qunsul-a
Qaamuus-Yare Soomaali-Faransiis - Kiristoofe Filibeerti [1976]
Qunsul-a
consul.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Qunsul
(Qunsul-ka)
Ku qaranka dal shisheeye u jooga, si uu danaha dadkiisa iyo tolkiisa u ilaaliyo; wuxuu ka hooseeyaa safiirka.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qunsul
m.l (-llo, m.dh) Qof diblomaasi ah oo dalka uu joogo dalkiisa wakiil uga ah bulshadiisa kana hooseeya safiirka.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]

Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
qunsul
m. n. consul
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
qunsul
-ka: (n) consul (kon'saY) ~ khunsul
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qunsul
-ka: (magac, lab, keli) nin safir ka hooseeya ama qusuliyad safaarad raacsan madax ka ah oo inta badan fiisayaasha bixiya. Qunsulka haddaad ka weydo danjiraha u tag.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
qunsul
de: consul {Eng}
lx: qunsul
pd: (-ka)
ps: n2-m
key: qunsul
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Qunsulaato
(Qunsulaata-da)
Xafiiska ama guriga qunsulka (ama qunsuliyad).
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
qunsulaato
f. n. consulate
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
qunsulaato
de: consulate {It}
lx: qunsulaato
pd: (/da)
ps: n6-f
key: qunsulaato
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qunsuliyad
m.dh (-do, m.l) Xafiiska qunsulka.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
qunsuliyad
m.dh (-do, m.l) Xafiiska qunsulka.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
qunsuliyad
f. n. consulate
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
qunsuliyad
-da: (n) consulate (konso-leeyt) ~ qunsilayad
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qunsuliyad
-da: (magac, dhedig, keli) xafiis safaarad ku xidhan oo danaha dadka safaaradda ka fog fududeeya. Dh: qunsulaato
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
qunsuliyad
de: consulate
lx: qunsuliyad
pd: (-da)
ps: n1-f
key: qunsuliyad
Qaamuus-Yare Soomaali-Faransiis - Kiristoofe Filibeerti [1976]
Qubuul-ka
acceptation.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qunful
qunful¹: m.l (-llo, m.dh) la-mid: qafil¹; la-mid: qafilid.
qunful²: f.g1 (-ulay, -ushay) la-mid: qafil².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qunbulo
-da: (magac, dhedig, keli) eeg qunbulad.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qunfulo
f.g3 (-ushay, -ulatay) la-mid: qafilo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Qunbulad
(Qunbulad-da)
Hub lagu dagaallamo oo ka samaysan weel gaas iyo waxyaalo qarxada oo wax gubaa ka buuxaan oo ama gacanta lagu tuuro ama dayuuradi soo daadiso ama gantaallo qaadaan; waa jaadad badan, wax waqti ku qarxada iyo wax kolkii wax ku dhacaan qarxadaba waa leedahay; jaliilad; bunbo.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
qunbulad
f. n. bomb
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
qunbulad
-da: (n) atomic bomb; hydrogen bomb (haay-darojiin-bamb); nuclear bomb ~ qumbulad, qumbulad duriyaha
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qunbulad
-da: (magac, dhedig, keli) hub waaweyn oo lagu dagaalamo oo ka samaysan weel gaas iyo waxyaalo garxa oo wax gubaa ay ka buuxaan oo siyaabo badan loo gano. Dh: bambo, jaliilad.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
qunbulad
bw: Arabic
de: bomb
lx: qunbulad
pd: (-da)
ps: n1-f
syn: bumbo ~ bunbo, jaliilad
key: qunbulad
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qunfulan
f.mg4 (-lnaa, -lnayd) la-mid: qafilan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qunfulid
m.dh la-mid: qafilid.
Qaamuuska Magacyada Dhirta Soomaaliyeed (Soomaali-Laatiin) - Axmed M. I. Barkhadle [1990]
QUNQUMAA
(Kunkumma) NFD Turraea parvifolia Deflers. Meliaceae.
Qaamuus-Yare Soomaali-Faransiis - Kiristoofe Filibeerti [1976]
Qusur-ta
profondeur, profond.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qunfulnaan
m.dh la-mid: qafilnaan.
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
qunsilayad
-da: (n) consulate (konso-leeyt) ~ qunsuliyad
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dunqulaal
-ka: (magac, lab, keli) xansaska dabka lagu huriyo. Dunqulaal inoo soo gura aynu dab shidannee.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Qunjuraaf
(Qunjuraaf-ka)
Wax yaryar; jajab; lufluf; xaab.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qunjuraaf
qunjuraaf¹: m.l.u 1. Jajab yaryar oo wax weyn oo dhammaa oo is-haystay ka soo go'ay. 2. Hambo. 3. Socod yar oo wax yar oo lagu noolaado lagu raadsado.
qunjuraaf²: f.g1 (-fay, -ftay) Xoolo meel unuunufid.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
qunjuraaf
m. n., [collective] bits, scraps, fragments
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qunjuraaf
-ka: (magac, lab, keli) qoryo jabad ah oo ardaayada iyo daaradaha laga xaadho
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
qunjuraaf
de: bits, scraps, fragments
lx: qunjuraaf
pd: (-ka)
ps: n2a-m-col
key: qunjuraaf
Qaamuus-Yare Soomaali-Faransiis - Kiristoofe Filibeerti [1976]
Quruun-ta
nation.
Qaamuus-Yare Soomaali-Faransiis - Kiristoofe Filibeerti [1976]
Qumbulad-da
bombe, obus.