qudcur
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qudcur
-ka: (magac, lab, keli) habeen mugdi ah oon dayax jirin. Dh: gudcur, qurcud, gurcud.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Qudur
(Qudur-ka)
Bakhayl; muudal.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qudur
m.l.kh (-rro, m.dh) Q. ah: nin aad bakhayl u ah.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]

Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
qudur
m. n. miser
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
qudur
-ah: (adj) stingy (istinji) ~ gacan adag, bakhiil, bakhayl. -Syn: close-fisted, niggardly ~ see also [eeg] bakhayl,dhabcaal
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qudur
-ka: (magac, lab, keli) qof aad bakhayl u ah. Dh: qadduuc.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
qudur
de: miser
lx: qudur
pd: (-ka)
ps: n2-m
syn: bakhayl, muudal
key: qudur
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Gudcur
(Gudcur-ka)
1. Bisha barkeeda danbe oo aan caddada ahayn.
2. Iftiin la'aan; mugdi.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
gudcur
m.l 1. Iftiin la'aan; mugdi. 2. Bisha dayaxa lagu tiriyo qaybteeda dambe; mugdi.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
gudcur
m.l 1. Iftiin la'aan; mugdi. 2. Bisha dayaxa lagu tiriyo qaybteeda dambe; mugdi.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
gudcur
m. n., [collective] darkness, dark, state of being without light
Qaamuuska Magacyada Soomaalida: Soomaali-Ingiriis - Anwar Maxamed Diiriye [2006]
Gudcur
nickname; name-m darkness, dark, the state of being without light. Lit: black by nickname or born in a dark place by name
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
gudcur
-ka: (n) total darkness; gloor (gluum) ~ mugdi
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
Gudcur
magac loo baxsho wiil midab madow u dhashay ama habeen gudcur ah hooyadii umushay.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
gudcur
-ka: (magac, lab, keli) habeen dam ah oo aan dayaxu jirin. Dh: gurcud. Li: caddo.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
gudcur
de: darkness, dark, state of being without light Opp: iftiin
lx: gudcur
pd: (-ka)
ps: n2-m-col
syn: mugdi
key: gudcur
Qaamuus Soomaali-Carabi oo Kooban - Cabdirisaaq Maxamed Cilmi Ina-Warfaa [2007]
gudcur
ظلام
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
gudcuri
f.g2 (-iyay, -isay) Gudcur ka dhigid.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
gudcuri
v. darken, make something dark
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
gudcuri
(fal) meel madoobee oo gudcur ka dhig.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
gudcuri
de: darken, make s.t. dark
lx: gudcuri
pd: (gudcuriyey)
ps: v2a=tr
key: gudcuri
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Quur
(Quur-ta)
1. Qiimaha iyo sharafka wax lee yahay ama uu ku habboon yahay ama uu istaahilo, oo loo diido; tixgelis la'aan; qaddarin la'aan.
2. Waxaan qiime lahayn ama muquuno ah oo in layska bixiyo ku habboon; waxbixis; siin; deeq.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
quur
quur¹: m.dh 1. Qiimaha iyo sharafta wax leeyihiin ama ku haboon yihiin ama ay istaahilaan oo loo diido. 2. Wax aan qiimo lahayn ama muquuno ah.
quur²: f.mg1 (-ray, -rtay) Wax bixintooda hurid.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
quur
quur¹: m.dh 1. Qiimaha iyo sharafta wax leeyihiin ama ku haboon yihiin ama ay istaahilaan oo loo diido. 2. Wax aan qiimo lahayn ama muquuno ah.
quur²: f.mg1 (-ray, -rtay) Wax bixintooda hurid. m.f.dh, quurid.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
quur
f. n. disrespect; holding in low esteem; undervaluing
quur v. be generous ~ unselfish, be disposed to give to others
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Cudur
(Cudur-ka)
1. Fayoobi la'aan; xanuun gaar ah oo oogada ama xubin kamid ah, ku dhaca: bugto; jirro.
2. (-) Cudaddaar; marmarsiinyo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
cudur
m.l (-rro, m.dh) Caafimad-darro jirka noolaha ama qayb ka mid ah ku dhacda, oo uu keeno jeermi iyo wixi lamida.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
cudur
m.l (-rro, m.dh) Caafimad-darro jirka noolaha ama qayb ka mid ah ku dhacda, oo uu keeno jeermi iyo wixi lamida.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
cudur
m. n. ailment, disease, infirmity
cudur m. n. excuse, justification
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
cudur
-ka: (n) disease (di-ziiz); illness (iilnas)-, malady (maaladi) ~ bukto, jirro Ex- cudur khatar ah bay qabtaa; she has a serious illness
Hal-Ururka Erayada Maamulka Xafiisyada, Xisaabaadka Ganacsiga iyo Dhaqaalaha (Soomaali-Talyaani-Ingiriis) - Warshadaha Saabuunta Bayl, Qubeyska iyo Mariska [1979]
Cudur
Malattia
Disease
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
cudur
-ka: (magac, lab, keli) xanuun gaar ah oo oogada ama xubnaha qofka midkood ku dhaca; fiyoobi la'aan. Cudur aan dawo lahayn ileen, cidi ma daawayso. Dh: xanuun, jirro. Li: caafimaad.
Qaamuus Soomaali-Carabi oo Kooban - Cabdirisaaq Maxamed Cilmi Ina-Warfaa [2007]
cudur
داء
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
gucur
-ka: (magac, lab, keli) qof liita ama cadaw ah. Dh: nacas, gocor.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Gudur
(Gudur-ka)
Hilibka geela intiisa adag.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
gudur
m.l 1. Hilib jiir ah oo adag. 2. la-mid: guduri. Nooc gorgorka ka mid ah oo leh qoor diiran iyo midab madow.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
gudur
m. n., [collective] tough part of camel meat
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
gudur
-ka: (magac, lab, keli) hillibka xoolaha iyo ugaadha ee weydda ah jiidhka adagna ah. Dh: taxmuur, weyd. Li: caddiin, shilis.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
gudur
de: tough part of camel meat
lx: gudur
pd: (-ka)
ps: n2-m-col
key: gudur
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
mudur
m.l la-mid: murud.
Qaamuuska Magacyada Soomaalida: Soomaali-Ingiriis - Anwar Maxamed Diiriye [2006]
Qudub
name-m leader. Cf. Qutb
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Qusur
(Qusur-ka)
(biyo) Yool dheer; mool.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qusur
m.l Q. ah: ceel, war, durdur iyo wixi lamida oo hoos u dheer; mool.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
qusur
m. n., [abstract] (adj.): depth ~ inaccessibility (of water); deep
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qusur
-ka: (magac, lab, keli) biyo gundheer leh. Ceel qusur ah ayaan galay oo aan ku qarraqmi gaadhay. Dh: mool, now.
qusur -ka: (magac, lab, keli) meel oodan ama cidhiidhi ah. Dh: cidhiidhi.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
qusur
cf: mool; yool
de: depth ~ inaccessibility (of water); [atr.] deep
lx: qusur
pd: (-ka)
ps: n-m-abs
key: qusur
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Curcur
1. (Curcur-ka) Dhudhunka iyo calaacasha iskaggalkooda; jalaqley.
2. (Curcur-ta) Buur yar, kood.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
curcur
curcur¹: m.l (-rro, m.dh) 1. Meesha ay dhudhunka iyo calaacasha iska galaan. 2. Lafta dheer oo gacanta ee u dhexeysa suxulka iyo jalaqleyda.
curcur²: m.l/dh (-ro, m.l/dh) Buur yar; kood; gunbur.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
curcur
curcur¹: m.l (-rro, m.dh) 1. Meesha ay dhudhunka iyo calaacasha iska galaan. 2. Lafta dheer oo gacanta ee u dhexeysa suxulka iyo jalaqleyda.
curcur²: m.l/dh (-ro, m.l/dh) Buur yar; kood; gunbur.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
curcur
m. n. forearm, wrist
curcur [feminine] n. hill
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
curcur
-ta: (n) wrist (riist); hand (haandh); carpus (kaarpas) ~ cumaacun, jalaqlay
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
curcur
-ka: (magac, lab, keli) calaacasha iyo dhudhunka iyo isgalkooda. Dh: cukur, jalaqley, jidhjidh, jirjir.
curcur -ta: (magac, dhedig, keli) buur yar ama kood.
Qaamuus Faransiis-Soomaali - Maxamed Cabdi Maxamed [1985]
pudeur
pudeur, n.f. - il nugayl; xishood xad dhaaf ah
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qubuur
m.dh eeg qabri. la-mid: qabuuro.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qubuur
-ta: (magac, dhedig, keli) meesha dadka geeriyooda lagu xabaalo.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
Quddus
pr. n., loc. Jerusalem
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
Quddus
a: Quds
bw: Arabic
de: Jerusalem
lx: Quddus
ps: n0-loc
key: Quddus
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qudhun
(fal) wax qudmay oo xumaaday noqo. Dh: qurun.
qudhun -ka: (magac, lab, keli) is beddel xumaansho ah oo shey ku dhaca oo dhadhankiisa iyo urtiisuba silloonaadaan. Dh: qurun.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Quduro
(Qudura-da)
Yaab; amakaag.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
quduro
m.dh Yaab; amakaag.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
quduro
f. n. astonishment
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
quduro
-da: (magac, dhedig, keli) dhibaato yaab wadata oo cid qabsata. Dh: dhib, irkig...
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
quduro
cf: amakaag, yaab
de: astonishment
lx: quduro
pd: (/da)
ps: n6-f
key: quduro
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
quduus
m. n. holy person, sacred object
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
quduus
de: holy person, sacred object
lx: quduus
pd: (-ka)
ps: n2-m
key: quduus
Qaamuuska Magacyada Dhirta Soomaaliyeed (Soomaali-Laatiin) - Axmed M. I. Barkhadle [1990]
QUMUUR
(Gummur) May Eaeodendron aquifolium (Fiori) Chiov. Celastraceae.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qurcud
-ka: (magac, lab, keli) eeg qudcur.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Qurqur
(Qurqur-ka)
Dhinac; serji.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qurqur
m.l 1. Meesha kuusan ee cunaha ragga ku taal; bocor. 2. (-rro, m.dh) Labada cirif ee qaansada middood.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
qurqur
m.l 1. Meesha kuusan ee cunaha ragga ku taal; bocor. 2. (-rro, m.dh) Labada cirif ee qaansada middood.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
qurqur
m. n. edge, rim
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qurqur
-ka: (magac, lab, keli) dhinac; serji.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
qurqur
cf: dhinac, serji
de: edge, rim
lx: qurqur
pd: (-ka)
ps: n2-m
key: qurqur
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
xuddur
m.l X. ah: xero weyn oo aad loo adkeeyay.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
Xuddur
pr. n., loc. Hudur [city in south west Somalia.]
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
Xuddur
cf: caasimad
de: Hudur [city in south west Somalia] Capital of the Bakool region
initial: x
lx: Xuddur
ps: n0-loc
key: Xuddur
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Gudcurin
(Gudcurin-ta)
Gudcur ka dhigid; mugdiyeyn; madoobeyn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
gudcurin
m.f.dh eeg gudcuri. la-mid: gudcuris.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Gudcuris
(Gudcuris-ka)
Gudcurin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
gudcuris
m.l la-mid: gudcurin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
curcuri
f.g2 (-iyay, -isay) Dhudhun wax ku cabbirid.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
curcuri
f.g2 (-iyay, -isay) Dhudhun wax ku cabbirid. m.f.dh, curcurin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Durduur
(Durduur-ta)
(biyo kd.) aan hadba loo soo qatimin ama aan loo soo dheregdhacsane layska dhacayo oo aan afka laga qaadayn; rakaad isku dhowdhow.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
durduur
durduur¹: m.dh 1. Rakaad. 2. Ladaab. 3. Biyo la siiyo neef hore u cabbay.
durduur²: f.g1 (-ray, -rtay) Xoolo hore u cabbay biyo ay ku noq-noqdaan siin.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
durduur
f. n. drinking in one draught (without pausing for breath)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
durduur
-ta: (magac, dhedig, keli) labo goor noqodka biyaha ee xoolaha.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
durduur
de: drinking in one draught (without pausing for breath)
lx: durduur
pd: (-ta)
ps: n0-f
key: durduur
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
hundhur
hundhur¹: m.l Madax foorarinta qof madaxa hoos u foorariyo murugo ama ciil dartiis.
hundhur²: f.mg1 (-ray, -rtay) Qof madaxa hoos u foorarin ciil ama murugo dartiis.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
hundhur
m.l Madax foorarinta qof madaxa hoos u foorariyo murugo ama ciil dartiis.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hundhur
-ka: (magac, lab, keli) madax foorarinta qof madaxa hoos u dhigo murugo ama ciil dartiis.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
jadcuur
-ta: (magacwadareed) saddex xiddigood oo urursan lana moodo geel guuraaya oo is garab ah.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qanduur
m.dh (-ro, m.l) Siil.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
qubuuro
m. n., pl. graves, tombs; cemetery
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
qubuuro
-qurbuuraha: (n) graveyard (gareeyv-yaadh); cemetery (sama-tari) ~ qabuuro, xabaalo
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
qubuuro
de: graves, tombs; cemetery Sg: qabri
lx: qubuuro
pd: (/ha)
ps: n8-m-pl
key: qubuuro
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qudduuc
m.l (-cdyo, m.dh) Qof waxbixinta ku iimaan xun.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qudduuc
-a: (magac, lab, keli) eeg qadduuc.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qudurad
m.dh (-do, m.l) Haweeney aad bakhayl u ah.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qurquri
f.g2 (-iyay, -isay) Hoore si dhaqso ah u cabbdi.