qurbixid
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Qurbixid
(Qurbixid-da)
Nafi ka bixid; dhimasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qurbixid
m.f.dh eeg qurbax.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
murbixid
m.dh la-mid: midbixid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qarbidxid
m.f.dh eeg qarbidix².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qudhbixid
-da: (magac, dhedig, keli) naf bixid; dhimasho. Dh: nafbixid, qudhbixis.
qudhbixid -da: (magac, dhedig, keli) eeg qudhbixid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Qurbid
(Qurbid-da)
Jarjar yaryar jarjarid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qurbid
m.f.dh eeg qurub².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qurbid
-da: (magac, dhedig, keli) qurubqurub u jarid, googoyn oo gabalgabal ka dhigid. Dh: jarjarid yaryarayn, qurbis.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
murbixi
f.g2 (-iyay, -isay) la-mid: mudbixi.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
murbixi
(fal) ka fara bixi oo ka dhammee: ka tallaabi oo wax kadar dhaafay ka dhig. Waxa uu hayo oo dhan ka murbixi. Dh: ka mudhbixi.
murbixi: (fal) hilibka baruurta ah ka dhex saar ka mudka ah. Kala murbixi hilibka.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
murixid
-da: (magac, dhedig, keli) hawl si wanaagsan uga farabixid oo mudh ka dhihid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Aarbixid
(Aarbixid-da)
Eedbixid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
aarbixid
m.f.dh eeg aarbax². la-mid: aarbax¹.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
barbixid
m.f.dh eeg barbax². la-mid: barbax¹ (3).
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
barbixid
-da: (magac, dhedig, keli) deegaankaagii, dhulkaagii iyo hantidaadii ka qaxid. Dh: barabixid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Jusbixid
(Jusbixid-da)
Jusbax samayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
jusbixid
m.f.dh eeg jusbax².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
jusbixid
-da: (magac, dhedig, keli) marka la sheegayo ardey qur'aan ka baxaya.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
lugbixid
m.f.dh eeg lugbax.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Mudbixid
(Mudbixid-da)
Doc ka mudid oo docda u tusmaysan ka bixid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
mudbixid
m.f.dh eeg mudbax². la-mid: mudbax¹ (2), murbax¹, murbixid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
mudbixid
-da: (magac, dhedig, keli) hawl si wanaagsan uga farabaxid oo mudh ka dhihid. Dh: mudhbixid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
murbixin
m.dh la-mid: mudbixin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
murbixin
-ta: (magac, dhedig, keli) dhanka kale uga dusin. Dh: murbixis.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
murbixis
-ta: (magac, dhedig, keli) hawl si wanaagsan uga farabixid oo mudh ka dhihid, Dh: mudhbixis.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
surbicid
m.f.dh eeg surbac.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qarasbixid
-da: (magac, dhedig, keli) dacarbixid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
barabixid
-da: (magac, dhedig, keli) goobtii aad degganayd ka tegid.
barabixid -da: (magac, dhedig, keli) culayska dareeraha ay guuriso walax badhsalalaysa ama tu degtay oo muquursan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
farabixid
-da: (magac, dhedig, keli) gacanta ka bixid. Dh: edebdarri, farkabixid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
fuuqbixid
-da: (magac, dhedig, keli) aad u shubmid oo dooxmid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
mudhbixid
-da: (magac, dhedig. keli) hawl si wanaagsan uga farabixid oo mudh ka dhihid. Dh: mudbixid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qaambixid
m.dh la-mid: qaanbixid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Qaanbixid
(Qaanbixid-da)
Qaan laysku lahaa iska bixin, dhiibid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qaanbixid
-da: (magac, dhedig, keli) eeg qaanbax.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qorabixis
m.l Qalab bir ah oo weelasha qoriga ah gudaha looga qoro; xalleefato.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
uumibixid
m.f.dh eeg uumibax².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
uumibixid
-da: (magac, dhedig, keli) dareere kulayl dartii karay, uumi noqod.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Bixid
(Bixid-da)
1. Meel (gudo, dhex...) ka tegid.
2. (ganacsi) gadmid, iibsamid; dhalid.
3. (xoolo) dhimasho.
4. Caloolbixid, shubmid, falmid, dooxmid.
5. (dhir, time, dab, qaylo, ...) soo dheeraan; korid. 6. Muuqasho; arkid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
bixid
m.f.dh eeg bax.
Qaamuuska Ereybixinta: Barbaarinta Jirka (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1984]
bixid
to trip
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
bixid
vl. n. going, departing; act of withdrawing; exit
bixid vl. n. rising; shoots (of grain); shooting up out of the ground (plants)
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
bixid
-da: (n) the act of leaving; departure (di baarjar) ~ bixitaan
bixid -da: (n) the act of growing [for example, a plant] ~ baxid
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
bixid
-da: (magac, dhedig, keli) meel guda ah ama aad ku dhex jirtey ka tegiddeed. Dh: bixis.
bixid-da: (magac, dhedig, keli) samaysanka iyo ururitaanka subagga ciir la lulayo. Dh: bixis.
Qaamuus Soomaali-Carabi oo Kooban - Cabdirisaaq Maxamed Cilmi Ina-Warfaa [2007]
bixid
مُغَادَرَة، ذَهَابِ، خُرُوجٍ
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qixid
m.f.dh eeg qax². la-mid: qaxid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Qubid
(Qubid-da)
Daadin; firdhin; sayrin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qubid
m.f.dh eeg qub².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qubid
-da: (magac, dhedig, keli) wax meel ku jira daadin. Dh: firdhin, saydhin, qubis.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qurxi
f.g2 (-iyay, -isay) Wax qurux u yeelid.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
qurxi
f.g2 (-iyay, -isay) Wax qurux u yeelid. m.f.dh, qurxin.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
qurxi
v. beautify, decorate
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
qurxi
-yey / say: (v) beautify (biyuu-ti-faay); neaten (niiten); decorate (da-kareeyt)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qurxi
(fal) wax qurux leh ka dhig, qurux u yeel. Dh: qurxoonee. Li: foolxumee.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
qurxi
de: beautify, decorate
lx: qurxi
pd: (qurxiyey)
ps: v2a=tr
key: qurxi
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
furxid
m.f.dh eeg furux². la-mid: furxasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
furxid
-da: (magac, dhedig, keli) mid dubka laga saaray ahaan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
murbix
(tilmaame) wax degdeg looga macaasho ah. Kalluunku waa murbix. Dh: mufiid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
muriid
m.l (dii.) Wadaadka kaniisada ingriiska oo loo xilsaaro in uu ilaaliyo tamiga iyo rabitaanka dadka.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Murxid
(Murxid-da)
1. Wax murxay ama muruxsan noqosho.
2. Dhogortu ka dhicid; ceeboobid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
murxid
m.f.dh eeg murux². la-mid: murux¹ (4).
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
murxid
-da: (magac, dhedig, keli) dhogor, caleen ama timo daadasho oo ka xoodhid. Dh: hoolmid, diirmid, galdhicid.
murxid-da: (magac, dhedig, keli) xoodhid jidhka uu haraggu ka hoolmo. Gubashadu murxid ayay timaha u keentaa. Dh: hoolmid.
murxid -da: (magac, dhedig, keli) xoodhid oo caleen ama tima ka hoolmid. Xilli abaareedka murxidda geeduhu la yaab ma leh.
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
qabiid
-ah: (adj) cruel (kuru-wal); barbarous (baar-ba-ras), inhuman (in-hiyuu-man); savage (saa-vaj) ~ waxash, xaasid
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Qariid
(Qariid-ka)
Badar ama wax u eg oo ceeriinka lagu cuno.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qariid
qariid¹: m.l.u Badar ama wax u eg oo ceeriinka lagu cuno.
qariid²: f.g1 (-day, -dday) Badar iyo wixi lamida ceeriin ku cunid.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
qariid
m. n., [collective] grain, nut, rootcrop ~ cereal
qariid v. munch on, eat grain ~ precooked cereal
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
qariid
-ay / day: (v) eat uncooked grain or cereals
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qariid
(fal) badar iyo wax la mid ah, ceeriin ku cun; qaydhiin ku cuni.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Qarxid
(Qarxid-da)
Qarxasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qarxid
m.f.dh eeg qarax². la-mid: qarxad, qarxasho.
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
qarxid
-da: (n) explosion (ikis-palow-shin); blast (balaast), eruption (i-rap-shen)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qarxid
-ta: (magaca, dhedig, keli) qarxasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qubmid
-da: (magac, dhedig, keli) daadasho aan joogsi lahayn. Dh: daadasho, qubasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qulbid
m.f.dh eeg qulub².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qulbid
-da: (magac, dhedig, keli) feker dartii isla hadlid. Dh: fekerid
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qurbax
f.mg1 (-xay, -xday; -bixi) Nafley nafbixid.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
qurbax
f.mg1 (-xay, -xday; -bixi) Nafley nafbixid. m.f.dh, qurbixid.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
qurbax
v. die, pass away
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qurbax
-a: (magac, lab, keli) eeg qurbac
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
qurbax
de: die, pass away
lx: qurbax
pd: (qurbaxay)
ps: v1=idiom
key: qurbax
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qurbis
-ta: (magac, dhedig, keli) eeg qurbid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Qurdid
(Qurdid-da)
Wax qurdan ka dhigid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qurdid
m.f.dh eeg qurud.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Qurmid
(Qurmid-da)
Qurun noqosho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qurmid
m.f.dh eeg qurun².
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
qurmid
vl. n. decomposition, rotting
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
qurmid
-da: (n) rotting (rooting); spoiling (ispooyl-ing)
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
qurmid
de: decomposition, rotting rw: qurun
lx: qurmid
pd: (-da)
ps: vn-f
key: qurmid
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Qurxin
(Qurxin-ta)
Qurux u yeelid; wax qurxoon ka dhigid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qurxin
m.f.dh eeg qurxi.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
qurxin
vl. n. decoration, beautification
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
qurxin
-ta: (n) beautification (biyuu-ti-fikeey-shin); beautifying (biyuu-ti-faaying); decoration (da-kareey-shin)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qurxin
-ta: (magac, dhedig, keli) farshaxan wanaagsan u yeelid oo wax qurux badan ka dhigid, qurux u yeelid, bilic u samayn. Dumarku qurxinta aqallada way yaqaaniin. Dh: qurxis. Li: foolxumayn
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
qurxin
de: decoration, beauti-fication
lx: qurxin
pd: (-ta)
ps: vn-f
key: qurxin
Qaamuus Soomaali-Carabi oo Kooban - Cabdirisaaq Maxamed Cilmi Ina-Warfaa [2007]
qurxin
تَجْمِيل، تزيين
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qurxis
-ta: (magac, dhedig, keli) eeg qurxin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Riixid
(Riixid-da)
1. (wax) inta xoog gadaal lagaga keeno, horay u wadid, u dhaqaajin, u durkin.
2. Tuujin; duugid; qabqabasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
riixid
m.f.dh eeg riix². la-mid: riixis.
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
riixid
-da: (n) pushing (pushing); the act of pushing
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
riixid
-da: (magac, dhedig, keli) horay u harbin oo u dhaqaajin, horay u durkin. Dh: riixis.
riixid-da: (magac, dhedig, keli) hoos u diisin; u buusid. Dh: riixis, tuujin, duugid.
riixid-da: (magac, dhedig, keli) duugidda muruqyada si loo debciyo. Dh: duugid, riixis.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
turbid
m.f.dh eeg turub².