qosolgariirid
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qosolgariirid
m.f.dh eeg qosolgariir².
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qosolgariir
qosolgariir¹: m.l Qosol naxdin iyo yaxyax keenaan.
qosolgariir²: f.mg1 (-ray, -rtay) Naxdin iyo yaxyax awgood la qoslid.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
qosolgariir
m. n., [compound] titter, nervous laugh ~ laughter
qosolgariir v. laugh nervously, titter
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qosolgariir
-ka: (magac, lab, keli) qosol naxdin iyo yaxyax keenaan.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
qosolgariir_1
de: titter, nervous laugh ~ laughter
hm: 1
lx: qosolgariir
pd: (-ka)
ps: n-m-cmp
key: qosolgariir_1
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
qosolgariir_2
de: laugh nervously, titter
hm: 2
lx: qosolgariir
pd: (qosolgariiray)
ps: v1=intr
key: qosolgariir_2
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
qosol
qosol¹: m.l Cod gaar ah oo ay dadku sameeyaan marka ay faraxsanyihiin iyagoo ilkaha caddaynaya.
qosol²: f.mg1 (-slay, -soshay; -sli) 1. Ilkacaddayn, iyo cod isku darid farxad awgeed. 2. Ku q.: cid ku jeesjeesid. m.f.dh, qoslid.
qosolgariir¹: m.l Qosol naxdin iyo yaxyax keenaan.
qosolgariir²: f.mg1 (-ray, -rtay) Naxdin iyo yaxyax awgood la qoslid. m.f.dh, qosolgariirid.
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
qosalgariir
-ay / tay: (v) laugh in a restrained, nervous way; laugh nervously
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Gasariirid
°(Gasariirid-da)
(qof) jimicii iyo raxmaddii ka dhammaatay oo aan waxba ka nixin; dadka colaadda, islaynta iyo isnebcaanta ku dhex dhasha oo ku dhex kora oo qiimaha dadnimadu qalbigooda ka tirantay oo kale noqosho (ama geseriirid).
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
gasariirid
gąsariirid: m.f.dh eeg gąsariir². la-mid: geseriirid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
gasariirid
-da: (magac, dhedig, keli) qof naxariistii iyo jimicii ka dhammaatay oo aan waxba ka nixin noqosho. Dh: geseriirid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qoordiirid
m.dh la-mid: qoordiidid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Saxariirid
(Saxariirid-da)
Saxariir arkid, mudasho, la kulmid; silcid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
saxariirid
m.f.dh eeg saxariir².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
saxariirid
-da: (magac, dhedig, keli) dhibaato aad u daran marid. Dh: silic, rafaad.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
xoolatirid
m.f.dh eeg xoolatir.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xoolatirid
-da: (magac, dhedig, keli) caydhayn oo xoolaha ka dhammayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Yoolgaarid
(Yoolgaarid-da)
Guntii gaarid; salgaarid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
yoolgaarid
m.f.dh eeg yoolgaar². la-mid: yoolgaar¹.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
foolcararid
m.f.dh eeg foolcarar². la-mid: foolcarar¹.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
foolcararid
-da: (magac, dhedig, keli) eeg foolcarar.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qoolaambiyid
-da: (magac, dhedig, keli) socod hareeraha la eegayo oo kolba dhan firfirinayo. Dh: daymadaymood.
Qaamuuska Ereybixinta: Barbaarinta Jirka (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1984]
qoor gariiradayn
neck spring
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
anfariirid
m.f.dh eeg anfariir². la-mid: anfariir¹.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
anfariirid
-da: (magac, dhedig, keli) argagax iyo cabsi qabid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhulgariir
dhulgariir¹: m.l (-rro, m.dh) Ruxashada dhulka ka dhacda oo dushiisa dildillaac u yeesha oo burbur iyo waxyeello badan keenta.
dhulgariir²: m.l (-rro, m.dh) (jooloji) Dhaqaaqa ama jaraynta oogada dhulka oo ku billaabata si dabiici ah, kana billaabata meel ka hooseysa oogada dhulka. Mararka qaarkood dhaqaaqaasi wuxuu u keenaa isbeddel waara heerka sinnaanta dhulka.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
dhulgariir
dhulgariir¹: m.l (-rro, m.dh) Ruxashada dhulka ka dhacda oo dushiisa dildillaac u yeesha oo burbur iyo waxyeello badan keenta.
dhulgariir²: m.l (-rro, m.dh) (jool.) Dhaqaaqa ama jaraynta oogada dhulka oo ku billaabata si dabiici ah, kana billaabata meel ka hooseysa oogada dhulka. Mararka qaarkood dhaqaaqaasi wuxuu u keenaa isbeddel waara heerka sinnaanta dhulka.
Qaamuuska Ereybixinta: Fisikis (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Dhulgariir
Earthquake
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
dhulgariir
m. n., [compound] earthquake
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
dhulgariir
-ka: : (n) earthquake (eerth-kuweek)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dhulgariir
-ka: (magac, lab, keli) gilgilashada dhulka ee ka dhalata xuuraanka obocdiisa oo keenta qaabdoorsanka biyoosfeerka.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
dhulgariir
de: earthquake
lx: dhulgariir
pd: (-ka)
ps: n2-m-cmp
key: dhulgariir
Qaamuus Soomaali-Carabi oo Kooban - Cabdirisaaq Maxamed Cilmi Ina-Warfaa [2007]
dhulgariir
زَلْزَالَ
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Geseriirid
(Geseriirid-da)
Gasariirid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
geseriirid
m.dh la-mid: gąsariirid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qoolaabmid
m.f.dh eeg qoolaaban¹.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qoolaabmid
-da: (magac, dhedig, keli) eeg qalloocsamid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qoordiidid
m.f.dh eeg qoordiid². la-mid: qoordiirid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Saxariirin
(Saxariirin-ta)
Saxariir tusid, badid; silcin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
saxariirin
m.f.dh eeg saxariiri.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
saxariirin
-ta: (magac, dhedig, keli) aad u dhibaatayn, rafaadin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
saxartirid
m.f.dh eeg saxartir.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
saxartirid
-da: (magac, dhedig, keli) turxaanbixinta arrin ama talo.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xoolatiris
-ta: (magac, dhedig, keli) xoolaha ka dhammayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
gogolxaarid
m.f.dh eeg gogolxaar.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
gogolxaarid
-da: (magac, dhedig, keli) gogoldhigad; ararasho; gogoldhigasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
hanfariirid
m.f.dh eeg hanfariir².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hanfariirid
-da: (magac, dhedig, keli) didid; sasid; argaggixid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qayladdirid
m.f.dh eeg qayladdir.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qaylaroorid
m.f.dh la-mid: qaylaroor².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qoodaaliyid
-da: (magac, dhedig, keli) qoorta la laacid oo eegid. Qoodaaliyidda aqalladu ma fiicna. Dh: qooraansiyid, qoollaaliyid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qoorkaddiid
m.l la-mid: qoorkaddiidid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qoorkaddiid
-ka: (magac, lab, keli) diidmo; nacayb.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
yoolgaadhid
-da: (magac, dhedig, keli) (ka ~) ka gungaadhid; ka salgaadhid; yoolgaarid. Yoolgaadhiddeedii la rabay rag baa carshacarsheeyey Dh: gungaadhid, yoolgaarid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
beenxariirid
-da: (magac, dhedig, keli) been sheegid oo aad u qurxin. Beenxariirid badanaa beladu ma beri buu ka yimid.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
goboldabiici
m.l (-llo ..., m.dh) (juqraafi) Meel gudaha xuduuddeeda ay ka jiraan darajo sare ee mid ahaansho qaabeed, marka la bar-bar dhigayo meelo kale, ha ahaato xagga kala sarraynta, cimilada, degaanka, sidaas darteed ilaa xad mid ahaansho qaabeed ee xagga dhaqaaqa dadka.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qaalgaroobid
-da: (magac, dhedig, keli) qaaliyoobid: wax qiimo sare leh noqosho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qoollaalliyid
m.f.dh eeg qoollaalli². la-mid: qoollaalli¹ (1).
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qoollaalliyid
-da: (magac, dhedig. keli) eeg qoodaaliyid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qoorkaddiidid
m.dh Diidmo; nacayb. la-mid: qoorkaddiid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qoorkaddiidid
-da: (magac, lab, keli) wax diidmo ka muujin.