ereyga

qudh-gooyo

Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]

qudh-gooyo

DHAN

-qudh-gooyada: (n) murder (moo-dhar); the act of killing

waa la naqliyay ✓

SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]

qudhgooyo

DHAFAN

-da: (magac, dhedig, keli) dil ama gawrac naf bixin ah; nafta ka saarid; qudha ka jarid. Haddii ay qudhgooyiyo, joogto qoorta soo dhigo, wallee gabay ma qurux tiro.

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]

murder

DHAABAN
1

/mardhar/ (n) 1. qof dilid (qudha ka jarid) 2. daal iyo dhibaato leh.

2

murder: /mardhar/ (v) dil (qudh gooyo).

waa la naqliyay ✓

SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]

mulac

DHAABAN

-a: (magac, lab, keli) bahal yar oo afar addin oo gaagaaban iyo dabo dheer leh oo siilaanyada u eg kase dheer kana qurux badan oo diilin madaw labada dhinac ku leh oon dadka dhibin. Mulac waa u qudh gooyo carruuna waa u ciyaar. Dh: malaw, bulac.

waa la naqliyay ✓

SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]

qudhgoo

DHAFANDHAAF

(fal) dil oo qudha ka jar.

waa la naqliyay ✓

SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]

qudhgoyn

DHAFANDHAAF

-ta: (magac, dhedig, keli) naf ka saarid; qudha ka jarid. Dh: dil.

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]

qurgooyo

DHAFANDHAAF

m.dh Naf ka goynta cid nafta laga gooyo.

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]

qurgooyo

DHAFANDHAAF

-qurgooyada: (n) beheading; decapitating

waa la naqliyay ✓

SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]

badhigooyo

DHAFANDHAAF
1

-da: (magac, dhedig, keli) buullada lagu xannaaneeyo qof nabar iyo dhaawac loo geystay. Inta wan ama laxda la qalo ayaa badhida oo la shiilay la kebbiyaa ruuxa dhaawacan. Taasi na waxay fure iyo caddayn u noqotaa in ciddii nabarka lahayd ay xilkeegii qaadatay. Badhigooyo buullo ka badh maaha.

2

badhigooyo -da: (magac, dhedig, keli) wanka u horreeya ee loo qalo qofka dhaawaca loo geystay.

waa la naqliyay ✓

SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]

bahgooyo

DHAFANDHAAF

-da: (magac, dhedig, keli) tol ka bixid uu qof sameeyo oo intii u dhawayd oo dhan uu ka fogaado. Miyiga bahgooyo laguma arko.

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Magacyada Dhirta Soomaaliyeed (Soomaali-Laatiin) - Axmed M. I. Barkhadle [1990]

DHEGOOLO

DHAFANDHAAF
1

(Degolo) S Solanum terminale Forsk. Solanaceae.

2

May Sansevieria forskaliana (Schult.) Hepper & Wood. Agavaceae.

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]

Fadgooyo

DHAFANDHAAF
1

(Fadgooya-da)

2

(qaanuun) hab, wax ama neef aan hor qiime u lahayn, qiime loogu yeelo, iyadoo laga qiyaas qaadanayo, wax u eg ama neef u eg oo hor qiimihiisa loo yiqiin; qiyaas.

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]

fadgooyo

DHAFANDHAAF

m.dh 1. Qiimagoo lagaga deyanayo gataha u horeeya waxa uu bixiyo. 2. Hanti yar oo xoolo gooyo ahaan qof loo siyo. 3. Waxtar horaadka laga helo shay kharaj ku baxay. 4. Cadad waaweyn oo wax loo googooyo. la-mid: fadgoo.

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]

fadgooyo

DHAFANDHAAF

f. n. estimate, appraisal

waa la naqliyay ✓

SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]

fadgooyo

DHAFANDHAAF

-da: (magac, dhedig, keli) hab waxa aan qiimo lahayn qiimo loogu yeelo, iyada oo laga qiyaas qaadanayo wax u eg ama u dhigma oo qiimihiisii hore la iskula gooyay.

waa la naqliyay ✓

Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]

fadgooyo

DHAFANDHAAF
1

de: estimate, appraisal

2

lx: fadgooyo

3

pd: (/da)

4

ps: n6-f

5

key: fadgooyo

waa la naqliyay ✓

SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]

jidgooyo

DHAFANDHAAF

-da: (magac, dhedig, keli) budhcaddu meesha ay ku dhuuuntaan oo ay dadka u istaagaan.

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]

Luggooyo

DHAFANDHAAF
1

(Luggooya-da)

2

Wax qof waqti ka lumiya ama faa'ido seejiya ama mihiya ama si kale dhibaato u gaarsiiya.

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]

luggooyo

DHAFANDHAAF

m.dh Hagardaamo iyo dibindaabyo cid loo geysto. la-mid: luggoyn.

waa la naqliyay ✓

Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]

luggooyo

DHAFANDHAAF

m.dh Hagardaamo iyo dibindaabyo cid loo geysto. la-mid: luggoyn.

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]

luggooyo

DHAFANDHAAF

f. n. fruitless effort, waste of time

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]

luggooyo

DHAFANDHAAF

-luggooyada: (n) vain (veeyri); without success; wild-goose chase ; futile effort

waa la naqliyay ✓

Hal-Ururka Erayada Maamulka Xafiisyada, Xisaabaadka Ganacsiga iyo Dhaqaalaha (Soomaali-Talyaani-Ingiriis) - Warshadaha Saabuunta Bayl, Qubeyska iyo Mariska [1979]

Luggooyo

DHAFANDHAAF
1

Perditempo

2

Waste of time

waa la naqliyay ✓

SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]

luggooyo

DHAFANDHAAF

-da: (magac, dhedig, keli) hantaaqid iyo wakhtilumin cid wax sugaysay loo geysto. Dh: hagardaamo

waa la naqliyay ✓

Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]

luggooyo

DHAFANDHAAF
1

de: fruitless effort, waste of time

2

lx: luggooyo

3

pd: (/da)

4

ps: n6-f

5

key: luggooyo

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]

surgooyo

DHAFANDHAAF

m.dh Nabar cid surka si xoog leh looga dhufto.

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]

qudhaanyo

DHAFANDHAAF

f. n., [collective] ants

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]

qudhaanyo

DHAFANDHAAF

-qudhaanyada: (n) ants (aantis) ~ quraanyo, quraanjo

waa la naqliyay ✓

Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]

qudhaanyo

DHAFANDHAAF
1

de: ants

2

lx: qudhaanyo

3

pd: (/da)

4

ps: n0-f-col

5

see: quraanyo {N}

6

key: qudhaanyo

waa la naqliyay ✓

Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]

qayb-goobo

DHAFANDHAAF

m.dh (-bo ..., m.l) (xisaab) Qayb ka mid ah goobada ee ka sammaysanta laba gacmood dhexdood iyo meeriska. Bedka q. g. waa 1/2 r +, taas oo r ay tahay acanka, +-na tahay xagasha.

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]

Geedaggooyo

DHAFANDHAAF
1

(Geedaggooya-da)

2

Aqoon gaar ah oo ku saabsan geedaha iyo waxtarkooda iyo sida wax loogu daweeyo ama dadka wax loogu yeelo ama wax loogu falfalo.

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]

geedaggooyo

DHAFANDHAAF

m.dh Aqoonta loo leeyahay sida geedaha wax loogu sixro ama loogu daweeyo.

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]

geedaggooyo

DHAFANDHAAF

f. n., [abstract] knowledge of herbs (for medicinal ~ magical purposes)

waa la naqliyay ✓

Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]

geedaggooyo

DHAFANDHAAF
1

de: knowledge of herbs (for medicinal ~ magical purposes)

2

lx: geedaggooyo

3

pd: (/da)

4

ps: n0-f-abs

5

key: geedaggooyo

waa la naqliyay ✓

SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]

jidhdagooye

DHAFANDHAAF

-ha: (magac, lab, keli) qofka aan xidhiidhin ehelkiisa. Dh: rixingooye.

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]

qooraggooyo

DHAFANDHAAF

m.dh 1. Senge (faras). 2. la-mid: qooraggoy. Dagaal cadaawad dheeraad ah leh.

waa la naqliyay ✓