qurdi
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qurdi
(fal) eeg qordi.
qurdi-da: (magac, dhedig, keli) buurbuurka ay budadu yeelato kolka biyo lagu dhex shubo een si wanaagsan loo laaqin. Dh: buurbuur.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Qurdid
(Qurdid-da)
Wax qurdan ka dhigid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qurdid
m.f.dh eeg qurud.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qurdin
-ta: (magac, dhedig, keli) eeg qordin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qurdis
-ta: (magac, dhedig, keli) eeg qordin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
quri
f.g2 (-iyay, -isay) 1. Awr qooqan, mid kale guulguul iyo cabsi ku samayn isaga oo guux iyo micilis isugu daraya. 2. Cid u duurxulid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
curdi
-ga: (magac, lab, keli) geed biqil ah oo aad u jilicsan. Dh: yurub, curdin, curub, magool. Li: gaalaw, gahaydh.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
hurdi
hurdi¹: m.l Midab u dhexeeya midabka cagaarka iyo kan liinta una eg midabka sacfaraanka.
hurdi²: f.g2 (-iyay, -isay) Seexin.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
hurdi
m.l Midab u dhexeeya midabka cagaarka iyo kan liinta una eg midabka sacfaraanka.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hurdi
(fal) hurdaysii; lulmaysil.
hurdi: (tilmaame) midabka jaallaha ah ama huruudda.
hurdi -ga: (magac, lab, keli) midab u dhexeeya midabka cagaarka iyo kan liinta una og midabka sacfaraanka.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
murdi
f.g2 (-iyay, -isay) 1. Badar bisil, subag, caano, malab iyo wixi lamida oo weel ku haray far ku tirid. 2. Cunto weel ka wada dhammayn. la-mid: mudri.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
murdi
f.g2 (-iyay, -isay) 1. Badar bisil, subag, caano, malab iyo wixi lamida oo weel ku haray far ku tirid. 2. Cunto weel ka wada dhammayn. m.f.dh, murdin. la-mid: mudri.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
murdi
v. get any remaining amount of food with one's index finger
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
murdi
(fal) weel ay cunto ka dhammaatay farta dhinacyadeeda aan ciddidu ku jirin ku soo masax oo wixii soo raaca leefleef.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
murdi
cf: murug
de: get any remaining amount of food with one's index finger Also: muri
lx: murdi
pd: (murdiyey)
ps: v2a=
key: murdi
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qardi
-ga: (magac, lab, keli) wax la kala amaahdo hadhowna la isu soo celiyo cayntiisii oo aan gelin lacag ama wax kale. Dh: amaah, dayn, deyn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qordi
f.g2 (-iyay, -isay) Ku q.: qof isku deyid in uu qof kale wax gacantiisa ku jiro la qaybsado.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qordi
(fal) cid kale wax aan ku fillayn ku weheli la wadaag. Gogosha ku gordi. Dh: wadaag.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
quddi
-da: (magac, dhedig, keli) caleenta geedka bunka.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qurde
-da: (magac, dhedig, keli) guntimaha aan Imilmin kolka budo laga dhigayo shuuro ama qoosh.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Qurdo
(Qurda-da)
Gabar qurdan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qurdo
qurdo¹: m.l Xaniinyo.
qurdo²: m.dh 1. Gabadh madaxa ka xiiran oo yuul ah. 2. Q. ah: ri' dhego yaryar oo foolxun.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
qurdo
f. n. short-haired girl
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qurdo
-da: (magac, dhedig, keli) buurbuurka ay budadu yeelato kolka biyo lagu dhex shubo een si wanaagsan loo laaqin. Dh: qurdi.
qurdo -da: (magac, dhedig, keli) xiiridda madaxa oo timaha laga wado xiiro. Dh: moolo, dhakacambe.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
qurdo
de: short-haired girl
lx: qurdo
pd: (/da)
ps: n6-f
key: qurdo
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qurji
-da: (magac, dhedig, keli ) madaxa hore ee xubinta taranka ee laboodka. Dh: barjo, buuryo.
qurji -ga: ( magac, lab, keli ) xubinta taranka ee laboodka. Dh: gus, caadh, qoodho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qurmi
f.g2 (-iyay, -isay) Wax qurun ka dhigid.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
qurmi
f.g2 (-iyay, -isay) Wax qurun ka dhigid. m.f.dh, qurmin.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
qurmi
v. cause to go bad, decompose, stink ~ rot
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
qurmi
-yey / say: (v) cause to decay and smell bad or become stinky ~ qudhmi
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
qurmi
a: qudhmi
de: cause to go bad, decompose, stink ~ rot
lx: qurmi
pd: (qurmiyey)
ps: v2a=tr
key: qurmi
Magacyada Dhirta Ceel-Dheere iyo Buula-Burte (Soomaali-Laatiin) - D. Herloker, B. Kujar [1985]
QURRI
Parkinsonia scioana (?) 10
Qaamuuska Magacyada Dhirta Soomaaliyeed (Soomaali-Laatiin) - Axmed M. I. Barkhadle [1990]
QURRI
(Gurri) C Parkinsonia scioana (Chiov.) Brenan. Caesalpinaceae.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Qursi
(Qursi-ga)
Weel yar oo cabbir ku yaal oo badanaa qori ah, oo badarka iyo wixii la mid ah, lagu beego.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qursi
m.l 1. Weel yar oo qori ka samaysan oo badarka iyo wixi lamida lagu cabbiro. 2. la-mid: qurus. In cunto ah oo qof hal mar la siiyo.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
qursi
m. n. measure for grain
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qursi
-ga: (magac, lab, keli) weel yar oo cabbir ku yaal oo badanaa qori ah oo badarka iyo wixii la mid ah lagu beego.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
qursi
de: measure for grain
lx: qursi
pd: (-ga)
ps: n2a-m
key: qursi
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qurxi
f.g2 (-iyay, -isay) Wax qurux u yeelid.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
qurxi
f.g2 (-iyay, -isay) Wax qurux u yeelid. m.f.dh, qurxin.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
qurxi
v. beautify, decorate
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
qurxi
-yey / say: (v) beautify (biyuu-ti-faay); neaten (niiten); decorate (da-kareeyt)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qurxi
(fal) wax qurux leh ka dhig, qurux u yeel. Dh: qurxoonee. Li: foolxumee.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
qurxi
de: beautify, decorate
lx: qurxi
pd: (qurxiyey)
ps: v2a=tr
key: qurxi
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
quudi
f.g2 (-iyay, -isay) Nafley cunto siin.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
quudi
f.g2 (-iyay, -isay) Nafley cunto siin. m.f.dh, quudin.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
quudi
v. feed, nourish
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
quudi
-yey / say: (v) feed (fiidh); provide food or nourishment; cook for.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
quudi
(fal) quud sii, cunto sii. Ardayga quudi inta uu dugsiga dhammaynayo. Dh: dheefi.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
quudi
de: feed, nourish
lx: quudi
pd: (quudiyey)
ps: v2a=tr
key: quudi
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
curdin
m.l la-mid: curdan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
curdin
-ka: (magac, lab, keli) caarada hore ee caleen cusub oo hadda baxday oo aan weli adkaan. Dh: curdan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Hurdid
(Hurdid-da)
Hurdo dhex gelid, ku jirid; seexasho; gama'sanaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
hurdid
m.f.dh eeg hurud.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hurdid
-da: (magac, dhedig, keli) hurdo ku dhexjirid. Dadka wada shaqa tegey maxaa hurdid ku baday. Dh: seexasho, gama'sanaan. Li: soo jeedid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
hurdin
m.f.dh eeg hurdin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
murdin
m.f.dh eeg murdi. la-mid: mudrin, mudris, murdis.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
murdin
-ta: (magac, dhedig, keli) weel ay cunto ka dhammatay farta ku xagid oo wixii ku hadhay ka leefleefid. Dh: murdis
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
murdis
m.l la-mid: murdin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
murdis
-ka: (magac, lab, keli) weel ay cunto ka dhammatay farta ku xagid oo wixii ku hadhay ka leefleefid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qordin
m.f.dh eeg qordi.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qordin
-ta: (magar, dhedig, keli) la wadaagid oo cid wax ay isku fillaysiinayso la wadaagid oo ku wehelin. Dh: wadaagid, qordis.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qordis
-ta: (magac, dhedig, keli) eeg qordin.
Qaamuus Talyaani-Soomaali - Cabdalla Cumar Mansuur, Axmed Cabdullaahi A. [1985]
quindi
cong. - haddaba, sidaa darteed.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qundhi
-da: (magac, dhedig, keli) jaad tigaadda ka mid ah oo xididkiisa carruurta dhalatay loo shido dumarkuna uunsi ka dhigtaan.
qundhi-da: (magac, dhedig, keli) xididka tigaadda goonka.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Qurbid
(Qurbid-da)
Jarjar yaryar jarjarid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qurbid
m.f.dh eeg qurub².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qurbid
-da: (magac, dhedig, keli) qurubqurub u jarid, googoyn oo gabalgabal ka dhigid. Dh: jarjarid yaryarayn, qurbis.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qurbis
-ta: (magac, dhedig, keli) eeg qurbid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Qurcis
(Qurcis-ta)
Geedka tiinka jaadadkiisa jaad kamid ah.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qurcis
m.dh Jaad ka mid ah noocyada geed hindiga.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
qurcis
f. n. cactus plant species
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qurcis
-ta: (magac, dhedig, keli) nooc noocyada geedka tiinka ka mid ah. Tiin qurcis ah ayaa duleedka ka baxay.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
qurcis
cf: tiin
de: cactus plant sp.
lx: qurcis
pd: (-ta)
ps: n-f
key: qurcis
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Qurdan
Xiiran ama time aad u gaaban leh.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qurdan
f.mg4 (-naa, -nayd) 1. Qof madaxa maluuqday ahaansho. 2. Lo', ari wax seenyoon ahaansho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
qurdan
der. [adjective] shaven-headed; cropped
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qurdan
(tilmaame) mid madaxa wada xiiran: mid dhakada moolaysan. Dh: moolaysan, dhukuran
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
qurdan
de: shaven-headed; cropped rw: qurud
lx: qurdan
pd: (qurdanaa)
ps: adj-der
key: qurdan
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qurdee
(fal) shuuro ama qoosh buurbuur u yeel. Dh: qurday.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Qurdho
(Qurdha-da)
1. Iniinaha cudbiga ku jira.
2. Timaha kolka la firo, hirarka yeesha.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qurdho
m.dh.u 1. Iniinaha yaryar ee cudbiga. 2. Timo aad u jilicsan marka la shanleeyo seexda.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
qurdho
f. n., [collective] cotton seeds
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qurdho
-da: (magac, dhedig, keli) hirarka diisdiisan ee timaha jilicsan ee la fidhayi yeeshaan.
qurdho-da: (magac, dhedig, keli) iniinaha cudbiga ku jira.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
qurdho
de: cotton seeds
lx: qurdho
pd: (/da)
ps: n6-f-col
key: qurdho
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qurdow
-ga: (magac, lab, keli) qurdo yeelashad budada ee aanay biyaha wada dhex galin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qurdub
-ka: (magac, lab, keli) cunto ama soor.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qurdun
-ka: (magac, lab, keli) geedaha inta hadha marka caleentu ka daadato. Dhulku waa abaar geeduhuna waa qurdun.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Qurmid
(Qurmid-da)
Qurun noqosho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qurmid
m.f.dh eeg qurun².
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
qurmid
vl. n. decomposition, rotting
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
qurmid
-da: (n) rotting (rooting); spoiling (ispooyl-ing)
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
qurmid
de: decomposition, rotting rw: qurun
lx: qurmid
pd: (-da)
ps: vn-f
key: qurmid
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Qurmin
(Qurmin-ta)
Wax qurmuun ka dhigid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qurmin
m.f.dh eeg qurmi.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Qurxin
(Qurxin-ta)
Qurux u yeelid; wax qurxoon ka dhigid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qurxin
m.f.dh eeg qurxi.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
qurxin
vl. n. decoration, beautification
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
qurxin
-ta: (n) beautification (biyuu-ti-fikeey-shin); beautifying (biyuu-ti-faaying); decoration (da-kareey-shin)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qurxin
-ta: (magac, dhedig, keli) farshaxan wanaagsan u yeelid oo wax qurux badan ka dhigid, qurux u yeelid, bilic u samayn. Dumarku qurxinta aqallada way yaqaaniin. Dh: qurxis. Li: foolxumayn