qufe
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qufe
m.l (-fayaal, m.l/dh) Geedgaab leh laamo dhudhuuban iyo caleemo yaryar oo ka mid ah dhirta dawada.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qufe
-ha: (magac, lab, keli) geedgaab leh laamo dhudhuuban iyo caleemo yaryar oo ka mid ah dhirta dawada.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
biki
(fal) meel daloosha ama bannaan wax ku juf. Fudhadii jiirka waan bikay. Dh: qufee, gufay, awd.
Qaamuus Faransiis-Soomaali - Maxamed Cabdi Maxamed [1985]
que
que, pron. rel. - maxay? waa maxay kaas?
ce que - maxay? waa maxay?
que...ou que - in aad; haddii ay
que dites-vous? - maxaa tiri?
qu'est ce que c'est? - waa maxay?
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
quf
f.g1 (-fay, -ftay) Wax meel ka buuxaan in in uga soo saarid.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
quf
f.g1 (-fay, -ftay) Wax meel ka buuxaan in in uga soo saarid. m.f.dh, qufid.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
quf
v. empty out, unpack; excavate
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
quf
-ay / tay: (v) dig out (dhig aawt); excavate (ekeskavaayt) ~ faag
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
quf
(fal) wax uur ama meel ku dhex jira ka guro ka faaruqi. Dh: faq.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
quf
de: empty out, unpack; excavate
lx: quf
pd: (qufay)
ps: v1=tr
key: quf
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dufe
-ha: (magac, lab, keli) dhogorta idaha ama bulka maydhaxda.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qufo
f.g3 (-ftay, -fatay) Wax meel ay ka buuxeen koox koox uga soo saarasho.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
qufo
f.g3 (-ftay, -fatay) Wax meel ay ka buuxeen koox koox uga soo saarasho. m.f.dh, qufasho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
qufo
v. empty out for oneself; dig for oneself
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
qufo
de: empty out for oneself; dig for oneself
lx: qufo
nt: qufasho (/da) [vn-f]
pd: (quftay)
ps: v3b=tr
key: qufo
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
quse
m.l (-sayaal, m.l/dh) Caleen la shiidey oo maydka lagu dhaqo.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
quse
m.l (-sayaal, m.l/dh) Caleen la shiidey oo maydka lagu dhaqo.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
quse
-ha: (magac, lab, keli) caleen la shiiday oo maydka lagu dhaqo.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
tufe
-ha: (magac, lab, keli) cudur carruurta ku dhaca oo xummad, shuban iyo finan ka soo saara oo lagu daweeyo uggeedka luguunka. Dh: tufo.
tufe -ha: (tilmaame) qof leh duco la aqbalo.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
quufle
-ha: (magac, lab, keli) waaya hore, wakhti tegay. Quufle ayuu dhintay ninkaad i weydinys Dh: samaan, beri-hore.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
cufee
f.g2 (-feeyay, -feysay) la-mid: gufee.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
cufee
f.g2 (-feeyay, -feysay) la-mid: gufee.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
cufee
v. stuff, plug
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
cufee
-yey / cufaysay: (v) stop up; insert something as a plug; plug (palaag), staff ~ cub
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
cufee
(fal) eeg cufay.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
cufee
de: stuff, plug
lx: cufee
pd: (cufeeyey)
ps: v2b=
key: cufee
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dufee
f.g2 (-feeyay, -faysay) Cid dulli badid.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
dufee
f.g2 (-feeyay, -faysay) Cid dulli badid. m.dh, dufayn.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
dufee
v. spoil, degrade, ruin; humiliate
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dufee
(fal) duf ka dhig. Maydhaxda aad kebedda ku samaynayso dugfee.
dufee: (fal) xumee oo sidii hore si ka sii liidata ka dhig.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
dufee
de: spoil, degrade, ruin; humiliate
lx: dufee
pd: (dufeeyey)
ps: v2b=tr
key: dufee
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dufle
m.l Marka sabuulka galleyda ama meseggadu aysaan iniinyahoodu waaweynaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
gufee
f.g2 (-feeyay, -feysay) Meel guf gelin.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
gufee
f.g2 (-feeyay, -feysay) Meel guf gelin. m.f.dh, gufayn.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
gufee
v. plug (up)
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
gufee
-yey / gufeysay: (v) stop or seal with a plug or cork; cork (koork); clog (kaloog) ~ cub
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
gufee
(fal) meel daloosha ama bannaan wax geli. Dh: juf, awd, furee. Li: bannee.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
gufee
de: plug (up)
lx: gufee
pd: (gufeeyey)
ps: v2b=tr
key: gufee
Qaamuuska Magacyada Soomaalida: Soomaali-Ingiriis - Anwar Maxamed Diiriye [2006]
Hurfe
nickname-m darker and stronger
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
Hurfe
magac loo baxsho wiil madow oo xoog leh.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
jufee
f.g 2 (-feeyay, -feysay) 1. Meel daloosha wax ku gufayn. 2. Samayo waran jufo gelin. la-mid: jifee.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
jufee
v. insert a plug ~ cork with force
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
jufee
a: jifee
de: insert a plug ~ cork with force
lx: jufee
pd: (jufeeyey)
ps: v2b=tr
key: jufee
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
qarfe
m. n., [collective] cinnamon
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qarfe
-ha: (magac, lab, keli) dhul aan waddo iyo wadiigo la maro midna lahayn oo biyo iyo baad la'. Qarfe iyo marbuu seexan jiray qalangal hoosteede. Dh: qarfo, qarun.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
qarfe
a: qorfe
de: cinnamon
lx: qarfe
pd: (/ha)
ps: n7-m-col
key: qarfe
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qofee
f.g2 (-feeyay, -faysay) Qof ka dhigid.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
qofee
v. personify something
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
qofee
de: personify s.t.
lx: qofee
pd: (qofeeyey)
ps: v2b=tr
key: qofee
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Qorfe
(Qorfa-ha)
Qolof udgoon oo dhirta cunnada lagu dhireeyo kamid ah; qaranfuul.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qorfe
m.l Qolof udgoon oo dhirta shaaha lagu daro ka mid ah.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
qorfe
m.l Qolof udgoon oo dhirta shaaha lagu daro ka mid ah.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
qorfe
m. n., [collective] cinnamon
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
qorfe
-qorfaha: (n) cinnamon (sini-man)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qorfe
-ha: (magac, lab, keli) qolof udgoon oo dhirta shaaha lagu daro ka mid ah
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
qorfe
bw: qarfe
cf: qaranfuul
de: cinnamon
lx: qorfe
pd: (/ha)
ps: n7-m-col
key: qorfe
Qaamuuska Ereybixinta: Juqraafi (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Quake
Gariir
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
quake
/kweyk/ (v) gariirid (gil-gilasho sida gariirka dhulka).
Qaamuus Ingiriis-Soomaali - Baadari Larajaasi [1897]
quake
v.i., (shiver) gariir.
Qaamuus Talyaani-Soomaali - Cabdalla Cumar Mansuur, Axmed Cabdullaahi A. [1985]
quale
agg. e pron. kee, tee.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qubee
f.mg2 (-beeyay, -beysay) U q.: cid biyo ugu mayrid. la-mid: qabee.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
qubee
f.mg2 (-beeyay, -beysay) U q.: cid biyo ugu mayrid. m.f.dh, qubayn. la-mid: qabee.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Quble
(Qubla-ha)
1. Roob aan kicinna dhabna u di'in.
2. Neef tuman oo aan wax rimin; malloolli.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
quble
m.l (-layaal, m.l/dh) 1. la-mid: qoble. Roob muddo dheer da'a oo aan biyo badan lahayn. 2. Neef lab oo la dhufaanay; mallooli. 3. Neef aad u caato ah.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
quble
m. n. soft, steady rain
quble m. n. castrated ~ impotent animal
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
quble
-ha: (magac, lab, keli) lab xiniinyaha laga qu tumo ama laga saaro oo aan goodh ahayn. Dibi que quble ah ayaa beerta lagu godaa. Dh: mallooli, bohon. Li: qoodh.
quble-ha: (magac, lab, keli) roob aan si buuxda u di'in. Roobku waa quble oo weli aad uma curan.
Magacyada Dhirta Ceel-Dheere iyo Buula-Burte (Soomaali-Laatiin) - D. Herloker, B. Kujar [1985]
QUDAE
Acacia tortilis 50
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Qudde
(Qudda-ha)
Fandhaal weyn; qarsin; dhure.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qudde
m.l (-dayaal, m.l/dh) 1. Qori dabo dheer oo la qabsado leh oo biyaha la darsado. 2. la-mid: qunde (2). Fandhaal weyn oo qori ka samaysan; qarsin; dhure.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
qudde
m.l (-dayaal, m.l/dh) 1. Qori dabo dheer oo la qabsado leh oo biyaha la darsado. 2. la-mid: qunde Fandhaal weyn oo qori ka samaysan; qarsin; dhure.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
qudde
m. n. ladle
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
qudde
-quddaha: (n) large wooden spoon for serving food
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qudde
-ha: (magac, lab, keli) fandhaal weyn oo waxa la karinayo lagu laaqo. Dh: qunde.
qudde -ha: (magac, lab, keli) qori dabo dheer oo la qabsado leh oo biyaha la darsado.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
qudde
de: ladle
lx: qudde
pd: (/ha)
ps: n7-m
syn: dhure, kaal, qaaddo, qarsin
key: qudde
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
queen
/kwiin/ (n) 1. boqorad 2. naagta boqorka 3. raani (raani turub).
Qaamuus Ingiriis-Soomaali - Baadari Larajaasi [1897]
queen
n., malikad, -di, raaniyad, -di; queen at cards, raani, -di.
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
queer
/kwir/ (adj) 1. cajiib (yaab leh) 2. fiyoobi darro (yara xanuunsan) 3. khaniis.
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
queue
/kyuu/ (bre) line up (ame)(n) saf (saf gelid, sida kiyuuga loo galo cuntada iwm).
Qaamuus Faransiis-Soomaali - Maxamed Cabdi Maxamed [1985]
queue
queue, n.f. - kuyuu; dad isku daba xidhiidhsan
file - saf.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Qufac
(Qufac-a)
Neefta oo si kedis ah, oo xoog iyo shanqar leh, sanbabbada uga soo baxda, oo hunguriga cad u soo marta, muruqyada hunguriga, oo xanuun qabtay iskula roora, ama dhuumaha neefta iyo sanbabbada oo xaako xirtay laga soo saarayo, darteed.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qufac
qufac¹: m.l 1. Neef xoog iyo shanqar leh oo ka dhalata cuncun ku dhaca hawo mareenka ama hunguriga cad kana soo baxda afka. 2. Cudurka qaaxada oo ku dhaca sanbabka.
qufac²: f.mg1 (-cay, -cday; -fici) 1. Cid qufac ka imaansho. 2. Nafley qaaxo qaadid.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
qufac
qufac¹: m.l 1. Neef xoog iyo shanqar leh oo ka dhalata cuncun ku dhaca hawo mareenka ama hunguriga cad kana soo baxda afka. 2. Cudurka qaaxada oo ku dhaca sanbabka.
qufac²: f.mg1 (-cay, -cday; -fici) 1. Cid qufac ka imaansho. 2. Nafley qaaxo qaadid. m.f.dh, quficid.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
qufac
m. n. cough; tuberculosis
qufac v. cough; have a cough; have tuberculosis
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
qufac
-a: (n) cough (koof); the act of coughing
qufac -ay / -day: (v) cough (koof)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qufac
(fal) qufac ama riiraxanyo samee. Bal qufac laabtu miyay ku shanqadhaysaa?.
qufac-a: (magac, lab, keli) cod ay neefi la socoto oo si aan la maamuli karin sanbabbada uga soo baxa oo ku yimaad waxyeello ka jirta habdhiska neef mareenka. Qufac iyo uur midna ma qarsoomo. Dh: riiraxanyo.
Qaamuus Soomaali-Carabi oo Kooban - Cabdirisaaq Maxamed Cilmi Ina-Warfaa [2007]
qufac
سُعَلة ، سُعَال
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Qufad
(Qufad-da)
Weel aabbur leh oo cawda laga sameeyo oo alaabada yaryar lagu gurto; gunnad.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qufad
m.dh (-do, m.l) Weel aabbur leh oo cawda laga sameeyo oo alaabada yaryar lagu gurto; gunnad.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
qufad
f. n. basket with lid
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qufad
-da: (magac, dhedig, keli) weel dabool lagu aabudho leh oo cawda laga sameeyo oo alaabada yaryayr lagu gurto. Dh: gunnad.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
qufad
bw: Arabic
de: basket with lid (used for storing laundry ~ small articles)
lx: qufad
pd: (-da)
ps: n1-f
key: qufad
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Qufan
Wixii uurka ugu jirey laga soo saaray; la qufay.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qufan
f.mg4 (-fnaa, -fnayd) Wax meel ay ku guda jireen laga soo qufay ahaansho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
qufan
der. [adjective] emptied, dug out
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qufan
(tilmaame) wax meel laga soo faqay oo la soo saaray ah.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
qufan
de: emptied, dug out
lx: qufan
pd: (qufnaa)
ps: adj-der
key: qufan
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Qufid
(Qufid-da)
Wax gudo ama uur ku jira, soo saarid, dibadda ku soo tuurtuurid; qodid; fagid; faagid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qufid
m.f.dh eeg quf.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qufid
-da: (magac, dhedig, keli) wax meel ku jira ka soo saarid. Dh: qufis, faqid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qufis
-ta: (magac, dhedig, keli) eeg qufid.