qoyaamin
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qoyaamin
m.f.dh eeg qoyaami.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qoyaami
f.g2 (-iyay, -isay) Wax qoyaan gaarsiin.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
qoyaami
f.g2 (-iyay, -isay) Wax qoyaan gaarsiin. m.f.dh, qoyaamin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
looyaamin
m.f.dh eeg looyaami. la-mid: looyaamis.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qayraamin
m.f.dh eeg qayraami. la-mid: qayraamis.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Qoyaan
(Qoyaan-ka)
Wax wax qooya; qallayl la'aan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qoyaan
m.l Raadka uu ku reebo hoore siiba biyo ama caano iyo wixi lamida shey uu saameeyey.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
qoyaan
m.l Raadka uu ku reebo hoore siiba biyo ama caano iyo wixi lamida shey uu saameeyey.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
qoyaan
m. n., [abstract] moisture, humidity, dampness, wetness
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
qoyaan
-ka: (n) wetness (wat-nes); moisture (mooys-jar); humidity (hiyuu-midhiti); dampness (daamp-nes)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qoyaan
-ka: (magac, lab, keli) sida uu sheygu yahay kolka ay biyo ku daataan. Li: engeeg. qallal.
qoyaan-ka: (magac, lab, keli) raad biyood. Halkaa ka leexo qoyaan bay leedahaye. Li: engeeg, qallal.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
qoyaan
cf: fashaq
de: moisture, humidity, dampness, wetness
lx: qoyaan
pd: (-ka)
ps: n0-m-abs
key: qoyaan
Qaamuus Soomaali-Carabi oo Kooban - Cabdirisaaq Maxamed Cilmi Ina-Warfaa [2007]
qoyaan
بلل
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
bayaamin
-ta: (magac, dhedig, keli) qaraar caddayn ah soo saar.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
go'aamin
m.f.dh eeg go'aami.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
go'aamin
-ta: (magac, dhedig, keli) go'aan gaarid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Hayaamin
(Hayaamin-ta)
Meel fog oo abaari ka sokayso xoolo u kaxayn; kaynaanin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
hayaamin
m.f.dh eeg hayaami.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hayaamin
-ta: (magac, dhedig, keli) xoolaha meel fog oo doog iyo naq leh u rarid. Dh: kaynaanin, hayaamis, qayaadin.
Qaamuuska Ereybixinta: Barbaarinta Jirka (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1984]
hogaamin
advantage, to lead
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hogaamin
-ta: (magac, dhedig, keli) hoggaan ku qabasho, ku wadid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
hoyaadin
m.f.dh eeg hoyaadi.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Hoyaatin
(Hoyaatin-ka)
Meel habeen ku baryid; hoyad.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
hoyaatin
hoyaatin¹: m.l 1. Waqti qorrax dhac ah oo hoy la aado. 2. H. ah: nafley u socota meeshii ay ku hoyan lahayd. 3. la-mid: hoyasho.
hoyaatin²: f.mg1 (-imay, -intay; -imi) la-mid: hoyo.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
hoyaatin
vl. n. overnight stop ~ stay
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hoyaatin
-ka: (magac, lab, keli) meel habeen ku baryid; hoyaad.
hoyaatin -ka: (magac, lab, keli) meel habeen ku baryid: meel u hoyaad.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
hoyaatin
de: overnight stop ~ stay
lx: hoyaatin
pd: (-ka)
ps: vn2-m
key: hoyaatin
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Qulaamin
(Qulaamin-ta)
Qof buka oo aan wax cabbi karin, afka qulaan ama qaaddo wax kula siin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qulaamin
m.f.dh eeg qulaami. la-mid: qulaamis.
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
qulaamin
-yey (adj) spoon- feeding
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qulaamin
-ta: (magac, dhedig, keli) qof aan cunto liqi karayn, caano iyo wax la mid ah afka kaga shubid. Dh: jalid, qulaamis.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
boodaamin
m.f.dh eeg boodaami.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Booyaamid
(Booyaamid-da)
Hadal daroori ah tixid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
booyaamid
m.f.dh eeg booyaan². la-mid: booyaan¹ (2).
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
booyaamid
-da: (magac, dhedig, keli) hadal aan kala joogsi lahayn dhurmid. Booyaamid hadal lagama dhergiyo muran baahi loo qabaye. Dh: daldalmid.
booyaamid -da: (magac, dhedig, keli) ku dhawaaqid cod ujeeddo leh. Booyaamid horey uma aqoon waase lay baraye. Dh: booyaamis.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
booyaamis
-ta: (magac, dhedig, keli) eeg booyaamid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Curyaamin
(Curyaamin-ta)
Curyaan ka dhigid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
curyaamin
m.f.dh eeg curyaami. la-mid: curyaamis.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
curyaamin
-ta: (magac, dhedig, keli) curyaan ka dhigid. Dh: curyaamis.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
gaylaamin
-ta: (magac, dhedig, keli) dhulka jiifin. Dh: seexin, legdid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
geylaamin
m.f.dh eeg geylaami. la-mid: geylaamis.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
geylaamin
-ta: (magac, dhedig, keli) aad u diririd; aad u dagaallamid.
geylaamin -ta: (magac, dhedig, keli) wax meel xoog ku marin oo jiidhsiin. Galoolkiyo maraagiyo hashaan kidiga geylaanshay.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Hoggaamin
(Hoggaamin-ta)
Hoggaan ku qabasho, ku wadid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
hoggaamin
m.f.dh eeg hoggaami. la-mid: hoggaamis.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
hoggaamin
vl. n. leading, guiding; leadership
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
hoggaamin
-ta: (n) the act of leading, guiding, or conducting
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hoggaamin
-ta: (magac, dhedig, keli) hoggaanka qabasho oo horkicid; hogaanka u qabad.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
hoggaamin
de: leading, guiding; leadership
lx: hoggaamin
pd: (-ta)
ps: vn-f
key: hoggaamin
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
hoogaamin
m.f.dh eeg hoogaami.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
looyaamid
m.f.dh eeg looyaan².
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
looyaamis
m.l la-mid: looyaamin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qayraamis
m.l la-mid: qayraamin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qiyaamayn
-ta: (magac, dhedig, keli) khiyaano samayn. Ninka khaa'inka ahi waa nin qiyaamay badan. Dh: khiyaamayn, khiyaamays.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
saylaamin
-ta: (magac, dhedig, keli) wax meel galay ama qabsaday ka soo dhiraandhirin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Sooyaamid
(Sooyaamid-da)
Qaylin; qablamid; buuqid; bulaamid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
sooyaamid
m.f.dh eeg sooyaan².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
sooyaamid
-da: (magac, dhedig, keli) qaylin; qablamid; buuqid; bulaamid; sooyaamis.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
sooyaamis
-ka: (magac, lab, keli) sooyaamid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xaydaamin
-ta: (magac, dhedig, keli) eeg xaydaamid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Xoodaamin
(Xoodaamin-ta)
Salsalaaxid; xoodin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
xoodaamin
m.f.dh eeg xoodaami.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xoodaamin
-ta: (magac, dhedig, keli) baabacada noole kale jidhkiisa aayar u dul marmarin oo ku salaaxid. Xoolaha rag kale xoodaamiyoow doob. Dh: salaaxid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Qoyan
Qoyaan gaarey, taabtay; aan wax qallalan ahayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qoyan
f.mg4 (-naa, -nayd) Wax qoyaan gaaray ahaansho.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
qoyan
f.mg4 (-naa, -nayd) Wax qoyaan gaaray ahaansho. m.f.dh, qoyanaan.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
qoyan
der. [adjective] wet, moist, humid; rich, wealthy
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
qoyan
-aa / ayd: (adj) wet (war); humid (hiyuu-midh); misty (misti); damp (daamp) ~ qoyaan leh
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qoyan
(tilmaame) mid biyo leh oo aan engegsanayn; mid raad biyood uu ka muuqdo. Nin qoyan biyo iskama dhawro. Li: qallalan, engegan.
qoyan: (tilmaame) mid qaqabaw oo qayrkii ka waxqabad yar; qunyarsocde aan firfircoonayn.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
qoyan
de: wet, moist, humid; [fig.] rich, wealthy
lx: qoyan
pd: (qoyanaa ~ qoynaa)
ps: adj-der
key: qoyan
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Haamin
(Haamin-ta)
Kasha iyo laabta arrin ku hayn, ka dhisid, ka maamulid; hindisid; taawin; saababayn; maamin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
haamin
m.f.dh eeg haami.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
haamin
-ta: (magac, dhedig, keli) arrin kashka iyo laabta ku hayn; maanka ka maamulid oo ka dhisid. Dh: hammiyid, maamin, taawin, sababayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Laamin
(Laamin-ta)
Badar karsamaya laan ku walaaqid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
laamin
m.f.dh eeg laami².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
laamin
-ta: (magac, dhedig, keli) badar karsamaaya, laan dhexmarmarin oo ku walaagid. Dh: laaqid, walaaqid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Maamin
(Maamin-ta)
1. Maanka wax ku dhisid, ku qorshayn; kujaangoyn; maanka ku raadin, ku baarid, ku garasho; haamin.
2. Fakarid; malayn; mala'awaalid; hindisid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
maamin
m.f.dh eeg maami. la-mid: maamis.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
maamin
-ta: (magac, dhedig, keli) eeg maabin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Qaabin
(Qaabin-ta)
Qaab u yeelid; habayn; jaangoyn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qaabin
m.f.dh eeg qaabi. la-mid: qaabid.
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
qaabin
-ta: (n) the act of shaping or forming
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qaabin
-ta: (magac, dhedig, keli) eeg qaabayn.
qaabin -ta: (magac, dhedig. keli) bariin caano habeenkii la liso la bariiyo. Mar hadday martiyi joogto qaabinta caanuhu waa lagama maarmaan. Dh: jaabajaabayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Qaacin
(Qaacin-ta)
Qaac ka dhigid, ka soo saarid, u yeelid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qaacin
m.f.dh eeg qaaci.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qaacin
-ta: (magac, dhedig, keli) gogol ballaadhin oo sidii saaloonka qaaciga ah u dhigid. Dh: goglid, ballaadhin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qaafin
-ta: (magac, dhedig, keli) (is ~) qof aan wax ba maqlayn iska dhigid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Qaalin
(Qaalin-ta)
Neef geel ah ama lo' oo da' yar.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qaalin
qaalin¹: m.l (-immo, m.l) Neef geel oo lab ah oo aan da'dii rarashada weli gaarin.
qaalin²: m.dh (-lmo, m.l) Neef geel ama lo' ah oo aan weli gaarin da'dii curashada.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
qaalin
qaalin¹: m.l (-immo, m.l) Neef geel oo lab ah oo aan da'dii rarashada weli gaarin.
qaalin²: m.dh (-lmo, m.l) Neef geel ama lo' ah oo aan weli gaarin da'dii curashada.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
qaalin
m. n. male camel calf ~ foal
qaalin [feminine] n. female camel calf ~ foal, heifer, young she-camel
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
qaalin
-ta: (n) heifer (hefar); a young camel, especially one that has not yet given birth ~ abeer, ameer
Magacyada Nafleyda Soomaaliyeed (Laatiin-Talyaani-Ingiriis-Soomaali) - Funayooli, Simoneeta [1985]
Qaalin
(I) Cammella prima della riproduzione;
(E) Young She Camel
(S) QAALIN (S. g.: Kalin, Kalim)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qaalin
-ka: (magac, lab, keli) neef ishin ah oo lab oon weli la laylyin ama aan goodh xoolo lagu daro gaadhin. Dh: nirig, weyl.
qaalin -ta: (magac, dhedig, keli) neef ishin ah oo dheddig oon weli curan. Qualin geel ah iyo qaalin lo'ah ayuu iibsaday oo u tarmay: Dh: nirig, weyl.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
qaaman
m. n., pl. debts
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
qaaman
de: debts Sg: qaan
lx: qaaman
pd: (-ka)
ps: n4-m-pl
key: qaaman
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qaamid
m.f.dh eeg qaan³.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Qaatin
(Qaatin-ta)
Inta kol, weel gudihi ama wax kale, wax qaadi karaan; qaad; mug.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qaatin
m.dh Mugga shey leeyahay.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
qaatin
f. n. volume, capacity
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qaatin
-ka: (magac, lab, keli) inta uu weel kol gudihiisa ku qaado. Weelashu way kala qaatin weyn yihiin. Dh: qaad, mug.
qaatin-ka: (magac, lab, keli) in qof hal mar qaadi karo. Alaabtu ma badna oo waa qaatin keliya.