qurbac
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Qurbac
(Qurbac-a)
Qaalin lab oo geel ah.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qurbac
m.l Awr yar oo da'diisu u dhexeyso nirig iyo qaalin.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]

Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
qurbac
m. n. young male camel
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
qurbac
-a: (n) young male camel
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qurbac
-a: (magac, lab, keli) awr yar oo dhal ah Dh: nirig.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
qurbac
cf: qaalin
de: young male camel
lx: qurbac
pd: (-a Pl: qurbac (da))
ps: n2a-m, n5-m
key: qurbac
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Qurac
(Qurac-a)
Geed aad u weynaada oo badanaa dallad furan qaabkeed yeesha; aqab.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qurac
m.l Geed abaareed weyn oo leh qodax, mayrax, xabag wanaagsan iyo abqo.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
qurac
m.l Geed abaareed weyn oo leh qodax, mayrax, xabag wanaagsan iyo abqo.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
qurac
m. n., [collective] acacia tree
Magacyada Dhirta Ceel-Dheere iyo Buula-Burte (Soomaali-Laatiin) - D. Herloker, B. Kujar [1985]
QURAC
[QURA] Acacia tortilis 04
Qaamuuska Magacyada Dhirta Soomaaliyeed (Soomaali-Laatiin) - Axmed M. I. Barkhadle [1990]
QURAC
(Gurah) All.Som. Acacia tortilis (Forsk) Hayne. Mimosaceae.
Qaamuuska Magacyada Soomaalida: Soomaali-Ingiriis - Anwar Maxamed Diiriye [2006]
Qurac
name-m acacia tree. Lit: born under an acacia tree.
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
qurac
-a: (n) name of a plant; acacia tree ~ qudhac
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qurac
-a: (magac, lab, keli) eeg qudhac.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
qurac
a: qudhac
cf: abqo, aqab
de: acacia tree
lx: qurac
pd: (-a)
ps: n2a-m-col
key: qurac
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qumbac
m.l (-cyo, m.dh) 1. Geed aan qodax lahayn oo geedaha kale ku faalala, baxshana miro macaan oo la cuno. 2. Gabooye.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
qumbac
m.l (-cyo, m.dh) 1. Geed aan qodax lahayn oo geedaha kale ku faalala, baxshana miro macaan oo la cuno. 2. Gabooye.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qumbac
-a: (magac, lab, keli) geed aan qodax la- hayn oo geedaha kale ku faalala, baxshana midho macaan oo la cuno.
qumbac -a: (magac, lab, keli) eeg gabooye.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Quraac
(Quraac-da)
Cunnada hore oo maalinta bilawgeeda la cuno; hamuuntir; afbilaw.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
quraac
m.dh Cunnada ugu horreysa ee subaxnimada la cuno; af-bilaw.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
quraac
m.dh Cunnada ugu horreysa ee subaxnimada la cuno; afbilaw.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
quraac
f. n. breakfast
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
quraac
-da: (n) breakfast (bareek-fast)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
quraac
-da: (magac, dhedig, keli) cunnada hore oo maalinta bilawgeeda la cuno. Dh: afur, qureec.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
quraac
bw: qado, casho
de: breakfast
lx: quraac
pd: (-da)
ps: n2a-f
syn: afbilaw
key: quraac
Qaamuus Soomaali-Carabi oo Kooban - Cabdirisaaq Maxamed Cilmi Ina-Warfaa [2007]
quraac
فَطُورِ، طَعَامُ الصَّبَاحِ
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qurban
f.mg4 (-naa, -nayd) Wax qurub-qurub laga dhigay ahaansho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qurbax
f.mg1 (-xay, -xday; -bixi) Nafley nafbixid.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
qurbax
f.mg1 (-xay, -xday; -bixi) Nafley nafbixid. m.f.dh, qurbixid.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
qurbax
v. die, pass away
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qurbax
-a: (magac, lab, keli) eeg qurbac
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
qurbax
de: die, pass away
lx: qurbax
pd: (qurbaxay)
ps: v1=idiom
key: qurbax
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
surbac
f.g1 (-cay, -cday) Ul yar nafley ku tumid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
surbac
(fal) ul yar nafley ku tun.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
awrdhal
m.l (-llo, m.dh) 1. Awrka markastaba hasha qurbac ka dhalo. 2. Hal da' kasta qurbac dhasha. la-mid: awradhale.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
nirig
nirig¹: m.l (-rgo, m.l) Ubadka geela midka lab; qurbac.
nirig²: m.dh (-rgo, m.l) Ubadka geela midka dheddig.

qurbacyee
f.mg2 (-yeeyay, -yeysay) Hal qurbac dhalid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qurbacyeyn
m.f.dh eeg qurbacyee. la-mid: qurbacyeys.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qurbacyeys
m.l la-mid: qurbacyeyn.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
nirig
nirig¹: m.l (-rgo, m.l) Ubadka geela midka lab; qurbac.
nirig²: m.dh (-rgo, m.l) Ubadka geela midka dheddig.
Magacyada Nafleyda Soomaaliyeed (Laatiin-Talyaani-Ingiriis-Soomaali) - Funayooli, Simoneeta [1985]
Cammello giovane
(E) Young Camel;
(S) Qurbac (A. G.; Kurbà); Nirga (A. G.: Nirga)
Magacyada Nafleyda Soomaaliyeed (Laatiin-Talyaani-Ingiriis-Soomaali) - Funayooli, Simoneeta [1985]
Qurbac, Nirga
(I) Cammello giovane;
(E) Young Camel
(S) Qurbac (A. G.; Kurbà); Nirga (A. G.: Nirga)
Magacyada Nafleyda Soomaaliyeed (Laatiin-Talyaani-Ingiriis-Soomaali) - Funayooli, Simoneeta [1985]
Young Camel
(I) Cammello giovane;
(S) Qurbac (A. G.; Kurbà); Nirga (A. G.: Nirga)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
coodan
(tilmaame) neef geela oo dhowaan dhashay oo yara adkaaday. Dh: qurbac, nirig, awr.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
nirig
-ga: (magac, lab, keli) maqasha geela mida lab. Dh: qurbac.
nirig -ta: (magac, dhedig, keli) maqasha geela midda dhedig.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qumbaco
f.mg3 (-cday, -catay) Qof jirro ka soo bogsoonaya oo howl galay dhibaato la kulmid.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
qumbaco
v. have a relapse (into one's former illness)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qumbaco
(fal) qof jirro ka soo bogsoonaya oo how! galay dhibaato la kulmid.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
qumbaco
de: have a relapse (into one's former illness)
lx: qumbaco
pd: (qumbacday)
ps: v3b=intr
key: qumbaco
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qunbaco
(fal) dib u laba kaclee. Dh: goco.
qunbaco: (fal) qufac soo cusboonaaday qufac. Dh: qufac.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
quraaco
f.mg3 (-cday, -catay) Quraac cunid.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
quraaco
f.mg3 (-cday, -catay) Quraac cunid. m.f.dh, quraacasho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
quraaco
v. breakfast, eat breakfast
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
quraaco
-quraacday / quraacatay: (v) eat breakfast; have a breakfast. Ex: waxaan ka quraacday Baar Tanaad; I breakfasted at the Tanad Restaurant
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
quraaco
(fal) quraac cun. Dh: afur.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
quraaco
de: breakfast, eat breakfast
lx: quraaco
nt: quraacasho (/da) [vn-f]
pd: (quraacday)
ps: v3b=intr
key: quraaco
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Qurbaan
(Qurbaan-ka)
Cunno lagu Allabbaryo, lagu duceysto.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qurbaan
m.l (-nno, m.dh) 1. Cunto loo sameeyo allabari. 2. Allabari yar.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
qurbaan
m.l (-nno, m.dh) 1. Cunto loo sameeyo allabari. 2. Allabari yar.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
qurbaan
m. n., (mass n.): food eaten at a religious ceremony
Magacyada Dhirta Ceel-Dheere iyo Buula-Burte (Soomaali-Laatiin) - D. Herloker, B. Kujar [1985]
QURBAAN
[URBAN] Indigofera ruspolii 05.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qurbaan
-ka: (magac, lab, keli) cunno iyo hilib lagu Alla baryo oo lagu ducaysto. Dh: Alla bari, duco, daraaro.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
qurbaan
de: food eaten at a religious ceremony
lx: qurbaan
pd: (-ka)
ps: n2-m-mass
key: qurbaan
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qurraac
-a: (magac, lab, keli) eeg quraac.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
surbaco
f.g3 (-cday, -catay) Cid wax ka sirasho.
Magacyada Dhirta Ceel-Dheere iyo Buula-Burte (Soomaali-Laatiin) - D. Herloker, B. Kujar [1985]
QURA
[GURA, KURA] Acacia tortilis 01
Qaamuuska Ereybixinta: Juqraafi (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Ubac
Bababc buureed hadheysan
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Durba
La raagis la'aan; degdeg; dhaqso; ciyoon; haddiiba.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
durba
m.dh.fk D./d.diiba: si degdeg ah, la raagis la'aan, ciyow.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
durba
m.dh.fk D./d.diiba: si degdeg ah, la raagis la'aan, ciyow. m.dh.fk, durbadiiba.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
durba
adv., time: quickly; so soon, already
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
durba
-durbadiiba: (at v) immediately (imid-di-yeeyt> t); quickly (kuwikliy at once; instar :ly (in-istant-liy rapidly, speedib ~ islamarkiiba
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
durba
(falkaabe) markiiba; isla kolkiiba. Hadalkaan imika lahayn durba idaacaddaa sheegtay.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
durba
de: quickly; so soon, already
lx: durba
pd: (durbadiiba)
ps: adv-time
key: durba
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qabac
(ereycodeed) lagu tilmaansado sanqadha jabka gaar ahaan lafaha. Tagoogta dheer ayuu qabac ka yidhi. Dh: balaw.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qarac
-a: (magac, lab, keli) ilmo meher la' aan ku dhasha. Qarac lama tuuro. Dh: wecel, garac, faraq, farakh.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Qubad
(Qubad-ka)
Qubasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qubad
qubad¹: m.l Badar aan la abuurin ee iskii iasaga baxa.
qubad²: m.l la-mid: qubasho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
qubad
vl. n. state of being spilled ~ spilt
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qubad
-ka: (magac, lab, keli) daadashada uu wax meel ka daato. Dh: daadasho, qubasho.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
qubad
a: qubasho (/da) [vn-f]
de: state of being spilled ~ spilt
lx: qubad
pd: (-ka)
ps: vn-m
key: qubad
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
quban
f.mg4 (-bnaa, -bnayd) Wax la qubay ahaansho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
quban
(fal) daado oo kala firiq. Dh: qubo, daado.
quban: (fal) hadal aan joogsi lahayn ku hadaaq.
quban: (tilmaame) mid kala firidhsan oo inba meel ku daadsan tahay ah. Dh: daadsan.
quban -ka: (magac, lab, keli) daadashada ilmaha caloosha ku jira. Jug caloosha ka gaadhay ayaa qubanka u keenay gabadha. Dh: qubmid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qubay
(fal) (u ~) cid u maydh jidhka. Dhulku waa kulayle carruurta u qubay: Dh: qubee, maydh.
Magacyada Dhirta Ceel-Dheere iyo Buula-Burte (Soomaali-Laatiin) - D. Herloker, B. Kujar [1985]
QUDAC
Acacia tortilis 02
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Qufac
(Qufac-a)
Neefta oo si kedis ah, oo xoog iyo shanqar leh, sanbabbada uga soo baxda, oo hunguriga cad u soo marta, muruqyada hunguriga, oo xanuun qabtay iskula roora, ama dhuumaha neefta iyo sanbabbada oo xaako xirtay laga soo saarayo, darteed.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qufac
qufac¹: m.l 1. Neef xoog iyo shanqar leh oo ka dhalata cuncun ku dhaca hawo mareenka ama hunguriga cad kana soo baxda afka. 2. Cudurka qaaxada oo ku dhaca sanbabka.
qufac²: f.mg1 (-cay, -cday; -fici) 1. Cid qufac ka imaansho. 2. Nafley qaaxo qaadid.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
qufac
qufac¹: m.l 1. Neef xoog iyo shanqar leh oo ka dhalata cuncun ku dhaca hawo mareenka ama hunguriga cad kana soo baxda afka. 2. Cudurka qaaxada oo ku dhaca sanbabka.
qufac²: f.mg1 (-cay, -cday; -fici) 1. Cid qufac ka imaansho. 2. Nafley qaaxo qaadid. m.f.dh, quficid.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
qufac
m. n. cough; tuberculosis
qufac v. cough; have a cough; have tuberculosis
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
qufac
-a: (n) cough (koof); the act of coughing
qufac -ay / -day: (v) cough (koof)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qufac
(fal) qufac ama riiraxanyo samee. Bal qufac laabtu miyay ku shanqadhaysaa?.
qufac-a: (magac, lab, keli) cod ay neefi la socoto oo si aan la maamuli karin sanbabbada uga soo baxa oo ku yimaad waxyeello ka jirta habdhiska neef mareenka. Qufac iyo uur midna ma qarsoomo. Dh: riiraxanyo.
Qaamuus Soomaali-Carabi oo Kooban - Cabdirisaaq Maxamed Cilmi Ina-Warfaa [2007]
qufac
سُعَلة ، سُعَال
Magacyada Dhirta Ceel-Dheere iyo Buula-Burte (Soomaali-Laatiin) - D. Herloker, B. Kujar [1985]
QURAX
[KURA] Acacia tortilis 01
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Qurbe
(Qurba-ha)
Dhul shisheeye; (ama qurbo).
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qurbe
m.l Meel uusan qof ka helin dhaqankiisa dadkiisa, luqaddiisa iyo wixi lamida; dal shisheeye. la-mid: qurbo.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
qurbe
m.l Meel uusan qof ka helin dhaqankiisa dadkiisa, luqaddiisa iyo wixi lamida; dal shisheeye. la-mid: qurbo.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
qurbe
m. n. (adj.): foreign land; abroad
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
qurbe
-qurbaha: (n) foreign country or countries; abroad (a-baroodh), diaspora