quraacasho
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Quraacasho
(Quraacasha-da)
Quraac cunid; hamuuntirasho; afbilaabasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
quraacasho
m.f.dh eeg quraaco.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
quraacasho
-da: (magac, dhedig, keli) quraac cunid. Dh: afurasho, hamuuntirid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
raacasho
m.f.dh eeg raaco.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
raacasho
-da: (magac, dhedig, keli) xoolo ad leedahay soofsasho oo daranyada ka dhabasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
butaacasho
-da: (magac, dhedig, keli) dareere fatahiddii. Dh: burqasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
diraacasho
m.l la-mid: diraacsasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
duraamasho
-da: (magac, dhedig, keli) baryo is jilcini ku jirto. Dh: durraansasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
garaacasho
-da: (magac, dhedig, keli) cid kale, wax weydiisasho. Ninkaasi garasho iyo garaacasho toona ma laha. Dh: baryo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
murgacasho
m.dh la-mid: murgucasho.
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
murgacasho
murgacashada: (n) sprain (ispareeyn); painful distortion of the ligaments of a joint ~ murgucad
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
murgacasho
-da: (magac, dhedig, keli) meel wax ka nogosho oo dhaawac jab u dhaw dhaawacmid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Qaraabasho
(Qaraabasha-da)
Waxaan faraha lagu hayn dibadda ka doondoonasho; dewersasho; qarafsasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qaraabasho
m.f.dh eeg qaraabo².
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
qaraabasho
-qaraabashada: (n) forage (foo-reej) ~ qarafsasho
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qaraabasho
-da: (magac, dhedig, keli) eeg qaraabo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qumbacasho
m.f.dh eeg qumbaco.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qumbacasho
-da: (magac, dhedig, keli) soo kacdoon ay nabarradu kolkay bogsadaan ay sameeyaan co dib u bukoodaan. Iga daa qumbacashada oo ga- raarkii hore ku jog. Dh: labkaclayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Qunbacasho
(Qunbacasha-da)
Cudur ama xanuun laga soo biskoona hayey, oo kol labaad carcar hor leh la soo noqda; soo labakaclaynta jirrada.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
qunbacasho
vl. n. relapse
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qunbacasho
-da: (magac, dhedig, keli) dib u doogashada nabar laga bogsaday. Dh: qumbacasho, gocasho.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
qunbacasho
de: relapse
lx: qunbacasho
pd: (/da)
ps: vn-f
see: qumbaco
key: qunbacasho
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
surbacasho
m.f.dh eeg surbaco. la-mid: surba-cad.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
surbacasho
-da: (magac, dhedig, keli) haraad badan oo qorax lajoogo. Subacasho badan ayaan kala kulanay meesha.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Foolbaxsasho
(Foolbaxsasha-da)
1. Bunka subagga lagu dubo, subaxdii marsasho, cunid.
2. Quraacasho; hamuuntirasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Hamuuntirasho
(Hamuuntirasha-da)
Hamuuntir cunid; hamuunta iska bi'in; quraacasho; afbilaabasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hamuuntirad
-ka: (magac, lab, keli) hamuuntir cunid; quraacasho; afbilaabasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hamuuntirasho
-da: (magac, dhedig, keli) hamuunta iska bi'in ama quraacasho; hamuuntir cunid. Dh: qandhuufbi'in, hamuuntir.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qurbaansasho
m.f.dh eeg qurbaanso.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qurbaansasho
-da: (magac, dhedig, keli) qurbaan samaysasho. Dh: ducaysasho, qurbaansi.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
diraacsasho
m.f.dh eeg diraacso. la-mid: diraacasho, diraacsad.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
diraacsasho
-da: (magac, dhedig, keli) xilli diraaceed la kulmid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Durraamasho
(Durraamasha-da)
1. (Ilaah, kd.) baryid; tuugid.
2. Wax weyddiisasho saraadi ku jirto; yu'asho; dhaawasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
durraamasho
m.f.dh eeg durraamo. la-mid: durraamad.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Furaadsasho
(Furaadsasha-da)
Furaad ku xanbaarasho; sida furaadka loo qaatoo kale, u qaadasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
furaadsasho
m.f.dh eeg furaadso. la-mid: furaadsad, furaadsi.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
furaadsasho
-da: (magac, dhedig, keli) furaad ku xanbaarasho; sida furaadka loo qaato oo kale, u qaadasho. Dh: furaadsi.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Muraadsasho
(Muraadsasha-da)
Muraadsi.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
muraadsasho
m.f.dh eeg muraadso. la-mid: muraadsad, muraadsi.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
quwaaxsasho
m.f.dh eeg quwaaxso.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
shiraacasho
m.f.dh eeg shiraaco.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
shiraacasho
-da: (magac, dhedig, keli) shiraac xirasho; sida doon iyo wixii la mid ah rarkii loo dhammeeyey oo shiraacii loo xidhay oo ka dhaqaaqaysa marsada. Dh: shiraacsad.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
quraaco
f.mg3 (-cday, -catay) Quraac cunid.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
quraaco
f.mg3 (-cday, -catay) Quraac cunid. m.f.dh, quraacasho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
quraaco
v. breakfast, eat breakfast
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
quraaco
-quraacday / quraacatay: (v) eat breakfast; have a breakfast. Ex: waxaan ka quraacday Baar Tanaad; I breakfasted at the Tanad Restaurant
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
quraaco
(fal) quraac cun. Dh: afur.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
quraaco
de: breakfast, eat breakfast
lx: quraaco
nt: quraacasho (/da) [vn-f]
pd: (quraacday)
ps: v3b=intr
key: quraaco
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
daacasho
m.dh la-mid: daacid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
daacasho
-da: (magac, dhedig, keli) dib u soo celinta ay xooluhu uuska dib u soo ceshedaan ee ay dib u raamsadaan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
laacasho
-da: (magac, dhedig, keli) wax durugsan gaadhiddooda, tiigsasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Qaadasho
(Qaadasha-da)
1. Wax inta gacanta loo soo taago, oo lagu qabto lala tago, si meel kale loo geysto ama wax loogu qabsado ama cid kale loo siiyo; hantiyid.
2. Hadal talo ah ama waano yeelid, maqlid, oggolaansho.
3. (dhib, kd.) Dul u yeelasho, u sabrid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qaadasho
m.f.dh eeg qaado.
Qaamuuska Ereybixinta: Xisaab (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Qaadasho
Assumption
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
qaadasho
vl. n. taking for oneself, borrowing, adopting; understanding
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
qaadasho
-qaadashada: (n) the act of taking
Hal-Ururka Erayada Maamulka Xafiisyada, Xisaabaadka Ganacsiga iyo Dhaqaalaha (Soomaali-Talyaani-Ingiriis) - Warshadaha Saabuunta Bayl, Qubeyska iyo Mariska [1979]
Qaadasho
Riscuotere
To collect
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qaadasho
-da: (magac, dhedig, keli) hadal talo ah ama waano ah yeelid. Dh: maqlid, oggolaansho.
qaadasho-da: (magac, dhedig, keli) hantiyid oo la tegid: gacan ku dhigid. Qaadashada xoolahaaga cidina kuuma diiddo.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
qaadasho
de: taking for oneself, borrowing, adopting; understanding
lx: qaadasho
pd: (/da)
ps: vn6-f
key: qaadasho
Qaamuus Soomaali-Carabi oo Kooban - Cabdirisaaq Maxamed Cilmi Ina-Warfaa [2007]
qaadasho
أخذ
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
raarasho
m.f.dh eeg raaro.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
ragcasho
m.f.dh eeg ragco.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
raacsasho
-da: (magac, dhedig, keli) ku darsasho, ku biirsasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
rafacasho
m.f.dh eeg rafaco.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Ugaarasho
(Ugaarasha-da)
Ugaar doonasho; ugaar raadsasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
ugaarasho
m.f.dh eeg ugaarso. la-mid: ugaarsasho, ugaarsi.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
ugaarasho
vl. n. hunting
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
ugaarasho
-ugaarashada: (n) hunting (han-tin-ing); the act of hunting ~ ugaarsasho
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
ugaarasho
-da: (magac, dhedig, keli) ugaadh soo dabasho.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
ugaarasho
a: ugaarsasho
de: hunting
initial: u
lx: ugaarasho
pd: (/da)
ps: vn6-f
key: ugaarasho
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
cuwaafasho
m.f.dh eeg cuwaafo. la-mid: cuwaafad.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dubaaxasho
m.dh la-mid: dibaaxasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
furaysasho
m.f.dh eeg furayso.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
furaysasho
-da: (magac, dhedig, keli) meel kaa dalooshay, awdasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Hiraabasho
(Hiraabasha-da)
Cunnada hiraabta oo bisha soonqaad cunid; suxuurasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
hiraabasho
m.f.dh eeg hiraabo. la-mid: hiraabad.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hiraabasho
-da: (magac, dhedig, keli) eeg hiraabad.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Kuraysasho
(Kuraysasha-da)
Kur samaysasho; sagaalaysasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
kuraysasho
m.f.dh eeg kurayso. la-mid: kuraysad, kuraysi.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
kuraysasho
-da: (magac, dhedig, keli) kur samaysasho; kuraysad; kuraysi; taraaraysasho; sagaalaysasho.
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
munaaqasho
-munaaqashada: (n) discussion (diskashan)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
munaaqasho
-da: (magac, dhedig, keli) dood iyo talo isdhaafi ku saabsan arrin gaar ah. Dh: falanqayn, doodcilmiyeed.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
murgucasho
m.f.dh eeg murguco². la-mid: murgacad, murgacasho, murgucad, murkucad.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
murgucasho
vl. n. sprain
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
murgucasho
-da: (magac, dhedig, keli) meel wax ka noqosho oo dhaawac jab u dhaw dhaawacmid.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
murgucasho
de: sprain
lx: murgucasho
pd: (/da)
ps: vn-f
key: murgucasho
Qaamuus Soomaali-Carabi oo Kooban - Cabdirisaaq Maxamed Cilmi Ina-Warfaa [2007]
murgucasho
الْتِوَاءُ المَفْصِلِ
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Murkucasho
(Murkucasha-da)
Lafaha kalaggoysyada oo inti wax xoog lihi ku dhacaan, midi meeshii ay madaxa ku haysey ka baxdo, ama ka sidbato; kalabbax yar.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
murkucasho
m.dh la-mid: murgucasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
murkucasho
-da: (magac, dhedig, keli) lafaha kala goysyada oo inta wax xoog lihi ku dhacaan midi wax noqoto ama uu burbur aan jab ahayni gaadho. Dh: murgacasho.
murkucasho -da: (magac, dhedig, keli) lafaha laabatooyinka iyo kuraamaha is gashan oo uu ku dhaco wax meeshoodii ka dhaqaajiya. Dh: kalabax.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qafaalasho
m.f.dh eeg qafaalo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Qarafsasho
(Qarafsasha-da)
Dewersasho; qaraabasho; (ama qarafeysasho).
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qarafsasho
m.f.dh eeg qarafso.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Qasaalasho
(Qasaalasha-da)
(weel, alaab, dhar, kd.) biyo ku mayrasho, dhaqasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qasaalasho
m.f.dh eeg qasaalo.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qasaalasho
-da: (magac, dhedig, keli) dhar iskaa u maydhasho. Qof walba qasaalashada dharkiisa isgaa ka masuul ah. Dh: maydhasho, dhaqasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qiyaasasho
-da: (magac, dhedig, keli) wax ama walax inta ay noqon karto maanka ka cabbirasho oo qaddar aan la hubin u malayn.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qubaysasho
-da: (magac, dhedig, keli) eeg qubaysad.
Qaamuus-Yare Soomaali-Faransiis - Kiristoofe Filibeerti [1976]
Quraacayya
prendre le petit déjeuner.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Qurunsasho
(Qurunsasha-da)
Qurun ka dhigasho.