qurax
Magacyada Dhirta Ceel-Dheere iyo Buula-Burte (Soomaali-Laatiin) - D. Herloker, B. Kujar [1985]
QURAX
[KURA] Acacia tortilis 01
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qurbax
f.mg1 (-xay, -xday; -bixi) Nafley nafbixid.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
qurbax
f.mg1 (-xay, -xday; -bixi) Nafley nafbixid. m.f.dh, qurbixid.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
qurbax
v. die, pass away
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qurbax
-a: (magac, lab, keli) eeg qurbac
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
qurbax
de: die, pass away
lx: qurbax
pd: (qurbaxay)
ps: v1=idiom
key: qurbax
Magacyada Dhirta Ceel-Dheere iyo Buula-Burte (Soomaali-Laatiin) - D. Herloker, B. Kujar [1985]
QURA
[GURA, KURA] Acacia tortilis 01
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Qarax
(Qarax-a)
1. Dillaaca iyo shanqarta xoogga leh oo is wata oo dhaca kolka waxyaalaha qarxadaa ay kulayl dareemaan ama wax xoog ugu dhacaan.
2. Wax diiran, muruxsan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qarax
qarax¹: m.l 1. Shanqar xoog leh oo ka dhalata walxaha marka ay kulayl dareemaan ama wax kale saameeyaan. 2. Q. ah: cunto aan iidaan lahayn. 3. Q. ah: dhul oomane ah oo aan biyo lahayn. 4. Q. ah: hadal aan murti ku dheehnayn.
qarax²: f.mg1 (-rxay, -raxday; -rxi) Wax, qarax sameyn.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
qarax
qarax¹: m.l 1. Shanqar xoog leh oo ka dhalata walxaha marka ay kulayl dareemaan ama wax kale saameeyaan. 2. Q. ah: cunto aan iidaan lahayn. 3. Q. ah: dhul oomane ah oo aan biyo lahayn. 4. Q. ah: hadal aan murti ku dheehnayn.
qarax²: f.mg1 (-rxay, -raxday; -rxi) Wax, qarax sameyn. m.f.dh, qarxid.
Qaamuuska Ereybixinta: Fisikis (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Qarax
Explosion
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
qarax
m. n. blast, explosion
qarax v. explode
qarax m. n., [abstract] dryness; dry ~ arid (terrain); rude (speech); food without sauce ~ spice
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
qarax
-a: (n) 1. explosion (ikis-palow-shin); blast (balaast), eruption (i-rap-shen); outburst (aw-berast) ~ qarxad-ka
qarax -ay / day: (v) blow up (baloow ap); explode (i-kis-palowdh). 2. unseasoned food; especially having no butter, sauce or ghee ~ yaabis. 3. qarax -ah: (adj) dry and hot
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qarax
(fal) sida bamka u infijaar oo bug dheh. Baaruudeey qarax. Dh: infijaar.
qarax: (fal) cadho iyo qaylo cod dheer oo in badan kugu cuyubnaa kol qudha sii daa. Imikaad fursad haysataaye ku qarax. Dh: burqo.
qarax: (fal) dillaac oo kala go'. Joonyad yahay qarax. Dh: kala dillaac.
qarax-a: (magac, lab, keli) cod dheer iyo falliidhy dhimasho iyo burbur keena oo bambooyinka iyo walxaha qarxaa ay sameeyaan. Qarax miino ayaa waddada ka dhacay. Dh: infijaar.
qarax-a: (magac, lab, keli) buuq iyo qaylo badan oo madax wareer ah. Maareeyuhu waa nin qarar badan. Dh: sawaxan.
qarax-a: (magac, lab, keli) dillaaca wax buuxa oo kol keliya xoog u dillaaca. Bacdu way buuxdaaye qaraxa ka ilaali. Dh: dillac.
qarax -a: (magac, lab, keli) cunto aan iidaan lahayn oo engegan. Bariis qarax ah ayaan ku qadeeyey. Dh: yaamis.
Qaamuus Soomaali-Carabi oo Kooban - Cabdirisaaq Maxamed Cilmi Ina-Warfaa [2007]
qarax
انفجار
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Qurac
(Qurac-a)
Geed aad u weynaada oo badanaa dallad furan qaabkeed yeesha; aqab.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qurac
m.l Geed abaareed weyn oo leh qodax, mayrax, xabag wanaagsan iyo abqo.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
qurac
m.l Geed abaareed weyn oo leh qodax, mayrax, xabag wanaagsan iyo abqo.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
qurac
m. n., [collective] acacia tree
Magacyada Dhirta Ceel-Dheere iyo Buula-Burte (Soomaali-Laatiin) - D. Herloker, B. Kujar [1985]
QURAC
[QURA] Acacia tortilis 04
Qaamuuska Magacyada Dhirta Soomaaliyeed (Soomaali-Laatiin) - Axmed M. I. Barkhadle [1990]
QURAC
(Gurah) All.Som. Acacia tortilis (Forsk) Hayne. Mimosaceae.
Qaamuuska Magacyada Soomaalida: Soomaali-Ingiriis - Anwar Maxamed Diiriye [2006]
Qurac
name-m acacia tree. Lit: born under an acacia tree.
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
qurac
-a: (n) name of a plant; acacia tree ~ qudhac
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qurac
-a: (magac, lab, keli) eeg qudhac.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
qurac
a: qudhac
cf: abqo, aqab
de: acacia tree
lx: qurac
pd: (-a)
ps: n2a-m-col
key: qurac
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Qurux
(Qurux-da)
Tilmaanta la siiyo wixii loo bogo ama la jeclaysto ama isha deeqa, iyadoo laga eegayo dhinacyada - midabka, qaabka, abuurta, isle'le'kaanta, dhaqdhaqaaq wanaagga, xarragada, falsamida, farshaxannimada, ...; bilic.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qurux
m.dh Muuqaal ishu u bogto; bilic.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
qurux
m.dh Muuqaal ishu u bogto; bilic.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
qurux
f. n., [abstract] beauty, prettiness
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
qurux
-da: (n) beauty (bi-yuuti); prettiness; handsomeness, bonniness; good looks
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qurux
-da: (magac, dhedig, keli) arag habboon oo indhaha soo jiita oo leh midabbo is buuxiya, tilmaan lagu cabbiro samayska habboon. Nebi Yuusuf dabadii; tii dumarka quruxda leh; haldoor kooda noqotaay. Dh: bilic.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
qurux
de: beauty, prettiness
lx: qurux
pd: (-da)
ps: n0-f-abs
syn: illaacdo, ilwaad, ilqabato
key: qurux
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Murbax
(Murbax-a)
Mudbax.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
murbax
murbax¹: m.l la-mid: mudbax¹; mudbixid.
murbax²: f.mg1 (-xay, -xday) la-mid: mudbax².
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
murbax
v., [compound] pierce; thread
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
murbax
(fal) eeg mudhbax.
murbax-a: (magac, lab, keli) murame in wax lagu baabi'iyo la doonayo. Murbaxa jooji oo hadalkaaga si cad u dheh. Dh: laagid.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
murbax
de: pierce; thread
lx: murbax
pd: (murbaxay)
ps: v1=cmp
see: mudbax
key: murbax
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
Qawrax
magac loo bixiyo wiil oohin badnaa kolkii uu dhashay.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qorbax
(ereydhawaaq) eyda lagu yidhaahdo marka la eryayo. Dh: wid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Qorrax
(Qorrax-da)
Qorraxdu waa kubbad weyn oo shidmaysa oo gaas iyo olol ah; waxay dhulkeenna ka weyn tahay malyuun jeer, kulkeeduna, meeleheeda qaarkood, waxaa lagu wadaa inuu gaari karo 20 malynun oo darajo (dhulkeenna meesha u kululi waa 60° darajo!). Qorraxdu waa xiddig weyn oo aad inooku dhow haddii xiddigaha kale loo eego; waxay inoo jirtaa 150 malyuun oo kiilomitir ku dhowaad, waa ay isku wareegtaa, 25kii maalmood iyo 9kii saacba kol. Sagaal meere oo dhulkeennu kamid yahay baa weheliya oo ku dulmeera; ~ cadceed; libdho; gabbal; qundhac; dhalco.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qorrax
m.dh Meeraha dhulka ku wareego oo uu ka helo kulka iyo ifkaba; cadceed; gabbal.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
qorrax
m.dh Meeraha dhulka ku wareego oo uu ka helo kulka iyo ifkaba; cadceed; gabbal.
Qaamuuska Ereybixinta: Juqraafi (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Qorrax
Sun
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
qorrax
f. n. sun
Qaamuuska Magacyada Soomaalida: Soomaali-Ingiriis - Anwar Maxamed Diiriye [2006]
Qorrax
name-m sun; daylight; sun-rays. Syn: Cadceed, Gabbal
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
qorrax
-da: (n) sun (san) ~ cadceed
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
Qorrax
magac loo bixiyo wiil dharaar dhasha ama quruxdiisa la moodo cadceed oo kale.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qorrax
-da: (magac, dhedig, keli) cadceedda dhulka iftiimisa oo ah xiddig weyn oo aad u kulul dhulkana u jirta 150 milyan oo km. Dh: cadceed, orrax; libdho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Qudrad
(Qudrad-da)
Xoog; karti.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qudrad
m.dh 1. Awood; tamar. 2. la-mid: khudrad.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
qudrad
m.dh 1. Awood; tamar. 2. la-mid: khudrad. qudunquuto m.dh Shimbir qooleyda xoogaa ka weyn, leh midabbo kala duwan, gafuur dheer oo soo yara godan oo guduudan. la-mid: qudunquute, quudquuto, quutaquute.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
qudrad
f. n. ability, power
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qudrad
-da: (magac, dhedig, keli) karti iyo awood badan. Dh: karti.
qudrad -da: (magac, dhedig, keli) midhaha la beerto ee iyagoon la karin iskood geedka ugu dul bislaada ee la cuno sida muuska iyo cambaha, Dh: khudrad.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
qudrad
de: ability, power
lx: qudrad
pd: (-da)
ps: n1-f
syn: karti, xoog
key: qudrad
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Quraac
(Quraac-da)
Cunnada hore oo maalinta bilawgeeda la cuno; hamuuntir; afbilaw.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
quraac
m.dh Cunnada ugu horreysa ee subaxnimada la cuno; af-bilaw.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
quraac
m.dh Cunnada ugu horreysa ee subaxnimada la cuno; afbilaw.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
quraac
f. n. breakfast
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
quraac
-da: (n) breakfast (bareek-fast)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
quraac
-da: (magac, dhedig, keli) cunnada hore oo maalinta bilawgeeda la cuno. Dh: afur, qureec.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
quraac
bw: qado, casho
de: breakfast
lx: quraac
pd: (-da)
ps: n2a-f
syn: afbilaw
key: quraac
Qaamuus Soomaali-Carabi oo Kooban - Cabdirisaaq Maxamed Cilmi Ina-Warfaa [2007]
quraac
فَطُورِ، طَعَامُ الصَّبَاحِ
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
Quraan
m.l Kitaab Ilaahay Nabi Maxamed (S.C.W.) u waxyooday si uu ummaddiisa u gaarsiiyo. la-mid: Qur'aan.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
quraan
m.l Kitaab Ilaahay Nabi Maxamed (S.C.W.) u waxyooday si uu ummaddiisa u gaarsiiyo. la-mid: Qur'aan.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
Quraan
m. n. Koran
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
Quraan
-ka: (n) Koran (ko-raan) Qur'an; Alcoran (al-ko-raan) ~ Qur'aan
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
Quraan
-ka: (magac, lab, keli) eeg Qur'aan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
quraan
-ta: (magac, dhedig, keli) eeg qudhaanjo.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
Quraan
bw: Qur'aan
cf: Xaddiis, Ijmaac, Qiyaas
de: Koran
lx: Quraan
pd: (-ka)
ps: n0-m
xv: Arabic
key: Quraan
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Quraar
(Quraar-ta)
Godin yar.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
quraar
m.dh (-rro, m.l) Godin yar oo weelasha lagu qoro. la-mid: quraarqor.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
quraar
f. n. small axe
Magacyada Dhirta Ceel-Dheere iyo Buula-Burte (Soomaali-Laatiin) - D. Herloker, B. Kujar [1985]
QURAAR
[URAR] Commiphora samharensis 01
Qaamuuska Magacyada Dhirta Soomaaliyeed (Soomaali-Laatiin) - Axmed M. I. Barkhadle [1990]
QURAAR
(Gurar) C Commiphora campestris Engl. Burseraceae.
C Commiphora samharensis Schweinf. Burseraceae.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
quraar
-ta: (magac, dhedig, keli) eeg qooraar.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
quraar
cf: godin
de: small axe
lx: quraar
pd: (-ta)
ps: n-f
key: quraar
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Qurbac
(Qurbac-a)
Qaalin lab oo geel ah.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qurbac
m.l Awr yar oo da'diisu u dhexeyso nirig iyo qaalin.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
qurbac
m.l Awr yar oo da'diisu u dhexeyso nirig iyo qaalin.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
qurbac
m. n. young male camel
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
qurbac
-a: (n) young male camel
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qurbac
-a: (magac, lab, keli) awr yar oo dhal ah Dh: nirig.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
qurbac
cf: qaalin
de: young male camel
lx: qurbac
pd: (-a Pl: qurbac (da))
ps: n2a-m, n5-m
key: qurbac
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qurban
f.mg4 (-naa, -nayd) Wax qurub-qurub laga dhigay ahaansho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Qurdan
Xiiran ama time aad u gaaban leh.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qurdan
f.mg4 (-naa, -nayd) 1. Qof madaxa maluuqday ahaansho. 2. Lo', ari wax seenyoon ahaansho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
qurdan
der. [adjective] shaven-headed; cropped
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qurdan
(tilmaame) mid madaxa wada xiiran: mid dhakada moolaysan. Dh: moolaysan, dhukuran
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
qurdan
de: shaven-headed; cropped rw: qurud
lx: qurdan
pd: (qurdanaa)
ps: adj-der
key: qurdan
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Qurjad
(Qurjad-da)
Baxaalliga oogada; abuur.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qurjad
m.dh Koritaanka jirku sameeyo.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
qurjad
f. n. physical appearance ~ growth
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qurjad
-da: (magac, dhedig, keli) baxaalliga oogada. Dh: abuur.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
qurjad
de: physical appearance ~ growth Used in a negative sense
lx: qurjad
pd: (-da)
ps: n1-f
xe: physically underdeveloped
xv: baxaalli, abuur
key: qurjad
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qurwaa
f.mg1 (-aayay, -aayday; -aayi) Nafley naf bixid.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
qurwaa
v. lose one's life, die
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
qurwaa
de: lose one's life, die
lx: qurwaa
pd: (qurwaayay / qurwayday)
ps: v1=intr
key: qurwaa
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qurxan
f.mg4 (-naa, -nayd) la-mid: quruxsan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Quwaax
(Quwaax-a)
Geedo yaryar oo jaadad badan ah oo salkooda hoose oo aasan ama laamohoodu, dhacaan sonkoraysan lee yihiin, oo la ruugo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
quwaax
m.l Laan, xidid ama jirrid jilicsan oo leh dhacaan macaan oo la mashiiqsan karo.