qoyso
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qoyso
(fal) biyo ku dul daadso: wax qoyan ka dhigo, walaalkii loo xiiryoow adiguna soo qoyso.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Qoys
(Qoys-ka)
1. Aqal cidla ka dhisan; jees.
2. Labada isu dhaxa iyo carruurtooda; xaas.
3. Qolo; tol; reer.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qoys
m.l (-sas, m.l) 1. Laba isu dhexda iyo carruurtooda; xaas. 2.Qolo; reer.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]

Qaamuuska Ereybixinta: Xisaab (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Qoys
Family
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
qoys
m. n. family unit, household
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
qoys
-ka: (n) family (faamili) ~ reer, qooys
xeerka qoyska; the family law
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qoys
-ka: (magac, lab, keli) dad aqal keliya ku wada nool oo ka kooban labo isu dhaxay iyo carruurtooda. Dh: reer.
qoys -ta: (magac, dhedig, keli) eeg qoyn.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
qoys
de: family unit, household
lx: qoys
pd: (-ka Pl: qoysas (ka))
ps: n4-m
key: qoys
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qayso
m.dh Su!; Tu! (cod geela lagu fariisiyo si loo raro).
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
qowso
v. be destitute
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
qowso
de: be destitute
lx: qowso
pd: (qowsaday)
ps: v3a=intr
key: qowso
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dayr
-ka: (magac, lab, keli) dhisme wareegsan oo meel ku oodan sida xerada oo kale. Dh: xayndaab, deyr.
dayr-ta: (magac, dhedig, keli) xilli roobaad u dhexeeya xagaaga iyo diraacda oo ka mid ah afarta xilli ee sannadku u qaybsamo. Dayri labo daaha ma wada qoyso.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
engejiso
(fal) wax hore u qoyanaa, adigu qallajiso. Dharka wadh oo engejiso. Dh: qallajiso. Li: qoyso.
engejiso -da: (magac, dhedig, keli) aalad waxa qoyan in ay qallajiso loogu talo galay. Qasaaladu Engejiso ayay wadataa. Dh: qallajiso. Li: qoyso.
Qaamuus Faransiis-Soomaali - Maxamed Cabdi Maxamed [1985]
pisser
pisser, v. - (si edeb darro ah) kaadidid laysku kaadiyo; kaadi qoyso.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qolayso
f.mg3 (-stay, -satay) 1. Biyo badan dar yar ku leexsasho. 2. Qol aan rasmi ahayn samaysasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
goysmo
m.dh la-mid: goyn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qaybso
f.g3 (-saday, -satay) 1. Wax dhowr meelood u kala dhigasho. 2. La q.: cid tartan la gelid.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
qaybso
f.g3 (-saday, -satay) 1. Wax dhowr meelood u kala dhigasho. 2. La q.: cid tartan la gelid. m.f.dh, qaybsasho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
qaybso
v. share (out), take a share; divide, apportion among oneselves
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
qaybso
-qaybsaday / qaybsatay / qaybsadeen / qaybsanay: (v) divide up; portion out; share (sheer)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qaybso
(fal) shay iskaa gobollo uga dhigo oo gaybqayb u kala sooro. Dh: sooro.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
qaybso
de: share (out), take a share; divide, apportion among oneselves
lx: qaybso
pd: (qaybsaday)
ps: v3a=tr
key: qaybso
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qaysho
f.mg3 (-shaday, -shatay) U q.: qof dhibaateysan cid kaalmo ka dalbasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qoonso
f.g3 (-saday, -satay) Wax dhibsasho.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
qoonso
f.g3 (-saday, -satay) Wax dhibsasho. m.f.dh, qoonsasho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
qoonso
v. be dissatisfied ~ disappointed in; take offense at
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
qoonso
-qoonsaday / qoonsatay: (v) feel displeased or be disagreeable to.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qoonso
(fal) ka xumaw oo niyadda ka nac. Dh: kaho, nebcayso, genso.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
qoonso
bw: genso
de: be dissatisfied ~ disappointed in; take offense at
lx: qoonso
nt: qoonsasho (/da) [vn-f]
pd: (qoonsaday)
ps: v3a=tr
key: qoonso
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qoorso
f.g3 (-saday, -satay) Ka q.: neef qoor ah cid ka amaahasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qoorso
(fal) (ka ~) neef qoodh ah, cid kale ka amaaho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qolfayso
f.g/mg3 (-stay, -satay) 1. (f.g) Haraa xaabid (nafley). 2. (f.mg) Qolof yeelasho (nabar iyo wixi lamida).
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
qolfayso
f.g/mg3 (-stay, -satay) 1. (f.g) Haraa xaabid (nafley). 2. (f.mg) Qolof yeelasho (nabar iyo wixi lamida). m.f.dh, qolfaysasho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
qolfayso
v. form a scab (of wound); be covered with scabs, scales (etc.)
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
qolfayso
de: form a scab (of wound); be covered with scabs, scales (etc.)
lx: qolfayso
pd: (qolfaystay)
ps: v3b=intr
key: qolfayso
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qoodayso
(fal) dad hawl la qabo oo la kaalayso Dh: kaltan, miilayso.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qoodeyso
f.g3 (-stay, -satay) Wax kaltan u gelid.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
qoodeyso
v. do by turns, take turns (e.g., at the well)
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
qoodeyso
bw: miileyso
de: do by turns, take turns (e.g., at the well)
lx: qoodeyso
nt: qoodeysi (ga) [vn-m]
pd: (qoodeystay)
ps: v3b=tr
key: qoodeyso
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qoryasho
m.f.dh eeg qoryo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qoryeyso
f.mg3 (-stay, -satay) Qoryo gurasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qowleyso
f.mg3 (-stay, -satay) Si qowlaystenimo ah u noolaansho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
qowleyso
v.auto: live as a bandit
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
qowleyso
de: live as a bandit
lx: qowleyso
pd: (qowleystay)
ps: v3b=auto
key: qowleyso
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qoo
f.g2 (-ooyay, -oysay) Wax qallalan biyo gelin. la-mid: qooy.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
qoo
f.g2 (-ooyay, -oysay) Wax qallalan biyo gelin. m.f.dh, qoyn. la-mid: qooy.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
qoo
v. moisten, make something wet
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
qoo
-yey / qooysay: (v) wet (wet); dampen (dham-pen) ~ qoy
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qoo
(fal) biyo ku dul shub oo wax qoyan ka dhig. Go'a ii qoo. Dh: qoy. Li: qallaji, engeji.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
qoo
a: qoy
de: moisten, make s.t. wet
lx: qoo
pd: (qooyey / qooysey)
ps: v2a=tr
key: qoo
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qoy
f.g1 (-yay, -yday) Wax qoyaan gaarsiin.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
qoy
f.g1 (-yay, -yday) Wax qoyaan gaarsiin. m.f.dh, qoyid.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
qoy
v. become wet, be dampened ~ moistened, get soaked
qoy v. wet, make wet, dampen, moisten, soak
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
qoy
-yey / qoysay: (v) wet (wet); humidify (hiyuu-midhi-faay); make wet; dampen (dam-pen) ~ qoo
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qoy
(fal) dhardo oo biyo ha ku qooyan.
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
ayso
(suffix)-, [with markaad or markay; when you/she...] where or while you or she / we.. Ex: markaad socanayso... when you are walking. Markay arkayso..; when she is seeing...
ayso: (suffix): do for yourself. Ex: shaqayso: work yourself. Danayso: look for your interest
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
goso
m.dh Maroodi dheddig. la-mid: qalanjo.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
goso
m.dh Maroodi dheddig ; qalanjo.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
goso
f. n. cow ~ female elephant
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
goso
-ha: (magac, lab, keli) noolaha barriga ugu weyn oo leh gacan iyo labo fool.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
goso
de: cow ~ female elephant
lx: goso
pd: (/da)
ps: n6-f
syn: qalanjo
key: goso
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
goys
m.l la-mid: goyn.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
goys
-ka: (magac, lab, keli) ilkaha wax lagu calaliyo ee balballaadhan mid ka mid ah.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
hoyo
f.mg3 (-yday, -yatay) Habeen meel ku baryid. la-mid: hoyaatin².
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
hoyo
v. spend the night (in a place), stay overnight
hoyo: v. go home at the end of a day
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
hoyo
-hoyday / hoyatay: (v) stay overnight (o-vernaayt); spend the night ~ dhax
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hoyo
(fal) «u ~» meel hoy ah, habeen ku bari; cid habeen marti u noqo.
hoyo: (fal) xijaabo; dhimo; geeryoo; bax.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hoys
-ka: (magac, lab, keli) eeg hoyn.
Qaamuus Talyaani-Soomaali - Cabdalla Cumar Mansuur, Axmed Cabdullaahi A. [1985]
órso
s.m. - madaxkuti.
Qaamuus Talyaani-Soomaali - Cabdalla Cumar Mansuur, Axmed Cabdullaahi A. [1985]
òsso
s.m. - (pl. ossi e f. ossa) - laf.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
qaso
v. mix something for oneself; do in a muddled ~ careless way
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
qaso
-qastay / qasatay: (v) 1. mix up for oneself. 2. do improper action; do a stupid thing. Ex: waxaad rabtid qaso; do whatever you want [especially immoral activity]
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qaso
(fal) caano iyo wax la mid ah, laaqo si aad u cabto.
qaso: (fal) isku darsan oo fal iyo hadal aan loo fadhiyin samee.
qaso -da: (magac, dhedig, keli) wejigabax i yaxyax. Dh: wejigabax, khaso.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
qaso
de: mix s.t. for oneself; do in a muddled ~ careless way
lx: qaso
pd: (qastay)
ps: v3b=tr
key: qaso
Qaamuuska Magacyada Soomaalida: Soomaali-Ingiriis - Anwar Maxamed Diiriye [2006]
Qays
name-m firm
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qays
-ka: (magac, lab, keli) wadaad kaniisadeed. Ma cirkaa qadhqadhi waanigaa qayskii gawra- caye. Dh: wadaad. Li: waranle.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Qiso
(Qisa-da)
1. Sheeko; taariikh.
2. Wax dhacay; war.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qiso
m.dh 1. Sheeko; taariikh. 2. Wax dhacay; war.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
qiso
m.dh 1. Sheeko; taariikh. 2. Wax dhacay; war.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
qiso
f. n. story, recounting a tale, news
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
qiso
-qisada: (n) story (istoori) ~ sheeko
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qiso
-da: (magac, dhedig, keli) sheeko dhacday oo yaab leh. Dh: sheeko.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
qiso
bw: Arabic
de: story, recounting a tale, news
lx: qiso
pd: (/da)
ps: n6-f
key: qiso
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qobo
m.dh Dhaxan aad u qabow oo habeenkii soo dhacda.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qodo
f.g3 (-otay, -odatay) 1. Dhul falasho. 2. Meel dumsasho.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
qodo
f.g3 (-otay, -odatay) 1. Dhul falasho. 2. Meel dumsasho. m.f.dh, qodasho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
qodo
v. dig for oneself; plow
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
qodo
-qotay / qodotay: (v) dig up for oneself; unearth (an-eerth)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qodo
(fal) meel adigu iskaa u daloosho; beer ad gaar u leedahay qod. Dh: faqo, falo.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
qodo
de: dig for oneself; plow
lx: qodo
pd: (qotay)
ps: v3b=tr
key: qodo
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Qolo
(Qola-da)
Dad xiriir ka dhexeeyo; cid; reer; dad; tol; jilib.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qolo
m.dh (-ooyin, m.l) 1. Qabiil. 2. Ummad. 3. Koox isku meherad ah.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
qolo
m.dh (-ooyin, m.l) 1. Qabiil. 2. Ummad. 3. Koox isku meherad ah.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
qolo
f. n. tribe, clan, group of people; lineage
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
qolo
-qolada: (n) 1. tribe (taraayb); clan (kalaan) ~ qabiilo, qabiiL Ex: qoladee baa tahay? to which clan do you belong to? 2. race (reeys); nation (neey-shin) ~ qoon, quruun
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qolo
-da: (magac, dhedig, keli) eeg qabil.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
qolo
de: tribe, clan, group of people; lineage
lx: qolo
pd: (/da)
ps: n6-f
xe: They are of the same clan.
xv: Waa isku qolo.
key: qolo
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qoro
f.g3 (-rtay, -ratay) 1. Hadal qoraal ka dhigasho. 2. Geed, dhagax, laf iyo wixi lamida qalab la isticmaalo ka samaysasho. 3. Ilkaha q.: qof ilko fiiqasho. 4. Qof shaqaale ka dhigasho.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
qoro
f.g3 (-rtay, -ratay) 1. Hadal qoraal ka dhigasho. 2. Geed, dhagax, laf iyo wixi lamida qalab la isticmaalo ka samaysasho. 3. Ilkaha q.: qof ilko fiiqasho. 4. Qof shaqaale ka dhigasho. m.f.dh, qorasho.