qumay
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qumay
m.l.kh Q. ah: nin la aaminsanyahay in uu isha wax ku dhibaataysan karo.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]

SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qumay
-ga: (magac, lab, keli) nin wax cawrya oo il xun. Odayga cidlada deggani waa qumay. Dh: bidaw, gabraw.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qumayo
m.dh (-ooyin, m.l) la-mid: qumanyo.
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
qumayo
-qumayada: 1. she-devil; bitch (biij). 2. witch (wij) ~ qumanyo
Qaamuuska Ereybixinta: Barbaarinta Jirka (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1984]
lumay
to lose
Qaamuus-Yare Soomaali-Faransiis - Kiristoofe Filibeerti [1976]
Lumay
perdu.
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
lumay
-luntay: (v) lost (loost) ~ lun
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qubay
(fal) (u ~) cid u maydh jidhka. Dhulku waa kulayle carruurta u qubay: Dh: qubee, maydh.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qujay
(fal) xasarad iyo aflagaaddo u geyso. Qujay bal inuu xanaaqo. Dh: qujee, daandaanso.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
qumad
m. n. branding iron
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
qumad
de: branding iron
lx: qumad
pd: (-ka)
ps: n2a-m
see: gumad
key: qumad
Qaamuus-Yare Soomaali-Faransiis - Kiristoofe Filibeerti [1976]
Quman
raisonnable.
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
quman
-ka: (n) [plural ofqun-ka] 1. tonsillitis (ton 'sa-laay-tes) ~ [quman xannuun] 2. tonsils (ton-salis)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qusay
(fal) timo iyo wixii la mid ah, ha moolayne gaabi. Timaha iga qusee. Dh: yaree.
Qaamuuska Magacyada Dhirta Soomaaliyeed (Soomaali-Laatiin) - Axmed M. I. Barkhadle [1990]
RUMAY
(Rumai) All. Som. Salvadora persica L. Salvadoraceae.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
rumay
(fal) caday Ilkaha ku xuruud oo huurada kaga nadiifi. Dh: caday.
rumay -ga: (magac, lab, keli) wax ilkaha lagu cadayo. Dh: caday.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
sumay
(fal) sun sii.
sumay: (fal) sun ku dar, ka dhig.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
tumay
m.l (-yo, m.dh) 1. Orgi ama wan la dhufaanay. 2. Caws la tumay oo dirmaha laga sameeyo. 3. Roob aan xoog lahayn.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
tumay
m. n. castrated billy goat ~ ram
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
tumay
-da: (magacwadareed) laboodka adhiga inta goodha ah mooyee ahminka tuman. Dh: sogob.
tumay-ga: (magac, lab, keli) roob aan weyneyn, tiix.
tumay-ga: (magac, lab, keli) roob shuux ah. Dh: habis. Li: mahiigaan.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
tumay
de: castrated billy goat ~ ram
initial: t
lx: tumay
pd: (-ga)
ps: n2a-m
key: tumay
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xumay
(fal) sidii la doonayay si ka duwan oon laga raalli ahayn u samee. Dh: xumee.
xumay: (fal) si xun u gal; wax xun ku fal; xumaan ku samay. Li: wanaaji, fiicnee.
xumay: (fal) aalad lagu shaqaynayo caddil oo wax cilladaysan ka dhig. Mooteerka xumay mid cusub ha la soo libiyee. Dh: cilladay, kharrib
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qumannimo
m.dh Qumay ahaansho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qumanyannimo
m.dh Qumanyo ahaansho. la-mid: qumayanimo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qumanyaysasho
m.f.dh eeg qumanyayso. la-mid: qumanyaysad, qumanyaysi, qumayaysad, qumayaysasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qumanyayso
f.g3 (-stay, -satay) Qof nafley ama wax kale oo qiima leh il wax ku yeelid. la-mid: qumayayso.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qumaynnimo
m.dh Qumay ahaansho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
saancadde
m.l 1. Qof cago cad. 2. Qumay.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
qumanyayso
f.g3 (-stay, -satay) Qof nafley ama wax kale oo qiima leh il wax ku yeelid. m.f.dh, qumanyaysasho. la-mid: qumayayso.
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
bitch
/bij/ (n) 1. eeyga dheddiga ah (n) 2. naag qumayo ah (aad u xun) (v) 3. cabasho bilaash ah (micna-dara ah)
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
eraley
-da: (n) bitch (biij); a bitch or qumayo, a nasty woman
Qaamuus Talyaani-Soomaali - Cabdalla Cumar Mansuur, Axmed Cabdullaahi A. [1985]
iettatóre
s.m. - qumay.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
bacaw
-ga: (magac, lab, keli) jaad qudhaanjada ka tirsan oo uu midabkiisu cawlan yahay. Dadka ma dhibto, waxay na ku badan tahay guryaha gaar ahaan meelaha ay sonkorta, malabka iyo wixii la mid ahi yaalliin. Aqalkii bacow baa qabsdey. Dh: sonkorjecel, macaanjecel.
bacaw-ga: (magac, lab, keli) qofka nuxuska iyo xaasidka ah ee dabeecadiisu xun tahay. Intii aan bacaw gaaban laa golo ku joog fiican, mar hadday gar dhalad noqdeen guur aan ka la'aado. Dh: qumay.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
bido
-da: (magac, dhedig, keli) qof dumar ah oo dhib badan, dhal baas ah, dadka dhabata ama cawrida. Bido intaanad bido dhihin bay bido ku tidhaahdaa. Dh: qumayo.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
geesiir
-ta: (magac, dhedig, keli) qof dumar ah oo aan ninkeeda la dhaqmi karin. Dh: qumayo, basari.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
kaynmadow
-da: (magac, dhedig, keli) qof aan hoodo lahayn oo nasiib daran. Dadka kaynmadowda leh ma fiicna. Dh: saancaddaale, qumay. Li: hoodaale.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qumanyanimo
-da: (magac, dhedig, keli) qumanyo wax cawrida ahaan. Dh: qumayanimo, bidanimo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Qumanyo
(Qumanya-da)
(senen) Qof karti u leh inuu il cid wax ku yeelo ama dhabataysto.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qumanyo
m.dh (-ooyin, m.l) Q. ah: naag karti u leh in ay il cid wax ku yeelayso. la-mid: qumayo.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
qumanyo
m.dh (-ooyin, m.l) Q. ah: naag karti u leh in ay il cid wax ku yeelayso. la-mid: qumayo.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
qumanyo
f. n. person with the evil eye
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
qumanyo
-qumanyada: (n) 1. she-devil; bitch (biij). 2. witch (wij) ~ qumayo
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qumanyo
-da: (magac, dhedig, keli) qof cawri iyo il leh; naag wax cawrida oo il xun. Qumanyola is kuma doondoonto. Dh: qumayo, bido.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
qumanyo
de: person with the evil eye
lx: qumanyo
pd: (/da)
ps: n6-f
key: qumanyo
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dhumay
-ga: (magac, lab, keli) geed caleemaad ka baxa buuraha oo midab madow leh xooluhuna daaqaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dumayn
m.f.dh eeg dumee. la-mid: dumays.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dumayn
-ta: (magac, dhedig, keli) dad abaabulid oo soo ururin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dumays
m.l la-mid: dumayn.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dumays
-ta: (magac, dhedig, keli) eeg dumayn.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
gumayn
-ta: (magac, dhedig, keli) cid kale, liidid oo gun ka dhigid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qiimay
(fal) inta uu qiimihiisu noqon karo qiyaas. Aqalka waxa ku baxaya noo qimay: Dh: qiimee.
qiimay: (fal) eeg qadari.
qiimay: (fal) sicir lagu iibiyo u yeel. Alaabta qmay oo midwalba sicirkiisa ku dulgor. Dh: qiimee, xisaab.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qimayn
-ta: (magac, dhedig, keli) eeg qadarin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qubayn
-ta: (magac, dhedig, keli) (ka ~) u maydhid. Dh: maydhid, u qubays.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qubays
-ta: (magac, dhedig, keli) eeg u qubayn.
Qaamuus-Yare Caafimaad: Ingiriis-Soomaali - Deeqa Cali [1999]
queasy
(adj) uneasiness; upset stomach; nauseated; sickening.
caloosha qasan
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
queasy
/kwiisi/ (adj) xanuunsan (qandhan).
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Qujayn
(Qujayn-ta)
Wax ku mudmudid, si cid looga caraysiiyo; daandaansasho; qodqodid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qujayn
m.f.dh eeg qujee. la-mid: qujays.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qujayn
-ta: (magac, dhedig, keli) xasarad iyo aflagaaddo u geysasho. Dh: daandaansi.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Qujays
(Qujays-ka)
Qujayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qujays
m.l la-mid: qujayn.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qujays
-ka: (magac, dhedig, keli) cid kale, xasarad iyo aflagaado u geyso. Dh: qujayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qumbac
m.l (-cyo, m.dh) 1. Geed aan qodax lahayn oo geedaha kale ku faalala, baxshana miro macaan oo la cuno. 2. Gabooye.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
qumbac
m.l (-cyo, m.dh) 1. Geed aan qodax lahayn oo geedaha kale ku faalala, baxshana miro macaan oo la cuno. 2. Gabooye.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qumbac
-a: (magac, lab, keli) geed aan qodax la- hayn oo geedaha kale ku faalala, baxshana midho macaan oo la cuno.
qumbac -a: (magac, lab, keli) eeg gabooye.
Qaamuuska Ereybixinta: Fisikis (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Qumiye
Rectifier
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Qumman
Toosan; hagaagsan; suubban; wanaagsan; fiican.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qumman
qumman¹: m.l (-no, m.dh) Jawaan weyn.
qumman²: m.l (cilmiga naflayda) Cuf ah nudo limfaysan, oo qaar badan oo ka mid ahi ay ku yaallaan lafdhabarleyda sare, afka iyo cunaha xaggiisa dambe.
qumman³: m.dh.kh Q. ah: haweeney da' ah oo ganacsi yar sameysa.
qumman⁴: f.mg4 (-naa, -nayd) Qof aan qaldanayn ahaansho.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
qumman
qumman¹: m.l (cilmiga naflayda) Cuf ah nudo limfaysan, oo qaar badan oo ka mid ahi ay ku yaallaan lafdhabarleyda sare, afka iyo cunaha xaggiisa dambe.
qumman²: f.mg4 (-naa, -nayd) Qof aan qaldanayn ahaansho. m.f.dh, qummanaan.
Qaamuuska Ereybixinta: Xisaab (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Qumman
Right
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
qumman
der. [adjective] clear-cut, straight; right, correct, exact
Qaamuuska Magacyada Soomaalida: Soomaali-Ingiriis - Anwar Maxamed Diiriye [2006]
Qumman
name-f righteous. Syn: Qummane
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
qumman
-aa/ayd: (adj) right (raayt)-, nice (naays); fair (feer); OK
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
Qumman
magac loo bixiyo gabadh laga filayo toosnaan iyo wanaag dumarnimo.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qumman
(tilmaame) mid toosan oo hagaagsan ah. Hadal qumman ayuu i yiddhi. Dh: suubban, fiican.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
qumman
de: clear-cut, straight; right, correct, exact
lx: qumman
pd: (qummanaa)
ps: adj-der
key: qumman
Qaamuus Soomaali-Carabi oo Kooban - Cabdirisaaq Maxamed Cilmi Ina-Warfaa [2007]
qumman
مُسْتَقِيمٍ
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qusayn
-ta: (magac, dhedig, keli) timo iyo wixii la mid ah, gaabin. Dh: yaryarayn, qusays.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qusays
-ka: (magac, lab, keli) eeg qusayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Rumayn
(Rumayn-ta)
Run u qirid; rumaysasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
rumayn
m.f.dh eeg rumee.
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
rumayn
-ta: (n) the act of believing (biliiv-ing) or trusting (tarasting)
Hal-Ururka Erayada Maamulka Xafiisyada, Xisaabaadka Ganacsiga iyo Dhaqaalaha (Soomaali-Talyaani-Ingiriis) - Warshadaha Saabuunta Bayl, Qubeyska iyo Mariska [1979]
Rumayn
Verificare
Verify
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
rumayn
-ta: (magac, dhedig, keli) qirid ictiqaad ah oo maanka laga dhaadhiciyo.
rumayn -ta: (magac, dhedig, keli) war lagu sheegay run u qaadasho; dhab u aqoonsasho. Li beenayn.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
rumayo
(fal) ilkahaaga rumay ama caday ku nadiifi. Dh: cadayo.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
rumays
-ta: (magac, dhedig, keli) eeg rumayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Rummay
(Rummay-ga)
Qori caday ama geed kale ah oo bul loo yeelo, ama buraash ilkaha lagu nadiifiyo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
rummay
m.l (-yo, m.dh) Qori qoyan oo dhirta qaarkeed laga goosto oo ilkaha lagu sifaysto.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
rummay
m.l (-yo, m.dh) Qori qoyan oo dhirta qaarkeed laga goosto oo ilkaha lagu sifaysto.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
rummay
m. n. twig used to clean the teeth
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
rummay
-ga: (n) toothbrush (tuuth-braash); especially made from a tree branch or root tree ~ caday
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
rummay
-ga: (magac, lab, keli) eeg rumay.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
rummay
de: twig used to clean the teeth
lx: rummay
pd: (-ga)
ps: n2-m, n7-m
syn: caday {C & S}
key: rummay
Qaamuuska Magacyada Soomaalida: Soomaali-Ingiriis - Anwar Maxamed Diiriye [2006]
Sumaya
name-f good reputation, high rank; first martyr in Islam
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Sumayn
(Sumayn-ta)
Sun siin, ka dhigid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
sumayn
m.f.dh eeg sumee. la-mid: sumays.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
sumayn
vl. n. poisoning, infecting
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
sumayn
-ta: (n) the deliberate act of poisoning, contaminating or polluting
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
sumayn
-ta: (magac, dhedig, keli) sun ku darid, ka dhigid; sumays, sun siin. Sumay buu u dhintay suldaankii shalay la aasay