qulqul-talantaaliya
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
qulqul-talantaaliya
m.l (fiisikis) (q.t.) Qulqul danab oo dhex maraya mareeg danab, si joogta ahna u beddelaya jihada marar badan halkii seken.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
matoor q.t.
m.l (fiisikis) Matoor danab oo u habeysan in uu ku shaqeeyo qulqul talantaaliya.

qumiyeyn
m.dh (fiisikis) Habka qulqul quman looga dhalin karo qulqul talantaaliya oo ka imanaya dhaliye danab.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
matoor q.t.
m.l (fiisikis) Matoor danab oo u habeysan in uu ku shaqeeyo qulqul talantaaliya.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
xaglo-talantaali
m.l (-llo ..., m.dh) (xisaab) Lammaane xaglo isle'eg oo ay sammeeyaan laba xarriiqood oo barbarro ah iyo xarriq kale oo goysa labadooda oo lagu magacaabo gudbane.