qulqulbeeg
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qulqulbeeg
-ga: (magac, lab, keli) qalab yar oo loo isticmaalo cabbirka quwadda qulqulka danabka.
Qaamuuska Magacyada Soomaalida: Soomaali-Ingiriis - Anwar Maxamed Diiriye [2006]
Qulubeen
name-m disturbed, gloomy, depressed
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qulubeen
magac loo bixiyo wiil dhiblaw ahaa kolkii uu yaraa.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qurubbeeg
-ga: (magac, lab, keli) qalab kaste oo loo isticmaalo cabbirka saxda ah ee qurubyada walxaha yaryar oo sheega fogaanahooga, jimidhkooda iyo xaglahooda.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qulquladee
f.g2 (-deeyay, -daysay) Cid meel iyo wixi lamida qulqulad ku samayn.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
qulquladee
f.g2 Cid meel iyo wixi lamida qulqulad ku samayn. m.f.dh, qulquladayn.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
qulquladee
v. stir up trouble, cause an uprising ~ riot
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
qulquladee
-yey / qulquladeysay: (v) disturb (dis-teerb)-, upset (ap-sat); confuse (ken-fiyuus)
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
qulquladee
de: stir up trouble, cause an uprising ~ riot
lx: qulquladee
pd: (qulquladeeyey)
ps: v2b=tr
key: qulquladee
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
cuqubee
f.g2 (-beeyay, -baysay) Cid nabsiyid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
kulbeeg
m.l (-gyo, m.dh) la-mid: kulbeege.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
kulbeeg
m. n. thermometer
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
kulbeeg
-ga: (n) thermometer (ther moomitar)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
kulbeeg
-ga: (magac, lab, keli) qalab heerka kulka hadba inta uu maraayo lagu cabbiro. Dh: termoomitir.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
kulbeeg
de: thermometer
lx: kulbeeg
pd: (-ga)
ps: n2a-m
key: kulbeeg
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
kululee
f.g2 (-leeyay, -laysay) la-mid: kulayli.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
kululee
v. heat, warm (up), make something hot
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
kululee
-yey / kululeysay: (v) make warm or hot; heat (hiit)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
kululee
(fal) kulayl ka dhig.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
kululee
de: heat, warm (up), make s.t. hot
lx: kululee
pd: (kululeyey)
ps: v2b=tr
key: kululee
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qulquli
f.g2 (-iyay, -isay) 1. Hoore si aan kala go' lahayn u shubid. 2. Dad xoolo iyo wixi lamida si aan kala go' lahayn u socodsiin.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
qulquli
f.g2 (-iyay, -isay) 1. Hoore si aan kala go' lahayn u shubid. 2. Dad xoolo iyo wixi lamida si aan kala go' lahayn u socodsiin. m.f.dh, qulqulin.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
qulquli
v. cause to flow (liquid); make proceed slowly one after another (group of people ~ animals)
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
qulquli
de: cause to flow (liquid); make proceed slowly one after another (group of people ~ animals)
lx: qulquli
pd: (qulquliyey)
ps: v2a=tr
key: qulquli
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
quuqlee
f.mg2 (-leeyay, -laysay) Hadal aan macne lahayn ku hadlid.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
u qubee
v. bathe ~ wash someone
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
u_qubee
de: bathe ~ wash s.o. {C & S}
initial: u
lx: u qubee
pd: (qubeeyey)
ps: v2b=expr
key: u_qubee
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
huurbeeg
m.l (-ooyin, m.l) (fiisikis) Qalab loo sameeyay in lagu cabbiro huur u eegidda (huurka la isu eegayo hawada inta ku jirta uumi biyood iyo inta ay qaadi karto) gibilka.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
huurbeeg
-ga: (magac, lab, keli) qalabka lagu cabbiro huurka hawada; inta boqolkiiba uumibiyood ku jirta hawada.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
qulqul_1
de: gurgling (of water); stream, flow (of current)
hm: 1
lx: qulqul
pd: (-ka)
ps: n2-m
key: qulqul_1
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
qulqul_2
de: gurgle, murmur (of water); flow (of current); pour in (of people)
hm: 2
lx: qulqul
pd: (qulqulay)
ps: v1=intr
key: qulqul_2
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Qulqulad
(Qulqulad-da)
Dhaqdhaqaaq nabadda iyo xasilloonaanta wax u dhima; rabsho; fidno.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qulqulad
m.dh Rabsho nabadda iyo xasilloonida wax u dhinta.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
qulqulad
m.dh Rabsho nabadda iyo xasilloonida wax u dhinta.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
qulqulad
f. n. trouble, nuisance
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
qulqulad
-da: (n) disturbance (dis-teer-bansi); confusion (kon-fiyuu-shin); disorder (dis-oordher)-, chaotic state, chaos, turmoil ~ qas, rabsho
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qulqulad
-da: (magac, dhedig, keli) eeg qalalaase.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
qulqulad
de: trouble, nuisance
lx: qulqulad
pd: (-da)
ps: n1-f
key: qulqulad
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Qulqulid
(Qulqulid-da)
Shubmid yar oo aan kala go'ayn oo biyaha dhulka korkiisa marayaa sameeyaan; (ama qolqolid).
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qulqulid
m.f.dh eeg qulqul³.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qulqulid
-da: (magac, dhedig, keli) qulqul samayn. Qulqulidda biyaha jooji.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qulqulin
m.f.dh eeg qulquli.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dulduleel
dulduleel¹: m.l la-mid: daldalool¹.
dulduleel²: f.mg1 (-eelay, -eeshay) la-mid: daldalool².
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
qulqulato
m.dh la-mid: qulqulad.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qulqulato
-da: (magac, dhedig, keli) eeg qalalaase.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
heerkulbeeg
m.l (-gyo, m.dh) (fiisikis) Aalad loo isticmaalo qiyaasta heerkulka badanaa iyada oo isbeddelayo mugga meerkuriga ama isbiirada ku jirta dhuun quraarad ah oo dabo wareegsan leh. la-mid: heerkulbeege.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
heerkulbeeg
m.l (-gyo, m.dh) (fiisikis) Aalad loo isticmaalo qiyaasta heerkulka badanaa iyada oo isbeddelayo mugga meerkuriga ama isbiirada ku jirta dhuun quraarad ah oo dabo wareegsan leh. la-mid: heerkulbeege.
Qaamuuska Ereybixinta: Juqraafi (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Heerkulbeeg
Thermometer
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
heerkulbeeg
m. n., [compound] thermometer
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
heerkulbeeg
-ga: (n) thermometer (theer-moomater) ~ kulbeel
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
heerkulbeeg
-ga: (magac, lab, keli) qalab lagu cabiro heerka kulaylku marayo.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
heerkulbeeg
de: thermometer
lx: heerkulbeeg
pd: (-ga)
ps: n2a-m-cmp
syn: kultirshe, termuumi
key: heerkulbeeg
Qaamuuska Ereybixinta: Fisikis (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Qulqul dhud
Beam current
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Qulquladayn
(Qulquladayn-ta)
Cid qulqulad ku samayn; rabshayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qulquladayn
m.f.dh eeg qulquladee.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
xubbul-yeeg
m.l (-gyo, m.dh) Dhagax dubnadeed oo wejiga cayaarta loogu talaggalay labadiisa dhinac min hal dhibic ku leh. la-mid: yeeg.
Qaamuuska Ereybixinta: Fisikis (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Qulqulka Eddi
Eddy current