quraac-da
Qaamuus-Yare Soomaali-Faransiis - Kiristoofe Filibeerti [1976]
Quraac-da
petit déjeuner.
Qaamuus-Yare Soomaali-Faransiis - Kiristoofe Filibeerti [1976]
Quraan-ka
Coran.
Qaamuus-Yare Soomaali-Faransiis - Kiristoofe Filibeerti [1976]
Quraacayya
prendre le petit déjeuner.
Qaamuuska Magacyada Dhirta Soomaaliyeed (Soomaali-Laatiin) - Axmed M. I. Barkhadle [1990]
QURAAR-CAD
(Gurar-ad) C Commiphora campestris Engl. Burseraceae.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Quraac
(Quraac-da)
Cunnada hore oo maalinta bilawgeeda la cuno; hamuuntir; afbilaw.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
quraac
m.dh Cunnada ugu horreysa ee subaxnimada la cuno; af-bilaw.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
quraac
m.dh Cunnada ugu horreysa ee subaxnimada la cuno; afbilaw.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
quraac
f. n. breakfast
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
quraac
-da: (n) breakfast (bareek-fast)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
quraac
-da: (magac, dhedig, keli) cunnada hore oo maalinta bilawgeeda la cuno. Dh: afur, qureec.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
quraac
bw: qado, casho
de: breakfast
lx: quraac
pd: (-da)
ps: n2a-f
syn: afbilaw
key: quraac
Qaamuus Soomaali-Carabi oo Kooban - Cabdirisaaq Maxamed Cilmi Ina-Warfaa [2007]
quraac
فَطُورِ، طَعَامُ الصَّبَاحِ
Qaamuus-Yare Soomaali-Faransiis - Kiristoofe Filibeerti [1976]
Qufac-a
toux.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
quraaco
f.mg3 (-cday, -catay) Quraac cunid.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
quraaco
f.mg3 (-cday, -catay) Quraac cunid. m.f.dh, quraacasho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
quraaco
v. breakfast, eat breakfast
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
quraaco
-quraacday / quraacatay: (v) eat breakfast; have a breakfast. Ex: waxaan ka quraacday Baar Tanaad; I breakfasted at the Tanad Restaurant
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
quraaco
(fal) quraac cun. Dh: afur.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
quraaco
de: breakfast, eat breakfast
lx: quraaco
nt: quraacasho (/da) [vn-f]
pd: (quraacday)
ps: v3b=intr
key: quraaco
Qaamuus-Yare Soomaali-Faransiis - Kiristoofe Filibeerti [1976]
Hurda-da
sommeil.
Qaamuus-Yare Soomaali-Faransiis - Kiristoofe Filibeerti [1976]
Qoraa-ga
auteur.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Quraarad
(Quraarad-da)
Dhalo; qarsho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
quraarad
quraarad¹: m.dh (-do, m.l) Dhalo; qarsho.
quraarad²: m.dh (kiimika) Walax adag oo ilays-gudbiye ah lagana sameeyo isku kuleylinta kaalsiyam ogsaydh (laym), soodiyam kaarbooneyt iyo ciidda (silikoon IV ogsaydh). Quraaradu waa walax wiriqlaawe ah oo aan atamyadeedu ku habeysnayn raso.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
quraarad
quraarad¹: m.dh (-do, m.l) Dhalo; qarsho.
quraarad²: m.dh (kiim.) Walax adag oo ilays-gudbiye ah lagana sameeyo isku kuleylinta kaalsiyam ogsaydh (laym), soodiyam kaarbooneyt iyo ciidda (silikoon IV ogsaydh). Quraaradu waa walax wiriqlaawe ah oo aan atamyadeedu ku habeysnayn raso.
Qaamuuska Ereybixinta: Fisikis (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Quraarad
Glass
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
quraarad
f. n. bottle; glass
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
quraarad
-da: (n) glass (galaas); bottle (batel) ~ galaas, dhalo. Ex: quraarad baa i sartay; I was cut by a glass
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
quraarad
-da: (magac, dhedig, keli) eeg qaruurad.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
quraarad
bw: qaruurad
de: bottle; glass
lx: quraarad
pd: (-da)
ps: n1-f
syn: dhalo, qarsho
key: quraarad
Qaamuus-Yare Soomaali-Faransiis - Kiristoofe Filibeerti [1976]
Qurux-da
beauté.
Qaamuus-Yare Soomaali-Faransiis - Kiristoofe Filibeerti [1976]
Qalaad-da
étranger.
Qaamuus-Yare Soomaali-Faransiis - Kiristoofe Filibeerti [1976]
Qorrax-da
soleil.
Qaamuus-Yare Soomaali-Faransiis - Kiristoofe Filibeerti [1976]
Quwwad-da
pouvoir.
Qaamuus-Yare Soomaali-Faransiis - Kiristoofe Filibeerti [1976]
Muraayad-da
verre, miroir, lunettes.
Qaamuus-Yare Soomaali-Faransiis - Kiristoofe Filibeerti [1976]
Quirasho-da
aveu.
Qaamuus-Yare Soomaali-Faransiis - Kiristoofe Filibeerti [1976]
Quraanyo-ha
fourmi.
Qaamuus-Yare Soomaali-Faransiis - Kiristoofe Filibeerti [1976]
Murjaan-ka
corail.
Qaamuus-Yare Soomaali-Faransiis - Kiristoofe Filibeerti [1976]
Qaraami-ga
voyou.
Qaamuus-Yare Soomaali-Faransiis - Kiristoofe Filibeerti [1976]
Qasabad-da
tuyau.
Qaamuus-Yare Soomaali-Faransiis - Kiristoofe Filibeerti [1976]
Qorrato-da
lézard.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Quraacasho
(Quraacasha-da)
Quraac cunid; hamuuntirasho; afbilaabasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
quraacasho
m.f.dh eeg quraaco.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
quraacasho
-da: (magac, dhedig, keli) quraac cunid. Dh: afurasho, hamuuntirid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Quraanqaad
(Quraanqaad-ka)
Xus Quraan la akhriyo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
quraanqaad
m.l (dii.) Xus loo sameeyo qof dhintay iyadoo Quraan loo akhrinayo.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
quraanqaad
m. n., [compound] ceremonial reading of the Koran
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
quraanqaad
-ka: (magac, lab, keli) xus qur'aan la akhriyo.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
quraanqaad
de: ceremonial reading of the Koran
lx: quraanqaad
pd: (-ka)
ps: n2a-m-cmp
key: quraanqaad
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
quraansaar
Quraansaar¹: m.l Akhrinta lagu akhriyo qof buka Quraan.
Quraansaar²: f.g1 (-ray, -rtay) Qof buka Quraan ku akhriyid.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
quraansaar
quraansaar¹: m.l Akhrinta lagu akhriyo qof buka Quraan.
quraansaar²: f.g1 (-ray, -rtay) Qof buka Quraan ku akhriyid. m.f.dh, quraansaarid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
Quraansaar
-ka: (magac, lab, keli) qaab dadka xanuunsan gaar ahaan kuwa sixirka iyo isha ka cabanaya Qur'aan loogu aqriyo oo loogu duceeyo.
Qaamuus-Yare Soomaali-Faransiis - Kiristoofe Filibeerti [1976]
Surwaal-ka
pantalon.
Qaamuuska Magacyada Dhirta Soomaaliyeed (Soomaali-Laatiin) - Axmed M. I. Barkhadle [1990]
QURAAR-MADOW
(Gurar-madu) C Commiphora erosa Vollesen. Burseraceae.
C Commiphora samharensis Schweinf. Burseraceae.
C Commiphora cyclophylla Chiov. Burseraceae.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Furaad
(Furaad-ka)
Idiin xarar iyo faraq lagu qurxiyey oo carruurta yaryar lagu xanbaaro; dhereb.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
furaad
m.dh (-dyo, m.dh) Idiin si gaar ah loo qurxiyey oo carruurta lagu xambaaro.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
furaad
m. n. sling for carrying a baby on the back
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
furaad
-ka: (magac, lab, keli) idiin xadhadh iyo faraqyo qurux badan lagu qurxiyey oo carruurta lagu xambaaro. Ma furaad baan kuu xidhaa, ma filkaa baan ku dhaafiyaa. Dh: dhereb.
furaad -da: (magac, dhedig, keli) furitaanka iyo dalaaqa reer meher ku xidhnaa.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
furaad
de: sling for carrying a baby on the back
lx: furaad
pd: (-ka)
ps: n2a-m
key: furaad
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Muraad
(Muraad-ka)
Wax lagu tashado ama la damco in la helo ama la sameeyo; wax la doonayo; wax la rabo; dan; qasdi; xaal; ulajeeddo; arrin; xaajo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
muraad
muraad¹: m.l (-ddo/-dyo, m.dh) 1. Dan; ujeeddo. 2. Allebari; sab.
muraad²: f.mg1 (-day, -dday) U m.: cid ama meel dan ka yeelasho.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
muraad
muraad¹: m.l (-ddo/-dyo, m.dh) 1. Dan; ujeeddo. 2. Allebari; sab.
muraad²: f.mg1 (-day, -dday) U m.: cid ama meel dan ka yeelasho. m.f.dh, muraadid.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
muraad
n. purpose, intent, intention, plan; interest, concern; traditional ceremony
Qaamuuska Magacyada Soomaalida: Soomaali-Ingiriis - Anwar Maxamed Diiriye [2006]
Muraad
name-m desired purpose; intention, want
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
muraad
-ka: (n) aim (eeym); purpose (peer pas); intention (in teen-shin)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
muraad
-ka: (magac, lab, keli) dan iyo ujeeddo uu qof wato. Dh: dan.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
muraad
bw: Arabic
cf: toogo
de: purpose, intent, intention, plan; interest, concern; [ext.] traditional ceremony (in which an animal is slaughtered)
lx: muraad
pd: (-ka)
ps: n2(a)-m
key: muraad
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qaacid
m.f.dh eeg qaac². la-mid: qiicid, qiiqaabid, qiiqid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
Quraan
m.l Kitaab Ilaahay Nabi Maxamed (S.C.W.) u waxyooday si uu ummaddiisa u gaarsiiyo. la-mid: Qur'aan.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
quraan
m.l Kitaab Ilaahay Nabi Maxamed (S.C.W.) u waxyooday si uu ummaddiisa u gaarsiiyo. la-mid: Qur'aan.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
Quraan
m. n. Koran
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
Quraan
-ka: (n) Koran (ko-raan) Qur'an; Alcoran (al-ko-raan) ~ Qur'aan
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
Quraan
-ka: (magac, lab, keli) eeg Qur'aan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
quraan
-ta: (magac, dhedig, keli) eeg qudhaanjo.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
Quraan
bw: Qur'aan
cf: Xaddiis, Ijmaac, Qiyaas
de: Koran
lx: Quraan
pd: (-ka)
ps: n0-m
xv: Arabic
key: Quraan
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Quraar
(Quraar-ta)
Godin yar.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
quraar
m.dh (-rro, m.l) Godin yar oo weelasha lagu qoro. la-mid: quraarqor.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
quraar
f. n. small axe
Magacyada Dhirta Ceel-Dheere iyo Buula-Burte (Soomaali-Laatiin) - D. Herloker, B. Kujar [1985]
QURAAR
[URAR] Commiphora samharensis 01
Qaamuuska Magacyada Dhirta Soomaaliyeed (Soomaali-Laatiin) - Axmed M. I. Barkhadle [1990]
QURAAR
(Gurar) C Commiphora campestris Engl. Burseraceae.
C Commiphora samharensis Schweinf. Burseraceae.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
quraar
-ta: (magac, dhedig, keli) eeg qooraar.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
quraar
cf: godin
de: small axe
lx: quraar
pd: (-ta)
ps: n-f
key: quraar
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Qurbac
(Qurbac-a)
Qaalin lab oo geel ah.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qurbac
m.l Awr yar oo da'diisu u dhexeyso nirig iyo qaalin.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
qurbac
m.l Awr yar oo da'diisu u dhexeyso nirig iyo qaalin.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
qurbac
m. n. young male camel
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
qurbac
-a: (n) young male camel
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qurbac
-a: (magac, lab, keli) awr yar oo dhal ah Dh: nirig.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
qurbac
cf: qaalin
de: young male camel
lx: qurbac
pd: (-a Pl: qurbac (da))
ps: n2a-m, n5-m
key: qurbac
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qurcud
-ka: (magac, lab, keli) eeg qudcur.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Qurjad
(Qurjad-da)
Baxaalliga oogada; abuur.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qurjad
m.dh Koritaanka jirku sameeyo.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
qurjad
f. n. physical appearance ~ growth
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qurjad
-da: (magac, dhedig, keli) baxaalliga oogada. Dh: abuur.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
qurjad
de: physical appearance ~ growth Used in a negative sense
lx: qurjad
pd: (-da)
ps: n1-f
xe: physically underdeveloped
xv: baxaalli, abuur
key: qurjad
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qurwaa
f.mg1 (-aayay, -aayday; -aayi) Nafley naf bixid.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
qurwaa
v. lose one's life, die
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
qurwaa
de: lose one's life, die
lx: qurwaa
pd: (qurwaayay / qurwayday)
ps: v1=intr
key: qurwaa
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Raacdo
(Raacda-da)
Ciidanka col wax dhacay ama wax laayey laga dabo diro.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
raacdo
raacdo¹: m.dh.u 1. Ciidan laga daba diro ciidan wax laayay ama dhacay.
raacdo²: m.dh Qof wax lumay raadintooda ku hawlan.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
raacdo
m.dh.u 1. Ciidan laga daba diro ciidan wax laayay ama dhacay.