qudhgoyn
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qudhgoyn
-ta: (magac, dhedig, keli) naf ka saarid; qudha ka jarid. Dh: dil.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
makalid
-da: (magac, dhedig, keli) wax nool nafta ka goyn. Naf Ilaahay uumay makaliddeedu waa dambi weyn. Dh: dilid, qudhgoyn, makelid, makalis, kambalid. Li: noolayn.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qudhgooyo
-da: (magac, dhedig, keli) dil ama gawrac naf bixin ah; nafta ka saarid; qudha ka jarid. Haddii ay qudhgooyiyo, joogto qoorta soo dhigo, wallee gabay ma qurux tiro.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qudhgoo
(fal) dil oo qudha ka jar.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qurgoyn
m.f.dh eeg qurgoo.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qurgoyn
-ta: (magac, dhedig, keli) cid kale, dil oo qudha ka goo.
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
qudh-gooyo
-qudh-gooyada: (n) murder (moo-dhar); the act of killing
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qudhun
(fal) wax qudmay oo xumaaday noqo. Dh: qurun.
qudhun -ka: (magac, lab, keli) is beddel xumaansho ah oo shey ku dhaca oo dhadhankiisa iyo urtiisuba silloonaadaan. Dh: qurun.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qurgoy
(fal) eeg qudhgoo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Udgoon
(Udgoon-ka)
1. Ur la jeclaysto ka ura hayo; carfoon.
2. Waxyaalaha la shito ama lays marsho oo ur la jeclaysto ka uro; udug; caraf.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
udgoon
udgoon¹: m.l 1. Ur la jeclaysto oo carfoon. 2. Waxyaabo la shito ama lays marsho oo carfoon; udug.
udgoon²: f.mg4 (-naa, -nayd) Wax ur la jecleysto leh ahaansho.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
udgoon
udgoon¹: m.l 1. Ur la jeclaysto oo carfoon. 2. Waxyaabo la shito ama lays marsho oo carfoon; udug.
udgoon²: f.mg4 (-naa, -nayd) Wax ur la jecleysto leh ahaansho. m.f.dh, udgoonaan.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
udgoon
m. n. perfume, fragrance, aroma, scent
udgoon [derived] [adjective] fragrant, aromatic, perfumed
Qaamuus-Yare Soomaali-Faransiis - Kiristoofe Filibeerti [1976]
Udgoon
parfumé.
Qaamuuska Magacyada Soomaalida: Soomaali-Ingiriis - Anwar Maxamed Diiriye [2006]
Udgoon
name-f fragrant; aromatic; scent. Cf. Carfoon
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
udgoon
-ka: (n) aroma (a-rooma); sweet smell; fragrance (fareey-garansi)- caraf, udug. Ex: udgoonka ubaxa; the aroma of roses
udgoon: -aa I ayd: (adj) aromatic (a-roo-maatik); fragrant (fareey-garant), redolent (reda-lanti) ~ carfoon
Hal-Ururka Erayada Maamulka Xafiisyada, Xisaabaadka Ganacsiga iyo Dhaqaalaha (Soomaali-Talyaani-Ingiriis) - Warshadaha Saabuunta Bayl, Qubeyska iyo Mariska [1979]
Udgoon
Fragranza
Fragrance
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
Udgoon
magac loo baxsho gabadh jacaylka loohayo aawadii, udgoon iyo carfi lagu metaalay.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
udgoon
-ka: (magac, lab, keli) neecaw laddifan oo marka uriyo, naftu aad u jeclaysato kuna raaxaysato. Waxa inta badan lagala kulmaa ubaxyada iyo cadarka laga tuujiyo
udgoon: (tilmaame) wax udug leh; wax carfi wacani ka soo baxayo. Cadar aad u udgoon baa haddiyad loogu keenay. Li: qadhmuun.
Qaamuus Soomaali-Carabi oo Kooban - Cabdirisaaq Maxamed Cilmi Ina-Warfaa [2007]
udgoon
عطر، طيب
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
budhayn
-ta: (magac, dhedig, keli) ul gaaban oo madax buuran leh la dhicid, ku garaacid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
cadgoyn
m.f.dh eeg cadgoo.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
cadgoyn
-ta: (magac, dhedig, keli) jug ama nabar gaarsiin; hilibgoyn.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
kurgoyn
-ta: (magac, dhedig, keli) qof ama wax kale surka ka goyn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Luggoyn
(Luggoyn-ta)
Luggooyo badid; dhibid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
luggoyn
m.f.dh eeg luggoo. la-mid: luggooyo.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
luggoyn
-ta: (magac, dhedig, keli) luggooyo cid ku samayn oo dhibaatayn. Dh: hantaaqid, dhibid, badid, luggoys.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qadhoon
-ta: (magac, dhedig, keli) geed ka mid ah geed quwaaxa. Geed qadhoon ah ayaan hadhgalay Dh: qaroon.
qadhoon -ta: (magac, dhedig, keli) abuur gaar ah oo geela qaarkii leeyahay oo sangaroorku hoos u soo godmo. Hal qadhoon leh ayaa geela la daaqaysa. Dh: kamas.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qasgoyn
m.f.dh eeg qasgoo.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qasgoyn
-ta: (magac, dhedig, keli) eeg qasgo'.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
quddeyn
m.f.dh eeg quddee.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qudhmin
-ta: (magac, dhedig, keli) wax qudhmay oo uraya ka dhigid. Dh: qudhmis, qurmin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qurgoys
-ta: (magac, dhedig, keli) eeg qudhgoyn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Qushayn
(Qushayn-ta)
Qush gelin; xumaato ku abuurid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qushayn
m.f.dh eeg qushee.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
surgoyn
m.f.dh eeg surgoo.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
udugoon
(tilmaame) wax caraf udgoon iyo neecaw ladifan leh.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qalagoyn
-ta: (magac, dhedig, keli) wadaal ka bixid oo dadka iyo waaqica la qabsasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qudhmuun
-ka: (magac, lab, keli) eeg qadhmuun.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
ruuxgoyn
m.f.dh eeg ruuxgoo.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
ruuxgoyn
-ta: (magac, dhedig, keli) dilid oo noole nafta ka goyn; kaw ka siin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
candhagoyn
-ta: (magac, dhedig, keli) barwaaqo, lisid la'aan, ama dhibaato kale darteed, candho ku goyn.
Qaamuuska Ereybixinta: Juqraafi (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Dhul goyn
Denudation
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhuungoyn
m.f.dh eeg dhuungoo.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dhuungoyn
-ta: (magac, dhedig, keli) neef, gawricid oo dhuubta ka jarid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
fadalgoyn
-ta: (magac, dhedig, keli) orod xoog ah dartii, boodh iyo siigo isku qarin; meesha lagu joogsaday siigo ka kicin. Dh: fadlin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
geedagoyn
-ta: (magac, dhedig, keli) xirfadda ku saabsan geedaha iyo waxtarkooda oo dadka lagu daweeyo ama wax lagu yeelo.
geedagoyn -ta: (magac, dhedig, keli) geedo wax ku daaweyn; geedaha dadka lagu daaweeyo soo goyn.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
gondagoyn
-ta: (magac, dhedig, keli) boqnagoyn oo lugajarid. Dh: gonadgoyn, gomodgoyn.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qadhoomin
-ta: (magac, dhedig, keli) xoolo qadhoon u gurid. U qadhoominta xoolahu waxay muujisaa lexejeclo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Qalaggoyn
(Qalaggoyn-ta)
Qaladu ka bi'id.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qalaggoyn
m.f.dh eeg qalaggoo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qoorgooyn
m.f.dh eeg qoorgoo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Qoqobgoyn
(Qoqobgoyn-ta)
Farsamo lagu sameeyo ilmasidaha wareegsan ama afkiisu qalloocan yahay.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qoqobgoyn
m.f.dh eeg qoqobgoo.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
qoqobgoyn
vl. n. surgery on the womb
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qoqobgoyn
-ta: (magac, dhedig, keli) farsamo lagu hagaajiyo ilmagaleenka wareegsan ama afkiisu qalloocan yahay.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
qoqobgoyn
de: surgery on the womb
lx: qoqobgoyn
pd: (-ta)
ps: vn-f
key: qoqobgoyn
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qudbadayn
-ta: (magac, dhedig, keli) khudbad jeedin. Dh: khudbadayn.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
qudhaanyo
f. n., [collective] ants
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
qudhaanyo
-qudhaanyada: (n) ants (aantis) ~ quraanyo, quraanjo
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
qudhaanyo
de: ants
lx: qudhaanyo
pd: (/da)
ps: n0-f-col
see: quraanyo {N}
key: qudhaanyo
Qaamuus-Yare Soomaali-Faransiis - Kiristoofe Filibeerti [1976]
Qudhmayya
puer.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qudhmuuni
-da: (magac, dhedig, keli) eeg qadhmuunaan.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
qudhunsan
der. [adjective] putrid, rotten, spoiled
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
qudhunsan
de: putrid, rotten, spoiled
lx: qudhunsan
pd: (qudhunsanaa)
ps: adj-der
see: qurunsan {N}
key: qudhunsan
Magacyada Dhirta Ceel-Dheere iyo Buula-Burte (Soomaali-Laatiin) - D. Herloker, B. Kujar [1985]
QURDHOBAN
Crotalaria dumosa 10
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
quudhniin
-ka: (magac, lab, keli) quudhitaanka laftiisa.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Unuungoyn
(Unuungoyn-ta)
Madaxa ka goyn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
unuungoyn
m.f.dh eeg unuungoo.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
unuungoyn
-ta: (magac, dhedig, keli) noole madaxa kagoyn; nafta goyn. Dh: unuungooyo, dilid.