qulbi
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qulbi
f.g2 (iyay, -isay) Ciil iyo murugo cid ku beerid. la-mid: qulubsii.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
qulbi
v. disturb, annoy, worry, depress
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qulbi
(fal) ku walacso. Dh: walacso
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
qulbi
de: disturb, annoy, worry, depress rw: qulub
lx: qulbi
pd: (qulbiyey)
ps: v2a=tr
key: qulbi
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qulbid
m.f.dh eeg qulub².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qulbid
-da: (magac, dhedig, keli) feker dartii isla hadlid. Dh: fekerid
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qulbin
m.f.dh eeg qulbi. la-mid: qulubsiin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qulbin
-ta: (magac, dhedig, keli) ku walacsad. Had- daad i siinayn qulbinta iga daa. Dh: walcin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qulbis
-ta: (magac, dhedig, keli) eeg qulbin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
hulbi
f.g2 (-iyay, -isay) 1. Ari cayrin. 2. Wax dedejin.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
hulbi
v. work quickly, hurry, rush
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hulbi
(fal) hawl, si degdeg ah u qabo. Dh: deddeji.
hulbi: (fal) meel cidhiidhiya mari. Waa gabal dhacaye hulbi adhiga oo hoo.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
hulbi
de: work quickly, hurry, rush
lx: hulbi
pd: (hulbiyey)
ps: v2a=
key: hulbi
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
mulbi
f.g2 (-iyay, -isay) Wax tuugo ku dhammayn.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
mulbi
-da: (magac, dhedig, keli) wax tuugo ku dhammayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Qalbi
(Qalbi-ga)
1. Laab; maan; garaad.
2. Wadne.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qalbi
m.l (quluub, m.dh) 1. Laab; kal. 2. Xasuus.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
qalbi
m.l (quluub, m.dh) 1. Laab; kal. 2. Xasuus.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
qalbi
m. n. heart; mind, thought, feeling; memory; courage
Qaamuuska Magacyada Soomaalida: Soomaali-Ingiriis - Anwar Maxamed Diiriye [2006]
Qalbi
name-fheart, core; desire, good feelings; intelligence (Arb)
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
qalbi
-ga: (n) heart (haart)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qalbi
-ga: (magac, lab, keli) xubnaha xiska middood. oo meel ay ku taal la aqoon. Qof qalbi la' qaafka ku harraad. Dh: garaad, maan.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
qalbi
bw: Arabic
cf: garaad, laab, maan, wadne
de: heart; mind, thought, feeling; memory; [ext.] courage
lx: qalbi
pd: (-ga Pl: quluub (ta))
ps: n2a-m, n8-m
key: qalbi
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
qudbi
m. n. tomb
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qudbi
-ga: (magac, lab, keli) eeg qubbad.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
qudbi
de: tomb
lx: qudbi
pd: (-ga)
ps: n2a-m
key: qudbi
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
sulbi
f.g2 (-iyay, -isay) Hawl si dhaqso leh u deddejin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
sulbi
(fal) hawl si dhaqso leh u dedejin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qulubsiin
m.dh la-mid: qulbin.
Qaamuus Ingiriis-Soomaali - Baadari Larajaasi [1897]
deject
v.tr., (cast down) ka qulbi, qulubsi; be dejected, wahan, qulub, qulubsanaw.
Qaamuus Ingiriis-Soomaali - Baadari Larajaasi [1897]
discourage
v.tr., (dispirit) qulubsi, ka qulbi; be discouraged, ruxan.
Qaamuus Ingiriis-Soomaali - Baadari Larajaasi [1897]
give
v.tr., sii, u dhiib, bixi; give him the lie, ninka beeni; give thanks, mahadi, mahad u naq; give answer, jawaab, u celi; give to everyone his due, nin walba wixiisa sii, or wuxuu leeyahay sii; give evidence, marqaati ku fur; give a good and faithful account, xisaab wanaagsan oo aamin ah sii; God gives me grace so to do, Ilaahay baa ila qabanaya, or Ilaahay khayr i siiyay inaan sidaa ku yeelo; I gave him credit, waan rumaystay; give the oath, dhaaro; give trouble, daali; the boys give me trouble, caruurtu waa i daalisaa; give hopes, la ballan; give a call, yeedh, qayli; give a guess, malee, garo; give joy, war, kaga badhbaadhi or badhbadhaadhi; give leave, fasax; give judgment, xukum ; give ground, durug, ka durug; give place, u banee, ka baydh; give notice, dignin dir, ogaysii; give heed, iska eeg, ilaali, ogow; give challenge, daandaanso; give to suck, nuuji; give a look, soo arag; I gave way to his wise proposal, waanadiisii fiicnayd baan dhegaystay; he gave way to melancholy, is qulbiyee; the ground gave way under my feet, camuuddi cagtayda hoosteeda ka dustay; give away, nac; he gives all away, waa wada nacayaa giddi; I gave up my money for lost, lacagtayda waan ka samraa; they gave him up for dead, ka quustay; give back again, celi, soo celi, u celi, dib u sii; give into his mind, taladiisa raac; give for, dhaafi; do not give, ka cesho, u diid; give off, give out, give over, iska daa, nac.
Qaamuus Ingiriis-Soomaali - Baadari Larajaasi [1897]
grieve
v.tr., ka qulbi, werweri; that grieves me, waxaasi waa iga qulbinayaa; v.i., qulub, werwer.
Qaamuus Ingiriis-Soomaali - Baadari Larajaasi [1897]
sad
a., qulubsan; grow sad, qulub, wahan; be sad, qulubsanaw; make sad, qulbi, qulubsii.
Qaamuuska Ereybixinta: Bayoolaji (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Bulbil
Badhi yar
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Hulbin
(Hulbin-ta)
Hawl degdeg u qabasho; wax gurgurid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
hulbin
m.f.dh eeg hulbi.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hulbin
-ta: (magac, dhedig, keli) hawl, degdeg u qabasho, u gurgurid.
hulbin -ta: (magac, dhedig, keli) meel cidhiidhi ah marin. Hulbinta ka daa waxaraha yaryar.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
mulbin
m.f.dh eeg mulbi. la-mid: mulbis.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
mulbis
m.l la-mid: mulbin.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
qilbil
m. n. flesh, blood, kinship
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qulban
f.mg4 (-naa, -nayd) Turub wax la qulbay ahaansho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Qurbid
(Qurbid-da)
Jarjar yaryar jarjarid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qurbid
m.f.dh eeg qurub².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qurbid
-da: (magac, dhedig, keli) qurubqurub u jarid, googoyn oo gabalgabal ka dhigid. Dh: jarjarid yaryarayn, qurbis.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qurbis
-ta: (magac, dhedig, keli) eeg qurbid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
sulbin
m.f.dh eeg sulbi. la-mid: sulbis.
Magacyada Dhirta Ceel-Dheere iyo Buula-Burte (Soomaali-Laatiin) - D. Herloker, B. Kujar [1985]
SULBIR
Enneapogon schimperanus 20, Panicum atrosanguineum 10, P. coloratum 10, Sporobolus somalensis 10
Qaamuuska Magacyada Dhirta Soomaaliyeed (Soomaali-Laatiin) - Axmed M. I. Barkhadle [1990]
SULBIR
(Sulbir) C Enneapogon schimperanus (A. Rich.) Renv. Gramineae.
C Bothriochloa insculpta (A. Rich.) A. Camus. Gramineae.
C Panicum atrosanguineum A. Rich. Gramineae.
C Panicum coloratum L. Gramineae.
C Sporobolus helvolus (Trin) Th. Dur & Schinz. Gramineae.
C Sporobolus somalensis Chiov. Gramineae.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
sulbis
m.l la-mid: sulbin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Sulubi
(Sulubi-da)
Wax aan kurtummo iyo gowtiyo lahayn; kor sinsiman; sidib.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
sulubi
f. n. smoothness, polish
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
sulubi
-ga: (magac, lab, keli) waxaan kurtummo iyo gawtimo midna lahayn; korka ka sinsiman; sidib.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
sulubi
de: smoothness, polish
initial: s
lx: sulubi
pd: (-da)
ps: n-f
key: sulubi
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qulbisan
(tilmaame) mid qulub hayo oo murugaysan. Dh: hammisan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qulubsii
f.g2 (-iiyay, -iisay) la-mid: qulbi.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qub
qub¹: m.l Diir; dub; qolof.
qub²: m.dh.sh.r Shanqar, dhawaaq (wax la garaacay).
qub³: f.g1 (-bay, -btay) Wax weel gudahiisa ku jira daadin.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
qub
qub¹: m.l Dįir¹; dub; qolof.
qub²: f.g1 (-bay, -btay) Wax weel gudahiisa ku jira daadin. m.f.dh, qubid.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
qub
v. spill
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
qub
-ay / tay: (v) 1. spill (ispiil); pour out; discharge (dhis-jaarj) ~ daadi. 2. spoil (ispooyl); waste (weeyst)
qub -ka: (n) husk (haski); shell (sheet); peel (piit) ~ qob, qashir, buunshe
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qub
(ereycodeed) tilmaama jabaqda ama shanqadha wax la garaacay.
qub: (fal) daadi oo meel ku shub. Qashinka gid daafadda ku qub. Dh: shub, daadi, rog.
qub -ka: (magac, lab, keli) qolof sare oo uu wax ku dhexjiro; diir ama gal wax ku dahaadhan Looska qubka ka hobobi. Dh: diir, qob.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
qub
de: spill
lx: qub
pd: (qubay)
ps: v1=tr
key: qub
Qaamuus Talyaani-Soomaali - Cabdalla Cumar Mansuur, Axmed Cabdullaahi A. [1985]
qui
avv. - halkaan.
Qaamuus Faransiis-Soomaali - Maxamed Cabdi Maxamed [1985]
qui
qui, pron.rel. - kee; kuwa; kii; kaas; qofkii
qui est-ce? - waa ayo?
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qul
m.l 1. Amuur. 2. Maqaar weyn qaab jawaan u tolan oo badar lagu shubto.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qul
(eraydhawaaq) lagu yidhaahdo qof habaartama ama si xun u baryootama.
qul -ka: (magac, lab, keli) maqaar weyn oo qaab jawaan u tolan oo badarka lagu shubto.
qul-sha: (magac, dhedig, keli) xayawaan bog ku socoto ah oo mulaca u eg kase yar buuran oo ka madow. Dh: malow.
Qaamuuska Ereybixinta: Bayoolaji (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Bulb
Badhi
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
bulb
/baalb/ (n) 1. guluub (dhalada nalka lugu xiro)(n) 2. geed jirridiisa ukun oo kale tahay oo ubax ka baxo.
Eraybixinta Af Soomaaliga ee Hawlaha Wasaaradaha (Soomaali-Ingiriis-Talyaani) - Guddiga Af Soomaaliga [1972]
Bulb
Nal-kuus
Qaamuus Ingiriis-Soomaali (Maay) - Maxamed Xaaji Mukhtaar, Cumar Macalin Axmed [2007]
bulb
/boolb/ (n) 1. goloobky nalky. 2. geed jiriddiis oo goloob haang eh, sithy basally iwm.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Buli
(Buli-da)
Shinbirmalab; Maris.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
buli
m.dh Shimbir-malab.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
buli
f. n. honey-guide bird
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
buli
-da: (magac, dhedig, keli) shinbir dadka geedka shinnidu ku jirto tusta. Wallee buli managade aragtay baan shinnidu halkay joogto kuu sheegin. Dh: shinbirmalab, maris.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
buli
de: honey-guide bird
lx: buli
pd: (-da)
ps: n-f
syn: maris, shinbir-malab
key: buli
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
fuli
f.g2 (-iyay, -isay) 1. Xoolo wabax ah ama dhaan cokan ceel ka wadid. 2. Hawl ama arrin hirgelin.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
fuli
f.g2 (-iyay, -isay) 1. Xoolo wabax ah ama dhaan cokan ceel ka wadid. 2. Hawl ama arrin hirgelin. m.f.dh, fulin.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
fuli
v. fulfill, accomplish, carry out; restrain, hold in
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
fuli
-yey I say: (v) carry out an order [for example]; fulfil (ful-fil); also fulfill, execute (ek sikiyuuf); perform (peerfoorm) ~ dhaqangali
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
fuli
(fal) arrin ama ballan aad cid isku ogaydeen sideedii uga soo bax. Dh: oofi, hirgeli. Li: baaji.
fuli: (fal) xoolaha cabbay ceelka ka dareeri oo celi. Li: aroori.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
fuli
de: fulfill, accomplish, carry out; restrain, hold in
lx: fuli
pd: (fuliyey)
ps: v2a=tr
key: fuli
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
hubi
f.g2 (-iyay, -isay) Wax runtooda gaarid.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
hubi
f.g2 (-iyay, -isay) Wax runtooda gaarid. m.f.dh, hubin.
Qaamuuska Ereybixinta: Xisaab (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Hubi
Check
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
hubi
v. make sure of, verify; ascertain, investigate
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
hubi
-yey / say: (v) make certain; make sure; prove (puruuf); verify (veerifaay) ~ xaqiiji, hubso
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hubi
(fal) war ama arrin runteeda gaadh; shaki bixi; ka salgaadh.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
hubi
de: make sure of, verify; ascertain, investigate
lx: hubi
pd: (hubiyey)
ps: v2a=tr
key: hubi
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qili
-da: (magac, lab, keli) ciyaar carruureed lagu ciyaaro ul dheer iyo qori yar oo fallidh ah oo inta usha fallidhka lagu dhifto meel dheer lagu geeyo oo kolba halka la gaadhsiiyo lagu tartamo. Dh: xeego.
Qaamuus Faransiis-Soomaali - Maxamed Cabdi Maxamed [1985]
quai
quai, n.m. - furdad.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Qubo
(Quba-da)
Bahal dhiig qabow oo lafdhabar leh oo halaqa iyo qallajisaha iyo yaxaaska la bah ah; waa jaadad badan, waxayna ku nooshahay badaha kulkulul, teeda birriga ku noolna waxaa la yiraahdaa diin; waxay leedahay gafuur aan ilko lahayn iyo oogo gaashaan adag oo gees ahi ku rogan yahay oo afarta addin iyo madaxa iyo dabadu dibadda uga soo bixi karaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qubo
qubo¹: m.dh Xamaarato badda ku nool oo diinka la bah ah.
qubo²: f.mg3 (-btay, -batay) Wax daadasho.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
qubo
qubo¹: m.dh Xamaarato badda ku nool oo diinka la bah ah.
qubo²: f.mg3 (-btay, -batay) Wax daadasho. m.f.dh, qubasho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
qubo
f. n. tortoise, turtle
qubo v. spill, be spilt; fall (of leaves ~ fruit)
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
qubo
-tay / qubatay: (v) spill out of a container; become spilled
qubo -qubada: (n) sea turtle (toor'tel); tortoise (toor'tes); freshwater turtle
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qubo
(fal) daado oo firidh. Dh: saydhan.
qubo-da: (magac, dhedig, keli) nafley dhiig qabow oo lafdhabar leh oo ku nool badaha kulkulul iyo berriga waxay leedahay gafuur aan ilko lahayn iyo oogo gaashaan adag oo gees ah oo ay afarta addin iyo madaxa ku qariso kolkay halis dareento. Dh: diin, diinceelaad.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qumi
f.g2 (-iyay, -isay) 1. (f.g) Xoolo kaxayn. 2. (f.mg) U q.: awr hal abaahinaya caarka ugu toosin. 3. (f.mg) U q.: cid arrin iyo wixi lamida u fulin.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
qumi
f.g2 (-iyay, -isay) 1. (f.g) Xoolo kaxayn. 2. (f.mg) U q.: awr hal abaahinaya caarka ugu toosin. 3. (f.mg) U q.: cid arrin iyo wixi lamida u fulin. m.f.dh, qumin.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
qumi
v. direct, correct, straighten, make go straight
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
qumi
-yey / say: (v) lead (liidhy, direct (di-rekt)