qulaanquishe
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qulaanquishe
-ha: (magac, lab, keli) muruqyo iyo carjawyo isku dhafan oo hunguriga cad madaxiisa kore ku yaal oo ah xubinta codka. Dh: qulaanquliye.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qulaanqulshe
m.l (cilmiga naflayda) Qaybta hore ee hunguri cadka afar addinleyda lafdhabarta leh, halkaasi oo berribiyoodka, xammaaratada, iyo naasleydu ay ku leeyihiin anduuqyada codka. la-mid: qulaanqulye.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
qulaanqulshe
m.l (cilmiga naflayda) Qaybta hore ee hunguri cadka afar addinleyda lafdhabarta leh, halkaasi oo berribiyoodka, xammaaratada, iyo naasleydu ay ku leeyihiin anduuqyada codka. la-mid: qulaanqulye.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qulaanqulis
-ta: (magac, dhedig, keli) cid aad u liidata, qulaamin.
qulaanqulis-ta: (magac, dhedig, keli) qulaanqusha goyn; gawricis
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Qulaanqulye
(Qulaanqulya-ha)
Muruq iyo carjaw isku dhafan oo hunguriga cad madaxiisa kore ku yaal; waa xubinta codka, gudihiisana waxaa ku yaal xargaha codka; waa meesha curtu ka soo taagan tahay; (ama qulaanqulshe).
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qulaanqulye
m.l Muruq iyo carjaw isku dhafan oo hunguri cadka korkiisa ku yaal. la-mid: qulaanqulshe.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
qulaanqulye
m.l Muruq iyo carjaw isku dhafan oo hunguri cadka korkiisa ku yaal. la-mid: qulaanqulshe.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
qulaanqulye
m. n. larynx
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qulaanqulye
-ha: (magac, lab, keli) eeg qulaanquishe.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
qulaanqulye
de: larynx
lx: qulaanqulye
pd: (/ha)
ps: n7-m
key: qulaanqulye
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qulaanquli
(fal) gawrac oo qulaanqulshaha goo. Neefka si fiican u qulaanquli. Dh: gawrac.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qulaanqulin
-ta: (magac, dhedig, keli) eeg qulaamin.
qulaanqulin-ta: (magac, dhedig, keli) gawricid oo qulaanqushaha goyn. Dh: gawricid.
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
relinquish
/relinkuwish/ (v) samrid (ka niyad jabid).
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
gulaalnaansho
m.l/dh la-mid: gulaalnaan.