qulaanqulshe
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qulaanqulshe
m.l (cilmiga naflayda) Qaybta hore ee hunguri cadka afar addinleyda lafdhabarta leh, halkaasi oo berribiyoodka, xammaaratada, iyo naasleydu ay ku leeyihiin anduuqyada codka. la-mid: qulaanqulye.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]

SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qulaanquishe
-ha: (magac, lab, keli) muruqyo iyo carjawyo isku dhafan oo hunguriga cad madaxiisa kore ku yaal oo ah xubinta codka. Dh: qulaanquliye.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Qulaanqulye
(Qulaanqulya-ha)
Muruq iyo carjaw isku dhafan oo hunguriga cad madaxiisa kore ku yaal; waa xubinta codka, gudihiisana waxaa ku yaal xargaha codka; waa meesha curtu ka soo taagan tahay; (ama qulaanqulshe).
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qulaanqulye
m.l Muruq iyo carjaw isku dhafan oo hunguri cadka korkiisa ku yaal. la-mid: qulaanqulshe.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
qulaanqulye
m.l Muruq iyo carjaw isku dhafan oo hunguri cadka korkiisa ku yaal. la-mid: qulaanqulshe.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
qulaanqulye
m. n. larynx
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qulaanqulye
-ha: (magac, lab, keli) eeg qulaanquishe.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
qulaanqulye
de: larynx
lx: qulaanqulye
pd: (/ha)
ps: n7-m
key: qulaanqulye
Qaamuuska Ereybixinta: Bayoolaji (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Larynx
Qulaanqulshe
Qaamuuska Ereybixinta: Bayoolaji (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Larynx Locomotion
Dhaqdhaqaaq qulaanqulshe
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qulaanquli
(fal) gawrac oo qulaanqulshaha goo. Neefka si fiican u qulaanquli. Dh: gawrac.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qulaanqulin
-ta: (magac, dhedig, keli) eeg qulaamin.
qulaanqulin-ta: (magac, dhedig, keli) gawricid oo qulaanqushaha goyn. Dh: gawricid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qulaanqulis
-ta: (magac, dhedig, keli) cid aad u liidata, qulaamin.
qulaanqulis-ta: (magac, dhedig, keli) qulaanqusha goyn; gawricis
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Dulaandul
(Dulaandul-ka)
Labada muruq oo xoogga badan oo dheerdheer oo lafdhabarta labadeeda dhinac ku kala dhilan, midkood.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dulaandul
m.l (-llo, m.dh) Labada muruq ee dhaadheer oo lafdhabarta labadeeda dhan ku kala yaal midkood; daqay.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
dulaandul
m.l (-llo, m.dh) Labada muruq ee dhaadheer oo lafdhabarta labadeeda dhan ku kala yaal midkood; daqay.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
dulaandul
m. n. muscle of the back
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dulaandul
-ka: (magac, lab, keli) labada cad ee duudka ka raaca adhaxda hareeraheeda. dulaaqan: (tilmaame) mid afka ilkihii ka daateen ama ka dhammaadeen.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
dulaandul
de: muscle of the back
lx: dulaandul
pd: (-ka)
ps: n2-m
key: dulaandul
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Qalaanqal
1. (Qalaanqal-ka) Qas; qulqulad; wareer.
2. (Qalaanqa-sha) Geed higlada u eg oo miro yaryar oo cascas dhala; caleemihiisa waxaa laga dhigtaa tabaako (buuri), danbaskiisana magaad iyo dawo cadhada lagu dhayo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qalaanqal
qalaanqal¹: m.l Qas; qulqulad; wareer.
qalaanqal²: m.l/dh 1. Qas; qulqulad; wareer. 2. Geed-abaareed higlada u eg aan qodxo lahayn leh miro yaryar oo cas cas, dambaskiisana magaad iyo dawo cadhada lagu dhayo laga dhigto, oo xooluhu daaqaan.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
qalaanqal
m. n. activity; confusion; disturbance; riot, attack
qalaanqal m. n. tree species, its leaves are used for tobacco
Magacyada Dhirta Ceel-Dheere iyo Buula-Burte (Soomaali-Laatiin) - D. Herloker, B. Kujar [1985]
QALAANQAL
Cadaba baccarinii 01, Maerua subcordata 10
Qaamuuska Magacyada Dhirta Soomaaliyeed (Soomaali-Laatiin) - Axmed M. I. Barkhadle [1990]
QALAANQAL
(Calancal) NFD,S Boscia coriacea Pax. Capparidaceae.
S, N, Boscia mossambicensis Klotzsch. Capparidaceae.
C Cadaba baccarinii Chiov. Capparidaceae.
NFD, S Cadaba farinosa Forsk. Capparidaceae.
May,S,C? Cadaba glandulosa Forsk. Capparidaceae.
C Cadaba hetrotricha Hook. Capparidaceae.
May, S Cadaba mirabilis Gilg. Capparidaceae.
NFD Maerua angolensis DC. Capparidaceae.
C, N? Maerua crassifolia Forsk. Capparidaceae.
May Maerua glauca Chiov. Capparidaceae.
May, C Maerua sessiliflora Gilg. Capparidaceae.
S Maerua mazzocchii Chiov. Capparidaceae.
C Maerua subcordata (Gilg) Dewolf. Capparidaceae.
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
qalaanqal
-ka: (n) disorder and confusion; anarchy (anar-ki) ~ rabsho
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qalaanqal
-ka: (magac, lab, keli) arbushaad iyo deggenaan la'aan. Dh: qas, qalaaqal, qalalaase.
qalaanqal-sha: (magac, dhedig, keli) geed higlada u eg oo midho yaryar oo cascasi ka baxaan oo dambaskiisa laga dhigto magaad. Dh: qalan.
qalaanqal-sha: (magac, dhedig, keli) waxyaalaha yaryar ee ay carruurtu ku ciyaarto aqalka dhexdiisa. Dh: qalaaqil.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
qalaanqal_1
de: activity; confusion; disturbance; riot, attack
hm: 1
lx: qalaanqal
pd: (-ka)
ps: n2-m
key: qalaanqal_1
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
qalaanqal_2
de: tree sp., its leaves are used for tobacco
hm: 2
lx: qalaanqal
pd: (-ka ~ /sha)
ps: n-m/f
key: qalaanqal_2
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
tabaabulshe
-ha: (magac, lab, keli) wax aad u qalab'urursato oo isku diyaarinayso inaad wax ka qabato. Tabaabusho iyo qorshe ayaa lagu wadaa hawlaha. Dh: tabaabul, tabaabulyo
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
galaangalasho
m.dh la-mid: galgalasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
gulaalnaansho
m.l/dh la-mid: gulaalnaan.
Magacyada Dhirta Ceel-Dheere iyo Buula-Burte (Soomaali-Laatiin) - D. Herloker, B. Kujar [1985]
QALAANQAL CAD
Maerua crassifolia 10