qujo
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qujo
-da: (magac, dhedig, keli) garaad wax lagu garto. Nin qujo leh weeyaan. Dh: caqli, garaad.
Qaamuuska Magacyada Dhirta Soomaaliyeed (Soomaali-Laatiin) - Axmed M. I. Barkhadle [1990]
QUNJO
(Gunje) S, May Cyperus compressus L. Cyperaceae.
S Cyperus zollingeri Steud. Cyperaceae.
S Cyperus alopecuroides Rottb. Cyperaceae.
S Mariscus hemisphaericus (Boech.) C.B.Cl. Cyperaceae.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
fujo
m.dh 1. Ijaar la siiyo cid lagula heshiiyey hawl fulinteedu muddo soconayso. 2. la-mid: fajo.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
fujo
-da: (magac, dhedig, keli) xoolo loo baxsha hawl la qabtay abaalkeed ahaan.
fujo -da: (magac, dhedig, keli) neefqabatin yar ama kooban oo dad iyo duunyaba ku dhaca.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Gujo
(Guja-da)
1. Gacanta oo duuban ama nafleyda yaryar oo wax nuugta gufuurkeeda, oo xoog loogu dhufto candhada xoolaha, si caano kale uga soo dhacaan.
2. Tantoonyo ama feer, hoos ka yimaada oo kor u socda.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
gujo
m.dh Gacanta oo duuban oo xoog loogu dhufto candho neef irmaan si loo maalo.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]

Qaamuuska Ereybixinta: Fisikis (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Gujo
Impulse
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
gujo
-gujaha: (n) the act of punching at the sides of the body
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
gujo
-da: (magac, dhedig, keli) dhasha xoolaha iyo xawayaanka oo marka ay naaska hooyada jaqayaan afka ku riixa candhada.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
gujo
de: punch, blow to the body
lx: gujo
pd: (/da)
ps: n6-f
key: gujo
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
mujo
-da: (magac, dhedig, keli) ilmo dhiqil ah oo maalmahaa uun dhashay. Dh: dhal, dhalaq.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Qubo
(Quba-da)
Bahal dhiig qabow oo lafdhabar leh oo halaqa iyo qallajisaha iyo yaxaaska la bah ah; waa jaadad badan, waxayna ku nooshahay badaha kulkulul, teeda birriga ku noolna waxaa la yiraahdaa diin; waxay leedahay gafuur aan ilko lahayn iyo oogo gaashaan adag oo gees ahi ku rogan yahay oo afarta addin iyo madaxa iyo dabadu dibadda uga soo bixi karaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qubo
qubo¹: m.dh Xamaarato badda ku nool oo diinka la bah ah.
qubo²: f.mg3 (-btay, -batay) Wax daadasho.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
qubo
qubo¹: m.dh Xamaarato badda ku nool oo diinka la bah ah.
qubo²: f.mg3 (-btay, -batay) Wax daadasho. m.f.dh, qubasho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
qubo
f. n. tortoise, turtle
qubo v. spill, be spilt; fall (of leaves ~ fruit)
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
qubo
-tay / qubatay: (v) spill out of a container; become spilled
qubo -qubada: (n) sea turtle (toor'tel); tortoise (toor'tes); freshwater turtle
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qubo
(fal) daado oo firidh. Dh: saydhan.
qubo-da: (magac, dhedig, keli) nafley dhiig qabow oo lafdhabar leh oo ku nool badaha kulkulul iyo berriga waxay leedahay gafuur aan ilko lahayn iyo oogo gaashaan adag oo gees ah oo ay afarta addin iyo madaxa ku qariso kolkay halis dareento. Dh: diin, diinceelaad.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qufo
f.g3 (-ftay, -fatay) Wax meel ay ka buuxeen koox koox uga soo saarasho.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
qufo
f.g3 (-ftay, -fatay) Wax meel ay ka buuxeen koox koox uga soo saarasho. m.f.dh, qufasho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
qufo
v. empty out for oneself; dig for oneself
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
qufo
de: empty out for oneself; dig for oneself
lx: qufo
nt: qufasho (/da) [vn-f]
pd: (quftay)
ps: v3b=tr
key: qufo
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Quwo
(Quwa-da)
Xoog; itaal; karti; tabar; awood (ama quwad).
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
quwo
m.dh Xoog; itaal; tabar. la-mid: quwad.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
quwo
m.dh Xoog; itaal; tabar. la-mid: quwad.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
quwo
f. n. strength, power, physical force
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
quwo
-quwada: (n) force (foorsi); strength (istareen-gath); power (paawar); ability (a-biliti) ~ xoog
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
quwo
-da: (magac, dhedig, keli) eeg quwad.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
quwo
de: strength, power, physical force
lx: quwo
pd: (/da)
ps: n6-f
see: quwad
key: quwo
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
uujo
m.dh la-mid: uugo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Xujo
(Xuja-da)
1. Weyddiin ama su'aal adag oo aan fudayd loo furi karin.
2. Daliil; burhaan; markhaati.
3. Eed; gaboodfal; denbi.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
xujo
m.dh (-ooyin, m.l) 1. Weyddiin adag oo aan sahal looga jawaabi karin. 2. Dembi; Eed.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
xujo
m.dh (-ooyin, m.l) 1. Weyddiin adag oo aan sahal looga jawaabi karin. 2. Dembi; Eed.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
xujo
f. n. hard question, enigma, riddle; crime; guilt
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
xujo
-xujada: (n) puzzle (pa-zal)-, difficulty (difi-kalti); brainteaser (bareeyn-tiizer); puzzling problem; difficult question
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xujo
-da: (magac, dhedig, keli) weydiin ama su'aal adag oo aan si fudud lagu furi karin. Alla waa xujo! Geel xerada diidaa; waa xujo. Dh: halxidhale, masalo.
xujo-da: (magac, dhedig, keli) daliil ama burhan kale oo markhaati ahaan loo soo qaato. Xue cad oo lagugu garto keen. Dh: burhaan, markhaati.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
xujo
bw: Arabic
de: hard question, enigma, riddle; crime; guilt
initial: x
lx: xujo
pd: (/da)
ps: n6-f
key: xujo
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qaajo
m.dh la-mid: gaajo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qanjo
m.l la-mid: qanje.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
qanjo
m. n. anthrax
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
qanjo
de: anthrax
lx: qanjo
pd: (/ha)
ps: n6-m
see: qanje
key: qanjo
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qojob
-ka: (magac, lab, keli) middi dheer oo ballaadhan oo dhexda ka qalloocan gal iyo meel la qabsado leh oo raggu dhexda ku xidhaan. Qojobkii aan sitay baan hilibka ku cunay. Dh: golxad, qolxad, billaawe.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qubbo
m.dh la-mid: qubbad.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qujay
(fal) xasarad iyo aflagaaddo u geyso. Qujay bal inuu xanaaqo. Dh: qujee, daandaanso.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qujee
f.g2 (-jeeyay, -jaysay) 1. Cid wax ku mudmudid si looga xanaajiyo. 2. Meel duleesha wax ku gufayn. 3. Cid hadal ay kahsanayso ku dhihid.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
qujee
v. prick, jab, puncture
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
qujee
de: prick, jab, puncture
lx: qujee
nt: qujayn (ta) [vn-f], qujays (ka) [vn-m]
pd: (qujeeyey)
ps: v2b=tr
key: qujee
Qaamuuska Magacyada Dhirta Soomaaliyeed (Soomaali-Laatiin) - Axmed M. I. Barkhadle [1990]
QUNJE
(Gunje) S, May Cyperus compressus L. Cyperaceae.
S Cyperus zollingeri Steud. Cyperaceae.
S Cyperus alopecuroides Rottb. Cyperaceae.
S Mariscus hemisphaericus (Boech.) C.B.Cl. Cyperaceae.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qunso
f.g3 (-saday, -satay) 1. Xoolo iyo wixi lamida meel u kaxaysasho. 2. Dan, arrin iyo wixi lamida meel marsasho.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
qunso
f.g3 (-saday, -satay) 1. Xoolo iyo wixi lamida meel u kaxaysasho. 2. Dan, arrin iyo wixi lamida meel marsasho. m.f.dh, qunsasho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
qunso
v. get exactly as one wants, attain, achieve
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
qunso
-qunsaday / qunsatay: (v) help oneself to; help yourself to; take advantage of
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qunso
(fal) muraad aad leedahay qabso. Dh: fusho.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
qunso
de: get exactly as one wants, attain, achieve
lx: qunso
nt: qunsad (ka) [vn-m], qunsasho (/da) [vn-f]
pd: (qunsaday)
ps: v3a=tr
key: qunso
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Qurbo
(Qurba-da)
Qurbe.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qurbo
m.dh la-mid: qurbe.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
qurbo
f. n. foreign land
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qurbo
-ha: (magac, lab, keli) eeg qurbe.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
qurbo
a: qurbe
de: foreign land
lx: qurbo
pd: (/da)
ps: n6-f
key: qurbo
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Qurdo
(Qurda-da)
Gabar qurdan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qurdo
qurdo¹: m.l Xaniinyo.
qurdo²: m.dh 1. Gabadh madaxa ka xiiran oo yuul ah. 2. Q. ah: ri' dhego yaryar oo foolxun.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
qurdo
f. n. short-haired girl
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qurdo
-da: (magac, dhedig, keli) buurbuurka ay budadu yeelato kolka biyo lagu dhex shubo een si wanaagsan loo laaqin. Dh: qurdi.
qurdo -da: (magac, dhedig, keli) xiiridda madaxa oo timaha laga wado xiiro. Dh: moolo, dhakacambe.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
qurdo
de: short-haired girl
lx: qurdo
pd: (/da)
ps: n6-f
key: qurdo
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qurji
-da: (magac, dhedig, keli ) madaxa hore ee xubinta taranka ee laboodka. Dh: barjo, buuryo.
qurji -ga: ( magac, lab, keli ) xubinta taranka ee laboodka. Dh: gus, caadh, qoodho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
quudo
f.g3 (-uutay, -uudatay) Nafley cunto cunid.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
quudo
f.g3 (-uutay, -uudatay) Nafley cunto cunid. m.f.dh, quudasho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
quudo
v. eat, live on, nourish oneself with, feed on
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
quudo
-quutay / quudatay: (v) eat (nt) ~ cun
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
quudo
(fal) adu cunto ahaan u cun.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
quudo
de: eat, live on, nourish oneself with, feed on
lx: quudo
pd: (quutay / quudatay)
ps: v3b=tr
xe: What does the leopard feed on?
xv: cun
key: quudo
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
quuro
-da: (magac, dhedig, keli) cod qururuf ah oo qof hurda oo sanku cabudhan yahay uu sameeyo. Dh: quurro, khuuro
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
quuso
f.mg3 (-stay, -satay) Wax ka samrid.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
quuso
f.mg3 (-stay, -satay) Wax ka samrid. m.f.dh, quusasho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
quuso
v. lose heart, despair, become discouraged, give up
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
quuso
-quustay / quusatay: (v) lose hope; give up hope; be desperate (des-pereeyt)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
quuso
(fal) ka rajo go', ha sugin, ka samir. Lacagti aan Warsame amaahiyay: waan ka quustay.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
quuso
de: lose heart, despair, become discouraged, give up
lx: quuso
nt: quusad (ka) [vn-m], quusasho (/da) [vn-f]
pd: (quustay)
ps: v3b=intr
key: quuso
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
quuto
-da: (magac, dhedig, keli) eeg quutaquuto.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
quwow
f.mg1 (-oobay, -owday; -oobi) Quwo helid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
quwow
(fal) eeg quweyso.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
xujow
f.mg1 (-oobay, -owday; -oobi) Wax xujo galay noqosho.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
xujow
f.mg1 (-oobay, -owday; -oobi) Wax xujo galay noqosho. m.f.dh, xujoobid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xujow
(fal) denbi gal; eedoow.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qunjaxo
-da: (magac, dhedig, keli) xubin soo baxsan oo wareegsan oo shafka geela ku taal oo kolka uu fadhiisto dhulka uu ku qabto. Dh: gojoxo,