qotonsan
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qotonsan
f.mg4 (-naa, -nayd) Wax meel la qotonshay ahaansho (weel, qori, iyo wixi lamida).
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
qotonsan
f.mg4 (-naa, -nayd) Wax meel la qotonshay ahaansho (weel, qori, iyo wixi lamida). m.f.dh, qotonsanaan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qotonsan
(tilmaame) mid meel likaysan oo sare taagan. Dh: taagan, tigtigan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Qotonsad
(Qotonsad-ka)
Qotonsasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qotonsad
m.l la-mid: qotonsasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qotonsad
-ka: (magac, lab, keli) si dherer ah oon. la dhaqdhaqaajinayn wax dhulka ugu taagasho. Dh: qotonsasho, joojisasho, taagasho.
qotonsad -ka: (magac, lab, keli) meel dhaqdhaqaaq la'aan is taagid oo is gigid. Dh: istaag, joog.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qotonsanaansho
m.l/dh la-mid: qotonsanaan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dhidbanaan
-ta: (magac, dhedig, keli) wax qotoman oo meel ku taagan ahaan. Dh: qotonsanaan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
gannood
(fal) hoos u foorar oo sidii wax murugoonaya u joog.
gannood -ka: (magac, lab, keli) foorar sidii wax murugoonaya loo foororo oo in badan meel la qotonsanaado. Gannoodka iska daa oo madaxa kor u qaad.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
saloognaan
-ta: (magac, dhedig, keli) qotonsanaan ama taagnaan. Saloognaanta suuqyadu uma wanaagsana macallimiinta. Dh: tubnaan.
saloognaan -ta: (magac, dhedig. keli) wax saloogan ahaan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qotobnaan
-ta: (magac, dhedig, keli) meel iska taagnaan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qotonnaan
-ta: (magac, dhedig, keli) wax qotoma ahaan; meel dhaqdhaqaaq la'aan iska taagnaan. Dh: gignaan, tigtignaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qoonsad
m.l la-mid: qoonsasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qoonsad
-ka: (magac, lab, keli) hadal ama fal ka xumaansho oo niyadda ka nicid. Dh: qoonsi.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qotonsi
m.l la-mid: qotonsasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qotonsi
-ga: (magac, lab, keli) dhaqdhaqaaq la'aan is taagid oo wax likaysan ahaan.
qotonsi-ga: (magac, lab, keli), eeg qotonsad.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qotonso
f.g/mg3 (-saday, -satay) 1. (f.g) Weel, qori iyo wixi lamida meel si joog ah u joojin. 2. (f.mg) Meel fadhiisasho ama istaagid (qof).
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
qotonso
v. stand something upright, put up, erect (for oneself)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qotonso
(fal) salka u aaso oo meel wax ku qotomi.
qotonso: (fal) adiga laftaadu sida qotinka isu taag. Dh: sarajoogso.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
qotonso
de: stand s.t. upright, put up, erect (for oneself)
lx: qotonso
nt: qotonsad (ka) [vn-m], qotonsasho (/da) [vn-f]
pd: (qotonsaday)
ps: v3a=tr
key: qotonso
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Xoonsan
Urursan; tuuran; shirsan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
xoonsan
xoonsan¹: f.mg1 (-amay, -antay; -ami) Wax meel ku uruursan ama tuursan noqosho.
xoonsan²: f.mg4 (-naa, -nayd) Wax meel ku uruuray ama tuursan ahaansho.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
xoonsan
xoonsan¹: f.mg1 (-amay, -antay; -ami) Wax meel ku uruursan ama tuursan noqosho. m.f.dh, xoonsamid.
xoonsan²: f.mg4 (-naa, -nayd) Wax meel ku uruuray ama tuursan ahaansho. m.f.dh, xoonsanaan.
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
xoonsan
(adj) gathered (gatheridh); packed (paakt); crowded (karaaw-dhidh) tuunsan, tuban
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
aqoonsan
f.mg4 (-naa, -nayd) Cid wax kale u citiraaftay ahaansho.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
aqoonsan
f.mg4 (-naa, -nayd) Cid wax kale u citiraaftay ahaansho. m.f.dh, aqoonsanaan.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
aqoonsan
der. [adjective] recognized (as someone ~ something)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
aqoonsan
(tilmaame) mid wax garanayo ama cid kale ictiraafsan.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
aqoonsan
de: recognized (as s.o. ~ s.t.)
lx: aqoonsan
pd: (aqoonsanaa)
ps: adj-der
see: aqoonso
key: aqoonsan
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qatinsan
f.mg4 (-naa, -nayd) Xoolo, muddo aan biyo cabbin ahaansho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qatinsan
(tilmaame) xoolo, muddo aan biyo cabbin ahaansho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qotanaan
-ta: (magac, dhedig, keli) eeg qodnaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qotonsanaan
m.f.dh eeg qotonsan. la-mid: qotonsanaansho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qotonsanaan
-ta: (magac, dhedig, keli) wax meel likaysan oo sare u taagan ahaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qobtolnaan
m.f.dh eeg qobtolan. la-mid: qobtolnaansho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Qotonsasho
(Qotonsasha-da)
Qoton isu taagid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qotonsasho
m.f.dh eeg qotonso. la-mid: qotonsad, qotonsi.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qotonsasho
-da: (magac, dhedig, keli) eeg qotonsad.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qombobsan
f.mg4 (-naa, -nayd) Wax qombobay ahaansho.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
qombobsan
f.mg4 (-naa, -nayd) Wax qombobay ahaansho. m.f.dh, qombobsanaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Qonbobsan
Wax qonbobay noqday; jactadan; kogsan.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
qonbobsan
der. [adjective] shrunken, shrivelled
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qonbobsan
(tilmaame) mid kogsan oo qallalan. Saan qonbobsan ayaa dibadda taal. Dh: engegan.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
qonbobsan
de: shrunken, shrivelled
lx: qonbobsan
ps: adj-der
key: qonbobsan
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qoqobnaan
m.f.dh eeg qoqoban. la-mid: qoqobnaansho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qoqobnaan
-ta: (magac, dhedig, keli) wax kala qoqoban ahaan; kala xidhnaan oo labo gaybood kala ahaan. Qoqobnaata aqalku waa asturaad.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
yohoonsan
f.mg4 (-oonaa, -oonayd) Wax yohoomay ahaansho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Qoton
(Qoton-ka)
Joog; dherer; taagnaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qoton
qoton¹: m.l 1. Joog; dherer, taagnaan. 2. la-mid: qotomid.
qoton²: f.mg1 (-omay, -ontay; -omi) Weel, iyo wixi lamida meel salka ku hayn.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
qoton
f.mg1 (-omay, -ontay; -omi) Weel, iyo wixi lamida meel salka ku hayn. m.f.dh, qotomid.
Qaamuuska Ereybixinta: Fisikis (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Qoton
Amplitude
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
qoton
v. be upright, perpendicular ~ vertical
qoton vl. n. state of being upright, uprightness, perpendicularity; elevation (of gun)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qoton
(fal) saray u taagnaw; si dhaqdhaqaaq la'aan ah u sara joog. Dh: gignaw.
qoton -ka: (magac, lab, keli) ceel saddexshub iyo in ka dheer biyihiisa loogu tego. Qotonka nin adag ayaa xoolo ka waraabin kara.
qoton -ka: (magac, lab, keli) sarajoog aan dhanna loo dhaqaaqin. Dh: taagni, sarajoog, gigni.
qoton -ka: (magac, lab, keli) joogga ugu dheer ee hirka jabaqeed; danabeed ama ilayseed leeyahay.
Ereybixinta Qalabka Farsamada Gacanta - Maxamuud Iimaan Aadan [1975]
Qoton
Lugaha shaygu ku istaago oo sugan. Qotimmada buufin-bireedka, miiska shaqada, birqallaca iwm.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Goosan
(Goosan-ka)
1. Dad isku dan ah oo dadweynaha iska xiga, xeer gaar ahna leh.
2. Qaybaha xoogga dagaallamaa u qaybsamo, mid yar oo kamid ah.
3. Ari xayn ah oo wadajir ariga kale uga go'a oo u hallaaba.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
goosan
goosan¹: m.l (-nno, m.dh) 1. Koox ari ah oo luntay. 2. Koox aan badnayn oo ciidan ah.
goosan²: f.mg1 (-smay, -santay; -smi) Qayb ari soofay ka mid ah lumid.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
goosan
m.l (-nno, m.dh) 1. Koox ari ah oo luntay. 2. Koox aan badnayn oo ciidan ah.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
goosan
der. [adjective] cut off; stray (animals)
goosan m. n. community, section of a population; division of an army, company, regiment; faction, group
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
goosan
-ah: (adj) wandering or lost, especially a domestic animal wandering about; stray (istareey). Ex: ari goosan ah; stray goats and sheep
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
goosan
(tilmaame) adhi kooban oo ciddiisii ka lumay. Idihii badhbaa goosan ah oo aan lahayn.
goosan-ka: (magac, lab, keli) wax isku yaallay, qayb laga soo jaray.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Moosan
La moosay.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
moosan
f.mg4 (-snaa, -snayd) Wax la moosay ahaansho.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
moosan
f.mg4 (-snaa, -snayd) Wax la moosay ahaansho. m.f.dh, moosnaan.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
moosan
der. [adjective] dammed
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
moosan
-moosnaa: (adj) embanked (em-baankidh)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
moosan
(tilmaame) maangad loo sameeyey ah; moos loo jeexay ah.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
moosan
de: dammed
lx: moosan
pd: (moosnaa)
ps: adj-der
key: moosan
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Qoolan
1. Qool ku jira; la qoolay.
2. (u-qoolan) Eeddu saaran tahay; wax ka mas'uul ah.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qoolan
qoolan¹: f.mg1 (-lmay, -lantay; -lmi) Xarig wax la qoolay noqosho.
qoolan²: f.mg4 (-lnaa, -lnayd) 1. Xarig wax la qoolay ahaansho. 2. U q.: qof, wax dhacay ama dhici doona dhibaatada ka timaada ka masuul ah ahaansho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
qoolan
der. [adjective] haltered, wearing a halter
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qoolan
(tilmaame) mid gool ku xidhan. Dh: xidhan.
qoolan: (tilmaame) mid eed saaran tahay, mid ee- daysan. Dh: xidhan.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
qoolan
de: haltered, wearing a halter
lx: qoolan
pd: (qoolnaa ~ qoollaa)
ps: adj-der
key: qoolan
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qooman
f.mg1 (-oonmay, -oomantay; - oonmi) Wax qooni gaartay noqosho (nafley).
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qooman
(tilmaame) mid qoon ama nabar gaadhay qoombi -ga: (magac, lab, keli) xubinta uu malaygu ka neefsado.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qoonsi
m.l la-mid: qoonsasho.
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
qoonsi
-ga: (n) offending (o-feendhing); displeasing or disagreeable —la qoonsan karo: (adj) offensive (o-feen-siv). Ex: hadal la qoonsan karo buu yiri; he made an offensive remark
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qoonsi
-ga: (magac, lab, keli) eeg qoonsad.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qoonso
f.g3 (-saday, -satay) Wax dhibsasho.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
qoonso
f.g3 (-saday, -satay) Wax dhibsasho. m.f.dh, qoonsasho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
qoonso
v. be dissatisfied ~ disappointed in; take offense at
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
qoonso
-qoonsaday / qoonsatay: (v) feel displeased or be disagreeable to.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qoonso
(fal) ka xumaw oo niyadda ka nac. Dh: kaho, nebcayso, genso.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
qoonso
bw: genso
de: be dissatisfied ~ disappointed in; take offense at
lx: qoonso
nt: qoonsasho (/da) [vn-f]
pd: (qoonsaday)
ps: v3a=tr
key: qoonso
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Qooqan
Qooq hayo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qooqan
f.mg4 (-qnaa, -qnayd) 1. Xoolo lab wax qooq hayo ahaansho. 2. Dugaag ama halaq wax dad cun ah ahaansho. 3. Qof kibir badan ahaansho. 4. Gabar wax galmo u baahan ahaansho.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
qooqan
f.mg4 (-qnaa, -qnayd) 1. Xoolo lab wax qooq hayo ahaansho. 2. Dugaag ama halaq wax dad cun ah ahaansho. 3. Qof kibir badan ahaansho. 4. Gabar wax galmo u baahan ahaansho. m.f.dh, qooqnaan.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
qooqan
der. [adjective] in rut (of male camel); sexually aroused (man) {rude}; on a rampage, wild
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
qooqan
qooqnaa / qooqnayd: (adj) estrus (es taras); be in rut; a period of mammalian sexual activity, especially for a male camel
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qooqan
(tilmaame) mid qooq hayo, mid guurdoon ah. Nin qooqan ayaa gabadh loo doonayaa.
qooqan: (tilmaame) aad u kibirsan. Dh: kibirsan.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
qooqan
de: in rut (of male camel); sexually aroused (man) {rude}; [fig.] on a rampage, wild
lx: qooqan
pd: (qooqnaa)
ps: adj-der
key: qooqan
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Qooxan
Sida qaansada u godan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qooxan
f.mg4 (-xnaa, -xnayd) Qof wax is qooxay ahaansho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
qooxan
der. [adjective] bent (over), bowed, stooping
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qooxan
(tilmaame) sida qaansada u godan. Dh: godan, xooda.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
qooxan
de: bent (over), bowed, stooping
lx: qooxan
pd: (qooxnaa)
ps: adj-der
key: qooxan
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Toosan
1. Aan qalqallooc ku jirin.
2. Wanaagsan; hagaagsan; qumman.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
toosan
f.mg4 (-snaa, -snayd) 1. Wax aan qallooc ama leex-leexad lahayn ahaansho. 2. Wax aan qalad lahayn ahaansho.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
toosan
f.mg4 (-snaa, -snayd) 1. Wax aan qallooc ama leex-leexad lahayn ahaansho. 2. Wax aan qalad lahayn ahaansho. m.f.dh, toosnaan.
Qaamuuska Ereybixinta: Fisikis (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Toosan
Linear
Qaamuuska Ereybixinta: Xisaab (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Toosan
Straight