qufjuraan
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qufjuraan
-ka: (magac, lab, keli) wax yaryar ama jajab ah. Dh: jajab, lufluf, xaab.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Qufraan
(Qufraan-ta)
Denbidhaaf; cafi,
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qufraan
m.dh Dembi dhaaf Ilaah bixiyo.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
qufraan
m.dh Dembi dhaaf Ilaah bixiyo.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
qufraan
f. n. pardon
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qufraan
-ka: (magac, lab, keli) denbidhaaf, cafis. Ilaahay qufraan weydiiso.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
qufraan
de: pardon
lx: qufraan
pd: (-ta)
ps: n-f
key: qufraan
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Qunjuraaf
(Qunjuraaf-ka)
Wax yaryar; jajab; lufluf; xaab.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qunjuraaf
qunjuraaf¹: m.l.u 1. Jajab yaryar oo wax weyn oo dhammaa oo is-haystay ka soo go'ay. 2. Hambo. 3. Socod yar oo wax yar oo lagu noolaado lagu raadsado.
qunjuraaf²: f.g1 (-fay, -ftay) Xoolo meel unuunufid.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
qunjuraaf
m. n., [collective] bits, scraps, fragments
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qunjuraaf
-ka: (magac, lab, keli) qoryo jabad ah oo ardaayada iyo daaradaha laga xaadho
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
qunjuraaf
de: bits, scraps, fragments
lx: qunjuraaf
pd: (-ka)
ps: n2a-m-col
key: qunjuraaf
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
Quraan
m.l Kitaab Ilaahay Nabi Maxamed (S.C.W.) u waxyooday si uu ummaddiisa u gaarsiiyo. la-mid: Qur'aan.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
quraan
m.l Kitaab Ilaahay Nabi Maxamed (S.C.W.) u waxyooday si uu ummaddiisa u gaarsiiyo. la-mid: Qur'aan.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
Quraan
m. n. Koran
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
Quraan
-ka: (n) Koran (ko-raan) Qur'an; Alcoran (al-ko-raan) ~ Qur'aan
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
Quraan
-ka: (magac, lab, keli) eeg Qur'aan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
quraan
-ta: (magac, dhedig, keli) eeg qudhaanjo.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
Quraan
bw: Qur'aan
cf: Xaddiis, Ijmaac, Qiyaas
de: Koran
lx: Quraan
pd: (-ka)
ps: n0-m
xv: Arabic
key: Quraan
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
buuraan
f. n., [abstract] stoutness, obesity, fatness
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
buuraan
de: stoutness, obesity, fatness Alt sp: buurraan
lx: buuraan
pd: (-ta)
ps: n0-f-abs
syn: cayillaan, shishlaan
key: buuraan
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Qufnaan
(Qufnaan-ta)
Wax qufan ahaan; qodnaan; faagnaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qufnaan
m.f.dh eeg qufan. la-mid: qufnaansho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
qufnaan
f. n. excavation, digging
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qufnaan
-ta: (magac, dhedig, keli) wax qufan ahaan. Dh: qodnaan.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
qufnaan
de: excavation, digging
lx: qufnaan
pd: (-ta)
ps: n-f
key: qufnaan
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qufulan
f.mg4 (-lnaa, -lnayd) la-mid: qafilan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qufulan
(tilmaame) mid xidhan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
quturan
(tilmaame) eeg qayuuran.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xuuraan
(fal) u kuur gal oo hoos xog u raadi. Soo xuuraan magaalada waxa ka jira. Dh: dhegadhegee, indha'indhee.
xuuraan: (fal) jahawareer oo is daba wareeg.
xuuraan-ka: (magac, lab, keli) wardoon meelahaa laga dhegadhegeeyo. Dadbaa xuuraanka magaalada ka hela. Dh: warraadin.
xuuraan -ka: (magac, lab, keli) buuq iyo iska dabawareeg aan nidaamsanayn. Saaka meeshi xuuraan baa galay oo fasalladii lama furin. Dh: buuq, jahawareer.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qufitaan
-ka: (magac, lab, keli) qufidda lafteeda.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qufulnaan
m.dh la-mid: qafilnaan.
Magacyada Dhirta Ceel-Dheere iyo Buula-Burte (Soomaali-Laatiin) - D. Herloker, B. Kujar [1985]
QURDUBAAN
Indigofera ruspolii 40
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qurqursan
f.mg4 (-naa, -nayd) U q.: arrin wax gar ah u arkid (qof).
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
quturnaan
-ta: (magac, dhedig, keli) eeg qayuurnaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Turjubaan
(Turjubaan-ka)
Afceliye, afhaye, (ama turjumaan).
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
turjubaan
turjubaan¹: m.l (-nno, m.dh) Afceliye; afhayn. la-mid: turjumaan¹.
turjubaan²: f.mg1 (-nay, -ntay) 1. Laba af isku beddelid. 2. Ka t.: laba qof oo aan is af garanayn is af garadsiin. la-mid: turjumaan².
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
turjubaan
turjubaan¹: m.l (-nno, m.dh) Afceliye; afhayn. la-mid: turjumaan.
turjubaan²: f.mg1 (-nay, -ntay) 1. Laba af isku beddelid. 2. Ka t.: laba qof oo aan is af garanayn is af garadsiin. m.f.dh, turjubaanid. la-mid: turjumaan.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
turjubaan
m. n. interpreter, translator
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
turjubaan
-a: (n) interpreter (iintar patar); translator (taraanisleey-ter) ~ tarjubaan, afnaqe
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
turjubaan
-ka: (magac, lab, keli) eeg turjumaan.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
turjubaan
bw: Arabic
de: interpreter, translator
initial: t
lx: turjubaan
pd: (-ka)
ps: n2-m
key: turjubaan
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Turjumaan
(Turjumaan-ka)
Qof afaf kala duwan yaqaan oo isku beddela; afnaqe; afceliye.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
turjumaan
turjumaan¹: m.l la-mid: turjubaan¹.
turjumaan²: f.mg1 (-nay, -ntay) la-mid: turjubaan².
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
turjumaan
m. n. interpreter, translator
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
turjumaan
-ka: (n) interpreter (iintarpatar); translator (taraanis leeyter) ~ tarjubaan, afnaqe
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
turjumaan
-ka: (magac, lab, keli) qof afafka kala duwan isku fasiri kara oo isku beddeli kara oo u dhexeeya dadka aan is'afgaranayn. Dh: afceliye. turjubaan.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
turjumaan
de: interpreter, translator
initial: t
lx: turjumaan
pd: (-ka)
ps: n2-m
see: turjubaan
key: turjumaan
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qunjuraafid
m.f.dh eeg qunjuraaf².
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
furfurnaan
m.f.dh eeg furfuran². la-mid: furfurnaansho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
furfurnaan
-ta: (magac, dhedig, keli) kala daadsanaanta wax isku xidhxidhnaa.
furfurnaan-ta: (magac, dhedig, keli) faraxsanaanta qofka iyo bulshaawinimadiisa.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qayuurnaan
-ta: (magac, dhedig, keli) wax meel likaysan oo qutura ahaan.. Ninka maxaa qayuurnaanta baday muu meesha ka dhaqaago. Dh: taagnaan, quturnaan, tigtignaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qunfulnaan
m.dh la-mid: qafilnaan.
Magacyada Dhirta Ceel-Dheere iyo Buula-Burte (Soomaali-Laatiin) - D. Herloker, B. Kujar [1985]
QURDHUBAAN
Crotalaria dumosa 30, Indigofera ruspolii 10, I. spinosa 01
Qaamuuska Magacyada Dhirta Soomaaliyeed (Soomaali-Laatiin) - Axmed M. I. Barkhadle [1990]
QURDHUBAAN
(Gurduban) C Crotalaria dumosa Franch. Papilionaceae.
N Indigofera intricata Boiss. Papilionaceae.
C Indigofera spinosa Forsk. Papilionaceae.
C Indigofera ruspolii Bak. F. Papilionaceae.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Qurmuunaan
(Qurmuunaan-ta)
Wax qurmuun ka soo urayo ama qurun leh, ahaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qurmuunaan
m.f.dh eeg qurmuun². la-mid: qarmuunaansho; qarmuunaan, qurmoonaan, qurmoonaan
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
qurmuunaan
f. n., [abstract] stinkingness, stench
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
qurmuunaan
de: stinkingness, stench
lx: qurmuunaan
pd: (-ta)
ps: n0-f-abs
key: qurmuunaan
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
turjumnaan
m.dh la-mid: tarjumnaan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
turjumnaan
-ka: (magac, lab, keli) wax tarjuman ahaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qurqursanaan
m.f.dh eeg qurqursan. la-mid: qurqursanaansho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
afuran
f.mg4 (-rnaa,-rnayd) la-mid: affuran.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
afuran
f.mg4 (-rnaa, -rnayd) Aan soommanayn. m.f.dh, afurnaan. la-mid: afuran, afursan.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
afuran
der. [adjective] not fasting
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
afuran
(tilmaame) aan soomanayn.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
afuran
de: not fasting
lx: afuran
pd: (afurnaa)
ps: adj-der
key: afuran
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Buuran
1. Aan caato iyo weyd ahayn; shilis; cayillan; naaxay; xowsan.
2. Aan yarayn, aan dhuubnayn; aad u weyn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
buuran
f.mg4 (-rnaa, -rnayd) Wax cayilay ahaansho.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
buuran
f.mg4 (-rnaa, -rnayd) Wax cayilay ahaansho. m.f.dh, buurnaan.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
buuran
der. [adjective] fat, plump, corpulent, obese, 'heavy'
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
buuran
-buurnaa/buurnayd: (adj) fat (faat), corpulent (koor pi·lant) cayilan, naaxsan. -Syn: fleshy, portly, obese, stout, pudgy, rotund, plump, chubby
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
buuran
(tilmaame) wax buuran oo aan caato ahayn: mid aan weyd ahayn. Dh: shilis, naaxsan.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
buuran
de: fat, plump, corpulent, obese, 'heavy' Opp: dhuuban
lx: buuran
pd: (buurnaa Pl: buurbuuran)
ps: adj-der
syn: shilis
key: buuran
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
cuuran
cuuran¹: f.mg1 (-rmay, -rantay) Wax aad u buuxa noqosho (weel).
cuuran²: f.mg4 (-rnaa, -rnayd) Wax la cuuray ahaansho (weel).
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
cuuran
(tilmaame, keli) xoogan; dhumuc weyn leh.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Fujaan
(Fujaan-ka)
Weel yar oo dheg leh oo badanaa dhoobo laga sameeyo oo shaaha iyo bunka, kd., lagu cabbo; koob; (ama (fijaan).
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
fujaan
m.l (-nno/fanaajiin/faraajiin, m.dh) Weel yar oo dheg leh oo sida badan dhoob ka samaysan oo dareeraha lagu shubto. la-mid: fijaan.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
fujaan
m.l (-nno/fanaajiin/faraajiin, m.dh) Weel yar oo dheg leh oo sida badan dhoob ka samaysan oo dareeraha lagu shubto. la-mid: fijaan, finjaan.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
fujaan
m. n. cup, mug
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
fujaan
-ka: (n) teacup (tii-kaap); tea glass (galaas), cup (kaap) ~ fijaan
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
fujaan
-ka: (magac, lab, keli) weel yar oo dheg leh oo badanaa dhoobo laga sameeyo oo shaaha bunka iyo wixii la mid ah, lagu cabbo. Dh: koob finjaan, fijaan.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
fujaan
bw: Arabic
de: cup, mug
lx: fujaan
pd: (-ka Pl: fanaajiin (ta))
ps: n2-m, n8-m
see: fijaan
key: fujaan
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
funaan
-ka: (magac, lab, keli) meel xaaluf ah ama abaari heshay, daaq ka raadin.
funaan -ka: (magac, lab, keli) xaabka dhulka ku hadha xilliyada abaaraha.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Furaad
(Furaad-ka)
Idiin xarar iyo faraq lagu qurxiyey oo carruurta yaryar lagu xanbaaro; dhereb.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
furaad
m.dh (-dyo, m.dh) Idiin si gaar ah loo qurxiyey oo carruurta lagu xambaaro.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
furaad
m. n. sling for carrying a baby on the back
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
furaad
-ka: (magac, lab, keli) idiin xadhadh iyo faraqyo qurux badan lagu qurxiyey oo carruurta lagu xambaaro. Ma furaad baan kuu xidhaa, ma filkaa baan ku dhaafiyaa. Dh: dhereb.
furaad -da: (magac, dhedig, keli) furitaanka iyo dalaaqa reer meher ku xidhnaa.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
furaad
de: sling for carrying a baby on the back
lx: furaad
pd: (-ka)
ps: n2a-m
key: furaad
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
furayn
m.f.dh eeg furee.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
furayn
-ta: (magac, dhedig, keli) awdidda iyo gufaynta meel soo bannaanayd. Dh: furays. furays -ka: (magac, lab, keli) eeg furayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
fuuraa
m.l Dhicis xoolaad oo isagoo bakhti ah dhashay.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
huraan
der. [adjective] expendable, dispensable
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
huraan
cf: lamahuraan
de: expendable, dispensable
lx: huraan
ps: adj-der
key: huraan
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
jiraan
der. [adjective] containing, having
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
jiraan
(adj) including (in ku-luu-dhing); taking in as a part. Ex: Cali iyo Axmed ma ku jiraan? are Ali and Ahmed included?
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
jiraan
de: containing, having
lx: jiraan
ps: adj-der
key: jiraan
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Qujayn
(Qujayn-ta)
Wax ku mudmudid, si cid looga caraysiiyo; daandaansasho; qodqodid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qujayn
m.f.dh eeg qujee. la-mid: qujays.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qujayn
-ta: (magac, dhedig, keli) xasarad iyo aflagaaddo u geysasho. Dh: daandaansi.