qubbad-shiileed
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
qubbad-shiileed
m.dh (-dyo, m.dh) (jool.) Gobol dhadhaabo shiileed ah oo ka samaysma magma dhulka kor u soo gashay oo badanaa ka kooban dhadhaabta garanaytka.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qubbadshiileed
-da: (magac, dhedig, keli) gobol dhadhaabo shiileed ah oo ka samaysma magma dhulka kor u soo gashay oo badanaa ka kooban dhadhaabta garanaytka.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qubbad shiileed
m.dh (-dyo, m.dh) (jooloji) Gobol dhadhaabo shiileed ah oo ka samaysma magma dhulka kor u soo gashay oo badanaa ka kooban dhadhaabta garanaytka.
Qaamuuska Ereybixinta: Juqraafi (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Qubbad shiileed
Batholith
Qaamuuska Ereybixinta: Fisikis (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Kubbad cireed
Celestial sphere
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhadhaab-shiileed
m.l (-dyo, m.dh) (jooloji) Dhagxaan ka timid magma dhalaashan oo adkaatay, waana mid ka mid ah saddexda nooc ee dhadhaabaha ee qolofka dhulku ay ka koobantahay.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
dhadhaabshiileed
m.l (-dyo, m.dh) (jool.) Dhagxaan ka timid magma dhalaashan oo adkaatay, waana mid ka mid ah saddexda nooc ee dhadhaabaha ee qolofka dhulku ay ka koobantahay.
Qaamuuska Ereybixinta: Juqraafi (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Qaab dhuleed
Geoid
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qaab-dhuleed
m.l (-bab ..., m.l) (jooloji) Erey mararka qaarkood lagu isticmaalo in lagu muujiyo qaabka dhulka.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qaabdhismeed
-ka: (magac, lab, keli) habka ay wax u dhisan yihiin. Xisibiyadu waxay ku heshiiyeen qaabdhismeedka dawladda. Dh: habdhismeed.
Qaamuuska Ereybixinta: Juqraafi (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Ubac dhuleed
Centrosphere
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
buruudshiilid
m.f.dh eeg buruudshiil².
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
qaab dhismeed
-da: (n) structure (istarak'jar); framework (fareaymweerk); structural form
Qaamuuska Magacyada Dhirta Soomaaliyeed (Soomaali-Laatiin) - Axmed M. I. Barkhadle [1990]
UBBO-WEEYLEED
(Umbo-weiled) May Jatropha ellenbeckii Pax. Euphorbiaceae.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
cabbir-dhuleed
m.l (juqraafi) Sayniska cabbiraadda qaabka iyo xajmiga dhulka oo ay ku jiraan miisaankiisa, cufnaantiisa iyo wixi lamida, iyo isla markaas sahaminta qaybaha waaweyn ee dhulka dushiisa ah si loo garawsado xoodnaanta dhulka.
Qaamuuska Ereybixinta: Fisikis (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Cadaadis gibileed
Atmospheric pressure
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
cadaadis-gibileed
cadaadis-gibileed¹: m.l (-dyo, m.dh) (fiisikis) Culayska saaran bar ee ka dhasha cadaadiska hawada ka sarraysa bartaas.
cadaadis-gibileed²: m.l (-dyo, m.dh) (fiisikis) Cadaadiska ka dhasha culeyska hawada ee ka saaraysa bar kasta oo ku taal oogada dhulka. Marka laga qiyaaso heerka badda, gibilku waxa uu celin karaa tiir meerkaari oo jooggiisu yahay 760 mm. Cadaadiskaas wuu sii yaraadaa marka sare loo sii kaco. Qiimo beegaalka c. g. (heerka badda ee halbeegga (H.C.) waa 1.01325 x 10 5 Baaskal (N/m2).
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
cadaadis-gibileed
cadaadis-gibileed¹: m.l (-dyo, m.dh) (fiisikis) Culayska saaran bar ee ka dhasha cadaadiska hawada ka sarraysa bartaas.
cadaadis-gibileed²: m.l (-dyo, m.dh) (fiisikis)