qunbulad
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Qunbulad
(Qunbulad-da)
Hub lagu dagaallamo oo ka samaysan weel gaas iyo waxyaalo qarxada oo wax gubaa ka buuxaan oo ama gacanta lagu tuuro ama dayuuradi soo daadiso ama gantaallo qaadaan; waa jaadad badan, wax waqti ku qarxada iyo wax kolkii wax ku dhacaan qarxadaba waa leedahay; jaliilad; bunbo.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
qunbulad
f. n. bomb
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
qunbulad
-da: (n) atomic bomb; hydrogen bomb (haay-darojiin-bamb); nuclear bomb ~ qumbulad, qumbulad duriyaha
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qunbulad
-da: (magac, dhedig, keli) hub waaweyn oo lagu dagaalamo oo ka samaysan weel gaas iyo waxyaalo garxa oo wax gubaa ay ka buuxaan oo siyaabo badan loo gano. Dh: bambo, jaliilad.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
qunbulad
bw: Arabic
de: bomb
lx: qunbulad
pd: (-da)
ps: n1-f
syn: bumbo ~ bunbo, jaliilad
key: qunbulad
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qumbulad
m.dh (-do, m.l) Bambo weyn.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
qumbulad
m.dh (-do, m.l) Bambo weyn.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
qumbulad
f. n. bomb
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
qumbulad
-da: (n) atomic bomb; hydrogen bomb (haay-darojiin-bamb); nuclear bomb ~ qunbulad, qumbulad duriyaha
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
qumbulad
bw: Arabic
de: bomb
lx: qumbulad
pd: (-da)
ps: n1-f
see: qunbulad
key: qumbulad
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Bunbo
* (Bunba-da)
Jaliilad, qunbulad, (ama bumbo).
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Jaliilad
(Jaliilad-da)
Weel xiran oo gudihiisa wax qarxadaa ka buuxaan oo ama gacanta lagu tuuro ama madfac ama gantaal ama dayuurad; qunbulad; bunbo.
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
bomb
/bam/ (n) qunbulad (bunbo)
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
munition
/myunishans/ (n) hubka ciidamada (sida qoryaha, madfaca, miinada, qunbuladda iwm).
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
bunbo
-da: (magac, dhedig, keli) qalab dagaal, miisan kala duwan leh, wax gumaada. Waxa qarxay bunbo gacanta laga tuuray. Dh: qunbulad, banbo, bamboo, burmad.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
burmo
(fal) cid dhib haysato u ciidami. Geelii la dhacay baannu u burmannay. Dh: gurmo, birmo.
burmo-da: (magac, dhedig, keli) qunbulad ama bam gacanta laga tuuro oo hub ah. Burmo baa ku qaraxday kuwii, belada miisaayey. Dh: bambo, burmad.
Qaamuus Faransiis-Soomaali - Maxamed Cabdi Maxamed [1985]
munition
munition, n.f. - Hubka milateriga; qoryaha; madfacyada; qunbuladaha.
munition de guerre - kaydka bakhaarrada ama istoorada milateriga ee hubka.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
bam
a: bambo, bom
de: bomb
lx: bam
pd: (-ka)
ps: n4-m
syn: qunbulad {Eng}
key: bam
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
bunbo
a: bumbo
de: bomb
lx: bunbo
pd: (/da)
ps: n6-f
syn: jaliilad, qunbulad
key: bunbo
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
jaliilad
bw: Arabic
de: bomb
lx: jaliilad
pd: (-da)
ps: n1-f
syn: bumbo ~ bunbo, qunbulad
key: jaliilad
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
qunbuladda_durriyadda
de: atomic bomb
lx: qunbuladda durriyadda
ps: np-f
key: qunbuladda_durriyadda
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
qunbuladda_gacanta
de: hand-grenade
lx: qunbuladda gacanta
ps: np-f
key: qunbuladda_gacanta
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qufulad
m.dh la-mid: qafilid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qunbulo
-da: (magac, dhedig, keli) eeg qunbulad.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Hunbulan
(qaab) Hilan; kuusan.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
hunbulan
der. [adjective] rounded
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hunbulan
(tilmaame) qaab hilan ama kuusan leh.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
hunbulan
a: humbulan
de: rounded
lx: hunbulan
pd: (hunbulnaa)
ps: adj-der
key: hunbulan
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Hunbulid
(Hunbulid-da)
Wax hunbulan ka dhigid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hunbulid
-da: (magac, dhedig, keli) wax ama qaab hunbulan ama kuusan ka dhigid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Qulqulad
(Qulqulad-da)
Dhaqdhaqaaq nabadda iyo xasilloonaanta wax u dhima; rabsho; fidno.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qulqulad
m.dh Rabsho nabadda iyo xasilloonida wax u dhinta.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
qulqulad
m.dh Rabsho nabadda iyo xasilloonida wax u dhinta.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
qulqulad
f. n. trouble, nuisance
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
qulqulad
-da: (n) disturbance (dis-teer-bansi); confusion (kon-fiyuu-shin); disorder (dis-oordher)-, chaotic state, chaos, turmoil ~ qas, rabsho
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qulqulad
-da: (magac, dhedig, keli) eeg qalalaase.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
qulqulad
de: trouble, nuisance
lx: qulqulad
pd: (-da)
ps: n1-f
key: qulqulad
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
quluulad
m.l la-mid: quluulasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qunbacad
-ka: (magac, lab, keli) labakaclayn iyo dib u soo gocasho. Iga daa qunbacadka horaan u heshiinee. Dh: gocad.
qunbacad -ka: (magac, lab, keli) qufac soo noqnoqda. Qabawga ayaa carruurta qunbacadka ugu wacan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qunfulan
f.mg4 (-lnaa, -lnayd) la-mid: qafilan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qunfulid
m.dh la-mid: qafilid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qunsuliyad
m.dh (-do, m.l) Xafiiska qunsulka.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
qunsuliyad
m.dh (-do, m.l) Xafiiska qunsulka.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
qunsuliyad
f. n. consulate
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
qunsuliyad
-da: (n) consulate (konso-leeyt) ~ qunsilayad
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qunsuliyad
-da: (magac, dhedig, keli) xafiis safaarad ku xidhan oo danaha dadka safaaradda ka fog fududeeya. Dh: qunsulaato
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
qunsuliyad
de: consulate
lx: qunsuliyad
pd: (-da)
ps: n1-f
key: qunsuliyad
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
yunbursad
-ka: (magac, lab, keli) eeg yumbudhsad.
Qaamuus-Yare Soomaali-Faransiis - Kiristoofe Filibeerti [1976]
Qumbulad-da
bombe, obus.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Qubad
(Qubad-ka)
Qubasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qubad
qubad¹: m.l Badar aan la abuurin ee iskii iasaga baxa.
qubad²: m.l la-mid: qubasho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
qubad
vl. n. state of being spilled ~ spilt
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qubad
-ka: (magac, lab, keli) daadashada uu wax meel ka daato. Dh: daadasho, qubasho.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
qubad
a: qubasho (/da) [vn-f]
de: state of being spilled ~ spilt
lx: qubad
pd: (-ka)
ps: vn-m
key: qubad
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qubul
m.l (-llo, m.dh) Q. ah: neef geel ah oo shilis.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qubul
-ka: (magac, lab, keli) neef geel ah oo shilis.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dublad
m.dh la-mid: dublo.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
dublad
f. n. funnel
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
dublad
-da: (n) 1. funnel (fa-nel); a narrow tube, widening at the top, for pouring liquids ~ dubaalad. 2. funnel (fanal); chimney (jim-ni); smokestack ~ shoolad, qaac-saare
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dublad
-da: (magac, dhedig, keli) dun noocyo kala duwan leh oo faanuusyada iyo maashooyada gaaska lagu shubo laguna shito oo kolka dab la qabadsiiyo iftiinta. Dh: dubaalad, dibaarad.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
dublad
de: funnel
lx: dublad
pd: (-da)
ps: n1-f
key: dublad
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Hunbul
(Hunbul-ka)
Wax leh qaab ama muuqaal buuxa ama hilan.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
hunbul
v. make something round
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hunbul
(fal) wax humbulan ka dhig. Dh: humbul.
hunbul -ka: (magac, lab, keli) wax leh qaab ama muuqaal buuxa ama hilan.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
hunbul
a: humbul
de: make s.t. round
lx: hunbul
pd: (hunbulay)
ps: v1=
key: hunbul
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
kuulad
m.l la-mid: kuulasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qiblad
m.dh la-mid: qiblo.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
Qiblad
pr. n., loc. direction of Mecca, to which Muslims turn in prayer; north
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
qiblad
-da: (n) [Islamic religion] the direction towards Mecca, where Muslims face during praying
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
Qiblad
a: Qiblo (/da)
bw: Arabic
de: direction of Mecca, to which Muslims turn in prayer; north (from Somalia)
lx: Qiblad
pd: (/da)
ps: n0-loc-f
key: Qiblad
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Qubbad
(Qubbad-da)
1. Dhis qaabab badan leh oo badanaa u eg kubbad la kala baray barkeed ganboon, oo masaajiddada iyo kiniisadaha iyo xabaalaha iyo guryaga qaarkoodba laga kor dhiso.
2. Badweynta xeebaha ka fog.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qubbad
m.dh 1. (-do, m.l) Dhismo kubbad nuskeeda sare u eg oo laga dul dhiso masaajiddada, kaniisadaha, qabuuraha iyo guryaha qaarkood. 2. Badda inteda xeebta ka fog. la-mid: qubbo.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
qubbad
m.dh 1. (-do, m.l) Dhismo kubbad nuskeeda sare u eg oo laga dul dhiso masaajiddada, kaniisadaha, qabuuraha iyo guryaha qaarkood. 2. Badda inteda xeebta ka fog. la-mid: qubbo.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
qubbad
f. n. dome
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
qubbad
-da: (n) dome (doom); spire (ispaayar); pinnacle (pini-kal)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qubbad
-da: (magac, dhedig, keli) dhis sida dhigta u xoodan oo masaajidyada iyo maqaamyada laga qu dul dhiso. Qubbad weyn ayaa masaajidkayaga ka dul dhisan. Dh: qudbi.
qubbad -da: (magac, dhedig, keli) badweynta xeebaha ka fog.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
qubbad
bw: Arabic
de: dome
lx: qubbad
pd: (-da)
ps: n1-f
key: qubbad
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
qudbad
f. n. tomb
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
qudbad
-da: (n) lecture (lakjar); speech (ispiij); public address ~ khudbo, khudbad
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qudbad
-da: (magac, dhedig, keli) hadal wacdi iyo wax sheeg ah oo imaamku minbarka ka akhriyo salaada jumcada ka hor iyo ciidda ka dib. Dh: khudbad.
qudbad -da: (magac, dhedig, keli) hadal dhiirri gelin iyo wax sheeg ah oo madaxdu fagaarayaasha iyo warbaahinta ka jeediyaan munaasabadaha. Dh: khudbad
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
qudbad
de: tomb
lx: qudbad
pd: (-da)
ps: n1-f
key: qudbad
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qunful
qunful¹: m.l (-llo, m.dh) la-mid: qafil¹; la-mid: qafilid.
qunful²: f.g1 (-ulay, -ushay) la-mid: qafil².
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Qunsad
(Qunsad-ka)
Qunsasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qunsad
m.l la-mid: qunsasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qunsad
-ka: (magac, lab, keli) eeg qunsasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Qunsul
(Qunsul-ka)
Ku qaranka dal shisheeye u jooga, si uu danaha dadkiisa iyo tolkiisa u ilaaliyo; wuxuu ka hooseeyaa safiirka.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qunsul
m.l (-llo, m.dh) Qof diblomaasi ah oo dalka uu joogo dalkiisa wakiil uga ah bulshadiisa kana hooseeya safiirka.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
qunsul
m.l (-llo, m.dh) Qof diblomaasi ah oo dalka uu joogo dalkiisa wakiil uga ah bulshadiisa kana hooseeya safiirka.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
qunsul
m. n. consul
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
qunsul
-ka: (n) consul (kon'saY) ~ khunsul
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qunsul
-ka: (magac, lab, keli) nin safir ka hooseeya ama qusuliyad safaarad raacsan madax ka ah oo inta badan fiisayaasha bixiya. Qunsulka haddaad ka weydo danjiraha u tag.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
qunsul
de: consul {Eng}
lx: qunsul
pd: (-ka)
ps: n2-m
key: qunsul
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qunuud
m.l/dh (dii.) Duco la raaciyo salaadda subaxa, haddiise dhibaato timaadana la raacsho salaadaha kale.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
qunuud
m.l/dh (dii.) Duco la raaciyo salaadda subaxa, haddiise dhibaato timaadana la raacsho salaadaha kale.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
qunuud
m. n., [collective] special prayers for certain times (e.g. religious holidays)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qunuud
-ka: (magac, lab, keli) duco la raaciyo. salaadda subaxa, haddiise dhibaato timaadana la raacsho salaadaha kale.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
qunuud
bw: Arabic
de: special prayers for certain times (e.g., religious holidays)
lx: qunuud
pd: (-ka)
ps: n0-m-col
key: qunuud
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Quudad
(Quudad-ka)
Quudasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
quudad
m.l la-mid: quudasho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
quudad
m. n., pl. food; eating