qudh-a
Qaamuus-Yare Soomaali-Faransiis - Kiristoofe Filibeerti [1976]
Qudh-a
personne.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qudha
(magac, dhedig, keli) nafta noolaha ku jirta. Roobka qawqawloow qadhqadhay, qaawanaantayduu arkaday, ee qudhayda halkeen dhigaa. Dh: ruux, naf.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
halaambayn
-ta: (magac, dhedig, keli) walaandeynta wax qof qudh ah lagu qaadi karin. Dh: handaafin, walaandeys.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hambad
-ka: (magac, lab, keli) calaacasha godan wax ku jira, sida sonkor, qadhiidh iyo wixii la mid ah, kol qudh ah afka ku ridasho. Dh: hanbad.
hambad -ka: (magac, lab, keli) wax kabbasho oo liqid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
laacid
-da: (magac, dhedig, keli) bidhaan indhaha u quruxsan oo soo jiidata sida dhir ama doog. Kaymaha badhaaluhu aad bay u laacid qurux badan yihiin. Dh: laactan, laacdan.
laacid-da: (magac, dhedig, keli) wax ku ag yaal ama kaa durugsan gacanta ku fidin si loo soo qaado.
laacid-da: (magac, dhedig, keli) wax kaa sarreeya ama samada soo heehaaba, gacanta ama afka la tiigsad. Laanta laacid ku gaadhi mayside u kac. Dh: tiigsi
laacid -da: (magac, dhedig, keli) caano, mar qudh ah dhammaysasho. Dh: laasasho, laacis.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
laacis
-ta: (magac, dhedig, keli) bidhaan indhaha u quruxsan oo soo jiidata sida dhir ama doog. Dh: laactan, laacdan.
laacis-ta: (magac, dhedig, keli) wax ku ag yaal ama kaa durugsan gacanta ku fidin si loo soo qaado.
laacis-ta: (magac, dhedig, keli) wax kaa sarreeya ama samada soo heehaaba, gacanta ama afka la tiigsad. Dh: tiigsi
laacis-ta: (magac, dhedig, keli) caano, mar qudh ah dhammaysasho. Dh: laasasho, laacid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
laacniin
-ka: (magac, lab, keli) bidhaan indhaha u quruxsan oo soo jiidata sida dhir ama doog. Dh: laactan, laacdan.
laacniin-ka: (magac, lab, keli) wax ku ag yaal ama kaa durugsan gacanta ku fidin si loo soo qaado.
laacniin -ka: (magac, lab, keli) wax kaa sarreeya ama samada soo heehaaba, gacanta ama afka la tiigsad. Dh: tiigsi
laacniin -ka: (magac, lab, keli) caano, mar qudh ah dhammaysasho. Dh: laasasho, laacis.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
midoobid
-da: (magac, dhedig, keli) mid qudh ah oo kelidii ah noqosho. Dh: keliyoobid, gooniyoobid.
midoobid -da: (magac, dhedig, keli) isku tegid ay laba dhinac iyo in ka badani isku tegaan oo ay mid u noqdoon dhib iyo dheefba. Islaamku midoobid ayuu inna amray: Dh: midoobis, midnimo.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
mildho
(fal) daymoo oo isha la hel mar qudh ah. Baldaaqadda ka mildho wiilkii yaraa. Dh: milicso.
mildho -da: (magac, dhedig, keli) aragti kedis ah oon laga bogan. Mildho keliya markhaati laguma galo. Dh: milicsi.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xabadqaad
-ka: (magac, lab, keli) qori hal rasaas ah qaada. Dh: halqaad.
xabadqaad -ka: (magac, lab, keli) wax kasta oo hal shay ama xabbad qudh ah wax ka badan aan qaadin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xabbadqaad
-ka: (magac, lab, keli) qori hal rasaas ah qaada. Halluhu wuxu ahaa bunduq xabadgaad u dhaca. Dh: halqaad.
xabbadqaad -ka: (magac, lab, keli) wax kasta o hal shay ama xabbad qudh ah wax ka badan aan qaadin.
Qaamuus Faransiis-Soomaali - Maxamed Cabdi Maxamed [1985]
hiatus
hiatus, n.m. - dalool; marka laba shibbane isku xigaan eray qudh ah ama laba eray dhexdood.
Qaamuus Faransiis-Soomaali - Maxamed Cabdi Maxamed [1985]
pluralisme
pluralisme, n.m. - falsafad ama mabda' qaba in axsaab iyo ururro kala gooni ah ay meel ka wada jiri karaan; ka hor jeeda xisbi qudh ah.
Qaamuus Faransiis-Soomaali - Maxamed Cabdi Maxamed [1985]
tautologie
tautologie, n.f. - ku celcelinta fikrad qudh ah iyada oo la isticmalayo erayo kala duwan oo isku macno ah
Qaamuus Faransiis-Soomaali - Maxamed Cabdi Maxamed [1985]
technocrate
technocrate, n.m. - maamule heer sare ah oo dabaga aqoontiisa oo qudh ah; taknoqarad
Qaamuus Ingiriis-Soomaali - Baadari Larajaasi [1897]
single
a., (sole) gooni ah, keli ah, qudh, qudh ah.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
qudhbax
v., [compound] die
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
qudhbax
-ay / day: (v) pass away (paas a-weey); die (dhaay)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qudhbax
-a: (magac, lab, keli) dhimasho ay naftu baxdo. Dh: geeri, nafbax.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
qudhbax
de: die
lx: qudhbax
pd: (qudhbaxay)
ps: v1=cmp
see: qurbax {N}
key: qudhbax
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
qudh
f. n. self
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
qudh
-a: (n) 1. life (laayf) 2. self (salaf) ~ laf; —qudhiisa; himself; —qudhayda; myself, —qudhaada; yourself, —qudheeda; herself
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qudh
(tilmaame) keli ah oo aan la wehelin. Anoo qudh ah ayaa jooga. Dh: keli, qur.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
qudh
de: self
lx: qudh
pd: (-dha)
ps: n0-f
xe: I love it myself.
xv: qur {N}
key: qudh
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
qudhac
m. n., [collective] acacia tree
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
qudhac
-a: (n) thorny tree; plant name ~ qurac
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qudhac
-a: (magac, lab, keli) geed qodaxeed aad u weynaada oo jirrid adag oo malmalleeyo lehna yeesha oo dheemaalka laga cuno lana hadhsado. Dh: qurac.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
qudhac
a: qurac {N}
de: acacia tree
lx: qudhac
pd: (-a)
ps: n2a-m-col
key: qudhac
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
qudhmi
v. cause to rot ~ go bad
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
qudhmi
-yey / say: (v) cause to decay and smell bad ~ qurmi
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qudhmi
(fal) wax qudhmay ka dhig. Dh: qurmi.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
qudhmi
de: cause to rot ~ go bad
lx: qudhmi
pd: (qudhmiyey)
ps: v2a=tr
see: qurmi
key: qudhmi
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qudhun
(fal) wax qudmay oo xumaaday noqo. Dh: qurun.
qudhun -ka: (magac, lab, keli) is beddel xumaansho ah oo shey ku dhaca oo dhadhankiisa iyo urtiisuba silloonaadaan. Dh: qurun.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
quudha
-da: (magac, dhedig, keli) qof si wanaagsan wax u bixiya oo hura wax uu jecel yahay. Quudha xoolaheega lama qaato. Dh: hura.
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
qudhaada
(pronoun) 1. yourself (yoor-salaf) ~ laftaada. 2. your life
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qudhiiba
erey macnihiisu yahay isla markiiba. Dh: judhiiba, saacadiiba.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
quudhsad
-ka: (magac, lab, keli) yaraysad, Dh: yasid, quudhsad, quursad.. Li: qaddarin.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
budhcad
m. n., (mass n.): butter
budhcad m. n. bandit, thief
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
budhcad
-da: (n) gangster (gangister); bandit (baan dit) ~ burcad, qawleysato
budhcad: -ka: (n) butter (bater); ghee (gii) ~ burcad
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
budhcad
-da: (magacwadareed) koox dad ah oo hubaysan, xoolo ayna lahayn xoog ku dhaca, dadkana afduuba ama dila. Budhcad baan na baadhatay oo kabihiina naga furatay. Dh: burcad.
Qaamuus-Yare Soomaali-Faransiis - Kiristoofe Filibeerti [1976]
Gadh-ka
menton, barbe.
Qaamuus-Yare Soomaali-Faransiis - Kiristoofe Filibeerti [1976]
Guda-ha
intérieur.
Qaamuus-Yare Soomaali-Faransiis - Kiristoofe Filibeerti [1976]
Hadh-ka
midi, ombre.
Qaamuus-Yare Soomaali-Faransiis - Kiristoofe Filibeerti [1976]
Jidh-ka
corps (humain).
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
mudhbax
(fal) si fiican u dhammee oo uga farabax Shagadaada ka mudhbax. Dh: mudbax, gudo.
mudhbax: (fal) ka dheeraw oo ka dhex bax wax ad ku dhexjirto ama ku le'eg. Dh: dheeraw.
mudhbax -a: (magac, lab, keli) kala saaridda hawluhu sida ay u kala muhiimsan yihiin loo kala saaro. Dh: kala shaandhayn.
mudhbax -a: (magac, lab, keli) xarriiq inta uu wax wareegsan ama kankoonsan dhexmaro labadiisa docood isu haya oo isu tusmeeya. Dh: murbax, mudbax.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
mudhcas
-ka: (magac, lab, keli) geed cufan oo bixiya midho cascas oo macmcaan oo la cuno.
mudhcas-ta: (magac, dhedig, keli) qadhaab xilli roobaadka geedaha ka soo baxa.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
mudhxan
(tilmaame) dub iyo diirba hoolan, Ged mudhxan ayuu midho u doontay, Dh: muruxsan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qadhaab
-ka: (magacwadareed) midho aan la beeran oo iskood buuraha uga baxa oo la cuno Dadkii hore qadhaab ayay ku noolaayeen. Dh: qaraab, qajaab.
Qaamuus-Yare Soomaali-Faransiis - Kiristoofe Filibeerti [1976]
Qado-ha
déjeuner (nom).
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qudhgoo
(fal) dil oo qudha ka jar.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qudhmid
-da: (magac, dhedig, keli) wax qudhmay oo xumaaday noqosho. Dh: qurmid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qudhmin
-ta: (magac, dhedig, keli) wax qudhmay oo uraya ka dhigid. Dh: qudhmis, qurmin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qudhmis
-ta: (magac, dhedig, keli) eeg qudhmin.
Qaamuuska Magacyada Soomaalida: Soomaali-Ingiriis - Anwar Maxamed Diiriye [2006]
Qudsiya
name-f glorious; sacred
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qudurad
m.dh (-do, m.l) Haweeney aad bakhayl u ah.
Qaamuus-Yare Soomaali-Faransiis - Kiristoofe Filibeerti [1976]
Qufac-a
toux.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Qundhac
(Qundhac-da)
Qorrax.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qundhac
m.dh Qorrax.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
qundhac
m.dh Qorrax.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
qundhac
f. n. sun; heat of the sun
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qundhac
magac ka mid ah magacda qorraxda.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
qundhac
cf: qorrax
de: sun; heat of the sun
lx: qundhac
pd: (-da)
ps: n0-f
key: qundhac
Qaamuus-Yare Soomaali-Faransiis - Kiristoofe Filibeerti [1976]
Quud-ka
nourriture.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
quudhid
-da: (magac, dhedig, keli) ku deegid. Dh: quudhis, hurid. Li: bakhaylid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
quudhis
-ta: (magac, dhedig, keli) eeg quudhid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
quudhsi
-ga: (magac, lab, keli) isla weyni darteed dadka yaraysasho oo xaqirid. Dh: yaraysi, xaqirid, yasid.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
quudhso
v. belittle, look down on
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
quudhso
-quudhsaday I quudhsatay: (v) underestimate (an-der-esta-meeyt); disregard (dhis-rigaardh); ignore (zg-zzoor); have no respect for ~ quurso, yas, yaraysasho
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
quudhso
(fal) iska weynee oo yas. Ninkaad quudhso is leedahay billaa kaa quimo badnaa. Dh: yarayso, yas, quurso.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
quudhso
a: quurso {N}
de: belittle, look down on
lx: quudhso
pd: (quudhsaday)
ps: v3a=tr
key: quudhso
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
tudhaal
-sha: (magac, dhedig, keli) u naxariisasho. Mar haday tudhaaliyo, iska tanaasule, naxariisi taa tahay.
Qaamuus-Yare Soomaali-Faransiis - Kiristoofe Filibeerti [1976]
Qandho-ha
fièvre.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qudhaanjo
-da: (magac, dhedig, keli) cayayaan noocyo badan leh oo dhulka gurguurta oo qaarkood sida shinnida u maamulan oo kaydka jiilaalka gugii dhigta, wayna kala abuur duwan tahay kalana waaweyn tahay. Dh: qudhaan, quraanyo.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
qudhaanyo
f. n., [collective] ants
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
qudhaanyo
-qudhaanyada: (n) ants (aantis) ~ quraanyo, quraanjo
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
qudhaanyo
de: ants
lx: qudhaanyo
pd: (/da)
ps: n0-f-col
see: quraanyo {N}
key: qudhaanyo
Qaamuus-Yare Soomaali-Faransiis - Kiristoofe Filibeerti [1976]
Qudhmayya
puer.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
qudhunsan
der. [adjective] putrid, rotten, spoiled
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
qudhunsan
de: putrid, rotten, spoiled
lx: qudhunsan
pd: (qudhunsanaa)
ps: adj-der
see: qurunsan {N}
key: qudhunsan
Magacyada Dhirta Ceel-Dheere iyo Buula-Burte (Soomaali-Laatiin) - D. Herloker, B. Kujar [1985]
QURDHOBAN
Crotalaria dumosa 10
Qaamuus-Yare Soomaali-Faransiis - Kiristoofe Filibeerti [1976]
Sanqadh-a
bruit.