qurgoo
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qurgoo
f.g2 (-gooyay, -goysay) Nafley nafta ka qaadid.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
qurgoo
f.g2 (-gooyay, -goysay) Nafley nafta ka qaadid. m.f.dh, qurgoyn.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
qurgoo
v. behead, decapitate
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
qurgoo
-yey / say: (v) behead (bi-heedh); slay (isleey); murder (maar-der); kill (kil); decapitate (dhi-kaapi-teeyt) ~ qudhgoo, dil, gawrac
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
qurgoo
de: behead, decapitate
lx: qurgoo
pd: (qurgooyey)
ps: v2a=tr
key: qurgoo
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
murgoo
f.mg3 (-ooday, -ootay) la-mid: murugoo.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
murgoo
f.mg3 (-ooday, -ootay) la-mid: murugoo. murgood m.l la-mid: murugood.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qurgo'
f.mg1 (-'ay, -'day) Cid dhimasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qurgoy
(fal) eeg qudhgoo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
surgoo
f.g2 (-ooyay, -ooysay) Cid nabar xoog leh surka kaga dhifasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dilan
dilan¹: m.l 1. Ilmo dhawr bilood ah oo uurka ku qoonmay. 2. Dhul mudda badan la daaqaayay oo xaalufay. 3. la-mid: dilmid.
dilan²: f.mg1 (-lmay, -lantay; -lmi) 1. Iska dhimasho; iyadoo aan la dilin, iska geryoomid. 2. Ilmo dhawr bilood ah uur ku qoonmid.
dilan³: f.mg4 (-lnaa, -lnayd) 1. Wax la qurgooyay ahaansho (nafley).
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
dilan
dilan¹: m.l 1. Ilmo dhawr bilood ah oo uurka ku qoonmay. 2. Dhul mudda badan la daaqaayay oo xaalufay.
dilan²: f.mg1 (-lmay, -lantay; -lmi) 1. Iska dhimasho; iyadoo aan la dilin, iska geryoomid. 2. Ilmo dhawr bilood ah uur ku qoonmid. m.f.dh, dilmid.
dilan³: f.mg4 (-lnaa, -lnayd) 1. Wax la qurgooyay ahaansho (nafley). m.f.dh, dilnaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qurgooyo
m.dh Naf ka goynta cid nafta laga gooyo.
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
qurgooyo
-qurgooyada: (n) beheading; decapitating
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
murgoco
m.dh la-mid: murguco¹.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
murgood
m.l la-mid: murugood.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
murugoo
f.mg3 (-ooday, -ootay) Murugo dareemid. la-mid: murgoo.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
murugoo
f.mg3 (-ooday, -ootay) Murugo dareemid. la-mid: murgoo.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
murugoo
(fal) welwel oo uurkutaallo ku jr. Geeridu waa xaq e murugoo oo ha ooyin. Dh walbahaar, tiiraanyoo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qoorgoo
f.g2 (-gooyay, -goysay) Nafley surka jug ka gaarsiin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qoorgoo
-ga: (magac, lab, keli) cudur madaxa ku dhaca oo halis ah oo dhulka kulaylaha ku badan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qudhgoo
(fal) dil oo qudha ka jar.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qurgoyn
m.f.dh eeg qurgoo.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qurgoyn
-ta: (magac, dhedig, keli) cid kale, dil oo qudha ka goo.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qurgoys
-ta: (magac, dhedig, keli) eeg qudhgoyn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qurmoon
qurmoon¹: m.l la-mid: qurmuun¹.
qurmoon²: f.mg4 (-naa, -nayd) la-mid: qurmuun².
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Qurxoon
Quruxsan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qurxoon
f.mg4 (-naa, -nayd) la-mid: quruxsan.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
qurxoon
der. [adjective] beautiful, pretty, comely
Qaamuus-Yare Soomaali-Faransiis - Kiristoofe Filibeerti [1976]
Qurxoon
beau.
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
qurxoon
-aa / ayd: (adj) beautiful (bi-yuuti-fuul); lovely (laav-li); pretty (piriti); handsome (haan-sam); cute (kiyuut); gorgeous (goor-jas)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qurxoon
(tilmaame) eeg quruxsan.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
qurxoon
a: quruxsan
de: beautiful, pretty, comely
lx: qurxoon
pd: (qurxoonaa)
ps: adj-der
key: qurxoon
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
ergoo
f.mg3 (-ooday, -ootay) Ergo aadid.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
ergoo
f.mg3 (-ooday, -ootay) Ergo aadid. ergood m.f.l eeg ergoo.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
ergoo
(fal) cid kale, farriin u gee ama ergo ugu teg.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
orgoo
f.mg3 (-ooday, -ootay) Sac ama ri' wax boodid u baahan noqosho.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
orgoo
f.mg3 (-ooday, -ootay) Sac ama ri' wax boodid u baahan noqosho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
orgoo
(fal) orgi doon oo wax oofanaya haw
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Qurbo
(Qurba-da)
Qurbe.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qurbo
m.dh la-mid: qurbe.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
qurbo
f. n. foreign land
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qurbo
-ha: (magac, lab, keli) eeg qurbe.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
qurbo
a: qurbe
de: foreign land
lx: qurbo
pd: (/da)
ps: n6-f
key: qurbo
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Qurdo
(Qurda-da)
Gabar qurdan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qurdo
qurdo¹: m.l Xaniinyo.
qurdo²: m.dh 1. Gabadh madaxa ka xiiran oo yuul ah. 2. Q. ah: ri' dhego yaryar oo foolxun.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
qurdo
f. n. short-haired girl
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qurdo
-da: (magac, dhedig, keli) buurbuurka ay budadu yeelato kolka biyo lagu dhex shubo een si wanaagsan loo laaqin. Dh: qurdi.
qurdo -da: (magac, dhedig, keli) xiiridda madaxa oo timaha laga wado xiiro. Dh: moolo, dhakacambe.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
qurdo
de: short-haired girl
lx: qurdo
pd: (/da)
ps: n6-f
key: qurdo
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dungoo
(fal) shey cidhibtir oo tafiirtir. Dh: sayngoo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
gargoo
f.mg2 (-ooyay, -ooysay) U g.: laba qof ama ka badan oo wax isku haysta dhexdhexaadin.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
gargoo
f.mg2 (-ooyay, -ooysay) U g.: laba qof ama ka badan oo wax isku haysta dhexdhexaadin. m.f.dh, gargoyn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
hurdoo
f.mg3 (-ooday, -ootay) Cid hurdo dareemid.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
hurdoo
f.mg3 (-ooday, -ootay) Cid hurdo dareemid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hurdoo
(fal) hurdo ha ku qabato. Dh: luloo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
kurboo
f.mg3 (-ooday, -ootay) U k.: kurbo dareemid.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
kurboo
f.mg3 (-ooday, -ootay) U k.: kurbo dareemid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
kurboo
(fal) kurbo dareen; kurbo ha kugu dhacdo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
luggoo
f.g2 (-gooyay, -goysay) 1. Cid waqti ka lumin. 2. Si kas ah qof marin toosan uga habaabin. 3. Cid ballan been ah siin.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
luggoo
f.g2 (-gooyay, -goysay) 1. Cid waqti ka lumin. 2. Si kas ah qof marin toosan uga habaabin. 3. Cid ballan been ah siin. m.f.dh, luggoyn.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
luggoo
(fal) qof kale, wax uu dan u lahaa oo uu sugayay weysii. Dh: hantaaq, luggoy.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qardoo
f.mg3 (-ooday, -ootay) 1. Miro aan weli bislaan cuniddooda ku jirrasho. 2. Socod, fardo-fuul iyo wixi lamida ku jiiro-go'id.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qardoo
(fal) cunto ku sumow. Dh: balaloo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qasgoo
f.mg2 (-ooyay, -oysay) Neef riman soo sid-dhaweyn (sac ama hal).
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
qasgoo
v. be close to giving birth (of an animal)
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
qasgoo
de: be close to giving birth (of a animal)
lx: qasgoo
pd: (qasgooyey)
ps: v2a=intr
key: qasgoo
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Qurdho
(Qurdha-da)
1. Iniinaha cudbiga ku jira.
2. Timaha kolka la firo, hirarka yeesha.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qurdho
m.dh.u 1. Iniinaha yaryar ee cudbiga. 2. Timo aad u jilicsan marka la shanleeyo seexda.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
qurdho
f. n., [collective] cotton seeds
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qurdho
-da: (magac, dhedig, keli) hirarka diisdiisan ee timaha jilicsan ee la fidhayi yeeshaan.
qurdho-da: (magac, dhedig, keli) iniinaha cudbiga ku jira.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
qurdho
de: cotton seeds
lx: qurdho
pd: (/da)
ps: n6-f-col
key: qurdho
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qurdow
-ga: (magac, lab, keli) qurdo yeelashad budada ee aanay biyaha wada dhex galin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qurumo
m.dh Gudin yar oo weelasha lagu qoro. la-mid: qorimo.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
qurumo
m.dh Gudin yar oo weelasha lagu qoro. la-mid: qorimo.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qurumo
-da: (magac, lab, keli) gudin yar oo weelasha lagu qoro. Dh :qorimo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
sargoo
f.mg2 (-gooyay, -goysay) Ku s.: wax, wax kale cabbirkiisa la ekeysiin.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
sargoo
f.mg2 (-gooyay, -goysay) Ku s.: wax, wax kale cabbirkiisa la ekeysiin. m.f.dh, sargoyn.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
sargoo
(fal) qiyaas inta shay ama hawli la egtahay. Sargoo dhismaha guriga.
Qaamuuska Ereybixinta: Bayoolaji (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Turgor
Foocsan
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
urugoo
f.mg3 (-ooday, -ootay) Tiiraanyo dareemid.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
urugoo
f.mg3 (-ooday, -ootay) Tiiraanyo dareemid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
urugoo
(fal) tiiraanyo dareen.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
gurmogoo
(fal) geed gunta ka xaabi oo wada jar oo waxba ha kaga tegin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Murugood
(Murugood-ka)
Murugo qabasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
murugood
m.f.dh eeg murugoo. la-mid: murgood.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
murugood
m.f.dh eeg murugoo. la-mid: murgood.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
murugood
v.pat: worry, be anxious
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
murugood
-ay / murugootay: (v) become sad; sadden (saad'an)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
murugood
-ka: (magac, lab, keli) murugo iyo welwel ku jirid. Dh: tiiraanyood.
murugood: (fal) welwel oo uurkutaallo ku jir.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
murugood
de: worry, be anxious
lx: murugood
nt: murugood (ka) [vn-m]
pd: (murugooday)
ps: v1=pat
key: murugood
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
qoorgooy
v. strike someone on the neck
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
qoorgooy
de: strike s.o. on the neck
lx: qoorgooy
pd: (qoorgooyey)
ps: v2a=tr
key: qoorgooy
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qurgo'id
m.f.dh eeg qurgo'.
Qaamuuska Magacyada Dhirta Soomaaliyeed (Soomaali-Laatiin) - Axmed M. I. Barkhadle [1990]
QURMOONE
(Gurmone) N Coccinia grandis (L) Voigt. Cucurbitaceae.
N Cienfuegosia welshii (T. Anders.) Garcke Malvaceae.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
surgooyo
m.dh Nabar cid surka si xoog leh looga dhufto.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
barigoo
(fal) buullo qal oo cid ku daawee. Ninka u barigoo. Dh: badhigoo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
burloox
m.l (-xyo, m.dh) Cad soor ah oo la mariyo looxa qur'aanka inta aan wax lagu qorin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
curboon
(tilmaame) qurux aan la farafarayn. Gurigani waa dhisme curboon. Dh: cusub, jadiid, cusboon. Li: baali, gaboobay.
Qaamuus Talyaani-Soomaali - Cabdalla Cumar Mansuur, Axmed Cabdullaahi A. [1985]
curióso
agg. - qof jecel in uu ogaado wax walba.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
durugso
f.g3 (-saday, -satay) Wax meel yaal sikisasho.