn
-ta: (magac, dhedig, keli) buullayn oo neef iyo wax ka badan u qalid. Barigoyntu waa xeer hore oo Soomaalidu isku ogayd. Dh: badhigoyn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhulgoyn
m.dh (jooloji) Jarida dhulka oo ay gooyaan wakiilo dabiici ahi, sida qorraxda, dabaysha, roobka, biyaha qulqula, barafka dhaqaaga, iyo badda.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
dhulgoyn
m.dh (jool.) Jarida dhulka oo ay gooyaan wakiilo dabiici ahi, sida qorraxda, dabaysha, roobka, biyaha qulqula, barafka dhaqaaga, iyo badda.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
murugeyn
m.f.dh eeg murugee.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qalagoyn
-ta: (magac, dhedig, keli) wadaal ka bixid oo dadka iyo waaqica la qabsasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qurgo'id
m.f.dh eeg qurgo'.
Qaamuuska Magacyada Dhirta Soomaaliyeed (Soomaali-Laatiin) - Axmed M. I. Barkhadle [1990]
QURMOONE
(Gurmone) N Coccinia grandis (L) Voigt. Cucurbitaceae.
N Cienfuegosia welshii (T. Anders.) Garcke Malvaceae.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
ruuxgoyn
m.f.dh eeg ruuxgoo.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
ruuxgoyn
-ta: (magac, dhedig, keli) dilid oo noole nafta ka goyn; kaw ka siin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
surgooyo
m.dh Nabar cid surka si xoog leh looga dhufto.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
gurmaggoyn
m.f.dh eeg gurmaggoo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qooraggoyn
m.f.dh eeg qooraggoo. la-mid: qooraggoys.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Goyn
(Goyn-ta)
1. Wax is haystey, wax kala go'an ka dhigid; jarid.
2. (beer) miraha ka jarid; shafid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
goyn
m.f.dh eeg goo. la-mid: goys, goysmo.
Hal-Ururka Erayada Maamulka Xafiisyada, Xisaabaadka Ganacsiga iyo Dhaqaalaha (Soomaali-Talyaani-Ingiriis) - Warshadaha Saabuunta Bayl, Qubeyska iyo Mariska [1979]
Goyn
Tagliare; detrarre
To cut; to deduct
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
goyn
-ka: (magac, lab, keli) adhi la siiyo ninka caydhooba ama guursada.
goyn-ta: (magac, dhedig, keli) jaridda wax la jaro.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Qoyn
(Qoyn-ta)
Wax qoyan ka dhigid, qoyaan gaarsiin, u yeelid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qoyn
m.f.dh eeg qoo.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qoyn
-ta: (magac, dhedig, keli) biyo ku dulshubid. Dh: dhardin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Qurbo
(Qurba-da)
Qurbe.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qurbo
m.dh la-mid: qurbe.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
qurbo
f. n. foreign land
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qurbo
-ha: (magac, lab, keli) eeg qurbe.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
qurbo
a: qurbe
de: foreign land
lx: qurbo
pd: (/da)
ps: n6-f
key: qurbo
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Qurdo
(Qurda-da)
Gabar qurdan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qurdo
qurdo¹: m.l Xaniinyo.
qurdo²: m.dh 1. Gabadh madaxa ka xiiran oo yuul ah. 2. Q. ah: ri' dhego yaryar oo foolxun.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
qurdo
f. n. short-haired girl
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qurdo
-da: (magac, dhedig, keli) buurbuurka ay budadu yeelato kolka biyo lagu dhex shubo een si wanaagsan loo laaqin. Dh: qurdi.
qurdo -da: (magac, dhedig, keli) xiiridda madaxa oo timaha laga wado xiiro. Dh: moolo, dhakacambe.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
qurdo
de: short-haired girl
lx: qurdo
pd: (/da)
ps: n6-f
key: qurdo
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qurin
m.f.dh eeg quri. la-mid: quris.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Qurun
(Qurun-ka)
1. Ur xun oo naftu kahato.
2. Wax xumaaday ama tortoray oo urkaas leh.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qurun
qurun¹: m.l la-mid: qurmuun¹.
qurun²: f.mg1 (-rmay, -runtay; -rmi) Wax in muddo ah meel yaalay ur xun yeelasho.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
qurun
f.mg1 (-rmay, -runtay; -rmi) Wax in muddo ah meel yaalay ur xun yeelasho. m.f.dh, qurmid.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
qurun
m. n., [abstract] stink, bad smell; rottenness
qurun [inchoative] v. stink, smell, go bad, decompose, rot
Qaamuuska Magacyada Dhirta Soomaaliyeed (Soomaali-Laatiin) - Axmed M. I. Barkhadle [1990]
QURUN
(Gurun) N Erythrochlamys nummularia (S. Moore) Hedge. Labiatae.
Erythrochlamys leucosphaeria Brig. Labiatae.
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
qurun
-ka: (n) bad smell; foul odor also [odour]; stink (istink); stench (isteenj); fetor (feey-tar); mustiness (masti-nes) ~ qarmuun, qadhmuun, qurmuun
qurun -qurmay / quruntay: (v) become stale (isteel) or moldy (mooldhi) in odor or taste
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qurun
-ka: (magac, lab, keli) eeg qudhun. qurunsad -ka: (magac, lab, keli) wax qudhmisasho Dh: madhaxsad.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
urgun
m.l (-unno, m.dh) Hoore adkaaday oo weel salkiisa ku haray, gufar.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
urgun
-ka: (magac, lab, keli) hoore adkaaday oo weel salkiisa ku haray, gufar.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
bugayn
m.f.dh eeg bugee. la-mid: bucayn, buhayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
bureyn
m.f.dh eeg buree. la-mid: burareyn, burareys, bureys.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
bureyn
-ta: (magac, dhedig, keli) oogada noolaha oo gariirta xanuun ama qabow awgii. Bureyn ma leh neef hadduu bakhtiyo oo naftu ka uugaanto. Dh: dubaaxin, jarcayn, qadhqadhid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
durgin
m.dh la-mid: durkin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
ergayn
-ta: (magac, dhedig, keli) ergo ahaan qof cid kale ugu dirid; qolo farriin gaar ah u gee.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Ergeyn
(Ergeyn-ta)
Ergo ahaan ugu tegid; ergo u dirid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
ergeyn
m.f.dh eeg ergee.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
ergeyn
-ta: (magac, dhedig, keli) ergo ahaan qof cid kale ugu dirid; qolo farriin gaar ah u gee.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
furayn
m.f.dh eeg furee.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
furayn
-ta: (magac, dhedig, keli) awdidda iyo gufaynta meel soo bannaanayd. Dh: furays. furays -ka: (magac, lab, keli) eeg furayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Gurayn
(Gurayn-ta)
Gaadiid raran guro la fuulo u yeelid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
gurayn
m.f.dh eeg guree.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
gurayn
-ta: (magac, dhedig, keli) gaadiidka raran guro la fuulo u yeelid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Hurgun
(Hurgun-ka)
Caallir; fasas.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
hurgun
hurgun¹: m.l Caalirka iyo fasaska ku dhaca meel hore u jirranayd. la-mid: hurgumo¹.
hurgun²: m.l (daawo) Dhiig ku uruursamid xubin dhexdeed. Waxaana keena cadaadiska ku soo noqda xididdada dhiigga cabburidda sambabada iyo beerka waxay dhacdaa markii uu wadnuhu hawl gabo.
hurgun³: f.mg1 (-umay, -untay; -umi) Meel hore u bugtay hoos ka caalirid.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
hurgun
hurgun¹: m.l (daaw.) Dhiig ku uruursamid xubin dhexdeed. Waxaana keena cadaadiska ku soo noqda xididdada dhiigga cabburidda sambabada iyo beerka waxay dhacdaa markii uu wadnuhu hawl gabo. m.f.dh, hurgumid.
hurgun²: f.mg1 (-umay, -untay; -umi) Meel hore u bugtay hoos ka caalirid. m.f.dh, hurgumid.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
hurgun
m. n. infection
hurgun: [inchoative] v. become infected
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
hurgun
-hurmay / hurguntay: (v) swelling caused by infection or bloating caused infection
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hurgun
(fal) hurgumo yeelo; hurgumood. Dh: calladh, fasas.
hurgun -ka: (magac, lab, keli) eeg hurgumo. hurgunsan: (tilmaame) caalliran; fasasan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
isgoyn
m.f.dh eeg isgoo.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
isgoyn
-ta: (magac, dhedig, keli) sakiin ama wax la mid ah, isku jarid.