qundho
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qundho
m.dh Nooc cawska ka mid ah oo ka baxa meelaha biya fariisinka ah.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Gundho
(Gundha-da)
Gun; sal; gaso; raar.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
gundho
m.dh Asaas; gaw; sal.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
gundho
f. n. bottom, base, foundation
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
gundho
-da: (magac, dhedig, keli) sal; gun; gaso: raar.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
gundho
de: bottom, base, foundation
lx: gundho
pd: (/da)
ps: n6-f
key: gundho
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
hundho
m.l Gobaha qoriga ka samaysan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Qandho
(Qandha-da)
1. Fayoobi la'aan, xanuun ama cudurrada qaarkood lagu yaqaan, oo qofka kulayl iyo gariiriso qabtaan; xummad.
2. Bugto; jirro.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qandho
qandho¹: m.dh 1. Xummad. 2. Jirro. 3. Duumo.
qandho²: m.dh (daawo) Kulka jirka oo ka saramara kulka caadiga ah ee jirka: haddii afka laga cabbiro waxa weeye: 98,6° F oo u dhiganta 37° C. Haddii futada laga cabbirana waxa weeye = 99° F oo dhiganta = 37°C.
qandho³: f.mg3 (-oday, -otay) Cid jirro ku dhicid. la-mid: qandhoo.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
qandho
qandho¹: m.dh 1. Xummad. 2. Jirro. 3. Duumo.
qandho²: m.dh (daaw.) Kulka jirka oo ka saramara kulka caadiga ah ee jirka: haddii afka laga cabbiro waxa weeye: 98,6° F oo u dhiganta 37° C. Haddii futada laga cabbirana waxa weeye = 99° F oo dhiganta = 37° C. m.f.dh, qandhasho.
qandho³: f.mg3 (-oday, -otay) Cid jirro ku dhicid. la-mid: qandhoo. m.f.dh, qandhood.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
qandho
f. n. fever, temperature; illness, malady, indisposition
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
qandho
-qandhada: (n) fever (fii-ver); feverishness ~xummad
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qandho
-da: (magac, dhedig, keli) xanuun fudud oo ku soo booddo ah. Bugtaan kali ma haysee qandho yar ayuu u jiifaa. Dh: juucjuuc.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
qandho
de: fever, temperature; [ext.] illness, malady, indisposition
lx: qandho
pd: (/da)
ps: n6-f
key: qandho
Qaamuus Soomaali-Carabi oo Kooban - Cabdirisaaq Maxamed Cilmi Ina-Warfaa [2007]
qandho
حُمّى، حُمَّة
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qundhi
-da: (magac, dhedig, keli) jaad tigaadda ka mid ah oo xididkiisa carruurta dhalatay loo shido dumarkuna uunsi ka dhigtaan.
qundhi-da: (magac, dhedig, keli) xididka tigaadda goonka.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Qurdho
(Qurdha-da)
1. Iniinaha cudbiga ku jira.
2. Timaha kolka la firo, hirarka yeesha.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qurdho
m.dh.u 1. Iniinaha yaryar ee cudbiga. 2. Timo aad u jilicsan marka la shanleeyo seexda.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
qurdho
f. n., [collective] cotton seeds
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qurdho
-da: (magac, dhedig, keli) hirarka diisdiisan ee timaha jilicsan ee la fidhayi yeeshaan.
qurdho-da: (magac, dhedig, keli) iniinaha cudbiga ku jira.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
qurdho
de: cotton seeds
lx: qurdho
pd: (/da)
ps: n6-f-col
key: qurdho
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qundhaco
m.dh Kulka qorraxda. la-mid: qundhoco.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qundhoco
m.dh la-mid: qundhaco.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qandhoo
f.mg3 (-ooday, -ootay) la-mid: qandho².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qandhoo
(fal) xummadi ha ku hesho. Qandhoo ad kulaylkeeda aragtide Dh: xummadoo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Qundhac
(Qundhac-da)
Qorrax.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qundhac
m.dh Qorrax.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
qundhac
m.dh Qorrax.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
qundhac
f. n. sun; heat of the sun
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qundhac
magac ka mid ah magacda qorraxda.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
qundhac
cf: qorrax
de: sun; heat of the sun
lx: qundhac
pd: (-da)
ps: n0-f
key: qundhac
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
quudhso
v. belittle, look down on
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
quudhso
-quudhsaday I quudhsatay: (v) underestimate (an-der-esta-meeyt); disregard (dhis-rigaardh); ignore (zg-zzoor); have no respect for ~ quurso, yas, yaraysasho
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
quudhso
(fal) iska weynee oo yas. Ninkaad quudhso is leedahay billaa kaa quimo badnaa. Dh: yarayso, yas, quurso.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
quudhso
a: quurso {N}
de: belittle, look down on
lx: quudhso
pd: (quudhsaday)
ps: v3a=tr
key: quudhso
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
qudh
f. n. self
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
qudh
-a: (n) 1. life (laayf) 2. self (salaf) ~ laf; —qudhiisa; himself; —qudhayda; myself, —qudhaada; yourself, —qudheeda; herself
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qudh
(tilmaame) keli ah oo aan la wehelin. Anoo qudh ah ayaa jooga. Dh: keli, qur.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
qudh
de: self
lx: qudh
pd: (-dha)
ps: n0-f
xe: I love it myself.
xv: qur {N}
key: qudh
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
undo
/andhuu/ (v) furid (fur-furid).
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
hundo
m.dh Dhul carrasan ah, hawd ahayn, leh bannaanno, kuro, togag, biyaqabatinno, iyo wixi lamida.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
indho
m. n., pl. eyes
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
indho
-indhaha: (n) [plural of ilsha] eyes (aayis)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
Indho
naanays loo baxsho qof leh indho waaweyn ama soo baxsan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qudha
(magac, dhedig, keli) nafta noolaha ku jirta. Roobka qawqawloow qadhqadhay, qaawanaantayduu arkaday, ee qudhayda halkeen dhigaa. Dh: ruux, naf.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Qunde
(Qunda-ha)
Hilib weyd ah oo la engejiyo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qunde
m.l 1. Hilib weyd ah oo la engejiyey. 2. la-mid: qudde.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
qunde
m. n., (mass n.): dried meat
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qunde
-ha: (magac, lab, keli) hilib weyd ah oo la engejiyo.
qunde-ha: (magac, lab, keli) qaaddo weyn oo qori ah oo dheryaha cuntada lagu laaqo lagaga na guro.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
qunde
de: dried meat
lx: qunde
pd: (/ha)
ps: n7-m-mass
key: qunde
Qaamuuska Magacyada Dhirta Soomaaliyeed (Soomaali-Laatiin) - Axmed M. I. Barkhadle [1990]
QUNJO
(Gunje) S, May Cyperus compressus L. Cyperaceae.
S Cyperus zollingeri Steud. Cyperaceae.
S Cyperus alopecuroides Rottb. Cyperaceae.
S Mariscus hemisphaericus (Boech.) C.B.Cl. Cyperaceae.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qunso
f.g3 (-saday, -satay) 1. Xoolo iyo wixi lamida meel u kaxaysasho. 2. Dan, arrin iyo wixi lamida meel marsasho.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
qunso
f.g3 (-saday, -satay) 1. Xoolo iyo wixi lamida meel u kaxaysasho. 2. Dan, arrin iyo wixi lamida meel marsasho. m.f.dh, qunsasho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
qunso
v. get exactly as one wants, attain, achieve
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
qunso
-qunsaday / qunsatay: (v) help oneself to; help yourself to; take advantage of
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qunso
(fal) muraad aad leedahay qabso. Dh: fusho.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
qunso
de: get exactly as one wants, attain, achieve
lx: qunso
nt: qunsad (ka) [vn-m], qunsasho (/da) [vn-f]
pd: (qunsaday)
ps: v3a=tr
key: qunso
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Qurdo
(Qurda-da)
Gabar qurdan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qurdo
qurdo¹: m.l Xaniinyo.
qurdo²: m.dh 1. Gabadh madaxa ka xiiran oo yuul ah. 2. Q. ah: ri' dhego yaryar oo foolxun.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
qurdo
f. n. short-haired girl
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qurdo
-da: (magac, dhedig, keli) buurbuurka ay budadu yeelato kolka biyo lagu dhex shubo een si wanaagsan loo laaqin. Dh: qurdi.
qurdo -da: (magac, dhedig, keli) xiiridda madaxa oo timaha laga wado xiiro. Dh: moolo, dhakacambe.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
qurdo
de: short-haired girl
lx: qurdo
pd: (/da)
ps: n6-f
key: qurdo
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
quudh
(fal) wax agtaada ku weyn calool adayg ku bixi. Dh: sii, u deeq, quur.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
quudo
f.g3 (-uutay, -uudatay) Nafley cunto cunid.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
quudo
f.g3 (-uutay, -uudatay) Nafley cunto cunid. m.f.dh, quudasho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
quudo
v. eat, live on, nourish oneself with, feed on
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
quudo
-quutay / quudatay: (v) eat (nt) ~ cun
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
quudo
(fal) adu cunto ahaan u cun.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
quudo
de: eat, live on, nourish oneself with, feed on
lx: quudo
pd: (quutay / quudatay)
ps: v3b=tr
xe: What does the leopard feed on?
xv: cun
key: quudo
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
sudho
(fal) ganto meel sare ku taal, ka soo laadlaadso, ka soo deldel.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
buqdho
-da: (magac, dhedig, keli) eeg buq.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Candho
(Candha-da)
(geel; lo' kd.) xubin ballaaran oo laallaadda oo qurxub weyn iyo labo iyo ka badan oo naas, ka kooban.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
candho
m.dh (-ooyin, m.l) Xubinta caanahu galaan ee xayawaanka dheddig.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
candho
m.dh (-ooyin, m.l) Xubinta caanahu galaan ee xayawaanka dheddig.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
candho
f. n. udder
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
candho
-candhada: (n) udder (adhar) ~ candhada xoolaha
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
candho
-da: (magac, dhedig, keli) eeg cadho.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
candho
cf: dhays
de: udder
lx: candho
pd: (/da)
ps: n6-f
key: candho
Ereybixinta Qalabka Farsamada Gacanta - Maxamuud Iimaan Aadan [1975]
Gundhe
Madax-baanadeed lix-xaglood ah oo aan lahayn samay iyo gacanqabsi toona.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Gundhi
(Gundhi-ga)
Bir yar oo dhuuban oo caarad fiiqan iyo gowl leh, oo kabaha iyo funaanadaha kd. lagu tolo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
gundhi
gundhi¹: m.l 1. la-mid: gundhis. Bir yar oo caarad dhuuban iyo gawl leh oo kabaha iyo wixi lamida lagu tolo. 2. la-mid: gundhin.
gundhi²: f.g2 (-iyay, -isay) Xarig, madax iyo wixi lamida si tartiib ah oo aan joogto ahayn u nuuxin.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
gundhi
v. lift, raise, jerk
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
gundhi
(fal) degdeg u jiid: shey meel tagaan rix, in yar soo dhufo ama halkiisii ka dhaqaaji.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
gundhi
de: lift, raise, jerk
lx: gundhi
pd: (gundhiyey)
ps: v2a=
key: gundhi
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
kindho
-da: (magac, dhedig, keli) is ku dhufashada fardhexada iyo suulka oo sameeya shanqadh lagu tilmaamo wax beri hore dhacay ama loogu yeedho ruux marka la joogo meel hadalku aanu suurtagal ahayn. Dh: suuldhabaale.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qandhi
f.g2 (-iyay, -isay) la-mid: qandhee.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qardho
m.dh.u Miro aan weli bislaan.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
qardho
m.dh.u Miro aan weli bislaan.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
Qardho
pr. n., loc. city in north east Somalia
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
qardho
f. n., [collective] unripe fruit
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qardho
(tilmaame) midho aan weli bislaan ah.
Qaamuuska Magacyada Dhirta Soomaaliyeed (Soomaali-Laatiin) - Axmed M. I. Barkhadle [1990]
QEYDHO
(Geido) May, S May Sansevieria powellii N. E. Br. Agavaceae.
May Sansevieria robusta N.E.Br. Agavaceae.
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
qoodho
-qoodhaha: (n) testicles (tas-tikalis); scrotum (iskaroow-tam) ~ qooro, xaniiyo, raayo
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qoodho
-ha: (magac, lab, keli) eeg qoodhe. qoodhxumee: (fal) foolxumee; qaab silloon u yeel. Dh: foolxumee.
Qaamuus Talyaani-Soomaali - Cabdalla Cumar Mansuur, Axmed Cabdullaahi A. [1985]
quadro
s.m. - sawir darbiyeed; aragti kooban; tabeello.
Qaamuus Talyaani-Soomaali - Cabdalla Cumar Mansuur, Axmed Cabdullaahi A. [1985]
quando
avv. e cong. goormaa; markii, goortii.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
quudha
-da: (magac, dhedig, keli) qof si wanaagsan wax u bixiya oo hura wax uu jecel yahay. Quudha xoolaheega lama qaato. Dh: hura.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
quudso
f.g3 (-saday, -satay) Nafley cunto siisasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
sindho
-da: (magac, dhedig, keli) eeg saxaro. sindhoo: (fal) xaar ama saalo dhig.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Xandho
(Xandha-da)
Hanti; xoolo; maal.